Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Sabti, 23 April 2011 21:15 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Fanaaniinta Soomaaliyeed waxay ummadda usoo bandhigaan suugaanta Soomaaliyeed gabadhan waxay kamid tahay fanaaniinta ka qeybqaatay labiska dharka hiddaha, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Shamso Foot waa fanaanad qaada heeso badan oo la xiiseeyo una badan kuwa dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed- Nala daawo hees la yiraahdo ila-dheel (ila dheel dhaxyar dhuubooy-ila dheel wiilka dheeroow) oo ka mid ah heesaheeda casriga ah ee cusub. Kobtan- Guji
  2. Sabti, 23 April 2011 23:01 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Afdheer - Shirar waweyn ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaal Yurub iyo Ameerika shirarkaas waxaa qabtay Qurbajoog taageeradeeda u muujisay maamul goboleedka Jubbaland ee Azania. Shirarkaas waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno, Odayaal, dhallinyaro iyo dumar kasoo jeedda deegaanada Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxayna soo dhaweeyeen maamul goboleedkaas. Maamul goboleedka Azania State waa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee ay sameystaan beelaha wada dega deegaanadda Jubbaland iyagoo ku middeysan. Afdheer.com
  3. Wararka aan ka heleyno gobolka waxa ay sheegayaan in ay halkaasi gaareen wafti la filayay in uu halkaasi tago oo ka socda maamul goboleedka Azania Wararka waxa ay intaasi ku dareen in waftiga uu horkacayo Ilyaas Badan oo ah barasaabka Jubbada Hoose, waxaana wehliya saraakiil kale oo maamulka ka tirsan Ujeedada socdaalkooda ayaa lagu sheegey in ay tahay in ay usii gogol xaaraan maamulka Azania oo dhawaan la filayo in loo saldhigp meel ka mid ah gobolka inta laga dhamaystirayo xoreynta gobolka Dhanka kale saraakiil qurbajoog ahayd oo ka tirsan xarakada Raaskaanbooniyiinta oo hada qeyb ka ah dadaalada nabad u raadinta Jubooyinka ee Dowlada ayaa iyana la sheegayaa in ay halkaasi gaareen, saraakiisha gaartey waxaa ka mid ah Cabdinaasir Seeraar oo ah madaxa arrimaha siyaasada Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Seeraar uu halkaasi u tagay in uu wadatashi heersare ah lasoo qaato Sheekh Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee Kaambooniyiinta xili dhawaan lagu wado in la dhamaystiro maamulka Azania oo la sheegey in Kaambooniyiinta ay qeyb ka noqonayaan, waxaa la aaminsanyahay in Seeraar uu uga qeybgalayo shirkaasi isagoo Kaambooniyiinta matalaya maadaamaa uu shirka ka dhacayo Kenya Kismaayood.com
  4. Mubarak Maalikooy, .... Dhaqanka iyo Hidaha Q 54-aad (Habaarka Q-02-aad),, bal ila dhagaysta..
  5. oba hiloowlow;713657 wrote: ^^Wixii dan uu ah shacabka soomaliyeed waanu taageera sxb. Danta shacabku waxay ku jirtaa degenaansho siyaasadeed , nabad waarta, isu tanaasulid, isku tiirsani, sharciga oo la dhowro, kala danbeyn, cadaalad, horumar, waxbarasho, dhaqaale fiican, iyo wada shaqeyn dhex marta laamaha kala duwan ee bulshada iyo dowladaba. Intaas, in yar oo inoo muuqata iyo inkale oo lagu daray ayaa dan u ah shacabka. Azania waa abshir, iyo cad ceed soo baxday...
  6. oba hiloowlow;713649 wrote: ^^ Ma hoostaagan? markaas waa fiican yihiin, waxaan uu moodaye sida kuwaan ahlu sunnada sheegta (galgaduud) iyo Hiiraan state oo ka garab dagaalama dowladda balse ka mid aheyn.. Saxaafada qaarkeed, dad aan xog ogaal aheyn iyo kuwo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliya sida Shabaab, Itoobiya iyo wixii la mida ayaa hortaagan laakiin Azania waa cad ceed u soo baxday Somaliya. Rajo soo celinta Qarankii Somaliya ayey ka mid tahay. Xooga dalka, shacabka iyo maamulka sare ee Azania dhamaantood waa laf dhabarta dowlada dhexe sidii loo qorsheeyey ayey u socotaa . Laqabso,, saxiibkaa Liqaaye warayso.
  7. oba hiloowlow;713625 wrote: Kuwaan azania waa iska sheeganayaan lee Ciidamada Dowladda KMG waaye waxa howlgallada wado iyo Raaskambooni. Ciiidanka qalabka sida waa kuwii Maamul Goboleedka Azania oo isla markaa hoostaga dowladda Soomaaliya, Raaskaamboonina iyana way garab socdaan oo waa isku hal beeg. Intaas gows danbeedka yara dhig oo ciidanka aad taageersantahay maamulkiisa suuban tageer. Intuba waa ul iyo diirkeed...
  8. Khamiis, 21 April 2011 16:07 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer Afmadow (Afdheer) War dhawaan ku soo dhacay mareegta warqabadka Afdheer ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay Afmadow ka billaabeen raaf ay ku ururunayaan dhallainyarada magaalada oo ay u taxaabayaan jeedda-hore ee ay difaaca kaga jiraan, si ay isugu dayaan difaacidda magaalada Afmadow oo ay sidi maanta aan baahinnay ku soo wajahan yihiin ciidanka qalabka sida ee Maamul Goboleedka Azania ee hoostaga dowladda Soomaaliya iyo Raaskaambooniyiinta uu hoggaamiya Sheekh Axmed Madoobe oo guulo ka soo hoyiyey dhammaanba dagaalladi ay la galeen maleeshiyada Alshabaab. Waxeyna wararku sheegayaan in horjoogeyaasha Alshabaab ay ugu hanjabeen dhallinyarada magaalada in ay cawaaqibxumo la kulmi doonaan haddi ay u hoggaansami waayaan awaamirta ciidan iyo tacliimaadka taliska Alshabaab ee Afmadow, ayagoo raaciyey baa la yidhi in la toogan doona qofki laga dareemo inuu taageeraya dowladda iyo Raaskaambooniyiinta. Afdheer.com
  9. Bashiir

    Baafin

    A&T is with Che. He is doing well. I don't know about the chocolate lady. But the rest must have joined ONLA. They will be back when they finish their five year dhaqan celis or trainings. Baafin : Ibtisaam, Sayidka, & Cara. Markii iigu war danbeeysay waxay kala joogeen Somalilandh, Ingriiska iyo Libya. Nolol iyo geeri warkooda ha la iigu soo hogaajito laan qeyrta cagaaran.
  10. Inta dirawal, kaadhi iyo muqawad leh ee tuban faras magalaaha Somalilandh ,,,... hadde midkoodna ma dhalin geel kooda ahna ma dhicin,, marka in la iiga horeeyey ayaan ku wadaa... ...
  11. Khamiis, 21 April 2011 11:41 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer | Afmadow (Afdheer.com) Wararka naga soo gaaraya magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada-hoose ayaa tibaaxaya in kooxda Alshabaab ay ciidankoodi magaalada ku sugnaa dibadda uga saareen kaddib marki loogu xoogsheegtay dagaalladi deegaanka shalay ka dhacay ee u dhexeeyey ayaga iyo dowladda Soomaaliya oo ay ka hareer-dagaallamayaan ciidanka Raaskaambooniyiinta deegaanka. Dagaalki shalay ayaa Alshabaab lagaga gubay baabuur dhawr ah oo kala ahaa kuwa dagaalka iyo kuwa waaweyn ee saadka iyo saanadda qaada, qaar kalana lagaga qabsaday, ayadoo sidoo kale nolol lagaga qabtay saraakiil sare oo dagaalka hoggaaminayey isuguna jira socoto (shisheeye) iyo Soomaali, waxaana goobta dagaalka lagu qabtay asagoo nool oo dhaawac ah Sheekh Maxamuud Takhal oo ahaa Madaxi Amniga gobollada Jubbooyinka ee Alshabaab oo ay hadda baxnaaninayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Raaskaambooniyiinta ee Dhoobleey maamula, qabashada saraakiisha ayaa timid kaddib marki cagta la mariyey kooxda Alshabaab taliskoodina lala wareegay ayna dagaalyahanadooda ku timid niyadjab iyo jahawareer. Waxeyna wararku intaa ku darayaan in ciidan xooggan oo Alshabaab ka tirsan ay hadda dhufeys kaga jiraan tuulooyinka Miiddoo iyo Biibbi oon sidaas uga fogeyn magaalada Afmadow, halka ciidanka dowladda iyo Raaskaambooniyiintu ay ku wajahan yihiin Afmadow oo ah magaalo muhiim ah kuna taalla goob mudnaan weyn u leh halbowlaha siyaasadda iyo dhaqaalaha deegaanka Jubbooyinka. Afdheer.com
  12. Jaceylow raga maanta nool waa budhcad, muqayil, qabqable iyo fadhi ku dirire marka nin adhi la waydiisto waa nin karameed ogow ,...
  13. Khamiis, 21 April 2011 10:58 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Nairobi: (Afdheer) Wasiir ku-xigeenka wasaaradada gaashaandhigga dalka Soomaaliya cabdirashiid maxamed Xiddig ayaa sheegay in ay ciidamada dowladda Soomaaliya guullo ka gaadheen dagaaladii ka socday gobolada Gedo iyo Jubbooyinka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalo ka socdaan deegaanadda u dhow degmada Afmadow ee gobolka jubbada hoose iyo deegaanno hoos yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wasiir ku xigeenka ayaa xaqiijiyey inay jiraan rag horjoogayaal sare lagu sheegay oo u dagaalamayey mucaaradka laguna qabqabtay dagaallo xidhiidh ah oo ka dhacay deegaanno u dhow Afmadow wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku inay hore usii socon doonaan ciidamada dowladddu gacantana ay ku dhigi doonaan dhammaan meelaha ay joogaan mucaaradka dowladda. Wasiir ku xigenka wasaarada gaashaandhigga ayaa yiri " wax khilaaf ah kama dhax jiro ciidamadda dowladda iyo kooxaha kale ee ay is kaashanayaan mar uu ka jawaabayey su`aal aheyd in ay jiraan khilaaf soo kala dhaxgalay Ahlu sunna iyo ciidamada dowladda dhinaca gobolka Gedo". Mudane Xiddig ayaa mucaardka dowladda ugu baaqay inay isku soo dhiibaan ciidamadda dowladda iyagoo iska dhiibi kara hadba meesha ugu dhow ee ay iskuga dhiibi karaan ciidamadda dowladda wuxuuna sheegay inay jiraan kooxo is dhiibay oo kasoo fakaday mucaaradka. Ciidamadda dowladda ee howlgallada ka wada goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa doonaya inay xarumo ka sameystaan Kismaayo, Bu`aale iyo Baardheere maalmaha soo socda. Nairobi Afdheer.com
  14. Ri lamaan iyo qandi sonkor ah waad heli,,... haddii Alle kuu roonyahay Showqiyoow bal reerka igu salaan.
  15. Yes to and from Azania, till Shabs thrown into Azanian sea....
  16. It's to Azania, and so far it's going well....
  17. A wind of change has come for Somalis. Every village started to take care of its affairs and compete with other next villages in the spirit of good governance, peace and progress. The bottom up approach for united people most specially the Azanian citizens is a wind of change . Thanks to Prof.Gandi and more power.
  18. Xidig dhowrka bilood ee u hadhsan dowlada ku meel gaarka ah ha iska dhamaysto, shaqada loo igmaday ee ah soo nooleynta qaranimada Somaliyeed ha ka soo baxo inta taagiis ah ..
  19. Balaayo intay ka maqantahay, walle qayrkaa ku maqnaatay,....
  20. ^Magaalo Somaliyeed oo gacan Alshabaab ku jirta sida Jowhar haddii lagaa waraysto macnaheedu ma ahan qabiil baa loo duur xulayaa cudurka Somali la hadhay haddii aad ka fayowdahay, maamul gobaleedka Azania waxaa lagu dhisay axdi qarameedka dowlada federaalka Somaliya ciidanka jiida hore jooga ee dagaalami waa isla ragii u dhashay deegaanka ee lagu tababaray gudaha iyo dibadaba halbeegooduna waa sidii qaranimada Somaliya loo soo celin ahaa( in a bottom up approach), lakiin adu hadaad si kale u fasilato waa tu adi kuu taala. Dhoobley waxay noqon siday dadkeedu ka dhigaab, Jowharna sidoo kale...
  21. ^I see Jowhar is taking notes from Dhoobley,...