Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Aliyah I see you're taking notes from Bob,, you want to cool down akhyaar isu ooman.. Lol
  2. Geed la sugayey muddo sannado ah dheefsigiisa haddana si dhib yar loo jaro waa inkaar inteeda le;eg. Dhulkii Somalida waxa ka fayow inta jabhada ONLF waardiyaha ka tahay oo looba yaqaano dhulkii nabi Aadam Calayhi salaam.... Aamiin Ilaaahay ha inoo gargaaro danbigeenana ha dhaafo, ...
  3. Somaliya hadday Somali leedahay may saas u dhaanto ,,....
  4. Golaha Wasiirada oo sheegay in xaalada dalka uu ku jiro xilligan suura gal aheyn in Doorasho la qabto (War-Saxaafadeed) Axad, 24 April 2011 21:42 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Kadib kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isky raaceen in xilligan aanay suura gal aheyn in dalka lagu qabto Doorasho, iyagoo sii adkeeyay go'aankoodii ahaa in muddo hal sano ah Hey'adaha Dowlada ugu dareen. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir gudoominayay shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa marxalad kala guurka iyo xaalada dalka uu ku jira sida ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada ee Abaaraha. La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa saxaafada ugu warbixiyay kulanka go'aanada ka soo baxay, iyadoo kadib qeybaha saxaafada ay heshay nuqul ka mid ah go'aanadii Golaha Wasiirada shirkooda ka soo saareen. Hadaba War saxaafadeedka oo soo gaaray Xafiiskeena Muqdisho ayaa u qornaa sidan:- Golaha Wasiiraddu: 1. Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay; 2. Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta; 3. Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro. 4. Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan, dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin; 5. Markii ay tixgeliyeen go’aanada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed. 6. Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiiraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka Amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka; 7. Makii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda Dawladda dib loo dhigo muddo hal sano ah; Golaha Wasiiradu: Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aaney suurtogal aheyn in doorasho la qabto waqtigan; 2. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda. In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya. Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan. Afdheer.com
  5. Arbaco, 27 April 2011 16:24 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu khasaarihiisa ugu badan soo gaaray dhinaca kooxda al-Shabaab. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saakayto deegaano ka tirsan gobolkaasi ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa ahlu-Sunna waljamaaca oo isku dhinac ah iyo xoogagga al-Shabaab. Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Barwaaqo, oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 36 qof oo dhinaca al-Shabaab ka tirsan, halka dhinacoodana uu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay hal askari 5 kalena kaga dhaawacantay. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo ka warramaya khasaaraha dhabta ee dagaalkaasi. Guddoomiyaha ayaa beeniyay warar sheegayay in dad rayid ah lagu dilay tuulada Barwaaqo, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jiraan dad ay nolosha ku qabteen, lana soo taagi doono maxkamad si caddaaladda loo marsiiyo. Dagaalka ayaa hakad ku yimid ka dib markii ay roobab ka curteen gobolkaasi Gedo oo ay abaaro ba’an ka jireen. afdheer.com
  6. Arbaco, 27 April 2011 11:52 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Qore; Abdirshid Jire khalinle@gmail.com Sida ka muuqata cinwaanka qoraalkan ayaan waxaan doonayaa inaan idiin soo bandhigo suaa'shaas aan jawaabteeda weli la heyn, taasoo ay ka soo yeertay nin ajnabi ah oo u damqaday dhibaatada lagu hayo dhulkeenii gaar ahaan xaalufinta lagu hayo dhirta iyo daaqa uu dhulkeenii ilaahay ku manaystay. Waxay ahayd barqo 11;00 kii subaxnimo markii aan hawl ka yeeshay dakadda weyn ee magaalada Sharjah oo ka mid ah wadanka Imaaraadka Carabta, markii aan gaaray dekedda ayaan waxaan arkay dhawr markab ama doonyo laga dajinayo dhuxul aad u tiro badan, waxaan ku leexday mid ka mid ah doomihii laga dajinayey dhuxusha si aan u ogaado halka ay ka timid anigoo dareensan inay soomaaliya tahay, waxaan hoos joogsaday doonni weyn oo la dajinayo shaqaalihii ayaan weydiiyey qofka iska leh iyo meesha ay ka timid, waxaa isla markiiba ila hadlay nin Masri ah oo igu yiri anigaa iska leh dhuxushaan ee maxaan kuu qabtaa? Waxaan iska dhigay nin doonaya inuu iibsado dhuxusha waxaana weydiiyey halka ay ka timid dhuxushan,wuxuu si fudud iigu jawaabay waxay ka timid Kudhaa,oo waa tan ugu fiican dhuxusha laga keeno soomaaliya,anigoo la yaaban sida uu ugu dhawaaqay magaca magaalada Kudhaa oo dad badan oo soomaali ah haddii la weydiiyo aanay garaneyn, ayaan waxaan ku celiyey maxay ku kala duwan yihiin oo dhuxusha Kudhaa uga qaalisan tahay ama uga tayo fiican tahay tan laga keeno meelaha kale,intuu qoslay ayuu igu yiri ganacsiga dhuxusha ma haddaa kuugu horeysa,markiiba haa ayaan la soo booday, wuxuu yiri aan kuu kala sheegee dhuxusha waxaa ugu liidata tan laga keeno Baraawe waayo waa geed miroodkii sida liinta ama canbaha oo la soo gubay, laakiin anigu weligey kama ganacsan waayo waa xaaraan in geed la sugayey muddo sannado ah dheefsigiisa haddana si dhib yar loo jaro , intaa markuu is raaciyey ayuu madaxa gilgilay oo igu yiri ma la hubaa dhulkan inaad idinka leedihiin haddaad soomaali tihiin, waayo anigaa ka naxaya sida wax u socdaan ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii. Falaari gilgilasho kaagama go'dee waxaan bilaabay inaan isagii ku eedeeyo inuu qeyb ka yahay xaalufinta dhulkan lagu hayo,waana isla keeni weynay murankii, waxay igu noqotay arrin igu taagan oo aan hawshii aan u socdayba ku ilaaway,waxaan u sii gudbay doon kale oo la dejinayo oo aan weydiiyey intii oo kale, laakiin markaan iyadoo aan wax ka ogahay qiimaha iyo noocyadeeda ayaan la sheekeystay shaqaalihii dejinayey doonta kale, waxay ii sheegeen ugu yaraan usbuucii in illaa 10-15 doon ay ka yimaadaan soomaaliya oo ay dhamaan ka yimaadaan koonfurta soomaaliya,waxaa gadaal iigu soo noqotay suaa'shii uu ninkii i weydiiyey ma la hubaa inaad idinku dhulkaan leedihiin? afdheer.com
  7. General Duke;714764 wrote: I support the Ras Casayr region and it's development. It will make us much stringer to bring on Baird he large regions of the Easter Indian Ocean. But you secessionist want that right? Lol. Keep it ip lads. :D
  8. Taleexi, welcome to the tinny revolution which it's objective is to bring political stability, good governance, security, and development to each village of Maandeeq till she stands on it's feet.
  9. ^Stay away from this. Xunjuf is from Daroor, and the Admiral is his hero...
  10. Jaceylka imisaad maraysaa, lama mise afar ....
  11. The problems in the horn are like chains tied to each other; it needs a wise planning and timing to resolve every circle of the chain separately,...
  12. And the new semi-states within the semi-states,...
  13. ^Adu Daroor iiga waran? ,,, xagey kaa jirtaa ,,... Jacaylbaro;714292 wrote: Raas to Raas bay ku joogtaa dee ,, wax fahan But you understand it's knocking on every door...,,, getting faster and unstoppable..
  14. Runtu mararka qaar way kaa qoslisaa JB, ... few days back I was reading about R.caseyr State, and I was surprised to see how fast the tinny revolution has sailed from raas to raas... The next state, please...
  15. Aaliyyah;714231 wrote: Lovely pics mashallah...Wishing Awdal state all the best!... Somalinimo, iskuduubni, iyo horumar .. The tinny revolution waves from R.caseyr to R.kambooni, will Insha'allah bring old Somalinimo, midnimo iyo horumar if the right people lead the movements. From Azania state to Awdal, ...the train is still on move..
  16. Maalmahan heesaha ma dhagaysto siday sameecada biyo u galeen, laakin if I may translate , she said bring your big boots and get prepared for the second level of the shukaansi game. I guess the battle field was not keyntii waji buug. ,,,...
  17. Aaliyyah;714230 wrote: Xaaji SSC way socotay oo duushay waxba haka walwalin. Malika ameen thuma ameen. Insha'Allah waan kasoo qeeb geli oo safka hore soo istaagi! ..not naming names but ppl were there on my behalf and I was there in spirit .. I still cant get over these beautiful pics and how amazing the event turned out....waxa ka muqata wada jir iyo wadaninimo..qiiru uuba igu ridin! let me grab some tissues I sooo need them.. All the best inshallah.. salaam I can bet you won't tell your daughter when she asks about the tinny revolution ,,,.... that you had sent some one instead of you? Qiiro ku laga daye ,,... I feel disappointed.
  18. Bilawgii qarniga 21aad, ayuu ururka Midawga Afrika (AU) ku baraarugay qiimaha afafka, gaar ahaan kuwa lagaga hadlo Qaaradda Afrika. Sidaa aawadeed, Ururku waxa uu yagleelay akaademiyad ka shaqaysa daryeelka afafka Afrika oo loo yaqaan ACALAN. Dedaalkii iyo waxqabadkii ACALAN waxa ka soo baxay tirokoob ku saabsan Afafka Afrika oo lagu soo xulay kow iyo afartan af (41) oo lagaga hadlo labo dal iyo in ka badan. Warbixin ay ACALAN soo saartay February 2009kii, waxa ay ku caddaysay in 41kaa af laga soo dhex saaray labo iyo toban (12) af oo loo arkay in ay yihiin kuwa xuduudaha ugu badan ka gudba. Haddaba Afsoomaaligu waxa uu noqday mid ka mid ah saddexda af ee ka soo baxay Bariga Qaaradda (Malagasy, Kiswahili iyo Soomaali). Haddaba ACALAN iyada oo la kaashanaysa Jaamicadda Jigjiga, waxay qabatay kulankii ugu horreeyay oo lagu abuuray Guddiga aan xuduudda lahayn ee Afsoomaaliga. Kulankan oo socday ayaamihii u dhexeeyay April 11 illaa 13, waxa uu noqday mid taariikhi ah oo sugay qiimaha afsoomaaliga iyo sida ay dunidu iskaga xilqaadday. Shirka waxa lagu qabtay Hotelka Xamda ee Jigjiga, waxaa na wada hagayay Xoghaynta Fulineed ee ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga. Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee shirka ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa ; Prof. Cabdalle Cumar Mansuur, Prof. Siciid Saalax Axmad, Prof. Maxamad Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Prof. Maxamad Xuseen Raabbi, Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim, Aadan Xasan Aadan, Aamina Muuse Weheliye, Beddel Cabdillaahi Geelle iyo kuwo kale oo badan. In kaste oo ay aqoonyahanka qaarkood ka yimaaddeen meelo aad u fog oo dunida daafaheega ah, haddana, badankoogu waxa ay ka kala yimaaddeen dalalka afsoomaaliga lagaga hadlo ee Geeska Afrika. Gellinkii hore ee maalinkii shirka u horreeyay waxa uu ahaa furitaan iyo isbarasho, gellinkii danbe na, waxa lagu falanqeeyay adeegsiga afsoomaaliga ee dal kaste oo lagaga hadlo Geeska Afrika; guulaha la gaadhay iyo kadaraha wiiqaya ama hor taagan. Waxa kale oo fursad la siiyay aqoonyahankii ka kala yimid qurbaha oo ka warramay waayaha afsoomaaliga ee dalalka shisheeye iyo dedaalka ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu jiraan ilaalinta iyo badbaadinta afkooga hooyo. iyo waayihiisa dal walba oo lagaga hadlo. Maalinkii labaad ee shirka, waxa la ansixiyay oo la isku raacay xubnaha Guddiga aan xuduuda lahayn ee Afsoomaaliga oo iyana doortay guddoomiye iyo xoghaye. Xubnaha Guddiga la doortay waxay kala yihiin : 1- Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim, 2- Prof. Maxamad Daahir Afrax, 3- Prof. Cabdalle Cumar Mansuur, 4- Prof. Siciid Saalax Axmad, 5- Prof. Maxamad Xuseen Raabbi, 6- Prof. Mustafe Cabdullaahi Cali Feyruus, 7- Aadan Xasan Aadan, 8- Aamina Muuse Weheliye, 9- Beddel Cabdillaahi Geelle, 10- Axmaddeeq Maxamad, 11- Xubintaan waxaa loo baneeyey Soomalida Keenya, 12- Xubintaanna waxaa iyana loo baneeyey Soomalida Keenya, Guddigu kulankoogii u horreeyay ba waxa ay Dr. Cabdinaasir Axmad Ibraahim (Guddoomiyaha Jaamacadda Jigjiga) u doorteen in uu noqdo Guddoomiye, halka ay Dr. Maxamad Daahir Afrax na u doorteen in uu noqdo xoghaye. Intaa ka dib, waxa uu Guddigu yeeshay kulanno xidhiidh ah oo lagu diyaariyay la iskula na meel dhigay qorshehawleed socon doona saddexda sano ee innagu soo fool leh. Qorshaha uu Guddigu ku hawlgali doono, waxa si cad uga dhex muuqda; Qabyotirka qoraalka farsoomaalida. Kobcinta cilmibaadhista la xidhiidha afsoomaaliga. Hirgelinta go’aannadii hore loo gaadhay ee la xidhiidhay afka iyo naxwihiisa. Dhiirrigelinta buugfaafinta iyo tarjumaadda. Wacyigelinta soomaalida iyo in la dareensiiyo qiimiga afkoogu leeyahay. Dawladaha afsoomaaliga lagaga hadlo, in lagu dhiirrigeliyo sidii ay afsoomaaliga uga geliyaan manhajyadda dugsiyada lagu dhigo. In goluhuiskaashi la sameeyo guddiyada kale ee afafka Afrika. Shirka oo ku dhammaaday guul iyo rayrayn, waxa lagu kala tegay in sida ugu dhakhsaha badan la iskugu soo noqdo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaa. Fojignaan: Saxaafadda soomalida waa u fasax tahay in ay daabacdo warbixintaan, waxaana laga codsanayaa in ay xil iska saaraan in ay faafiyaan, waxa laga hadlayo waaluuqadeena hooyo, ee sharafka badan, walaalka afsoomaliga ku hadloow fadlan xil iska saar. Wixii warbaahinta ah ee arrintaan doonaya in ay faahfaahin ka helaan, fadlan kala soo xiriir Amina Muuse Weheliye oo xubin ka ah guddigga afsoomaliga ee la aasaasay. Cinwaankeeduna waa sidaan: ololahahangasha@gmail.com asahra2012@gmail.com aminawehelie@yahoo.co.uk Mahadsanidiin. Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: Af-Soomaali ________ Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.
  19. Maytideed la janee ila dheel ,,, oo kaalay-ila dheel...Lol Shamsa Food waa qof nool...,, anaaba og Salaams Aliyah
  20. Maxaan dhagaystaa,..sameecadii ayey biyo shuq dhaheene..
  21. Mahiigaan maansheeyey miyi iyo magaalo, Azania....
  22. Well done SSC, and good luck for ringing peace and development in your territory,...
  23. The Somali style tinny revolution, ,,... is moving faster and faster,....