Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kadib booqasho la naawilayay inta muddo ah. Booqashada ayaa dabo socda heshiis ay maalmo kahor Muqdisho ku kala saxiixdeen taliyeyaasha ciidamada iyo hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas ayaa yimid kadib is-afgarad uu garwadeyn ka ahaa madaxweynaha dowladda Turkiga oo ay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku kala saxiixdeen Ankara, iyo booqashooyin xigay oo madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Addis Ababa. Heshiiska Ankara ayaa lagu dhameeyay khilaaf Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiis kale oo ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ku heleysay saldhig ciidan iyo marin toos ah oo badda ah, iyada oo ay Itoobiya noqon lahayd dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Halkan ka akhri warar kale oo la xiriira khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradka Addis iyo Hargeysa Qaran News
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa haatan ka qayb galaya shirweyne muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo laga siiyay maqaam weyn oo dowladeed. Shirka ka socda Addis Ababa, oo ah midka dhalinyarada ee Afrika, ayaa lagu casuumay Somaliland, iyada oo loo maamuusay sida dowlad oo kale, taas oo hadal-heyn dhalisay. Sidoo kale, calamada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa garba siman loo dhigay goobta uu shirka ka socdo, halkaas oo ay yaallaan calamada dalalka Afrika ee ka qayb galaya shirka. Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn u qabsaday internet-ka, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ka dhalatay maqaamka sare ee loo sameeyay Somaliland. Waa markii labaad oo ay arrintan dhacdo, iyada oo dhowaan sidoo kale Imaaraadka Carabta uu dal ugu yeeray Somaliland, taas oo dhalisay carro xoogan. Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo ay uga jawaabayso arrintaasi. Imaaraadka Carabta ayaa xilligaas ku casuumay madaxweynaha Somaliland Shirka Dowladaha Adduunka ee Abu Dhabi ka dhacay, iyada oo la siiyay darajada madaxweyne dal. Kadibna, waxaa xigtay in wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu maanta soo gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal. Xiisad diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed. Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Shir kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho. Shirka labada Hoggaamiye ayaa sida Vill Somalia sheegtay waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen “Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.” “Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku bogaadiyey Ra’iisul Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka ,islamarkaana uu ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo Shir ku saabsan iskaashiga labada dal ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Ogaysiis ogaysiis ogaysiis. Dadka Somaliland u safraya ee caalamka ka soo dhoofaya wax iska beddelay ma jiraan socdaalkii ay diyaaradaha ku raaci jireen waa sidiisii. Dadka gaar ahaan Ingiriiska ka dhoofayaa waa caadi safarku waxba ismay beddelin. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  5. Qarax ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Cali Goleey ee degmada Kaxda ayaa sababay dhaawaca lix qof, oo labo ka mid ah ay yihiin dumar. Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa ku dhow fadhiisin ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliyeed. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo. Degmada Kaxda ayaa marar badan la kulantay weerarro iyo qaraxyo ay fuliyeen kooxda Shabaab, kuwaas oo inta badan beegsada ciidamada ammaanka iyo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan. Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay howlgallo lagu sugayo nabadgelyada, ma jirto cid wali gacanta lagu soo dhigay. Source: goobjoog.com
  6. MOGADISHU, Somalia—Somalia and Ethiopia have reaffirmed their commitment to strengthening diplomatic, economic, and security ties to stabilize their often-tense relationship. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu for talks aimed at rebuilding trust between the neighboring nations. The visit comes amid ongoing disputes over Ethiopia’s push for maritime access and growing regional security concerns. In a joint statement following the meeting, both leaders underscored their commitment to “building trust through enhanced diplomatic, economic, and social cooperation,” calling their countries “interdependent nations with a common destiny and a shared vision for regional stability and prosperity.” Resetting relations after a period of strain Tensions between Somalia and Ethiopia have been high since Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland in January 2024, seeking access to the Gulf of Aden. Somalia rejected the deal as a violation of its sovereignty, while Ethiopia insisted it was essential for its economic future. Despite these disagreements, the Mogadishu meeting was framed as a step toward renewed cooperation. “Both sides reiterated their determination to work together in advancing common interests, promoting peace and security, and deepening bilateral relations for the well-being of their citizens and the broader Horn of Africa region,” the communiqué stated. Security remains a central concern for both nations, particularly given the ongoing threat of Al-Shabaab. The leaders welcomed recent military understandings between the Somali National Army (SNA) and the Ethiopian National Defense Forces (ENDF), describing them as “a critical step toward enhancing security cooperation and fostering stability in the region.” Ethiopia has played a significant role in Somalia’s fight against Al-Shabaab, contributing troops under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). However, political tensions in recent months have raised concerns about the future of this military partnership. The reaffirmation of cooperation signals that both sides recognize the necessity of maintaining security collaboration despite political differences. Infrastructure and economic cooperation Beyond security, economic development was also high on the agenda. The statement highlighted plans for “strategic infrastructure projects to ensure sustainable development, economic integration, and strengthen people-to-people ties.” Landlocked Ethiopia has sought alternative port access beyond Djibouti, its primary maritime gateway, fueling concerns in Somalia. While the Somaliland agreement remains a major sticking point, the two governments appear to be looking for ways to cooperate economically while respecting Somalia’s territorial integrity. Improved trade routes, road networks, and cross-border cooperation could help alleviate some economic tensions, provided both sides can agree on terms. The leaders also supported the Ankara Declaration, which set the stage for technical discussions to resolve disputes diplomatically. They welcomed the start of negotiations in Ankara, seeing them as an opportunity for “constructive dialogue and cooperation.” While the details of these discussions remain unclear, analysts believe they could provide a framework for addressing Ethiopia’s maritime aspirations and Somalia’s sovereignty concerns. However, it remains to be seen whether these talks will lead to a concrete resolution. The Mogadishu meeting suggests that both nations will engage diplomatically rather than let tensions escalate further. However, significant challenges remain. Ethiopia’s ongoing pursuit of a port deal and Somalia’s insistence on protecting its sovereignty could continue to strain relations.
  7. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed reaffirmed their commitment to strengthening diplomatic and economic ties during a high-level meeting in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met in Mogadishu on Thursday to reaffirm their nations’ diplomatic, economic, and security commitments as geopolitical tensions continue to shape the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa goor dhoweyd soo saaray bayaan wadajir ah, kadib booqashada uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Bayaankan wadajirka ah ayaa marka hore lagu sheegay in imaatinka Abiy ee Muqdisho uu ka dambeeyo wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal. Bayaanka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in labada dal ay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. “Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, waxaa lagu yiri: “Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.” Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran: Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, inta uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya. Booqashadan waxay ka dambeysaa wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal. Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan. Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada. Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal wadajir ah iyo aragti isku mid ah oo ku saabsan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyada oo laga duulayo ruuxaasi, labada hoggaamiye waxay muujiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan fulinta mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha si loo xaqiijiyo horumar waara, isku-dhafnaanta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka dadweynaha. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen bilowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida ku xusan Baaqa Ankara, iyagoo muujinaya ballan-qaadkooda ah inay sii wadaan wadahadallo wax-ku-ool ah iyo iskaashi. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen fahamka laga gaaray is-afgaradka u dhexeeya Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF), iyagoo aqoonsaday inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo abuurista xasillooni gobolka. Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
  10. Several mortars were fired toward the airport in the Somali capital, as the city prepares for a visit from Ethiopian Prime Minister, local media reported. Source: Hiiraan Online
  11. war murtiyeed hordhac ah ayaa laga soo saaray kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray ra’iisul wasaaraha dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna war saxaafadeedka laga soo saaray kulan madaxda labada u qornaa sidan: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay H.E. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya. Booqashadan ayaa daba socota hawl gal xiriir ah oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa sidii caadiga ahayd xiriirkii laba geesoodka ahaa ee labada dal. Labada mas’uul ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac. Iyagoo garwaaqsan xidhiidhka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabkooda iyo xuduudka la wadaago ee isku xidha, waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsoonida iyada oo la xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo bulsho. Itoobiya iyo Soomaaliya waa wadamo isku xiran oo leh masiir guud iyo aragti wadaag ah oo ku aaddan xasilloonida gobolka iyo barwaaqo. Niyaddaas, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda kaabayaasha istaraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgalka dhaqaale iyo xoojinta xiriirka dadka iyo dadka. Sidoo kale, labada mas’uul ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada farsamo ee ka furmaya Ankara, sida lagu heshiiyey Baaqii Ankara, iyagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay wada-hadal iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah. Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen isfahamka dhex maray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), iyagoo u aqoonsaday in uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadista iskaashiga amniga iyo kobcinta xasiloonida gobolka. Labada dhinac waxay ku celceliyeen inay ka go’an tahay inay iska kaashadaan horumarinta danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo sii xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee daryeelka muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika”. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda federaalka. Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga falceliyay labiska uu soo xirtay Abiy Axmed, kaasoo ahaa futo-shaari isku joog ah oo midabkiisu cad yahay, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, inkastoo kooxda hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Sheekh ay iyaguna qaadeen tallaabo kale oo cajiib ah. Madaxweynaha ayaa isna soo xirtay futo-shaari isku joog ah, isaga oo sidaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uguna tegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dadka ka falceliyay arrintan waxaa kamid ah siyaasiyiin iyo dad kale oo wax ku qora baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka bixiyay labiska Abiy ee doodda dhaliyay. Cabdinuur Maxamed, Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa yiri: “Kooxda Hab-maamuuska Madaxweynaha si fiican ayay saaka u shaqeeyeen. Ninkii futo-shaari kuu soo qaato, adigana mid u soo tolo.” Mahad Xasan Saney: “Tolmo ahaan iyo midab ahaanba kan madaxweynahaynaa shidan.” Cabdifitaax Xaaji Dirir: “Adigoo masaajidka jooga sow taad na dhahday Itoobiya waa cadow, Madaxweyne?” Cabdiqaasim Maxamed Sheekh Aadan: “Protocol-ka Madaxweyne HSM maanta waa fadhiyaa.” Mahdi Diiriye: “Itoobiya waa cadow, waxa noo xigtay Afrika waa ilmo adeer.” Aweys Sheekh Cabdiraxmaan: “Sidee lagu ogaaday inuu futo-shaari soo qaatay?” Maxamed Abuukar Guutaale: “Wax walba waan naqaan ayaa laga wadaa, waa body language.” Xasan Kaalmoy: “Odeygan futo-shaari-ga noo soo qaatay sidii inuu u socdo Oromia Region, ma la waayay Madaxweyne Soomaaliyeed oo Itoobiya dhar Sports Somalia u qaata?”
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa. Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. “Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo gaar ah xarunta madaxtooyada kulan yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya. Imaashaha ra’iisul wasaare Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.
  14. Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa saaka oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Ka hor inta aysan soo caga-dhigan diyaaradda siday Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxaa la maqlay hoobiyaal ku soo dhacay nawaaxiga garoonka, waxaana is qabsaday dhawaqa digiinta bixiya, sida ay sheegeen Suxufiyiintii ku sugnaa garoonka, inkasoo aysan laamaha amniga wax war ah ka soo saarin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Ethiopia, Abiy Ahmed, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyin badan ayaa la xiray, iyadoo duulimaadyada la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo qeybo ka mid ah kuwa dibadda, marka laga reebo diyaaradaha Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines. PUNTLAND POST The post Hoobiyaal lagu weeraray garoonka Muqdisho xilli uu ka dagayay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya. Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada. Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya. Si kastab, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
  16. Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel. Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa xaqiijiyay in saaka Ciidamada dowladdu la wareegeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobihii ay u soo carareen firxadka mileeshiyaadka ISIS ee ku soo jabay dagaalkii lagaga saaray togga Jeceel. “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka saaray Ceelka Dharin ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya. Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen. Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) – Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Mogadishu on Thursday for high-level talks with Somali President Hassan Sheikh Mohamud, marking a pivotal moment in the nations' diplomatic relations following months of strained ties. Source: Hiiraan Online
  19. The President of the Republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), accompanied by senior government ministers and high-ranking officials, held a high-level meeting today with key international development partners. Representatives from the European Union (EU), the United Kingdom (UK), the United Nations (UN), Canada, and the United States (USA), along with officials from various international organizations actively involved in development efforts, participated in the discussions. According to the Presidential Palace, President Irro expressed his deep gratitude for the continued support provided by the international community. He underscored the significance of these partnerships in advancing Somaliland’s development agenda and emphasized the need for greater collaboration to achieve long-term socio-economic progress. The discussions focused on aligning key development initiatives aimed at boosting Somaliland’s economy, strengthening social development programs, and fostering sustainable growth. The President highlighted Somaliland’s unwavering commitment to international cooperation, security, democracy, and stability, urging development partners to enhance their engagement with Somaliland. This diplomatic engagement signals renewed international acknowledgment of Somaliland’s stability and democratic governance. The discussions reaffirmed the global community’s appreciation of Somaliland’s peaceful political landscape, economic potential, and strong governance structures. A New Era of Somaliland Diplomacy By proactively engaging with world powers and development agencies, President Irro has positioned Somaliland as a reliable and responsible international partner. This marks a departure from the previous administration’s rigid diplomatic stance, which had caused frustration among some international stakeholders. Under Irro’s leadership, Somaliland is now embracing a more open, pragmatic, and cooperative foreign policy approach. President Irro’s diplomatic outreach has quickly gained momentum, winning the trust of major international players. In just a short period since taking office, he has demonstrated a progressive and inclusive approach to governance, prioritizing diplomacy and economic partnerships. His commitment to building stronger ties with influential global actors represents a positive shift that could unlock new opportunities for Somaliland’s recognition and development. To commemorate the strengthened relationships, President Irro personally presented symbolic gifts to each member of the visiting delegation. These gestures reflected Somaliland’s appreciation for international cooperation and its aspirations for deeper engagement with the global community. President Irro’s efforts to rebuild and enhance Somaliland’s international relations represent a significant step forward in attracting global support for the nation’s development and diplomatic aspirations. His leadership is shaping Somaliland’s image as a stable, democratic, and forward-thinking nation that is open to global partnerships and investment. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo kusoo jeedo Soomaaliya, kadib casuumaad uu ka helay dowladda federaalka. Ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyay, iyada oo dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diyaar u ah inay xaqiijiyaan amniga guud, maadaama uu imaanayo wafdi culus, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo guud. Sidoo kale waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya. Sawirrada Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu dhajiyay bartamaha magaalada, iyada oo soo dhaweyn heer sare loo sameynayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Labada mas’uul ayaa ku kulmi doono xarunta Villa Soomaaliya oo saaka laga dareemayo mashquul xooggan iyo u diyaar garowga imaanshaha Abiy Axmd. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmo doono madaxweyne Xasan, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiska ay dhowaan gaareen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya. Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM
  21. Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah. Weerarka ayaa bilowday abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyada Al-Shabaab ay beegsadeen fariisimaha ciidamada, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay u suuragashay inay gudaha u galeen qaybo kamid ah degmada, waxaana lasoo wariyay inay tageen saldhigga Balcad, ayna sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi. Waxyar kadib waxaa sidoo kale degmada gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo isla markiiba magaalada laga saaray Shabaabkii soo weeraray, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashir u dhigeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka weeraray degmada Balcad. “Ciidamada ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo saaka gashay xaalad adag. Shabeelaha Dhex waxaa haatan xoogga soo saaray Khawaarijta iyada oo labadii todobaad ee ugu dambeysay weeraro culus ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolkaas.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku guuldarreystay in uu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Kaliya 137 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhiga, iyadoo labo xubnood ay ka maqnaayeen tiradii sharciga aheyd si kulanka uu u qabsoomo. Guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u dhaliilay maqnaanshaha xildhibaannada, gaar ahaan kuwa dalka ka maqan, wuxuuna uga digay in haddii ay sii wadaan maqnaanshahooda, magacyadooda si rasmi ah loo shaacin doono. “Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe. “Xildhibaanadu waa in ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan. Maanta, kuwa maqnaa waxay si toos ah u hakad geliyeen shaqadii Baarlamaanka. Haddii tani sii socoto, waxaan bilaabi doonaa in aan magacyadooda shaaciyo.” Xiisadda siyaasadeed oo cirka isku shareertay Fashilka fadhiga baarlamanka ayaa yimid xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan, iyadoo la sheegay in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ka hor inta aan la baajin kulanka. Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee dalka. Kooram la’aanta ayaa muujisay caqabadaha ballaaran ee ka taagan nidaamka sharci-dejinta Soomaaliya, kaasoo la daalaa dhacaya maqnaansho baahsan iyo is qabqabsi siyaasadeed. Bishii hore, guddoonka labada gole ee baarlamanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay kusoo laabtaan Muqdisho ka hor furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamanka 22-ka Febraayo, iyagoo ka digay in maqnaansho dheeri ah ay hakad gelin karto shaqooyinka sharci-dejinta ee muhiimka ah. Baaqan ayaa yimid xilli mucaaradka ay dareemayeen cadaadis isa soo taraya, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ay ku hanjabeen in ay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii baarlamanka la hakiyo. Xildhibaannada mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo howlaha sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka oo la furay Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka, oo si rasmi ah uu u furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 22-ka Febraayo, waxaa diiradda lagu saari lahaa arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii dalka loogu gudbin lahaa nidaamka doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku ammaanay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dib u dhiska Ciidanka Cirka iyo Badda ee Soomaaliya, iyo qorshaha dhismaha xarunta ugu horreysa ee gantaallaha satellite-ka laga bilaabo dalka, taasoo uu ku tilmaamay horumar taariikhi ah oo u horseedi kara Soomaaliya guulo waaweyn. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamanka ayaa caqabad ku noqday ajendayaasha sharci-dejinta, iyadoo xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada mucaaradka iyo dowladda ay sii xumaatay. Arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, maalgelinta amniga, iyo wax-ka-bedelka dastuurka ayaa wali ah mowduucyo la isku haysto, kuwaasoo sii wiiqaya shaqada Baarlamaanka. Iyadoo caqabadaha kourum la’aanta iyo khilaafaadka gudaha ay sii kordhayaan, waxaa la is weydiinayaa siduu baarlamanku u gudan karo waajibaadkiisa, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in fowdada siyaasadeed ay horseedi karto xasillooni darro xagga dowladnimada ah bilaha soo socda.
  23. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay saaka waaberigii hore iska caabiyeen weerar ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaaday degmada Balcad. Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyey in degmada Balcad ay si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ka hortagay isku dayga Al-Shabaab ee dib u qabsashada magaalada. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa kordhisay isku dayada ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga hortagay weeraradaas, iyagoo gaarsiiyay kooxda khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab ee gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayay inay weeraro ku qaadaan deegaanno muhiim ah. Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaadiidkii dagaalka ee kooxda, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa gobolka laga xoreeyo. Xaaladda degmada Balcad ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weeraro kale oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaado deegaannadaas. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) – Five African nations, including three of Somalia’s neighbours, will deploy a total of 11,900 troops under the African Union’s new Somalia Mission (AUSSOM) to stabilize and counter Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online