Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Everything posted by Barwaaqo

  1. Kaa socon mayso dacaayadaadda raqiiska ahi. Adigaa abuuray alshadaadiin, Godane soo dhawaystay, waxaad rabtay in uu jiritaankayga wiiqo, sir ma qabe alle ayaa u sahan ah.
  2. All xamdulilah, Alihii qaranka iga dhigay ee aan kuwan fadhi ku dirirka ah wax iigu darin.
  3. Ever heard of fasaq. You just need to prove- in aanad masruuf iyo mariin aanad ka helin, mudo badana kala maqnaydeen kaa sheeganaya in uu 3 kugu qabo.
  4. Saalax, waxaan ku idhi daan-daan waxaan uga jedaa marka aad ku hal qabsato bariga fulaan magaalo iyo galbeedka fulaan magaalo hebla. Wax daaddaansi la yidhaah ma soo hadal qaadin. Moogoow adiga filimkaaga kaa geli maayo, hore ayaan u soo daawaday! Magaciisu waa qaybinta iyo dabinno u dhigista dad tashaday oo aanad gaadhayn.
  5. Waxay ku xidhan tahay cidaad waydiisay credibility-ga Ahmed Samatar, anaga xagayaga in uu madaxwayne noo noqdo ayaaban ku tala jirnaa. Maah-maah somaliyeed ayaa ah 'Xaajo nin la toosan ninna la tuur leh'.
  6. Reer Somaliland from Low-yacado to ceelaayo are related. Saalax haka dhicin salaanadda qaar lagu siibtaa jira'e. Qaybsanaantu qiimi ma leh, wadajir bay laba gacmood wax ku qaban karaane inaga daa daan-daanta aad ka shaqayso waa hadaad Somalilandernimo ku abtirsato.
  7. Dadka reer Somaliland waxaan odhan karaa 80% waa dhalin yaro 30sano ka yar kuwaas oo indhaha ku kala qaaday calanka towxiidku ku qoran yahay.
  8. Maansha Allah, Allow noo siyaadi, walaahayaga aanu jaarka nahayna nabad iyo dawladnimo sii amiiiin.
  9. Dadka degaanku waa Somalilanders xalaal ah oo dalkooda jecel nabad iyo dawladnimana haysta. Maansha Allah Alow u siyaadi.
  10. isku duubni ayaa horumarka lagau gaadha. Ka shaqeeya midnimadda Somaliland dabadeed horumar 'waa ina daan weyne'.
  11. Waxaan habalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan. Ku ciida barwaaqo iyo badhaadhe maanta 18 May oo ah maalin qiime iyo qaayaba inoogu fadhida.
  12. Mooge Waxa nagu maqaala ah dhankaagaa gidaarka madaxa lala dhacay! markii oday dhaqaneedkani u soo baqoolay Xoriyo Maandeeq. Ma fadhiyi kartaan idinkoo xiqdi iyo qori dab leh la wareegaya mooye, wixii wada hadlayana ee aydaan ka muuqan duray baad ka qaadaan.
  13. Koonfurtu yaanay ku fekerin in ay kala xadi karto bulshadda Somaliland, sida ka muuqata comments-ka qaar. Boorame waa guri barkhadeed waana halkii lagu dhisay Somaliland ee waxaan leeyahay casharo ha ka soo qaataan odayaasha reer Muqdisho.
  14. Allow hana hoojin, waa kaa ragii somaaliyeed iyo caqligoodii kulahaa 'Aynu iska barino Uhura & co et al' Markay is caayayaanna waxay isku caayaan naag baad tahay iwm. War heshiiya oo idinku wax isku ogaadda intaad 24 saacaddood isu faaanaysaan ee anaa qabiil hebel ah iyo riyo ku nooshihiin. Hadaanu dumarka nahay hada wixii ka danbeeya waxaanu odhan waatii sida raga somaliyeed ............
  15. 'aar-aaranayaa' reerkaas iyo tamaashiir maxaa la kala siiyaa?
  16. OdaySomali heesta magaceedu waa kalahadhimaynee(kalaharimaynee) i hanno, waxa ku luuqaaynaya Hassan Aden Samater iyo Baxsan. Heestani waxay ka mid ahayd riwaayadii Gar-cadaawe iyo caashaq.
  17. Salaan marka hore dhamaantiin. Galbeedi waxaan kugu dhiiri galin lahaa in aad sii wado taariikhda ilaa hada inta aad soo sheegtay ilaa 1981 iyo intii ka yara horaysay eed adigu garanayso waa sax, waxa kaliya ee aan ku darayaa in ay wax iska badeleen nolosha dadka dawladda u shaqeeya sida police-ka iyo macalimiinta taas oo ay keentay dhaqaalihii dawlada oo hoos u dhacay ka dhib dagaalkii 1977, balse waa runtaa oo reer Somaliland waxa ku furayd dirhamkii janaalayaasha, sterline-kii seamenka iyo ganacsigii xorta ahaa waxaanan, balse waxay taariikhdu is badeshay 1981.
  18. <cite> @Safferz said:</cite> Please don't, this is your story and you can tell it however you wish. <cite> @galbeedi said:</cite> Dhagax-tuur, I am taking that advice. thanks.