Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Ayadoo dagaal aad u kharaar uu saaka ka dhacay deegaanka Jirma ee Banka Jiira, ee degmada Afmadow ayaa sidoo kale waxuu mar labaad dagaal dib u qarxay marka qoraxdu ay liiqa sii dhigaysay ee gooraysadu ku siqaysay xiliga salaadda maqrib laga tukado geeska Afrika. Dagaalka oo dhaliyay khasaare xoogan ayaa u dhacay sidan; Dagaalka waxaa qaaday oo kali ku ahaa Xarakada Kaambooni, halka ciidamadii DKMG iyo horin kale oo Kaambooniyiinta ah ay dhufays kaga jiraan aagga Taabta oon wali dagaal ka qarxin. Inta la ogyahay dhimashadu waa 10, dhaawucuna waa 15 kuwaasi oo dhamaanba ah dhinacyadii dagaalamay. Dagaalkii saaka, xarakada Alshabaab waxaa laga gubay baabuur, halka 2 kalana lagaga qabsaday. Waxaa nolol lagaga qabtay xarakatul shabaabul mujaahidiin 6 askari iyo 2 sargaal oo mid lagu sheegay inuu ahaa muhaajiriinta wadamada dariska ee la baadi goobayo halka sargaalka kalana uu ahaa madaxii amniga Jubbooyinka Sh. Maxamud Takhal. Dagaalka Maqriboodkii dhacay ayaa sidoo kale Xarakada Alshabaab waxaa lagaga furtay Booyaddii biyaha u dhaaminaysay iyo taliskoodii ciidanka ee aagga Banka Jiira. Qoryo, saanad iyo taleefanada gacanta oo badan ayaa ayana laga qabsaday, waxaana la sheegayaa in taliska ciidamada ee xarakada Alshabaab uu ciidamadii aaggaas joogay uu taleefano ka dhigis ku sameeyay, taasina ay kaliftay in maanta markii lagala wareegay goobtii dirirtu ka dhacday laga qabsado dhamaanba taleefanadii gacanta oo meel ku wada jira. Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii dagaalkii saaka xarakada Kaambooni ay ka lib heshay xarakada Alshabaab ay sanka sanka u saartay oo orodkii la isla jiidhay taliskii ciidanka kadibna ay sababtay in xarakada Alshabaab lagala wareego taliskoodii ugu mihiimsanaa ee aagga Banka Jiira. Dhinaca aagga Taabta ayaa sidoo kale caawa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan ayadoon la saadaalin karin ayaa hadana waxaa mar kasta suuro gal ah inuu dagaal ka qarxo. Dirirtii maanta ayaad moodaa inay furtay waji cusub ayadoo noqotay markii ugu horaysay taariikhda oo ciidan tiradaas gaaraya iyo saraakiil nolol ay kaga qabsadaan garabyada ay masraxa isku hayaan xarakada Alshabaab. Waxaa suuro gal ah in khasaaraha uu dhaliyay dagaalkii saaka iyo kii maqribkii ay intaasi ka bataan. KismaayoNews.com
  2. Dagaalkii maanta ee dhexmaray ciidamada maamul goboleedka Azaniya (CMGA) iyo Alshabaab ee daagaanka Jirma ayaa la xaqiijiyay in Shabaabka lagu jabiyay. Meesha dagaalka ka dhacay ayaa ah wadada is ku xirta Dhoobleey iyo Afmadow. Dagaalada maanta oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in CMGA iyo Raaskambooniyiinta si aad ah ugu gacan sareeyeen Shabaabkana ka carareen meeydka ciidamada laga dilay. Sh. Takhal oo isagu ahaa masuulka amaanka u xilsaarnaa magaalada Afmadow ayeey Shabaabku dhawaan u xilsaareen dhamaan amaanka Jubbooyinka arintan ayaa ah mid saraakiisha deegaanka ee Alshabaab ka tirsan la soo hormariyo kaliya marka dadka deegaanka ey ka soo jeedaan lala dagaalamayo. Takhal ayaa dhaawac ka ah gacanta midig iyo boowdada waxaana lala qabtay sarkaal kale oo daawiciisu halis yahay, gaari Cabdi Bile ah iyo gaari kale kuwa xamuulka ah oo waday saad saanado milatari ah. Dhinaca kale ee Qooqaani afkeeda oo labada ciidan is ku ag fadhiyaan ayaanan wax dagaal ah ka dhicin. Waloow shalay la xaqiijiyay in Shabaabku toogteen nin xubin iyaga ka tirsanaa oo looga baqay in uu dhinaca kale u baxsado. Arintan ayaa Shabaabka xiisad ka dhex dhalisay keentayna in ey labo qeeybood u kala jabaan is rasaaseeyna dhex marto. Shabaabka ayaa qofkii ey dilayaan ka adeejin jiray kuwa ehelkiisa ah, ninka shalay la toogtay ayaa la xaqiijiyay in ehelkiisa eeyan dilin waana halkan meesha xiisada in labo loo kala jabo oo la israsaaseeyo keentay. Shabaabka Jubbooyinka ayaa kal hore lumiyay kalsoonida shacabka iyagoo isu badalay kuwa dano qabiileed iyo kuwa saqsiyadeed la soo baxay halkii Islaanimo laga filayay. Goobaha dagaalka ayaanan lagu arag saraakiisha Shabaabka u talisa ee manfaca aduun iyo mansabka is ku darsaday halka dhalinyaro yar yar oo si ula kac ah loo qalday dabka lagu shubo. Jubbalandnews.com
  3. Lol@forgetting her birthday. Waayo waayo markii inta mirqaan loo fadhisto dhididka labada dul ka hooro masruufka ayaa la iloobi jiray. Safar ama sahan kolkii loo baxo sanad iyo sanad ayaa la kala maqnaan jiray oon hello yaatahay lagu dhaheyn maadaamoo xadhkaha lagu hadlo aysan jirin. Saas ay tahay reerku wuu iska barako badnaa. Dhalasho la xuso, madbakh la galo, waji buug arsaaqad laga raadiyo iyo dhalo la iska hor fadhiyo waa waxa rag badan badan karaamada ka qaaday. Ilaahow adaa u miciin ah dhalinta soo kori.
  4. This is tinny revolution,...Somali style et al... and SSC is where it started,,... It seems a new wave,... going faster by the day...
  5. Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya Ciidamadda Xukuumadda Soomaaliya oo garabsanaaya ciidamadda Raaskambooni ayaa waxay saakay dagaalo xoog leh ay tuulooyinka Jirmo iyo Sabaax kula wareegeen dagaalo qorsheysan oo ay saakay ku qaadeen. Deegaannada Jirmo iyo Sabaax oo ku yaala Galbeedka degmada Afmadoow oo ay horey u joogeen ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii saakay waxaa dagaallo qayb ka ah howlgallada dalka lagaga saarayo kooxdaasi, waxa ay ciidamada Dowladdu iyo Raaskambooniyiinta ku soo qaadeen waddada isku xirta Diif iyo Afmadoow ee isla gobolkaasi. Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, in lagala wareegay tuulooyinka Jirmo iyo Sabaax Cabdi Waheliye Kismaayotimes.com
  6. Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay duleedka Degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalkaasi ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab Dagaaladaani oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa saakay waxaa ay ka dhaceen Tuulooyin hoostaga deeganka Buusaar oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab. Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowldda ay ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga deegaanka Buusaar, waxaana ay isku adeegsadeen dhinacyadaasi hubka nuucyadiisa kala duwan. Dhinaca kale dagaalka ayaa ku soo adaaya xilli uu Gobolkaasi booqanaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Maalmihii u dambeysay ayaa deegaanka Buusaar iyo Tuulooyinka hoostaga waxaa ka soconayay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo ay wadeen Ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Shabaab Cabdi Waheliye Kismaayotimes.com
  7. Dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab ayaa saaka ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaaladaas warar kala duwan ay ka soo baxayaan ilaa iyo hada Sida ay sheegayana wararka Ciidamada AL-shabaab oo qaaday dagaaladaas ayaa sheegay in dhowr jiho ay ka wareereen Talis Ciidamada Dowladda ku lahaayeen deegaano u dhow dhow Ceel-Waaq. Wararkas ayaa intaa ku daraya in dagaalka oo ahaa mid saameyntiisa si aad ah looga dareemay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, ayaa ahaa mid mudooyinkan ay diyaarinayeen AL-Shabaab, kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolkaas, kadib Gurmadyo ugu yimid Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka, ayaa hadana waxaa jira sheegashooyin iska soo horjeeda oo labada dhinac ay ku sheegayaan guulo, laakiin ma jirto warar si rasmi ah uga soo kala baxay labada dhinac. Mudooyinkii u dambeeyay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal ay ka wadeen dhinacyada isku haya halkaas, waxaana deegaano ka tirsan Gobolkaas gacantooda ka baxday Ciidamada AL-shabaab. Ciidamada AL-shabaab aya ui eg mid uu xiligodii dhamaday madama aad kafahmi karto gulo badan ay garayan ciidamada dowlada iyo ciidamada kale ee garbinaya oo isku jiho u socdaa kuwaas oo ay yihiin hadaf koda in wadanka laga xoreyo ciidamada AL-shabab ee kataliya inta badan wadanka somaliya. Kismaayood.com Happy Yare
  8. Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Azaniya oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Ilyas Badal ayaa soo gaaray magaalada Dhoobleey. Waftigan ayaa ka soo kicitimay magaalda Nairobi halkaa oo lagu soo unkumay maamul gobeleedka Azania. Mudane Ilyas Badal ayaa horey u ahaa gudoomiyaha J/Hoose xiligii C/llaahi Yuusuf. Qeybaha kala duwan ee maamul goboleedka Azaniya ayaa is ku raacay in maamulka sadexda gobol loo daayo mudo labo sano ah maamuladii ka jiray xiligii C/llaahi yuusuf. Maamul goboleedka Azaniya ayeey u dhameeystiran tahay qeeybaha kala duwan oo uu maamul dowli ah leeyahay. Qeeybaha kale ee dalka ayaa la filayaa in dhowaan gaaraan maamuladii loo soo igmaday. Jubbalandnews.com
  9. Nairobi (RBC) Warar naga soo gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijiyey in ciidamada Raskambooni iyo kuwa DKMG ee maanta dagaalka la galay kuwa Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen sarkaalkii hogaaminayey ciidanka Al Shabaab. Sarkaalka la qabtay ayaa lagu magacaabaa Sheekh Maxamuud Taqal waxaana wararku sheegayaan in isagoo dhaawac ah lagu soo qabtay tuulada Jirme oo ku dhow Afmadow halkaasoo saaka dagaal ay ku qabsadeen ciidamada DKMG iyo Raskambooni. Sarkaalkan ayaa ahaa ninkii hogaaminayey ciidanka Al Shabaab ee ka dagaalamayey Dhoobley, waxaana dhaawaciisa haatan lagu daweynayaa Dhoobley siday sheegayaan ilo xog ogaal ah. Qabashada sarkaalkan ayaa ka dambeysay dagaal culus oo saaka ciidamada DKMG iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray tuulooyinka Jirme iyo Sabaax halkaasi oo sarkaalka gacanta loogu dhigay. Sheekh Axmed Madoobe oo ah gudoomiyaha ururka Raskambooni oo xulufo la ah ciidamada DKMG oo galabta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankiisa ay gacanta ku hayaan sarkaalkaasi Shabaab ka tirsanaa. Wuxuuna sheegay inay daweynayaan. Xarakada Shabaab ayaa ka aamusay ka hadalka warka ku saabsan qabashada sarkaalkan. RBC Radio -Xafiiska wararka Nairobi
  10. Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal saaka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan degmadaas oo dhaca dhanka duleedka ay ku qabsadeen tuulooyin ay isku uruursanayeen Shabaabka. Dagaalka ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Shabax oo ka tirsan tuulooyinka hoos taga Dhoobley, iyadoo dagaal muddo saacado qaatay uu halkaas ku dhex maray Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano dhowr ah, ragg saraakiilna ay ku qab qabteen, inkastoo aanay sii xusin tirada saraakiisha. Dagaalka ayaa la sheegay in goor hore oo barqanimadii ahaa uu istaagay, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac wali wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garo. Ciidamada Dowladda ayaa hada u muuqda in ku dhowaan 100-KM ay ka dhaqaaqeen degmada Dhoobley, iyagoo hada kulaalaya dhanka deegaanka Afmadow. Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhacay Jubada Hoose, tan iyo markii dhowaan Ciidamada Dowladda ay qabsadeen degmada Dhoobley. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com
  11. Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Raskambooni oo dagaal kula wareegay deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka J/hoose Dagaalo aad u culus ayaa waxay saaka ka dhaceen deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka J/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada Somalia iyo Xarakada Raaskambooni oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyadoo dagaaladasina ay geysteen qasaare fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalada ayaa bilowday saaka waaberigii ka dib markii ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Raaskambooni ee gacanta ku haya degmada Dhoobley ay weerar culus ku qaadeen deegaano lagu magacaabo Jarmiin iyo Shabaax oo ay joogeen ciidamada Xarakada Al Shabaab kuna yaala inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka J/hoose. Labada dhinac ayaa waxaa deegaanadaasi ku dhexmaray dagaal aad u qaraar oo gacmaha la iskula tegay la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay markii dambe ka baxeen labada deegaan ee Jarmiin iyo Sabaax ayna ayna la wareegeen gacan ku heyntooda ciidamada is garabsanayey. Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay iney u baxeen dhinaca degmada Afmadow, iyadoo dagaalada halkaas ka dhacay ay guulo k sheegteen ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni saraakiil u hadlay oo sheegay iney guud ahaan la wareegeen goobihii ay saaka weerareen ayna ka dileen dhinacii ka soo horjeeday ilaa 10 askari oo ay sheegeen in meydkooda uu daadsan yahay ilaa hadda goobihii lagu dagqaalamay, mana jiro war ku saabsan dagaaladii saaka oo ka soo baxay dhinaca Al shabaab. Deegaanada Jarmiin iyo Sabaax ee saaka ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Xarakada Kaambooni ay la wareegeen ayaa waxaa ay ku yaalaan inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka J/hoose, waxayna Dhoobley u jiraan 120 km halka dhinaca afmadowna ay u jiraan ugu yaraan 60 km, waxaana saraakiisha ciidamada dowlada ay sheegeen iney dhowaan ku fool leeyihiin degmada Afmadow. Xigashada: Dayniile
  12. Arbaco, 20 April 2011 11:13 | Qoraaga: Tafaftiraha Afdheer Dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay deegaanada hoostaga Maamul-goboleedka Azania State of Somalia iyo deegaanada deriska la ah, tan iyo intii lagu dhawaaqay Maamulkan dabayaaqadii bishii Maarso ee 2011-da. 30. March 2011, Prof. M. Abdi Gaandi ayaa madaxweeyne loogu doortay maamul loogu magacdaray Azaniya State of Somalia. 31. March 2011, Waxaa magaalada Garissa ka dhoofay Odayaal iyo Salaadin uu hogaaminayay Suldaan Abdi Ali Sokor, ka dib markii ay Dowlada Kenya ku martiqaaday inay yimaadaan magaalada Nairobi wadatashi ku saabsan maamulka Azania. 01. April 2011, Madaxweyne Gandi ayaa ka qeybgalay markii ugu horeeysay asaga oo Madaxweeyne ah barnaamijka Falanqeeynta-Jimcaha oo ah barnaamij ay soamaalidu aad u xiiseeyaan dhageeysigiisa. Isla maalinkaas, waxaa magaalada Dhoobley ka dhacay dagaal socday 7 saacadood oo xiriir ah dagaalkaas oo ay guusha ku raacday Xoogaga Alshabaab oo berigaas ka talinayay Degmada Dhoobley iyo hareereheeda. 3. April 2011, Waxaa degmada Dhoobleey la wareegay Ciidamada Maamul-goboleedka Azania iyo Khubarada Kaambooniyiinta oo is garabsanaya, ka dib dagaal faraha looga gubtay. Isla maalinkaas, waxaa si rasmi ah loo caleemo saaray ama loogu dhaariyay xilka Madaxweeynenimada ee Dowlad-goboleedka Azania State Of Somalia Madaxweyne Mahamed Abdi Gaandi. Isla maalinkaas, waxaa Belad-xaawo gaaray wafdi ka socda DFKMS. oo uu horkacayay wasiirka maaliyada iyo lacagta mudane Xuseen Cabdi Xalane. Wafdiga waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Xidig), wasiiru dowladaha Bada, Dekedaha iyo Gaadiidka Cabdirashiid Xaaji Deerow, taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan “Cali Madoobe” iyo Gen,Yusuf Cismaan Dhuumaal oo isaga mar ahaan jiray Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaliyeed. 5. April 2011, Madaxweyne Gaandi iyo Suldaan Cabdi Cali Sonkor aya ku kulmay magaalada Nairobi arimo ku saabsan Maamulka Azania. Isla maalinkaas, Gudoomiye ku xigeenka Golaha fulinta Ahlu-sunna wal-jamaaca ninka lagu magac'aabo Maxamaed Maxamuud Ow-Libaax oo war baahinta la hadlay asaga oo ku sugan Caabudwaaq ayaa Maamulka Azaniya ku tilmaamay waxba kama jiraan. Isla maalinkaas, Waxaa deegaanka Dhoobleey booqday, wasiirka maaliyada iyo lacagta mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdirashiid Xidig oo ah wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DFKS. 6.April 2011, Ogayaasha Jubooyinka iyo Siyaasiga lagu magac'aabo maxammed Amin ayaa shir'jaraaid ku qabtay Nairobi, shirkaas oo ay si wadajir ah ugu taageereen Dowlada-goboleedka Azaniya. 7. April 2011, Safiirka soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku baaqay in la gar'gaaro dadka ku dhibaateeysan Jubooyinka oo ay isugu darmeen dagaalo iyo Abaaro daba dheeraaday. Isla maalinkaas, Caruur ayaa ku wax'yeeloowday qarax ka dhacay magaalada Diif Korma kadib markii ay ku ciyaareen bambaano looga tegay meel xero Ciidan ah oo aay ka guureen Ciidamada Kaambooniyiinta. Isla maalinkaas, Dayuuradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa Xuduuda ku weeraray dhor Askari oo ka baxsaday Ciidamada Dowlada islamarkaana doonayay inaay ka talaabaan xadka labada dal. Isla maalinkaas, Raiisul-wazaare Farmaajo ayaa Nairobi kula kulmay dhigiisa Raila Odinga. Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamadooda ay magaalada Dhobleey kala wareegeen Xoogaga Alshabaab oo sida uu sheegay ay la socdaan dagaalyahano ajaanib ah. Usbuucaa gudihiisa waxaa warbaahinta lagu qoray in magaalada Garissa laga furay Qunsuliyad ay leedahay Dowlada Ethopiya. 8. April 2011,Raiisul-wazaarihii hore ee dalka ingiriiska Gordon Brown oo waraysi siiyay wakaalada wararka (AP) ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Alqaacida ay ka bexeen Magaalada Kismaayo... Isla maalinkaas, Suldaan Maxamed Xaaji Siraad (Siraaji). oo marti ku ahaa barnaamijka Fool-kafool ee ka baxa Raadiyaha Xarunta Bafin iyo Bidhaan arag (Kismaayood.com) ayaa dhinacyada ay quseeyso ugu baaqay in la taageero DowladaGoboledka Azania, waxuuna cambaareeyay dadka sida xun wax u fasirtay ama dhaliilay maamulka Azaniya. 9. April 2011, Waxaa ku geeriyooday Magaalada Kamsuuma labo qofood ka dib markii uu dab ka kacay Bakhaar lagu iibinayay shidaal (Haweeneey iskaleheyd bakhaarka iyo nin shaqaalo ahaa) 10. April 2011, Xoogagga arxanka'daran ee Alshabaab ayaa magaalada Kismaayo ku goowracay 4 nin oo ay ku eedeeyeen in ay xogo siinayeen ciidamada dowlada ee ku suganTaabdo. Isla maalinkaas, Waxaa Ka dhacay Magaalooyinka Mataanaha ee St paul , Minneapolis Shir lagu Taageeray Maamul Goboleedka Azaania. 11.April.2011, Waxaa magaalada Nairobi gaaray Wafuud Soomaali ah oo ay horkacayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Somalia, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Galmudug iyo Madaxweynayaal kale oo Soomaaliyeed iyo weliba qaar ka mid ah ururada hubeeysan, sida Ururka Ahlu-sunna wal-Jamaaca. 12.April.2011, Xeen Maleeshiyada Alshabaabka Qooqaani ah ayaa isu dhiibay Ciidamada Dowlada iyo Kaambooniyiinta ku sugan safka hore. 13.April.2011, Afayeenka Qaaradda Yurub ee Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ninka lagu magac'aabo Sheekh Max’ed Xuseen Owliyoow ayaa Magaalada Nairobi ka sheegay in ujeedada Ahlu-Sunna ay kaga qeyb galeen shirka Nairobi ay tahay, sidii ay u hanan lahaayeen xukunka dalka Soomaaliya Isla maalinkaas,Shabaabka magaalada Baardheere oo xir xiray Ganacsato iyo Waxgarad. Isla maalinkaas, waxaa warbaahinta lagu faafiyay Kulan ka dhacay Buaale oo looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya, kulankaas oo sida la sheegay uu ka qeeybgalay Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane. (wax lala yaabo ma aha, Ugaas Xuseen Allah ha xafido) 15.April 2011, Xoogagga arxanka'daran ee Alshabaab ayaa magaalada Kismaayo ku gowracay Sarkaal horay uga tirsanaani jiray maamulkii Dooxada Juuba ee Bare-hiiraale oo lagu magacaabo Xareed Ali Dur-dur oo oo sida la sheegay inta la gowracay ka dibna meedkiisa lagu soo tuuray laamiga magaalada Kismaayo, Hadii ay jiraan wax dhaliil ama khalad ah, sida taariikhaha dhacdooyinka ama macluumaadka intaba waxaan codsanayaa in la ii saxo, ama laiigu soo diro Emailka hoos ku qoran, ileen beni'aadamku ma dhama,. Mahadsanidiin WCW. Bishar Haji- Qoraa Madaxbanaan
  13. Sian Griffiths and Jon Ungoed-Thomas Tuesday, April 19, 2011 Five top grades at A-level were not enough to win a Somalian girl a place, as university admits she was 'disadvantaged' by their admissions process. Fatima was denied a place at Merton College despite her top grades (Rolf Richardson) Oxford University has admitted that it bungled when it failed to offer an interview to a bright black student from one of Britain’s most deprived areas. Somalian-born Fatima Yusuf, 19, had applied to study medicine at Merton College after obtaining the highest possible grades in five A-level subjects and 11 A* grades in her GCSEs. She was penalised by the university because she took five of her GCSEs as a 13-year-old — an achievement that would normally have indicated academic strength. However, as she gained the remainder of her GCSEs at a more normal age, the university’s admissions department disregarded her results because they had not been taken in a single sitting. It now recognises this was a mistake. The university also marked her down because she went to an obscure college in east London and it could not find any results for the institution to compare Fatima with her fellow students. Fatima was forced to appeal and the university conceded that she had been “disadvantaged” by its admissions process. As a result, she was given an interview but still failed to gain a place. Fatima, who lives in Edmonton, north London, said this weekend: “I didn’t want preferential treatment, but I wanted fair treatment and I don’t think I got it. ” Fatima’s father, Bashir, said: “Fatima was a beacon of hope for the Somali community and an example of what you can achieve. “The feeling in the community now is that Oxford is off limits because they’ve seen what happened to Fatima and they see what looks like an elitist institution where people from humble backgrounds are not welcome.” Oxford’s rejection of Fatima has emerged after David Cameron said its admission rate for black students was “disgraceful”. The university hit back, accusing the prime minister of using misleading figures, and pointing out it had invested millions of pounds in trying to attract students from all backgrounds. Fatima, the eldest of seven children, was a baby when her parents fled war-torn Somalia in 1992. They settled in Edmonton, where Bashir now works as a manager in a Somalian community centre. It is a highly disadvantaged area. An Enfield council report in 2009 noted: “In Edmonton the indicators of multiple deprivation have shown that our population experiences low attainment in education, higher levels of crime, low income, poor health, housing problems and a poor quality environment.” Gang violence is commonplace. Last Sunday, Negus McLean, 15, was stabbed to death there in a gang attack as he tried to protect his younger brother. Fatima attended her local primary school and went to study at an Islamic boarding school in Nottingham. She was homesick and her family struggled to pay the fees, so she left after a year. With no immediate offer of a suitable state school place, she studied for months on her own despite the noise from her younger siblings in the family’s rented terraced home. “It was difficult because I didn’t have a school, but I went to libraries where it was quieter,” she said. “I enjoyed learning and I was motivated to get qualifications.” She briefly attended a state school, Kingsmead in Enfield, but did not feel sufficiently challenged. She then went to a private tuition college and achieved five GCSE A*s by the time she was 13. Fatima then studied for A-levels in the sixth form at Seven Kings high school, a comprehensive in Ilford, Essex. She obtained three A*s in A-levels on top of two A grade A-levels taken at her tuition college before the star system was introduced. In September 2010, after taking a year out from her studies, she applied to study medicine, making Merton her first choice. She also applied for a place at University College London and King’s College London. A trip to Somalia five years earlier had inspired her choice of career. She said: “I saw the impact of the civil war, the death and destruction, and people lying on the streets without medical care. It made me think that if I did become a doctor, I would be able to help.” On November 30, she was told by Oxford that she was not being invited for interview, based on her GCSE results and her scores for a BioMedical Admission Test used to assess potential medical students. She appealed and her father alerted David Lammy, the former universities minister who has highlighted the challenges faced by ethnic minorities applying for university. Oxford admitted in December that it had erred in not offering Fatima an interview. It transpired that her GCSE results had not even been considered. An email from preclinical medicine admissions admitted that “the assessment of your application was conducted without reference to your GCSE performance” and explained that this was partly because her exams had not been taken at “a single sitting” and partly because the university had been unable to find any published results for her tuition college. The email, seen by The Sunday Times, added: “The fact that your GCSEs have been achieved at a number of sittings is, in your case, an indication of academic strength rather than weakness and the results that you have achieved must be viewed as excellent in any context.” Fatima’s GCSE results were in fact better than the average GCSE results of students who were offered a place to read medicine in 2010. According to Oxford’s own figures, the average candidate had 9-10 A* grades at GCSE, compared with Fatima’s 11. It conceded that its approach “may have disadvantaged” Fatima and she was offered interviews. However, less than a week after the interviews she was told she was not being offered a place. Her experience is reminiscent of the case of Laura Spence, a state school student whose rejection for a place to study medicine at Oxford University in 2000 caused a political storm. Paul Kelley, headmaster of Monkseaton high school on Tyneside, Spence’s former school, said: “I think the admissions system in many ways has not moved on in the last decade. In America, top universities hunt this kind of person down.” Fatima’s case has emerged as Britain’s leading universities face a challenge over their record in encouraging ethnic minorities. When Fatima was in the midst of her application to Oxford, Lammy released figures which he said showed that 21 out of Oxbridge’s 69 colleges had admitted no black students in the previous year. Merton had not accepted a black student for the five years before 2010, he said. Oxford said it had taken 27 black undergraduates and that 19% of its intake are from ethnic minorities — higher than the population as a whole. The university believes it is being unfairly criticised and is working to broaden its intake. Applications from state schools have risen by 80% over the past decade. Despite some success stories, Oxford’s own analysis shows that a lower percentage of applicants from a number of ethnic minorities are accepted than white applicants. In 2010 black African applicants had an average success rate of 6.7%, while white applicants had a 24.1% success rate. The university argues that part of the problem is that many black applicants choose to apply to its most over-subscribed courses, where competition is fiercest. Nearly 30% of black applicants to Oxford University want to study medicine. Oxford says attainment at school is the single biggest barrier. In 2009, 29,000 white students got the requisite grades for Oxford compared with 452 black students. Fatima, who won a place to read medicine at UCL is not bitter but believes Oxford should scrutinise its admissions procedures to ensure its equality policies are properly implemented. Oxford said in a statement: “We do not discriminate in favour of or against anyone on the basis of race or any other non-academic factor. “Clearly, the candidate in question is academically excellent. However, there were 1,472 applicants this year for only 152 places to study medicine at Oxford, and in the academic judgment of six or more medical experts there were at least 152 other candidates who demonstrated even higher ability and potential through the selection process.” Afdheer.com
  14. Hal la qulqulo ilamaa bariga fog iyo indho yarta maxaa kaaga gadiish ah. Lol
  15. Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Azaniya oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Ilyas Badal ayaa soo gaaray magaalada Dhoobleey. Waftigan ayaa ka soo kicitimay magaalda Nairobi halkaa oo lagu soo unkumay maamul gobeleedka Azania. Mudane Ilyas Badal ayaa horey u ahaa gudoomiyaha J/Hoose xiligii C/llaahi Yuusuf. Qeybaha kala duwan ee maamul goboleedka Azaniya ayaa is ku raacay in maamulka sadexda gobol loo daayo mudo labo sano ah maamuladii ka jiray xiligii C/llaahi yuusuf. Maamul goboleedka Azaniya ayeey u dhameeystiran tahay qeeybaha kala duwan oo uu maamul dowli ah leeyahay. Qeeybaha kale ee dalka ayaa la filayaa in dhowaan gaaraan maamuladii loo soo igmaday. Jubbalandnews.com
  16. Jubbaland Diaspora Forum (JDF) sends its congratulations to the new president of the Azania State of Somalia, Prof. Mohamed Abdi Gandhi. It also wishes the people of Azania State of Somalia, a new begining of democracy, the rule of law and justice. JDF will work to support this new state with all its capability for the interest of the Somali people of these regions. LONG LIVE AZANIA STATE - LONG LIVE SOMALIA
  17. Badhhen's tinny revolution message is,, .. unity, peace, and integrity Well done Badhan,, and it's people ..
  18. Tiny revolution is getting faster and unstoppable ,,...
  19. Ismahaan;713017 wrote: My adeerayaal yaal state caseer maa laga service gareen aan u guuree You can come to Azania, till reer adeero's Casiir state gets recognition...Lol
  20. Sabti, 16 April 2011 13:36 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Dhoobley (Afdheer) Raaskaambooniyiinta Jubbooyinka Soomaaliya ayaa guullo iyo horumar fiican ka gaaray hadafkoodii ahaa inay dib ula wareegaan dhammaan deegaanada ay xoogga uga qabsadeen Shabaab waxaana durba laga dareemay guulaha ay gaareen deegaanada Diif-Soomaali, Deg-alama iyo Dhoobley oo ay la wareegeen maamulkooda. Deegaanno hoos yimaada magaalada Dhoobley ayey maamulaan Raaskoombooniyiinta Jubbooyinku kadib markii go,aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya masuuliyadda maamulka iyo nabadgaliyada deegaanadda ay dowladda iyo Raskoombooniyiinta la wareegan loo daayey inay lahaadan Raaskaambooniyiintu. Ciidamada Raaskoombooniyiinta duleedka Dhoobley ku sugan waxaa dhawaan isku soo dhiibay 11 askari oo kamid ahaa shabaab kuwaasoo isu soo dhiibay Raaskaambooniyiinta iyagoo hubeysan. Raaskaambooniyiinta Jubbooyinku waxay heleen hub fudud, hub culus, dereyska ciidamada Daraawiishta Soomaaliya, dhaqale iyo agab meletari oo kale. Ciidamada dowladda ayaa ku labisan Tuute halka ciidamada Raaskaambooniyiintu ku labisan yihiin dareyska Daraawiishta. Labada Ciidan ayaa u muuqda inay u dhisan yihiin ciidanka nabadgaliyada deegaanka (Boliiska) oo daraawiishta ah (raaskaambooniyiinta) iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah kuwa malateriga ah looguna talo galay inay sugaan ammanka guud ee gudaha dalka Soomaaliya iyo xuduudihiisa. Raskaambooniyiinta waxay heystaan baabuur nooca dowladda ah oo ay wataan saraakiishoodu iyo ciidamadoodu sidoo kale waxay u dhisan yihiin qaab ciidan dowladeed rasmi ah. Degmo kasta ama tuulo kasta oo ay ciidamada dowladda iyo raaskaambooniyiintu la wareegaan waxa maamulka u dhisaya raaskambooniyiinta sidoo kale ciidanka saldhigyada Boliiska waxaa u sameynaya raaskaambooniyiinta. Raas-kambooniyiintu waa ciidan dowladeed rasmi ah waxayna leeyihiin hoggaan u gooni ah laguna magacaabo Sheekh Axmed M Islam iyo xukuumad u dhisan qaab dowladeed oo ay raaskaambooniyiintu leeyhiin. Dhoobley Afdheer.com
  21. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15ka April 2011 ayaa waxaa lagu qabtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska shir si aad iyo aad loo soo agaasimay oo lagu taageerayay maamul goboleedka Azaniya ee dhawaan Kenya lagaga dhawaaqay. Wakiilka UK ee Uruka qurba joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diaspora Forum), Mudane Cumar Yusuf Qaladiid oo shirka furay aayado Quraanka Kariimka ka dib ayaa sheegay in ujeedada shirku yahay sidii loo muujin lahaa in Qurba Joogta Jubbooyinka garab taagan yihiin maamul goboleedka Azaniya is la markaana looga wada arinsan lahaa sidii hiil iyo hooba maamulkan cusub loogu garab istaagi lahaa wuxuuna u mahad celiyay marti sharafta kala duwan ee hoolka xaadirka ku ahaa iyo kuwii qalabka la iska arko uga qeeyb qaatay shirka. Kulankan oo ay soo xaadireen qeeybaha kala duwan ee shacabka Jubbooyinka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahanka Jubbooyinka ee qurbaha ku nool iyo xildhibaano Jubbooyinka ka soo jeeda oo waqtigan ku sugan wadanka UK. Ambassador Faarax Daahir Afeey oo ah xildhibaan Jubbooyinka ka soo jeeda ahaana xiligii dowlada Maxamed Siyaad Barre safiirka Soomaaliya ee Japan iyo wadamo kale oo reer galbeed ah oo hadal kooban jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay in maanta umada Azania waa cusub u baryay is la markaana si shuruud la’aana loogu baahan yahay in gacmaha la is qabsado lana garab istaago dowlad goboleedka deegaanka u dhashay. Prof Siyaad Maxamed Mursal ayaa isna sheegay in dowlad goboleedka Azaaniya meesha ka saartay dulmiga iyo kala danbeeyn la’aantii deegaanka ka taagnaa labaatankii sano ee ugu danbeeyay umada Jubbooyinkana noqdeen kuwa nasiib u hela in aqoonyahano dal iyo dibadka sumcad ku leh hogaanka u qabtaan. Marwo Baarliin Deeq iyo Sahro Dable oo iyagu dhawaan ka soo noqday shirkii maamul goboleedka lagu dhisay ayaa xusay in qurba joogta Jubbooyinka looga fadhiyo taageero dhinac walba in ey barnaamijkan la garab istaagaan.Waxaa kaloo shirka ka hadlay wakiilada Puntland iyo Sool Sanaag iyo Ceyn ee UK oo muujiyay sida ey ugu faraxsan yihiin una ayidsan yihiin maamul goboleedka Azaniya. Dhinaca khadka telefanka ayaa waxa shirka kaga qeeyb qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Azaniya Prof Maxamed Xaaji Cabdi Gandi, Ugaas Xiiraay iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Azaniya oo iyagu ku sugan wadanka Kenya. Prof Gandi sharaxaad uu ka bixiyay maamul goboleedka Azaniya ka dib wuxuu u mahadceliyay ururka Qurba Joogta jubbooyinka (Jubbaland Diaspora Forum) dadaalada ey wadaan sidii deegaanodooda xasilooni iyo kala danbeeyn loogu soo rogi lahaa wuxuuna kula dardaamay qurba joogta in xoog iyo aqoonba dalka ula soo laabtaan. Shirka oo ahaa mid aad u qiimo badan ayaa jawi farxad iyo damaashaad ku soo gaba gaboobay. Jubbalandnews.com Email: jlandnews@gmail.com London, UK
  22. Kadib dagaalkii Dhoobleey lagu qabsaday iyo halgaado aan badneyn oo Taabdo ka dhacday xaalada gobolka Jubbada Hoose waa ay deganayd ficil iyo hadal intuba. Laakiin KismaayoNews ayaanan cag dhigin intaasi bal si bulshada looga haqabtiro waxa daaha gadaashiisa ka socda, bal aan kala qaadqaadno. Alshabaab Tiknikadii Alshabaab badankooda waxaa loo raray Janaa Cabdalla oo ah meel Kismaayo iyo Afmadoow kala barta oo labbada magaalaba u jirta min lixdan kilo mitir, sababtana waxaa lagu micneeyey xili roobaadkii la filayay oo bilowdey iyo cududa ciidan ee Shabaabka kasoo horjeeda oo ka awood badan sidii markii hore Shabaabka ku tashanayeen. Sidoo kale maadaamaa halka ugu muhiimsan ee ay Shabaabka difaacayaan ay tahay Kismaayo, waxaa daruuri noqotey in magaalada dabada lala galo oo si adag loogu dagaalamo inta hal nin oo ka mid ah ay cududiisa ciida ka sarayso. Ciidamada Shabaabka waxaa loo kala qeeybiyey wax ka badan 3 qeeybood, arrinta xiisaha gaarka leh waxa ay tahay in qeyb kasta uu hogaaminayo mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu sareeya ee Alshabaab, tusaale ahaan qeyb ka mid ah waxaa hogaaminaya Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, halka qeyb kalana uu hogaaminayo Sheekh Xassan Daahir Aweys. Qaar ka mid ah dadka xogaha siiyey KismaayoNews waxa ay ku micneeyeen qeybaha in ay wax kasta ay ka shabahaan qaabka jabhadaha, walloow markii horaba ay Shabaabka Jabhad ahaayeen hadane waxaa meesha ka muuqata in ay isu rogayaan dad duur-ku-jir ah oo u diyaargaroobaya jabhadayn ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah. Qeybinta waxaa lagu micneeyey in si awooda ciidan uusan u jabin, islamarkaasina loo yareeyo qasaaraha ay daruuri noqotey in ciidanka aanan hal meel iyo hal hogaan lagu hoos heynin. Maalmahan waxaan tabineynin in Shabaabka ay isohortaageen gaadiidkii u kala gooshi jirey meelaha ay heystaan iyo meelaha laga qabsaday ee gobolada Gedo iyo Jubba Hoose, hadda Shabaabka alamtaro ayay soo dhaafeen, oo maxay sameeyeen? “Dhul gaalo in loo haajiro waa xaaraam” ayay ku yiraahdeen boqolaal qof oo dalka kasoo baxsanayay kuwaasoo la sheegey in qaarkood Muqdisho loo celinayo, dadkani waxa ay usoo socdeen xerooyinka qaxootiga ee Kenya. Azania Maamul goboleedka Azania ee hormuudka ka ah dagaalada jubooyinka lagula jiro Alshabaab, waloow ay xogtiisa tahay mar kasta mid qarsoodi ah oo aanan in badan shacabka lala wadaagin inta ay wax qabsoomayaan, hadane waxaan idiinkaha heeynaa waxoogaa xogo ah. Illo wareedyo ka agdhow maamulkani waxa ay noo sheegeen in maamulka uu u guurayo gudaha gobolka dhawaan xitaa ka hor inta aysan ciidamada la wareegin in badan oo gobolka ka mid ah. Waxay illahani noo sheegeen in maamulka uu kusii shaqayn doono magaalada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose tan iyo inta la qabanayo gobolka intiisa kale, gaar ahaan Bu’aale oo lasoo jeediyey in xarunta laga dhigo iyo Kismaayo oo ah magaalada gobolka ugu weyn uguna muhiimsan taasoo ay soo xoogeynsanayaan dhinacyada doonaya in iyada xarunta loo daayo. Warar kale waxa ay sheegayaan in maamulka Azania uu bilaabay qorista ciidamo cusub oo ku biiraya maamulka kuwaasoo laga qorayo Dhoobleey iyo deegaanada kale ee hadda Shabaabka laga qabsaday, ciidamadani ayaa sida la sheegey loo tabobari doonaa qeybaha kala duwan ee ciidamada maamulka sida Police-ka, Nabad Sugista, ciidamada badda, asluubta iyo waliba kuwa cirka oo maamulkani la sheegey in uu xooga saari doono islamarka uu howlgalo. Raaskaanbooni Xarakada Kaambooniyiinta oo iyaga olog la ah ciidamada dowlada ee Shabaabka la dagaalamaya ayay awoodeeda iyo saameynteeda isa soo taraysaa. Kasokow inay dhulka la isku haysto ku dagaalami yaqaanaan, waxaa la sheegaa inay yihiin cidda kaliya ee xeelad iyo tab taqaana dhamaan xoogagga ay is hayaan xarakadda Alshabaab. Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in xarakada ay ku biireen ciidamo cusub oo shacab ah iyo kuwa horey uga tirsanaan jirey oo markii hore magaalooyinka caadi isaga joogey kuwaasoo si tartiibtartiib ah usoo dusaya oo kusoo biiraya. Tani waxay u suuro galisay inay dib u soo laabato cududdoodii dhinaca ciidanka oo wiiqantay kadib dagaaladii ba`naa ee gobolka ku dhexmaray Alshabaab. Todobaad kan gudihiisa ayay ahayd markii 10 askari oo ka tirsan Alshabaab ay u soo galeen dhinaca Kaambooniyiinta, inkastoo la sheegay inay ahaayeen kuwa ka soo jeeda deegaanka. Guud ahaan Dhawaan ciidamada oo dhan oo isku jira waxaa loo qeeybiyey mushaaraad ku filan, mushaarkaasi ayaa la sheegey in soo celiyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dumey ee qeybo ka mid ah gobolka inta ay hadda ciidamada ka heystaan KismaayoNews.com