Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. oba hiloowlow;717497 wrote: If u want a segregated Somalia go ahead, markii shabaab laga saaro waxaa bilaawan doono dagaal cusub ee maamul goboledyada, You know what TFG stands for? ,, it's a transitional and not permanent, a federal and not centralism. It's constitution commands that states can be formed from two or more provinces. Moreover, beside the long civil war, poor governance , mistrust, and leaders with out vision Somalia still is not united. You shouldn't worry about the new states of the local people that want to control their affairs. Dagaal aan ka aheyn ka ciidamadu ku difaacayaan wadanka, wakhtigiisu waa dhamaadey. Jabhadeyntiina way dhamaatay. Mucaarad cidii noqonaysa si nabadi ku jirto xisbi siyaasadeed ha sameystaan ha noo istaagaan marsaxa loogu tartamayo hogaaminta dadka iyo dalka. War ma fahantay,.. mise waan sii wadaa..
  2. Dhibka jira ayaa ah in sidyaasada Somaliyeed iska noqotay qaras bax afka uun laga dhurmo iyo dagaal u joog aan natiijo laheyn...aragtidiisa ku aadan Raascaseyr macno weyn samayn mayso dagaalna xal ku gaadhi mayo sidaa darteed intuu mucaarad ku noqon lahaa ismaamulka Raascaseyr ha la fadhiisto si aragti dheeri ku jirto ha ooga garbaxo....
  3. There is thread about Muqadisho iyo Doorashada madaxweynaha....see you there..
  4. Jaceylka ruined my image of the tiny triangle, you don't wanna know what comes to mind when I hear it ...
  5. Dawlad goboleedka Azaniya oo uu madaxwynaha ka yahay Prof Gaandi waxaa cadow ku ah daneysta ,qabyaaladista, wadaad caada qaata ah, qowlaysata aan u dhalan goballada Azaaniya, hogaamiye kooxeedyadii xoogga ku haysan jiray gobolada jubooyinka, kuwa nolasha ka dhacay, facood tuugayaasha gobalka u dhashay, kuwa dana shisheeyaal cadow ku ah dowlad gobaleedka ku xiran, jawaasiista jaha wareersan shaxaad ku noolka ah. Dowlad gobaleedka Azaaniya ayaa ah nidaam uu hogaaminayo ruug cadaa dal iyo dibad laga yaqaano waxaana taageersan inta jacel sinaanta cadaaladda wada noolaashaha iyo qaraninmada iyo inta aan ogolayan gunimada iyo in dadka reer Azaniya aayahooda ka tashadaan iskuna tashadaan cidna udaba fariisan hogaaminta goboladooda cidkale oo aan u dhalan gobalada Azaniya. Nidaamka Azaniya ayaa wuxuu ka kooban yahay qaab dhismeedkiisa Madaxwayne iyo Madaxweyne ku xigeen, Golo wasiiro iyo Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida iyo kan garsoorka iyo ciidan labo sano tababar ku jiray iyo mid hadda xaraysan. Gudoomiyaha Jubada Hoose iyo dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka ee dowlad gobaleedka Azaniya ayaa ku sugan magaalada Dhoobley. Waa ciidan iyo maamulkiisa wada socda. Degmo walboo la qabtana maamulkiisa ayaa gacanta ku haynaya. Isbaddel xagga dagaalka oo deg deg ah ayaa lafilayaa iyadoo aagag badan dagaal ka qarxi doono maalmaha soo socda. Nidaamkan ayaa waxaa taageersan dhamaaan shacabka Azaniya iyo aduun waynahawaana markii ugu horeeyay uu ka curto Jubbooyinka nidaam ku dhisan deegaan oo aan kudhisnayn qabiil maadaama Jubooyinka dhamaan qabiilada soomaaliyeed wada daganayn taas ayaana caraysiisay dad day dad iyo kuwa dhul doonka ah iyo kuwii u bartay inay ku noolaadaan kaygana anaa iska leh kaadana kula lihi. Umadda reer Azaniya waa inay fursadda hadda taagan ka faaidaystaan gacmahana is qabsadaan warxuma tashiilkana hal meel uga wada soo jeedsadaan. Jubbalandnews.com
  6. G.O.E.T.I.A;717428 wrote: another day another state, one step closer to U.S.S congrats to Azania state. And Somalia ha noolato. That's the spirit,... United Somali States on the way...
  7. Bashiir

    Dhoodaan

    Maalmahan siday sameecadaha biyo u fadhiisteen inaan wax akhriyo mooyee wax ma dhagaysto... Jaceylow noo soo koob cajalka muhiimadiisa.....
  8. We might ask ourselves how we would be reacting if Iraqi commandos landed at George W. Bush’s compound, assassinated him, and dumped his body in the Atlantic. By Noam Chomsky http://www.guernicamag.com/blog/2652/noam_chomsky_my_reaction_to_os/
  9. Xaaji Xunjuf;717409 wrote: ooh nice Flag thank you for clarifying that so Azania has an army a leader a deputy leader regional allies (Kenya) i consder them now a reality on the ground. It's a reality on the ground. A mature nation building model. Transitional regional government within a transitional federal government. But keep in mind that this region happens to be one of the most lawless region in Somalia and it needs a more thoroughly attention to details in order to see good outcome. It's people expect slow liberation but there is tremendous improvement in every city that has been liberated. The plan is to transform every city and give the people ability to run their local affairs. So far so good, and it's going well.....
  10. Saalax;717411 wrote: lol isn't that the Russia flag. http://www.google.co.uk/search?hl=en&q=russia+flag&um=1&ie=UTF-8&tbm=isch&source=og&sa=N&tab=wi&biw=1280&bih=699 There could be similarities, but this is the official one...
  11. Xaaji Xunjuf;717403 wrote: What's the regional flag of Azania? Here xaaji, another one...
  12. Jubbooyinka waxey ahaayeen degaano si buuxda gacanta uga hayaan Shabaabka taas oo aad u farxad galineysay kuwa xili walbaba diidan in deegaankani dad leeyahay. Arintuse waxey is badashay markii ciidamada maamul goboleedka Azania (CMGA) ee dhowrka sano lagu carbinayay Kenya la wareegeen deegaano J/Hoose iyo Gedo ka tirsan. Waxaa horey marar badan u dhacday in dhaqdhaqaaq walba oo dadka deegaanka Jubbooyinka ka danbeeyaan marna uusan noqon mid mirahiisa gurtaan shacabka. Azaniya halkeey ku danbeeyn doontaa? Maamul goboleedka Azaniya oo markii la aasaasayay ku yareyd inta aan xog ogaalka ahayn helida xogta dhabta ah ee ku xeeran ayaa hada oo CMGA deegaanka ku sugan yihiin ayaanan waxba is ka badilin. Tani waxey keentay in qolyaha wersidayaasha leh ee nac iyo nacaba isugu jira cid waliba sida ey jeceshahay wax uga sheegto maamul goboleedka Azaniya. Dhismaha MGA ayaa aad uga duwan kuwa kale ee maamul goboleedyada dalka ka jira oo intooda badan ka dhashay uraradii hubeeysnaa ee burburiyay qaranimada Soomaaliya sida SSDF, SNM iwm. MGA ayaa waxaa ka qeeyb ah qabaa’ilo badan oo aan deegaan xitaa ku lahayn gobolada uu maamulkani rabo in uu da boolo baahidiisa. Dhinaca kale waxaa si ula kac ah oo kas iyo ka ma’ba leh la isugu qasayaa cida caganta ku haysa deegaanadii Shabaabka laga kiciyay iyadoo la adeegsanayo hadalo jahwareersan waxaa intaa la diidan yahay in la yiraahdo CMGA oo iyaga soo galitaankooda la’aantii aanay suurto galeen in deegaanadaa la qabto. Maamul goboleedka Azaniya ayaa ah hangarale (hangaraarac) lug uma dhutiyo lana rajeeynayaa in uu ka gudbi doono caqabad walba oo soo wajahda maadaama aad looga soo baaraad dagay dhisidiisa iyo meel marintiisa.
  13. Bashiir

    Xeedho

    Yes, that would be fun. Bob has to accept the offer and make Sol's Xeedho happen.,,.;p
  14. Yes, every region got its puppet president....,, federal so ma aheyn? ,,..
  15. Bashiir

    Xeedho

    Xeedhada Malika askariga ka tahay ,,...furfurideeda ani ha la ii daayo,,..
  16. Ethiopian dictator Meles Zenawi’s puppet in the Tigray Region, Abay Woldu, has sent bulldozers today to demolish 5,000 houses, displacing over 15,000 people, including women, children and the elderly. Abay did not provide shelter for the people, and they are now homeless. Many of those who protested the demolition have been savagely beaten up and thrown in jail. The fascist regime has also ordered over 40,000 residents in the southern Ethiopian town of Awassa to vacate their homes. Read more about the Mekele demolition here.
  17. http://www.gedonet.com/index.php?news=6984
  18. Melez maalinba mid shilis oo calool kuusan ayaa looga qashaa qarijiqood dhexdeeda, Keenyana afka baarkii ma dhaafsiisana, ..waxa wacdaro dhigaya ee shabaab ku kuusay meel ayna ka soo laaban doonin waa Kaamboomi ragiii aad taqaaney ee Jugta loo bixiyey iyo xooga ciidamada ismaamul gobaleedka Azania min gedo ilaa jubooyinka, ...sow laguuma sheegin in shabaab gadhka wada xiirteen oo fakad yihiin..? ,,, Azania faraha shabaab way ka baxdaye dhamaystirkeeda sii xiiso leh u fiirso Jiirow Quustoow...
  19. Adu hadaad Somaliya ka quusatay ragbaa u qalab qaatay,,, wayna laba dhacaysaa wax la kala helaba,... baryo ma taalo sankaa la iska geline,, indho xumeyde soo fiirso baan ku idhi waryaa.....
  20. Ina Jees Ilma adeeradii iyo Suldaan Cali sonkor iyagaa maanta wacdaro dhigaya, hadaad samirtay ragbaa u soo jeeda una guuro baheelayaa hadh iyo habeenba... Soo dhowr baan ku idhi waryaa...
  21. Intaan ka guro ayaan waxaadan ku fikrin taabsiin adi iyo tii qurbaha ku dhigtay yaan lagu waayin uun ,...
  22. Dhoobley: Wariyaha nooga soo warama golaha qurabajoogata ayaa wuxuu noo sheegay in gudoomiyaha gobolka jubbada hoose ilyaas bedel uu shirar gooni gooni ah la yeeshay madax dhaqameedyada ku sugan degaanka dhoobley. Gudoomiyaha iyo wafdigiisii ayaa uga waramay madax dhaqameedyada ismaamulka goboleedka azaaniya, ujeedooyinka loo aas aasay, waxa ilaa hada qabsoomay iyo waxa dhiman ee wali la sugayo. Odey dhaqameedyada ayaa dhankooda u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ismaamulka azaaniya, isla markaana ay aad u jecel yihiin in loo gudbo nidaam dowladnimo lagana gudbo nidaamka jabhadaynta ah. Odey dhaqameedyada ayaa sheegay in dadkii gudaha sii joogay iyo xarakada raaskambooniba barnaamijka lagu soo daro si halmeel looga duulo dantii maamulku u dhismayna looga mira dhaliyo. Wariyaheena oo kormeer ku kala bixiyay degaanda dhawaan laga xoreeyay alshabaab ayaa noo sheegay in ay hada aad u dagan tahay, wariyaha oo la sheekeystay dhalinyarada hubka sida ee raaskambooni iyo kuwa siyoolow oo runtii si nabad ah oo walaalnimo ah meel walba ku wada jooga, ayaa waxay u sheegeen in ay isku dan yihiin, ujeedkooduna yahay oo kaliya in dhulka alshabaab laga xoreeyo dadkuna ay degaankooda maamushaan, waxay kaloo dhalinta qoriga wada wariyaha u sheegeen in wixii kala fikir duwanaansho ah ee u dhexeyn kara madaxda sare loo baahan yahay in ay iyaka xaliyaan, laakiin dhalinta hubka wada waa ciidan loo tababaray difaaca dalka oo kaliya. Wariyaha ayaan way diinay in raaskambooni iyo dowlad goboleedka azaaniya is khilaafsan yihiin, sidaasna ay webabka qaar qorayaan, wariyuhu wuxuu sheegay kuwa sidaas qoraya waa cadowga ummada azaaniya waxay jecel yihiin xumaha dadkeena laakiin sawirka ay bixinayaan waa been la dhoo dhoobay. Wariyaha ayaan waxaan ka waraysanay in gargaar cunto & dhar oo ay wadeen howl wadeeno ururka solidaratiga haweenka soomaaliyeed (swso) soo gaaray dhoobley ayaa wuxuu noo sheegay in gargaarkaas soo gaaray shacabkii u baahnaa ee ku sugnaa dhoobley, wariyuhu wuxuu kale oo uu noo sheegay in qurbajoogta azaaniya gaarsiino meel ay joogaanba in gargaar iyo taageero la soo gaaraan dadkooda iyo dalkooda. Codka Azaaniya
  23. Gudiga fulinta ee maamulka Ururka Raaskambooni ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulan kulahaa magaalada Dhoobley kaasoo ay ku lafa gurayeen arimo la xidhiidha siyaasada Ururka ee ku wajahan guud ahaam xaalada Somalia gaar ahaan gobolada Jubooyinka. Kulanka oo ahaa mid aragtiyo badan la isku dhaafsaday lagagana dooday arimo farabadan oo la xidhiidha siyaasada Ururka ayaa lagu go'aamiyey in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka gudiga fulinta ee Ururka. Warsida Dhanaan.com ayaa waxaa soo gaadhay magacyada qaar kamid ah maamulka cusub ee kulanka lagu ansixiyay waxayna kala yihiin sidan;- Sheekh Axmed madoobe: Gudoomiyaha Ururka Sheekh Daahiir: Gudoomiye kuxigeen Macalin Maxamuud : Gudoomiye kuxigeen ahna madaxa ciidanka Mukhtaar Cabdullaahi Sahal:Madaxa siyaasada iyo xidhiidhka dibadda C/nassir Seeraar: Madaxa arimaha bulshada. Labada hogaan ee arimaha siyaasada iyo xidhiidhka dibadda iyo arimaha bulshada ayaa waxay hoos tagayaan Sheekh Daahir halka arimaha ciidanka iyo dacwadu ay hoos tagayaan Macalin Maxamuud. Ciidamada Raaskaambooni iyo kuwa Dowlada ee lagu soo tababaray Kenya ayaa kuwada sugan Dhoobley oo ay ka qabsadeen Alshabaab waxayna si wadajir u wadaan abaabul dagaal oo ku wajahan sidii Alshabaab uga saari lahaayeen gobolada Jubooyinka. Dhanaan.com