Bashiir

Nomads
  • Content Count

    951
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Bashiir

  1. Taleexi, taageerada ka sowkow maxaa kuu muuqda markaad dhacdooyinkan xiisaha leh isku hal xidhmo ka dhigto? ,,,
  2. Taleexi;700166 wrote: Deris wanaag ku wada noolaanshaha waxay dani ugu jirtaa beelaha halkaa ku wada nool oo dhan haddaadse u aragto in dad gaar ah dantoodu ku jirto waa adiga iyo garashadaa! ee bring it on..... Lol@ bring on. Mujahid, waa su’aal qofkasta oo damiir leh uu aad udhuuxahayo macnaheeda, in badanna uu iswaydiiyo si uu u helo jawaabo sax ah oo kuhaboon su’aashan. Inaad yaraha raamsato ayaan murayada u soo dhigay, dhiig diiris igama ahayn.
  3. The complex civil war has no fruits and it is getting worse, therefore a peaceful revolutions by the Somalis for the Somalis is much needed now....
  4. Taleexi;700111 wrote: War yarka Xaaji ha la ii daayo. Horaa loo yiri ilaa wan weyn la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan . PL bay Xaaji kaga dhigtay, habar dhali weyday aleelo ku waalatay.... D block inuu dhinto oo dhulkiisa xoraysto diyaar buu u yahay intaa ka dibna derisnimo wanaag idinkula noolaado balse hadda xabad uun baa inaga dhexaysa. Lol. Mujaahid, daris wanaagu yey dani ugu jirtaa? Waa su'aal xambaarsan in ka badan kun su'aalood oo kale.
  5. Taliyeyaasha xilkooda waayay waxaa ka mid ah 1. Sareeyo Guuto Axmed Jimcaale Geedi : Taliyaha Xooga dalka 2. Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xassan Xaamud : Taliyaha Nabad Sugida 3. Sareeye Guuto Cabdullaahi Macalin Cali : Taliyaha Asluubta 4. Sareeye Guuto Cali Maxamed Xassan Looyaan: Taliyaha Police Waxaa wali xilkiisa sii haya Sareeye Guuto Faarax Qarre oo ah taliyaha ciidamada Badda. Lama sharixin sababta xilka looga qaaday xili ciidamada dowlada ay dagaalo kula jiraan xoogaga Alshabaab. Laakiin sida uu qaanuunka qabo, madaxweynaha ayaa ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.
  6. Ciidamada Ethiopia ee Alshaab kasaaray magaalada Baladxaawo ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga u taxaabeen hogaamiyaashii ciidamada oo kala ah Col. Bare Hiiraale iyo Sayid Adan . Wali wax faah faahin ah oo kasoo baxday xadhiga labadan nin oo ah xildhibaano katirsan DKMG majirto.
  7. At this rate Somalia will have no peaceful region left..
  8. Wadaad ka mid ah mufakiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isleeg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo caddaynaysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye, waxaana uu Sheekhaasi soo taxay kalmado iska soo horjeeda oo tirooyinkoodu isku sarjaran yihiin, waxaana ka mid ah:- -Tirooyinka Isle'eg 1-Erayga Dumar Quraanka wuxuu ku soo arooray 24 jeer, halka erayga Ragna uu soo arooray 24 jeer. 2-Erayga Adduun Quraanka wuxuu ku soo arooray 115 jeer, halka erayga Aakhirona uu soo arooray 115 jeer. 3-Erayga Malaa�ig Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Shaydaana uu soo arooray 88 jeer. 4-Erayga Dad Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Nabina uu soo arooray 50 jeer. 5-Erayga Wanaajin Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Xumayna uu soo arooray 50 jeer. 6-Erayga Ibliis Quraanka wuxuu ku soo arooray 11 jeer,halka erayga ka magangalkiisuna uu soo arooray 11 jeer. 7-Erayga Muslimiin Quraanka wuxuu ku soo arooray 41 jeer, halka erayga Jihaadna uu soo arooray 41 jeer. 8-Erayga Sako Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Barakana uu soo arooray 88 jeer. 9-Erayga Muxamed Quraanka wuxuu ku soo arooray 4 jeer, halka erayga Shareecona uu soo arooray 4 jeer. 10-Erayga Nolol Quraanka wuxuu ku soo arooray 145 jeer, halka erayga Dhimashana uu soo arooray 145 jeer. 11-Erayga Wanaagyaal Quraanka wuxuu ku soo arooray 167 jeer, halka erayga Xumaanyaalana uu soo arooray 167 jeer. 12-Erayga Fudayd Quraanka wuxuu ku soo arooray 36 jeer, halka erayga Adaygna uu soo arooray 12 jeer. F.G. Xadiis ayaa jiray uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:- Ka libaysan maayo adayg laba fudayd��..U fiirso walaalkayow inaannu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aannu waxaan xaq ahayn ka hadlin. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-Kamana hadlo hawadiisa (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye).Suuradda Annajmi Aayadda 3aad. 13-Erayga Hanuun Quraanka wuxuu ku soo arooray 79 jeer, halka erayga Naxariisna uu soo arooray 79 jeer. 14-Erayga Nabadgalyo Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Waxyaalo fiican uu soo arooray 50 jeer. 15-Erayga Dhib Quraanka wuxuu ku soo arooray 102 jeer,halka erayga Dhabar-adaygna uu soo arooray 102 jeer. 16-Erayga Musiibo Quraanka wuxuu ku soo arooray 75 jeer, halka erayga Mahadnaqna uu soo arooray 75 jeer. 17-Erayga Nafci(Dheef) Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Dhibna uu soo arooray 50 jeer. 18-Erayga Sadaqo Quraanka wuxuu ku soo arooray 73 jeer, halka erayga Qanaacana uu soo arooray 73 jeer. 19-Erayga Kuwa Lunsan Quraanka wuxuu ku soo arooray 17 jeer, halka erayga Kuwa Halaagsamayna uu soo arooray 17 jeer. 20-Erayga Dahab Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Nolol Raaxeedna uu soo arooray 8 jeer. 21-Erayga Sixir Quraanka wuxuu ku soo arooray 60 jeer, halka erayga Fitnana uu soo arooray 60 jeer. 22-Erayga Caqli Quraanka wuxuu ku soo arooray 49 jeer, halka erayga Iftiinna uu soo arooray 49 jeer. 23-Erayga Doonis Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Cabsina uu soo arooray 8 jeer. 24-Erayga Dulmi Quraanka wuxuu ku soo arooray 114 jeer, halka erayga Sabirna uu soo arooray 114 jeer. Haddaba akhristow haddaan intaa ku dhaafno tirooyinkii isku sar jarnaa bal mucjisadanna u fiirso:- 1-Erayga Salaaddu 5 jeer ayuu Quraanku xusay, Salaadaha waajibka ahina waa 5 Salaadood. 2-Erayga Bilo 12 jeer ayuu Quraanku xusay, Sanaddkuna waa 12 Billood. 3-Erayga Maalin 365 jeer ayuu Quraanku xusay, sanadkiina waa 365 maalmood. 4-Erayga Bad Quraanku wuxuu xusay 32 jeer, halka erayga Berrina uu Quraanku xusay 13 jeer. Haddaba haddii la xisaabiyo saamiga ay Badda iyo berrigu isku yihiin marka guud ahaan la soo qaato dhulka, waxay isku noqonayaan boqolkiiba sidatan:- -Saamiga Badda marka loo eego Berriga dhulka = [(13+32)/32] x 100= 71.11111111111% -Saamiga Berrigu marka loo eego Badda dhulka = [(13+32)/13] x 100= 28.88888888888% Saamiga Berriga + Saamiga Badda = 100 %. Tiradaasina waa tirada dhabta ah ee inta dhulkeenna biyo fadhiyaan iyo inta berriga ah, cilmiga cusubina uu xaqiijiyay.Eebbe korreeye wuxuu yidhi:- Waxaannu ka tusin Aayaadkayaga jihooyinka iyo naftooda ilaa ay uga caddaato inuu Quraanku xaq yahay, miyaanu ku fillayn Eebbe inuu wax kasta ogyahay Suuradda Ash-Shuuraa Aayadda 53aad. Waxaa Soo diyaariyay:- Sheikh Abdul Rashid Sheikh Ali Sufi
  9. Deegaanka Banbara oo 20 km ujirta magaalada lagu muransan yahay ee Laascaanood ayaa waxaa duhurnimadii maanta isku hardiayay ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland iyadoo weli aan si dhab ah loo ogeyn khaasaraha kadhashay dagaalkan. Ciidamada taabacsan maamulak Puntland ayaa sida lagu soo waramayo weerar ku qaaday fadhiisin ay ciidamada Somaliland kulahaayeen deegaanka Ganbara halkaasoo ay labada dhinac isku farasaareen. Afhayeen u hadlay maamulka Somaliland oo u waramay idaacada BBC laanteeda afsoomaliga ayaa sheegay inay khasaare lixaadd leh ugeysteen ciidamadii Puntland ee weerarka soo qaaday isagoo weliba xusay in maxaabiis ay ka qabteen.Majiraan wax war ah oo weli kasoo baxay dhanka Puntland oo kusaabsan dagaalka maanta kadhacay duleedka Laascaanood. Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili isbuucyadii udambeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada SSC ay ku dagaalameen deegaano hoostaga degmada Buuhoodle lamana oga xidhiidhka kadhaxeeya dagaalkan iyo kuwii kahoreeyay ee kadhacay kalshaale.
  10. Taleexi;700139 wrote: Waa sheeko qurux badan. Ma sida hufan ee loo qoray, mise dhacdada lafteeda?
  11. War deg deg ah :Ciidamada Axmed madoobe oo maalmahan korfadhiyay magaalada Dhoobley ayaa caawa muda kooban duqeeyay Dhoobley iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kadhashay duqeyntaas.Duqeyntan ayaa loo badinayaan inay tahay baaq loogu baaqayo shacabka reer Dhoobley inay dagaalo culus magaalada kusoo fool leeyihiin sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in shacabku baneeyo magaalada. Wixii kasoo kordha kalasoco wararkaanaga danbe
  12. Ciidamada isbahaystay ee DKMG iyo kuwa Ahlu sunna waljamaaca ayaa saaka aroornimadii hore la wareegay gacan kuhaynta magaalada Luuq ee Gobolka Gedo kadib markii xalay saqdii dhexe ay ciidamadii shabaabku isaga guureen magaalada. Ma aha magaalada Luuq oo kaliya ee waxay sidoo kale faaruqiyeen magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.Firxashada Alshabaab ee Gobolka Gedo ayaa timid kadib markii dagaalo culus magaalada Baladxaawo kula galeen isbahaysiga DKMG iyo Ahlu sunna oo taageero dhanka madaafiicda ka helayay cutubyo katirsan ciidamada Ethiopia.Dagaalkaas oo sababay in Baladxaawo ka baxdo gacanta Alshabaab. Ciidamadii Alshabaab ee lagu soo jabiyay Gobolka Gedo ayaa lafilayaa inay markale difaac ka galaan magaalada Baardheere hadii difaaca la jabsadana ay xoogoodu isugu geeyaan magaalada isiraatijiga ah ee Kismaayo oo ah meesha dhaqaalahooda ugu badan ka helaan. Dhanka magaalada Dhoobley ayaa waxaa kasocda diyaar garoow dagaal kii ugu dambeeyay iyadoo xaaladu ay tahay keeb layuurur wakhti kastana lafilayo in dagaal qarxo.
  13. Zack, cadadka jaaliya Ogadeenya ee u jooga the ex-colonial UK, waa meeqo? Ina taree wax qaadi haday dhanyihiin soo guura dheh haday Bangaalida ka badan yhiina waa la idiin iman dheh.
  14. or he will be arrested in Jeel Ogadeeen eating one meal a day.....
  15. Inspire before you expire from women section.
  16. Soo joog ninkii laga waayo sooo jiifso ayaa laga helaa. Walee SL waa la helay,, oo wabiyaa helay, keyn cidlo ah ka helay.
  17. Awoowe gabdhaha Somaliyeed sheekadooda ha laga baxo ,,,,, waxay tari ma leh sheeg sheegoda.... kol hadaynaan waxba ku caawin karin la iska dhaafo ....waana ceeb Somaliyeed mid dhuke iyo kan wagaashka ah u gaara ma ahan ........
  18. Intaad maqaaxi gayso ood laba qeyd oo sokor ah u xambaariso ayey dhihi maraxaas waan ku cabay..
  19. Dadaye, they have been saying Sh. Umal down in some western protest, but how is he doing up there I wonder too.
  20. Hadal badan haan ma buuxsho, sow ma ahayn. War gaalka Johnny ah hadal kama dhargo. Ha isku xiijin.
  21. Mad mullah, you're forcing on us those bleachy Asian girls. You know when they do that bleachy thing ,,, their skin smellls from miles away...
  22. The document was written back on..., and you can read it in full here if you’re interested.
  23. Instead of left, I prefer the right brain to study the universe.
  24. You understand why Somalia & Afghan are in a mess. Islam is the religion of 99.7% of Afghanistan and Somalia( if not 100%). They have been envied, invaded and divided. The western world doesn't want to see a stable homogeneous countries. Instead they create a bad name for Islam....but people are helpless with fake media propaganda. It's the same reason why Arabs fed up with the puppet leaders. Those guys will never recognize you till you turn out to be one of them. Somalis, you're just lucky race. But your enemies are numerous.