Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Somali kala goo kaa yeeli maayo, Ingriisna ma yidhi...
  2. Dhulka ayaan tagaynin, dadkuna dhamaan maayaan (taniyo qiyaamaha) taariikhduna way is qoraysaa. Free Ogadeenya. Free SSC. Free Awdal.
  3. Somali kala goo kaa yeeli maayo ,, adna waad ogtahay...
  4. Fiska = Bari iyo nugaal iyo,,, bada xeeb kismaayiyo,, inaan adiga ceelbuur,,, kaa baaray waayoo,,, boqorkii jeceylkow,,, dartaa baaba'aayoo,, bogsan waayay ma ogtahay. Booska = Galabtaan is baraniyo,,, gabaryahay beri iyo shalay,,, boogtu weygu taalaa,,, bartamaha habeenkiyo, subaxdii bariisada,,, barqad iyo cadceed kulul,,, maba baaqan karayee... somali weyn -3 likes, 0 dislikes...
  5. Shirkii dhameystirka dowlad goboleedka Azaniya oo la rajaynayo in uu dhaco 25.05.2011, waxaan dhawrnaaba waa wajigii labaad iyo dardar gelinta maamulka suuban....
  6. Xaaji Xunjuf;721067 wrote: Looolz wa wax isagu iska jecladay source Jubbalands bu ino dhiibay,, looolz. Read more, xaajiga....
  7. Sargaal sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada dalka Norway ayaa u duuley magaalada Muqdisho, kadibna kulan la yeeshey labbada Shariif isagoo isku dayay in uu is faham dhexdhigo labbada nin ee siyaasada isku haya Sargaalkan ayaa isla shalay dib uga dhoofey Muqdisho, lama oga waxa kasoo baxay arrintii uu u socdey Labbada Shariif oo mar ahaan jirey saaxiibo isku dheer ayaa haatan ah kuwa ugu daran ee lidka isku ah, waxay isku heystaan in la qabto doorasho madaxweynenimo bisha Augusta 20keeda ka hor Kismaayood.com
  8. Somalina;720912 wrote: Awoowe, bal meesha Azaniya ku qoran tahay ka dayday adigu. M.Kirk might used other terms. But for the first time you called the state by it's name. I guess heshiiskeeni is to be a bilateral now.
  9. dear weather, we know you're hot so stop showing off!
  10. May 17, 2011 Wararka aanu kahalayno Gobolka Gedo ayaa tibaaxaya in xabsiga loo tixaabay ku dhwaad 13 sargaal oo katirsan Maamuladii Dowlada ee gobolada Bay Bakool & Gedo oo iskugu jira gudoomiyayaashii iyo saraakiishii ciidamada ee kusagnaa Gobolada Gedo iyo Bakool oo dhaq dhaqaaq ciidan kawaday gobolkas. Saraakishan ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga u taxaabeen ciidamada Itoobiya waxaana kamid ah saraakiishaas Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomalia gudoomiyihii Gobolka Bay C/fatah Mahamed Ibraahim Geesey Gudoomiyihii Gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo loyaqaan Toll iyo saraakiisha ciidamada hogaaminaysay oo dhamaantood hada ku jira xabsi. Qaar kamida saraakiisha dowlada ee ku sagan gobolka oo u xogwaramay diirad ayaa u xaqiijiyay wararka laxariira xariga maamulada gobolda Koonfur Galbeed ee xabsiga loo tixaabay . waxaa lagu qeexay sabaha xariga ragan katirsan dowlada ee uu ugu tunka waynyahay Bare Hiiraale ay kadanbaysay kadib markii laysku qabtay howlgalka waqtiyadii la so dhaafay ka sucday gobolka . Mana jiro waxwar ah oo ka soobaxay dowladad KMS ee ku aadan xariga lagula kacay saraakiisha dowlada. Mudooyinkii dambe waxay Itoobiya ka waday faragalin qaawan kaas oo ay hubka isugu dhiibaysay dhamaan umadda Soomaaliyeed ayada oo ayna Itoobiya doonaynin in la helo midnimo Soomaaliyeed oo dib u soo noqota waana mida keentay in ay qofkay rabto xabsiga u taxaabayo meeshuu rababa Soomaaliya ha ka jogee. Qorahay Online qorahay99@yahoo.com
  11. The source is there xaajiga, if you are interested to know more about his recommendastions read here...
  12. Senatarkan Mareykanka ah ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka in ey taageerto maamul goboleedka Azaniya iyada oo siineeysa gargaar xaga milatariga ah. Dhinaca kale wuxuu ku baaqay in dowlada Kenya la siiyo kaalmo dhaqaale iyo mid xaga sharciga ah si ey u maxkamadeeyso burcad badeeda Soomaalida. Senatarkan oo recommendationo soo saaray ka dib safar xaqiiq raadin ah oo isbuuc qaatay kuna kala bixiyay sadex wadan oo A/Bari ah oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa yiri waa in la taageraa Jubbaland (Azaniya) oo bishii April ee sanadkan ku dhawaaqday maamul goboleedka taas oo wax weyn ka tari doonta qatarta kala danbeyn la’aanta ka jirta wadanka dagaalada sokeeye sida xun u saameeyay ee Soomaaliya iyo qatarta ka iman karta Shabaab oo iyagu ku xiran Al-Qaida. Azaniya ayaa heshay inta aan lagu dhawaaqin ka hor aqoonsi beesha caalamka, wadamada dariska, AMISON iyo AU. Senatarka ayaa soo jeediyay in xaga bada laga cunaqabateeyo sadex dakadoow oo Soomaaliya ku yaala kuwaa oo si caadi ah u isticmaalaan burcad badeeda ka dibna dhaqaalaha soo gala 30% loo shubo Alshabaab. Senatarkan warbixintiisa ayaa ah mid aqalada kala duwan ee Mareykanka si aad ah u sugayeen lana filayo in waxyaabihii uu soo jeediyay la dhaqan galiyo. Jubbalandnews.com Washington
  13. ''Qori bay maraysaa, Qalinka dooni mayno'' Erayadani waxay ka mid ahaayeen mudaaharaad rabshado watay oo ay sameeyeen ardayda Dhagaxbur 1994-kii markay JWXO qoriga qaaday... Duhur wanaagsan dhamaan...
  14. Isniin, 16 May 2011 10:43 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Ceel-waaq (Afdheer) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo beryahan booqanayey gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in la xaliyey cabshooyin ka jirey Gobolka Gedo kuna saabsanaa mushaarka ciidamada XDS ee Gedo ku sugan. Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in roobab xoog leh ka da`een gobolka Gedo hakadeenna howlgalladii ciidamada dowladda wadeen, hase yeeshee ay sii waadi doonaan howlgalada ciidamada dowladdu illaa inta laga sugayo ammaanka gobolada Koonfureed ee daalka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in askari la goostay baabuur ciidan oo tekniko ah la qabtay laguna maxkamadeyn doono Ceel-waaq. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Xiddig ayaa booqasho maalmo qaadatay hore ugu soo maray gobolka jubbada hoose deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya lana kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa raaskaambooniyiinta jubbooyinka. afdheer.com
  15. Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo koobayaa warbixin kooban oo an ka soo koobay wareeysi koobnaa oo aay haweeneey lagu magac’aabo Shamso Mahamed labo maalin ka hor siisay warbaahinta. Inkasta oo aay yar tahay iskaashatooyin xoogan oo ka dhexeeya Dumarka Soomaalida Kenya-NFD, hadana Dumarka waa halbowlaha iyo aa’saaska runta ah ee uu ku taganyahay ganacsiga qeeybihiisa kala gedisan. Sidoo kale waa lafdhabarta iyo lamahuraanka dhaqaalaha Qooysaska. Shamso Mahamed Ahmed waxaay ka mid tahay haweenka ganacsiga muuqda ka sameeyay dalkeeda hooyo gaar ahaan Gobolka NFD iyo Magaalada Nairobi, waxaay maareeysaa ganacsiyo kala gadisan. Shamso waxaay ka warantay sida lagu aabuuri karo ganacsi Mira’dhal ah, gaar ahaan Hooyo aanan awoodin maalgashi ballaaran oo is dheelitira ama awood u laeh inuu ka gudbo caqabadaha soo waajihi kara goor walba. Ugu horeeyn Shamso waxaay talo siisay Dumarka doonaya inaay ku soo biiraan suuqa-ganacsiga ama doonaya inaay horumariyaan ganacsigooda, waxaana hadaladeeda kamid ahaa sidan: 1. Waa inaad niyad u haaysaa howsha 2. Waxaa ka horeeya qorsheeyn dhameeystiran iyo daraasaad dhanwalba ah, ka hor inta aadan far-dhaqaajinin 3. Waa inaad xirfad u ledahay howsha ama uguyaraan aad ka haaysato macluumaad *****li kara baahidaada daruuriga ah 4. Waa inaad haaysaa information buuxa oo ku saabsan suuqa 5. Waa muhim Booska ama goobta aad ka furatay ganacsiga Markaas waxaa ku sahlanaanaya inaad horumariso ganacsigaaga si sahlan, Shamso waxaay hoosta ka xariiqday inaan loo baahneen lacago badan si loo bilaabo ganacsi ama loo horumariyo, Ganacsigaana inuu horumaro ama dib u dhaco waxaay ku xirantahay hadba sidaad u maareeyso ama u maamusho, inkasta oo aan laga dulboodi karin nasiib,,,calaf iyo qadarka Alle hadana khibrad,fir’fircooni iyo howlkarnimo, weji’furnaan ama soo jiidasho iyo weliba la’socodka isbedelleda suuqyada waa lagama’maarmaan. Shamso ayaa sidoo kale ka hadashay waxtarka Bangiyada Islaamiga ah ee waqtiyadii dambe laga hirgeliyay dalka, iyada oo sheegtay in berigii hore Dumarka Muslimiinta ah ay ka qatanaayeen lacago badan oo aay dowlada u qoondeeysay horumarinta ganacsigooda , taasoo la xiriirta RIBADA, laakiin waxaay tiri (Shamso) hadda waxaan helay Bangiyo Islaami ah oo aan la macaamili karno, Sida first community Bank iyo Gulf African Bank oo sida ay sheegtay Shamso hadda loo soo mariyo lacagaha loo yaqaano women enterprise fund oo ah lacago dumarka loogu talagalay . Shamso waxaay tiri waxaan qaadan karnaa ugu yaraan ilaa half million oo shilinka Kenya ah, waxaa sii dheer in weliba loo sii kordhinayo qofkii dadaalkiisa loo bogo. Lacgtaas waxaa dib loogu celinaayaa muddo ku siman ilaa 5 sano. Kenya waxaa sanadahan dambe ka howlgalay Bangiyo Islaami ah, laakiin Shuruudaha ad’adag ee Bangiyadan ayaan saamexeeynin in Dumar badan gaar ahaan kuwa dan’yarta ah helaan maalgelintay u baahnaayeen, sidaas darteed waxaa aad u yar Dumarka ka faaideeysata fursadaha aay abuureen Bangiyadan. Bishar Haji b.haji114@hotmail.com ________ Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Kismaayood.com
  16. Bashiir

    Dhoodaan

    Bob jacburka Dhoodaan si fiican baad u la keentay,....
  17. May 16, 2011 Shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay magaalada Muqdisho gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayuu kaga hadlay arimaha doorashada ee dalka Soomaalia . Shariif Xassan Sh Aadan ayaa cilaamiyay xilliga ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya waxa uuna xusay gudoomiyaha in doorashada ay dhacayso kahor bisha Agoust inta uusan wakhtiga uu san idlaan xilliga u horsan dowladda KMS Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay madaxwaynaha wadanka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele in uu gacan kagaysto sidii ay u dhici lahayd doorashada wadanka Soomalia Hadalka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanak ayaa imaanaya xilli khilaaf xoogan ee madaxda sare ee dalka uu salka kuhaya doorasho kadhacada xilligan soomalia oo horay ay kaga soo horjiisteen madaxwaynaha iyo ra' iisulwasaaraha . Qorahay Online
  18. KN:Maalinkii Sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegneyd 8-da Bisha May waxaa lagu qabtey magaalada Leieceter ee waddanka UK shirweyn oo aad looga soo qaybgalay kaa soo lagu taageerey maamul goboleedka Azania ee madaxwaynaha uu ka yahay Prof Gaandi. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne ka kala yimid gobolada waddanka Ingiriiska kuwaasi oo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaano katirsan maamul goboleedka Azania. Shirkan waxaa khadka teleefanka uga soo qaybgalay madaxweynaha maamul goboleedka Azania oo ka warbixiyey bilawgii maamulka iyo meesha hadda wax u marayaan. Dhamaan dadkii ka soo qaybgalay shirkan ayaa u muuqdey kuwa aad ugu faraxsanaa maamulka Azania waxeyna balanqaadeen iney hiil iyo hooba la garab istaagayaan. KismaayoNews.com
  19. M" is for the million things she gave me, "O" means only that she's growing old, "T" is for the tears she shed to save me, "H" is for her heart of purest gold; "E" is for her eyes, with love-light shining, "R" means right, and right she'll always be, Put them all together, they spell "MOTHER," A word that means the world to me. Wasalaam Ibtisam.
  20. Waa runtaa isku dhexyaac badan waa jiraa. Dowlada federaalka ah ayaa madaxa iskula jirta, sidoo kale goballada ay shabaab haysato waxaa ka jira is garab orod. Wadanka dhan aya qasan. Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay aragti cusub oo looga bixi karo dhibka jira. Marka doorashadu dhacdo ee dowlad dadka matasha la sameeyo, ama Shabaab heshiis qaato ama lagaba adkaado waxaa la heli masrax siyaasadeed oo degan looguna tartamo sidii loo kasban lahaa codka shacabka. Rug cadaaga sida Gaandi oo kale wuxuu dadaal oogu jiraa sidii kala danbeyn iyo maamul nidaamsan dhidibada loogu aasi lahaa. Waxay dan u tahay jiilka soo koraya oo tusaale u noqon karaa. Sidoo kale gobalada kale rag baa ka soo baxay oo raba in wadanka kala danbeyn ka unkamaan. Sidiinoba ha ahaatee gobaladii nidaam ismaamul la yimaada waa in dowlada dhexe garab siisaa. Shaqsigii ama kooxdii xoog wax ku raba ha ku quusqaataan qabqablayaasha iyo shabaabka soo maray saaxada Somaliyeed. Lafo gur ayey u baahantahay, iska mucaarad ma ahan weeye....