Somalia

Nomads
  • Content Count

    7,946
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalia

  1. Khaatumo takes Tukaraq, hands it to Somaliland instantly then Puntland takes it over. Khaatumo movement cry foul. You couldn't make this shit up!
  2. Wararka ku soo dhacaya warka qabadka qaybta Tooska ah ee horufadhi.com{Live}, ayaa xaqiijinaya in lacag dhan $500,000 /shan boqol oo kun oo Dollaar, lagu wareejiyey gacan ku dhiiglayaasha hogaaminayey maleeshiyaadka Dhiigyacab Siilaanyo, ee isugu jira Calooshood u shaqaystayaasha iyo kuwa Isaak. Lacagtan oo uu wareejiyey Horgale C/Qawdhan {Halas}, ayaa laga soo saaray bangiga dhexe ee garoowe, taasoo uu soo dhiibay C/Samad Cali shire . WAda hadaladii u socdey iy o ismarxabeytii ka dib ayaa la kala Gudoomay lacagta, waxaana gacanta laga saraay gacan ku dhiigle Dhancade iyo Horgal Mahad canbaashe oo ayagu hogaaminayey maleeshiyaadka dhanka Laascaanood weerarka ka soo ahaa. Sidoo kale waxaa goobtaas ku sugnaa dibjir Xaaji jeeni yare oo asaguna ka mid ah Horgalada ugu liita ee u adeega maamulka Siilaanyo. Wararkii u danbeyey ayaa sheegaya in calooshood u shaqaystayaashii ay diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen Tukaraq isla markaana ugu wareejin maleeshiyaadka ********** ee ayagu ku soo dhici waayey ciidamada Khaatumo, isla markaana soo kiraystay Huunada iyo horgalada. Magaalada ayaa haweynaysa, dadkiina waxay u baneeyeen Huwanta awrkiraalayaasha ah, ayadoo ay shacabka iyo ciidamada khaatumo hataan dejinayaan qaabka ugu Haboon ee ay ku qabsan karaan. Dagaalkii hore ee saaka ayey ku jabeen maleeshiyaadka SNM, halka kuwa SSDF ay dad waayeel ah oo shacab ah ku laayeen halka loo yaqaano garac lagu dhel oo islaan waayeel ah ay marsiiyeen gaadhi nooca dagaalka ah, markeey sheegtay inaysan ogolayn in magaaladooda looga duulo Tukaraq. cadaawada isgarabsiga ah ee maanta reer Khaatumo ay u muujiyeen maamulada jabhada hareeruhu waa mid ka dhigan adkaynta midnimada Reer Khaatumo, waxaana dad badan sheegayaan inay tahay wax ay ku quduro qaataan kuwa aamisan fekradaha kala sokeynta labada maamul. Ka dhig Hoygaag Horufadhi.com Kala soco warardaqiiqadkasta wararka. Ma haysaa xogo, ma joogtaa Aaga Nugaasha Laascaanood, Taleex , Xudun ama meel kale, noo soo *** warka aad haysid nala soo xidhidh isku day inaad qaado sawirada maleeshiyaadka SNM, adeegso telfoonkaaga gacanta, ogoow xaalada cadawaadeed iyo Axmaqnimo ee la isku baahaystay dadkaaga, u diyaar garoow inaad noqotid mid shahiid ku noqda deegaankiisa. nagala soo xidhiidh Horufadhi.com@gmail.com
  3. Faroole iyo SNM oo U Heeshiiyay Burburinta Midowga Federalka Soomaaliya Weerarna Ku Soo Qaaday Xudunta Maamulka Khaatumo BoocameOnline: Ahmed Laarri kamaal72@gmail.com Isbadal Xowligga ee Horumarka Dowladda Federalka iyo Guulaha Nabadagalyadda ee ka dhashay Magaaladda Xamar Ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Waxay Naxdin ku Noqotay Maamulka Jabhadda SNM Ee Waqooyigga Soomaaliya,Siilaanyo Iyo Xuluufaddiisa Ayaa Waxaa Dhabar jab Siyaasadeed oo Lixeed leh kaga yimid ka dib Markii uu Caalamku garowsaday in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero Dowladda Federalka. Dhacdooyinka: Shirkii Ingiriiska: Shirkii ka dhacay Wadanka Ingiriiska ayaa wuxuu ahaa Shirkii ugu horeeyey oo ay Aduunku Isku Waafaqeen in Soomaaliya laga Taageero Dowladda Dhexe Federalka, si uu Caalamku Uu soo Afjaro Dhibaatooyinka Burcad Badeedka iyo Arimaha Alshabaab. Shirkii Turkigga: Shirkii ka dhacay Wadanka Turkigga Ayaa Wuxuu ahaa Shirkii quusiyay Jabahadda SNM,Halkaas oo ay Guushii ku raacday Dowladda Federalka Soomaaliya. Jabka Kooxdii Alshabaab : Kooxda Alshabaabka oo Madaxdeedda Qaar ka mid ah ay ka Soo jeedaan Jabhadda SNM Ayaa Waxay Siddaas oo kale u Muuqataa in lagaga Xoog batay Dagaaladda Koonfurta Soomaaliya, Arintan Burburka Alshabaab ayaa Waxaa aad ugu naxay Jabhadda SNM oo iyaddu Mar walba rabtay in Koonfurta Soomaaliya Dagaaladdu ay ka sii socdaan inta ay Caalamka ka dhaadhicinayaan Ulajeedooyinkoodda, Waxayna ahayd arin ay mar walba ka iib geeyaan Caalamka in yihiin Maamulkoodda uusan lahayn Argagixo Sidda Koonfurta Soomaaliya, Waa Sidda ay Caalamka u Sheegaane. Habadda Burburka Alshabaab iyo Qaranimadda Soomaaliya ayaa Waxay Siilaanyo iyo Kooxda Xiqdida Waqooyi ku Abuurtay rajo beel iyo in ay Dagaalo Isku Soo Miidaamin ah ku Qaado Dagaano Cusub. Dhinaca Maamulka Faroole: Xiriirka Faroole iyo Siilaanyo: Faroole ayaa Waxaa la Sheegayaa in Xiriir Hoose uu la leeyahay Jabhadda SNM-TA, Xiriirkan oo ah mid Qoys ama dano Dhaqaale. Xiriir Ganacsi Xiriirka koobaad ee u dhexeeya Faroole iyo Siilaanyo ayaa Wuxuu yahay Xiriiri ganacsi oo ka dhexeeye Degaanadda Puntland iyo Somaliland,Puntland Ayaa Waxaa Dhaqaale ka Soo galaa dadka badeecadda kala soo degga Dekadda Boosaaso ee loo gudbiyo dhinaca Waqooyigga Soomaaliya ama itoobiya, badeecadaas oo marta Degaanadda Khaatumo. Xoolaha nool ee Degaanadda Khaatumo ilaa iyo Itoobiya ee laga Dhoofiyo Dekaddaha Beberba iyo Boosaaso kuwaas oo aan Wax Canshuur ah ku Celin Kalinka Shanaad iyo Khaatumo, Balse Dhaqaalahaas Uu u gacan galo Dekadda Berbera iyo Boosaso. ( Isbaarooyinka) Koonroolka Dagaalkan uu ka bilowday ayaa Waxaa Dhaqaale badan ka soo gali jiray Garoowe,inkastoo Wararku Sheegayaan in lacagtaas ay toos ugu tagto Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire. Waxaa og nahay in Puntland ay diiday in Wax dagaal ah la gasho Siilaanyo oo Marar badan weerar ku soo qaaday Degaanadda Sool,Sanaag iyo Cayn oo dadka ku dhintay ay ka badan yihiin dhowr boqol. Siyaasaddii Faroole oo Kashifantay; Faroole Ayaa Waxaa Dirbaaxoon Siyaasadeed Kala kulmay Magaaladda Madaxda Wadanka Soomaaliya,Halkaas oo Hanqal taag Siyaasadeed uu ka Hayay Madaxtimidda Dowladda Federalka Soomaaliya Uu burburay,ka dib,Markii Meel Walba laga Soo xiray. Aqoonsiggii Maamulka Khaatumo: Aqoonsiggii Maamulka Khaatumo ayaa Faroole Wuxuu ku noqday dhirbaaxaddii ugu Wayn ee Faroole kaga timid Dowladda Federalka Soomaaliya, halkaas Dhamaan Isimmdda Degaanadda Khaatumo ay ka Marqaati kaceen in ay Isku Raaceen in ay Samaysteen Maamul ka taliya Danahooda oo la yiraahdo Khaatumo, Madaxwaynaha Dowladda Federalka Sheikh Shariif iyo Raysal Wasaaraha Dr Cabdiwali ee Dowladda Soomaaliya Ayaa labadaba si wanaagsan u Soo dhaweeyey Maamulka Khaatumo. Intuu Faroole Qabsaday Xukunka Maamulka Puntland Wuxuu Dowladda Federalka la galay Dagaalo Siyaasadeed oo uusan u Meel dayin ,Dagaaladdaas Waxaa ka mid ahaa Dagaalkii Siyaasadeed ee Dowladda Farmaajo uu la galay Faroole,Arintaas oo markii danbe Kaliftay in Farmaajo iska casilo Xukunka Dowadda. Faroole Ayaa Waxaa Dhawaan Fadeexadi ka raacday Shirkii lagu qabtay Magaaladda Istabuul Ee Wadanka Turkigga Halkaas oo la Sheegey diiday Habkii loo doortay oday dhaqameedyadda iyo Inaan Faroole Shirka Waxba laga tali galin. Arintaas ayaa Waxay kaliftay in ay isku Maandhaafaan Raysal Wasaaraha Wadanka Soomaaliya Dr Cabdi wali gaas oo Sheegey in Dadka SSC ay Xor u yihiin Ciddii ay doonaan in ay ugu soo qayb galaan shirarka. Ugu danbayntii: Dagaalkan iskaashigga ee labadda dhinac Ayaa Wuxuu u eg yahay Dagaal lagu soo qaaday Nidaamka Dowligga Federalka Soomaaliya iyo Maamulka khaatumo, Dowladda Federalka Soomaaliya Waxaa xil ka saaran yahay in ay ilaaliso Nabad galyadda Shacabka Meel Kasto oo ay Joogaan, Siddoo Kale Maamulka Khaatumo Waa in ay U istaagaan difaaca, Xoraynta iyo horumarinta Degaanadda Khaatumo taas oo ay Tahay Sababta loo doortay Maamulka Khaatumo. BoocameOnline Daalacatey :1442 editor@boocame.com
  4. allpuntland Wararka laga helayo Degmada Luuq ee Gobolka Geddo ayaa waxay sheegayan in Ciidamada Itoobiya ay markale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabd kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada. Sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad ee Gobolka Geddo ayaa Allpuntland u sheegay inuu jiro Xariga Diyaad Cabdi kaliil oo ah Taliyaha Saldhiga degmada Luuq. Xariga Ciidamada Itoobiya ay kula dhaqaqeen Diyaad Cabdi kaliil ayaa waxaa latilmaamayaa inay salka kuhayso Amar diido uu ku sameeyay hadalka kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Gobolka Gedo. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in Taliyaha uu diiday inuu dib ugu laabto degmada Garbahaareey oo ay kusugan yihiin Ciidamada Dowlada halkaas oo uu horay ugu yimid. Saraakiil katirsan Dowlada oo kusugan Degmada Luuq ayaa wado haatan waan waan lagu siidaynayo Taliyaha. Waa Markii labaad oo Ciidamada Itoobiya ay Xiraan Saraakiil kartirsan dowlada waxaana dhawaan ay Itoobiyanka sarakiil katirsan dowlada ku xireen Isla gobolka Geddo kadib markii ay ku eedeeyeen Sarakiishaas inay kasoo baxeen agagii dagaalka.
  5. Luuq: (Sh. M. Network) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in mar kale la xiray Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la tilmaamay in Sarkaalkaasi loo xiray amar diiddo uu sameeyay. Waxa la sheegay in Sarkaalka Ciidamada Ethiopia ay ku wargaliyeen in uu ku laabto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo oo uu mar hore ka yimid, hase ahaatee markii uu ka dhaga adeegay haddana mar labaad Xabsiga ay u taxaabeen. Saraakiisha dowladda KMG ah ee Gedo ayaa hadda ku waramaya inay socdaan waan waan lagu sii daanayo Diyaad Cabdi Kaliil, iyadoo aan aheyn markii ugu horeysay oo Sarkaalkaasi ay Xabsiga u taxaabaan Ciidamada Ethiopia.
  6. Nothing of the sort happened, Puntland controls it, just stop it Xaaji you look desperate.
  7. I don't see Faroole's name. Show me his name.
  8. It's a big compound, marked in green. It has different sections.
  9. MoonLight1;842109 wrote: update us on Khaatumo, are they still partying? That's my question as well!
  10. Maamulka Somaliland ayaa maanta oo talaada ah shaaciyey xubnaha uga qayb gelaya shirka ay todobaadka soo socda magaalada London kula yeelanayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ahna afhayeenka Cabdi Yuusuf Ducaale oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wada hadalka ay la furayaan Federaalka ay u saareen guddi ka kooban 5-xubnood kuwaasoo kala ah sidan: Wasiirka arimaha dibadda Cabdilaahi Maxamed Cumar Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Baashe Maxmed Faarax. Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe. Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan Cali. Iyo Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad. Mar uu ka hadlayey mowqifka Somaliland ee ku aadan shirka London waxaa Ducaale hadaladiisii kamid ahaa: “waxanu kala xaajooneynaa dad walaalo ah oo isku jiri jirey oo kala amba baxay ayaanu nahay, dee mustaqbalkayaga iyo danahayaga ayaanu ka wada hadleynaa” Isagoo halkiisa sii wata wuxuu afhayeenka Somaliland yiri: “waxaanu la tegeynaa in qaranimadayadu ay tahay mid jirta oo go’aan shacab ku timid, oo aanu nahay qaran jira oo Somaliland la yiraahdo”. Wada hadalada Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ayaa ah kuwa ay bulshada Soomaaliyeed si gaar ah isha ugu hayaan waxaase sheki laga muujinayaa go’aamada shirkaas kasoo bixi doona.
  11. rudy-Diiriye;841732 wrote: 65% of college grads are women now days. I remember when i was a fresh in cal state....we were 15 somali guys n one xaliimo...lol. She had dates everyday. I remember the day that she was on lunch date and her nite date was spying on her. I never bothered her since i was xaliimo virgin then. My xaliimo drama is started after uni. She used to tease so much one i got so made at her and literally kick her big black azz!! lol...a Nigerian dude saw that n started yelling me. She was just laughing though. Nice beautiful ladies....congratz nomads. This nigga :D:D
  12. Mukulaalow;841828 wrote: How come your still alive????
  13. Xaaji Xunjuf;841887 wrote: ^^ Carafaat dadka cidlada lagaga tagay maxaad kala sheekeysanaysa? The most ironic statement to date.
  14. Hiil qaran is an opportunistic faction who's sole intent is to experiment what has already been deemed failed policies in Somalia. We must stop these men who for the past decades lived more than comfortable lives in the diaspora and talked about Somalia's crisis from afar yet never understood it. It's very bad to have these elitist armchair scholars have any real position.
  15. Why did you say Hiil qaran, I was just in a good mood. .
  16. Abwaan;834946 wrote: May be they did not know how. Ma faas bay ku jebin karaan? Nimankaan faasas bay qabuuraha la dheceene. The reason why is that it is an Obelisk, inspired from Ancient Egypt, they were pagans I think.
  17. Garnaqsi;841513 wrote: Cool song! He wrote pretty nasty stuff (now deleted). WTF, I just wrote good good in Swedish Jag snakkar bra svensk, I'm from Hjaelbo, Goteborg man!
  18. You are putting on a brave face, no criticism in front of shisheeye, very good. But you forget, this is London, there are many SNM cafes with SNM portraits with SNM criticism :D:D
  19. Looks to me internal infighting, what this has to do with Puntland is beyond me. It looks to me like reer Buhoodle is struggling with Khaatumo movement as said from the get go.
  20. War this guy is ruining you lot, get rid of him, never have I seen so many habro at each other's throat. Take the seat from him waryaa, take it, he's reer baadiyo, he comes from a reer baadiyo habar as well, war what's wrong wichuu??????? You must save your country!
  21. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;841220 wrote: And do pray tell, who are the 'neglected minorities?' I am talking about people who were done bad in dagaaladii sokeeye, not that they are minorities in reality, but were considered so by others. Do you understand what I mean? Could this claim have been done before hand? It means stability is coming back, and we are now using not the gun, but simply history.