Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Everything posted by Barwaaqo

  1. Galbeedi Laba mid yeel, tag dalkii oo u sheeg dadkeena sida ay u bedelaan sida ay u nool yihiin. Fikradaa SOL ku soo bandhigideeddu waa biyo col dhaanshay! Hadaanad dalkii tegi karin dad sidaa yeela siminaaro u fur oo fikradaa ha la tijaabiyo.
  2. Ma ma anaa cadkayga cayaar lagu cunaa, cadoow waa maalin. http://www.tradeadvocacyfund.com/taf-news/taf-supports-government-of-somaliland-in-key-trade-talks-with-neighbouring-ethiopia
  3. Silaanyo dhaliil ma diidin Somaliland kala gurkeeda doonimaayo Horta ina ayaad tahay? Ma harag shabeel baad huwan tahay? Hada Caaqillo ayaa meelaha codaynta jooga.
  4. Geesiga birta ahe baaruudda qaraxdiyo birtu aanay karinoow (xaga qalinka) boqolaal sanoo tegay bahalkii ku cuni jiray....... Yaa haya taariikhda Adal?
  5. Galbeedi Wax la raaja rag kuma sama soo dadaji.
  6. Beentu lug kaliya ayey leedahay lugtaa marka la qabta way dhacdaa, buluq hayaay! http://solaportal.com/Archive/2016/2/56solaportal
  7. Saxid, dawadda lama gaadhayo Ayaan u jeeday
  8. Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawladda lama gaadhayo, waa maahmaah Somaliyeed.
  9. Erayadda gabaygaa ku jira Hal macnahoodda dhuuxa. Hadaad doonayso inaad afsomaliga si fiican u barato suugaanta Somalidda ee qaniga ah dib ugu noqda. https://m.youtube.com/watch?v=466LDMw_EVk&time_continue=278&ebc=ANyPxKoZW8-2eJg8T9rl90xa4MJmS15Hkg0x0Po3ZFTv5T2xgnyAOJNw2O63asEoE_37_G5dO0k_9xGmzqZfRAFJHfQFFFk9ZQ
  10. Galbeedi Wali waxaan sugayaa inaad su'aasha Alpha ka jawaabto.
  11. Galbeedi Dalkan cidi kaaga sheekayn mayso oo 25 sano ka hor daar taagani ma jirin meel walbana miinaa ku jirtay,dadkuna qoxooti kaba la' bay ahaayeen. Maansha Allah maanta dhibaatadaa waa laga soo doogaya. Magaaladda Hargaysi way weynaatay riigaggii hore u jirayna ma kafayn karaan baahideedda. Hada waxa socda mashruuc biyo galin ah. Waa loo baahan yahay in la dhiso xafiisyo ay wasaaraduhu yeeshaan,building nadaasuna waa hanti qaran intii dhismahoodu socdayna,shaqaaba laga helay. Dadka Maandeeq u tafaxaytay/guntaday way dareemayaan baahiyaha dalkoodda ka jira, roodhiday dadkoodda la cunaan, sidii cake loo wada cuni lahaana way ka shaqeeyaan. Bal hadaba Galbeedi dalka waynu wada leenahayee dhinacaaga ka duuli.
  12. Galbeedi Salaan Ind Dacaayadda odayga laga sheego run ha moodin, ma waxaad u malaynaysaa in nimankan wada kursi doonka ahi ay caano u lisi lahaayeen? Odaygu farsomaliga akhrintiisa waxa uu kaga fiican yahay ka englishka,taana waxaan u malaynayaa inuu just X,c,iyo w uun bedelay eenu waligii dhigan farsomaliga halka uu si qurux badan u akhriyo far Ingriiska . Qudbadihiisa English ka ah raadi oo is barbar dhig. My other half ayaan booqday oo ka mid ah ragga Somaliland duuliya ee business uma tegin. Hargeysa ilaa Caynaba ayaan socday,dalkuna aad buu u xasiloonaa . Caana geel waan ka soo dhergay.
  13. Galbeedi Salaan ka bacdi, waan ku faraxsanahay xaqiiqdda inaad ogaatay. Hadaba waxa loo baahan yahay in sidii wax loo sixi lahaa loo guntaddo/ tafaxayto. Baryahan waxaan warbaahinta Somalidda ku arkaa qaar qoraya nin hebel baa shaqadaa u Tafa-xaytay; war ragu wuu guntadaa ee ma tafaxayto. Saadaalintaad saadaalisey in Silaanyo shaqadda uga tegi doono caafimaad darro,horta Alle ayaa og balse odayga Sumerkii baan saacad in ku dhow la joogay walee waad yaabi caafimaadkiisa maansha Allah, islaantiisuna cuntadiisa siday u ilaaliso waad yaabi. Odaygu indoor swim ayuu maalin iyo habeen ku dabaashaa,Amina Waris ayaa shaqadaa caafimaadka u qaabilsan.
  14. Maxaa loogu ciyaarayaa xubinta dumarka ee taranka? War isku xishooda. Mar waa dariiqii aad soo marteen markaad dunida imanayseen, marna waydinka 24/7 ku fakaree! Yaa leh xoogiina iyo xoolihiina...?
  15. Galbeedi iila hadal eegaa;cimri,cilmi iyo waayo eegaa. Nafyahay ama jiidh ama joog jar baa kaa horeeyee! Ka joog baan ku leenahay oo caqli keen.
  16. Maansha Allah, Ahmed yaasiin waa aftahan gartiisa walee gole ka sheegtay. Waan hubaa in badani inay hadakiisa ka garowday. Hadaladiisu qabigay ka imanayaan ma aha mala awaal meel laga akhriyo. Reer Awdal waa lafdhabarkii iyo siidhi walihii Somaliland, waana in dagdeg wax looga qabto cabashadooda. Galbeedi, kaftan inaadeer qolyahan lagu jeclaysiiyey, miyaad iskala degi mise biriig hawada mara ayaad dhisan.
  17. Anigu Waxaan u malaynayaa in aan caruurteena si khalad ah ugu korino qurbaha. Hablaheena wax kasta waxaan ugu sheegnaa waa xaaraan-xitaa Waxaan xaraan ahayn, balse waalidku rabo in aanay inantu samayn, xaaraanta iyada la garay oo waa waajib ina saaran in aan u sheegno. maskixiyana ma korino. Dhaqnkii aan lahayn een ku soo koray looma shego. Habluhu haday schoolka hortiisa kaaga soo horbaxaan iyaga oo classmatekooda la socda way is qariyaan iyagoo ka baqaya wax ayaa laydinka sheegi, hada dariiqa unbaa kulmiyey caruurtay la socdaan.
  18. Dadka reer Boorama ilbaxnimadooda iyo xadaaradooda bal halkan ka dhugo/fiirso
  19. Boorame iyo nawaaxigeedu waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan dhulka Somaliland. Dadka reer Boorame waxaan aaminsanahay inay yihiin dadka somalida ugu cilmi iyo xadaaradba fog. Xadaarada iyo nabad jeclaantoodu waa taa dhulkoodiina dhistay Somaliland u horseeday in Boorama noqoto halkii dawladnimadeeda lagu dhisay.