Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Wasalaam Juxa, and duhur wanaagsan......I have had my bariiis and about to take nap till casar...
  2. Waa iska caadi, mararka qaar waa la foofaa,....
  3. Mudo ku dhawaad ma dhageysan, weli waan iska hayaa ( sameecadaha ayey biyo shab dheheen....
  4. China hailed on Tuesday the death of Osama bin Laden in a U.S. raid while defending its regional partner Pakistan against accusations it had done too little against terror threats...... http://news.yahoo.com/s/nm/20110503/wl_nm/us_binladen_china
  5. Every joke is a tinny revolution, ...
  6. Waxaanse dhowraynaa biyahaa la isu mukhuursanyahaye halkay ka madax taagto,...
  7. Maa ashbaha layla bil baarixa,,,, habeenka caawa ahi kii xalay u ekaa...
  8. Som@li;715899 wrote: Buraanbur iyo Gabay midna waxba ma soo dhiciyee, Amxaarta ha la iska celiyo. Amxaarada iyo wixii soo raacey sida shiinaha, maraykan,, yuhuud aad baa loo jabiyey, halganku wuxuu marayaa meeshii u saraysay, Ilaahay mahadiis, tageero badan iyo dhaqaalo badana wuu helay. Gabayada, buraanburka iyo wacyi galinta guud ee dadka lagu boorinayo waxay ka darantahay baasuke gaadhi amxaaro saarantahay ku dhacay, sababtoo ah halganka waxaa caqab ku eh isla Somalida iyo dadkii ehel u ahaa caasimadaha waa weyn sida Diridewa, Jigjiga, Qabribayax, Moyaale, Ma'ayso,,etc waxa kiciya oo hurdada ka toosiya waa loo baahanyahay. Gabayadu waa qayb ka mida dagaalka lagu kasbanayo qalbiga, maalka, maskaxda, iyo muruqa umada. Roodo Ilaahay ha xafidee waa marwo degan oo halgamaa ah, diin iyo asturnaan leh islamarkaas af iyo adinba ku dagaalantay, Paragon warayso isagey jaar ahaan jireene...
  9. Bashiir

    Xeedho

    Sawiro bal balaadhan ka soo qaad hadaad nabad tahay ,...
  10. Gobanimo u dirir baad tihiin gaydh ku jiibbsadaye, gaygiina oo idil xornimo jeer u wada gaadho,Calankaa shangeesluhu jarduu guudka biligleeyo guulaamadaa muuqatee gugu jarduu hooroo, geeduhu jardoow soo baxaan galab carrow weeyee, waxba hadalku yuu ila gudbina waxaan kusoo gaabshay galbiyaha xareed galalac tidhi adiga oo gooman, gacmahaaga ood kaga cabtaad kaga gamaysaaye.... Roobab mihiigaan ah oo dhulka Ogadeenya maasheeyay si aad ahna loogu diirsaday.... Halkan ka dhagayso Radio Qorahay
  11. NGONGE;715303 wrote: Paragon, intaadaan odhan ragga waa la jilciyaay horta ma inoo hubta in ay kuwaan magacyada dumarka (ama naagaha) sita dumar run yiheen (excluding KK iyo kuwa la yaqaan)? War wa isla afrta xayraan oo magacyada inoo badalay dee. Nin waa kii handada, naagna waa tii haruuftanta laakiin niinow-naag si la dhaho ma leh. Baadhitaano badan ka dib haddii la hubsado naagnimadooda rag badan ayaa sameecado waaweyn rakiban oo codkooda si fiican loo maqli.
  12. Khamiis, 28 April 2011 16:37 | Qoraaga: afdheernews@yahoo.com Gedo: (Afdheer) Tuulo hoos timaaada Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayey soo weerareen mucaaradka dowladdu dagaal adag kadib Garbahaarey waxaa xoog kula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Sida uu xaqiijiyey sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo magaalada Garbaharey (Magaalo madaxda gobolka Gedo) waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhimasho, dhaawac iyo khasaaraha kale ee dagaalkaas xaqiiq looma helin wuxuuse sarkaalka u hadlay dowladda Soomaaliya caddeeyey in khasaaruhu gaaray kooxda Alshabaab. Dagaalkan ayaa la shegay inay maleyshiyada Alshabaab kusoo qaadeen tuulo Barwaaqo oo 20Km u jirta Garbahaarey kadibna dagaalkaas lagu muqiiniyey maleyshiyadii Shabaab illaa laga hanto magalada Garbahaarey. afdheer.com
  13. Xaqu waa cadyahay, waase la iska indho tirayaa....
  14. Hadii uu qaranjab dhaco, waxaa lama-weydaartaan ah in qulqulatooyinka dalka ka hanaqaada laga weeleeya: qalbijab, qalinjab, qoysjab, quwadjab, qaxootinnimo iyo waxkasta oo qiimaha iyo qaanuunka qarannimo qardoofo ku ah. Qaranjabkii bulshada Soomaaliyeed karkaarka weydaarshay qaxa iyo qiimajabkana Geeska Afrika ku lammaaneeyey wuxuu nabaadguuriyey naxashka-geeridana u meheriyey kartidii iyo karaamadii ay bulshadu ku indhakuulan jirtay barisamaadkii aynu ka badqabnay buyuqbaayuqa iyo balaayoyabooha bad iyo bari maanta naafeeyey ee nuxuusiyey dadnimadi Soomaalidana nusqaamiyey ee nabarreeyey. Sida aynu buugaagta ka qalindaaranay, waxaa jira afar dhardhaar oo lagu halbeega dheellitirka dhismaha qarannimo: Sharcidajinta, Fulinta, Garsoorka iyo warbaahinta, balse intuba aan wali si hufan Geeska Afrika looga hanan ama helin halbeegkooduna uu hoggaanka u qabtay ma hanta aan ku habbooneyn. Kaddib dhiciddi dawladdi-dhexe ee Soomaaliya, waxaa warfidiyeenka ku habqamay koox aan anigu u bixiyey “Tayo-daran ama qalimo-xun”, kooxdanoo warbaahinta ugu xoontay sida moryaantii miyiga ka timid ay ugu xoontay Muqdisho; bilicdi Banaadir iyo Beerihi Afgooyana barqo-kulul indhaha milkiilaha hortooda ugu kala baayacatay. Bahdan isku sheegta “Saxafiyiin Madaxbannaan”, sameystayna mareego ay fikirkooda buka ku faafiyaan dacaayaddana kaga dillaalaan, ayaa ka arradan saansaan kastoo saxafiga Soomaaliyeed lagu sunti jiray ama laga sugayey sugiddeeda waaba haddii uu jiro saxafi u carbisan ceynaanka warbaahinta oo waddanka wali ku sagane. Dhabargaraacashada iyo ka-dhilleysiga dhidibka afraad ee dhardhaarada dawladnimo, waa saxaafaddee, wuxuu noqday mid minjaxaabiya mugga iyo milgaha qalinmaalka iyo qoraaga Soomaaliyeed ee maanta iyo murugada dadka iyo dalka maalinba ay maalin kasii madow nagu mataaneyneysa annaguna aan abaal iyo ujeedda-la’aan ku aqbaleyno annagoo u afduuban oollimaadka eexda iyo abxashada ummaddan kala irdhoowday eegga iyo ayaanti aynu la ollognay kala aflaaqeynta iyo aafada kala eriday alkun iyo uur-wadaaggeed. Saxafiyiintii Soomaaliyeed ee moohibada iyo mahaaraadka jaango’an ee saxaafadeed lahaa, ayaa dalka sida tusbax-go’ay uga firxaday ayagoo darxumada iyo dilka diricyada saxaafadda isaga indha qarsaday martigalayna nolasha qurba-nacasta ee uusan waddanigu maalinna ku raaliga noqdeen; balse, qaranjabku qasabka ku qabatinsiiyey saas ahaanna iska qaayibay qammaandhacooyinka ku qooqaaraan. Kooxdan “Tayo-daran ama qalimo-xun” una badan “khabar-sidayaal” aan wali u dhaadhicin qoridda maqaalllo gilgila maanka akhristaha, ayuu dhambaalkooda rakhiiska ah intaan hurudnay noo weydaartay daarta saxafinnimo, waxaanan ku waabariisannay laaxin iyo erayo liita oo ribrib iyo yabyab ah kuwaasoo ay ishayadu ka saliilyootay kana sikatay! “Sharafi dhimatay!” Kuwan aan maalinna ka looxjiidan hab-qoraalka iyo hannaanka tabinta wararka, luuqaddana lugta hayee laaxinka ku aafeeyey, akhristow sow ma habboona inaan markale u bixiya “soomareystayaal” aan dhug iyo dhimir toona u laheyn gefafka qayaxan ee ay nagu rahmayaan, aniga iyo adiguna aan nafta ku hagbeyna innagoo muuq iyo mooraalba ka biyodiidsan aflaaqada qoraalkooda iyo eedaadka luuqadda habarwacashada ku harraadday? Haddii aad is-oran laheyd muxuu Stanza u sitaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, akhristow ma ogtahay in saaxibkay Aadan Sheekh Xasan (Azhary) oo kamida ragga maqaalada tayeysan ku qora bogga somalitoday uu kooxdan u bixiyay ” Sufahaaul Iclaam" taasoo la micna ah – maangaabyadii miidhiyaha anna aan ka hareer-safanahay? Waxaa saldhig u ah weerarka Stanza ee ku wajahan wariyaasha cusub garasho-la’aantooda adeegsiga xeerarka qoraalka afkeenna hodanka ah, Soomaaliga. Tusaale ahaan, haddii aad u kuurgasha wararka dalka ee Soomaaliga ku qoran kuna xardhan bogagga hore ee mareegaha warbaahinta Soomaalida, waxaa indhahaaga harqinaya dhambaal dheer oo uusan ku jirin: hakad, joogsi, hakad-badhan, diillin, calaama-su’aal, bilfur iyo bilxidh iyo dhammaanba shaqallada lagama-maarmaanka ah ee qoraalka lagu tarraxo ee tayo galiya. Laakiin, haddii uusan dalkuba daganeyn dawlad midnimo-qaranna aan wali lagu waabariisan; tababar iyo faafreeb-luuqadeedna laheyn, sow Stanza kuma khaldana in uu wareemo wiilasha iyo gabdhaha wararka dalka tabintooda wiiftadu wadnaha u-jareyso waagii baryaba? Maya iyo haa af ka wada yimid weeye warcelintu. Gunti iyo gunaanadkii maqaalka, waxaa lagama-doodaan ah in dhalliilaha aan soo bandhignay ay yihiin kuwa uu dabangaalluhu jiifta ku arko isheyda iyo taadana ay marag ka yihiin; maqooradka iyo maareyntana waxaan u deyneynaa tifatirayaasha mareegaha ku hawlan kobcinta iyo kor u qaadka warbaahinta iyo wabaxa afkeennan oonka la ildaran ulmay ee waliba olmay. Waxaanse indhaha laga qarsan karin qalinkana laga weecin karin qalinjabka iyo qoraalhadafka aad mooddo in nalagu waajibiyey dheehashadooda, balse akhriste sow waajib waddaniyadeed iyo mid afba nagama saarraa inaan tooshka ku ifinna kooxdan qalimo-xun ee afka garooca ah iyo erayga gurran nagu gaalaalbxinaya? Haa yagleelan weeye yeeliddeennu, yoolkuna ma ahan "Yeedhay - yeelay, yeelay - yeedhay" ee waa "Yeelyey - yeedhay." F.G: Maqaalkan wuxuu qoraagu qoray oo la faafiyey 22/8/2009, waana naqdin ku nudan nabarrada afka Soomaaliga naxwihiisa daxaleeyey, waxaanan dib ugu daabacnay in ay dhallinyaradu uga faa'iideystaan dhanka naqdiga afka iyo oollimaadkiisa walibana wuxuu qoraaga qoray, Stanza, soo dhaweynayaa dhawr khalad oo dhanka ambaqaadka afka ah oo uu ulakac ugu daray iney akhristayaasha soo saaraan si naqdigoodu uu u noqda mid cilmiyeysan. Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza)
  15. Imisaad adu maraysaa lama mise hal xaas? ,,..
  16. I think so, and dhibka jira ayaa ah macsiyo nooc walba leh, oo is gaadhay dhulkana ku faaftay. Dhirta la jari, duur joogta la dabar goyn, maatida aan la daryeeleyn iyo Dhiiga Islaamka ee la qubi waa in la joojiyo lagana toobad keeno lagana fogaado wixii macsiyo ah ee horseedi karta in nimco aad haystay lagaa qaado mid laguu soo wadayna lagaala noqdo. Dhirtu wa nimco, udub dhexaadka nolasha.
  17. Jaceylbaro tirakoobkii saddex geesoodka barmuuda ayuu ka duulayaa, farsamo siyaasadeed ayaa iiga muuqata,... boqol jir ma ahane waa boqol wiil koriya...ana wax fahan miyaan ku dhahaa kolka..
  18. Taleexi, xikmadi kuma yaree bal soo daa hadda ,,.. noo yaraha bildhaami lixdan jirkaaga geedkaad waraabiso goorta aad hadhsan? ,,...
  19. Wax biirso wax beel ayey leedahay, cimri tagayna ceeb laguma sagootiyo sidaas darteed raga aan yaraantoodii labo is kor dhigin ,,,,,,....cumri uma laa banee caruurtooda ha kor sadeen...
  20. Zack, as usual Aliyah made attractive points and fell asleep. But I tell ya we need il madow shidan sida malina oon dhayal u seexan. *You must spread some Reputation around before giving it to Aaliyyah again. *