Duufaan

Nomad
  • Content Count

    2,127
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    14

Everything posted by Duufaan

  1. Xaaji Xunjuf;703232 wrote: Bashiir Your so called mullah had a treaty with the Italians signed by Both the italian Empire and your Mullah he and his people accepted Italian Colonialism the treaty said that he and his people are with the italians. But rejected British colonialism what a contradiction Are the British More Gaalo then the Italians:D:D any how that's history people move on. Somaliland gained independence in 1960 not in 1920 learn the history Kid It's not us who are demonstrating infront of david camerons house asking for British help:D As for your other point there is no unionist in sool sanaag cayn that's what they fed you and want you to believe. Somalilanders from east to west share the same political ideology when it comes to nationhood. Somaliland today is stronger then ever the enemy's of Somaliland are all feeling the heat. Where is your fact about Italian treaty? The Itilain was not even a military power by than Yesterday British protected tribes, Today it is technically Malazawi, Remember he told Faroole, leave alone my tribes.
  2. SSC is the last group to sign an agreement with the secessionists, whether it is sponsored Zanawi or somebody else. Rather indepedent SSC voice is nessesary to emergy for the benefit of the nation.
  3. No one asked their opinion . They are traditional leader and they should stay out of politics, like other tradition leader in the region
  4. This is little PR for the moment and it will not help somaliland. They must to desperate but before end of 2011 somaliland will be out of Lasanod.
  5. That is old news. He is dead now. Anyone captured in past was released without trail.
  6. Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Oo Caawa Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood March 14th, 2011 Comments Off Laascaanood (Somaliland.Org)- Dablay aan la aqoonsan oo madaxa soo duubtay ayaa caawa makhribkii dil toogasho ah ku khaarajiyeen Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Geelle(******). Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool waxa tacshiirad rasaas ah lagu furay ka dib markii uu ka soo baxay masaajidkii uu ku tukaday salaadii makhrib oo ku yaala gudaha magaalada Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilka marxuumka hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baadhis ay ku raadinayaan ciddii dilkan geysatay, waxaana caawa bando gashay magaalada Laas-caanood oo ay dadweynuhu xili hore suuqa ka ambo baxeen. 8-dii bishan March ayaa badhtamaha magaalada Laascaanood lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool Marxuum- Maxamed Maxamuud Xirsi (Asad) isla markaana lagu dhaawacay Taliye Ku Xigeenkiisii oo la yidhaahdo Carab Qawdhan Warsamev, ka dib markii rasaas ay ku fureen dablay aan la aqoonsan oo madaxa soo duubtay. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa walaac ka muujiyay dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha maamulka dawliga ah ee gobolka Sool, waxaana dilalkan loo aaneeyaa kooxaha nabad diidka ah oo doonaya inay cabsi geliyaan saraakiisha maamulka gobolka Sool. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa
  7. Waa ninam walaal ah tan iyo waaga aakhiro e Wadkii oo aan dilin gaalka waa weshanaayaane. Sayid Mohamed. Sayidku wuxuu gobaygan tiriyey markii ay basaaseen boqor muslina oo itoobiya madax kanoqdey 1914 mudo kooban. Boqorka ayaa fariin usoodiray sayidka iyo ciidankii daraawiishta. waxaana dilay ingiriiska iyo xabashi wadasocda
  8. Dhanka gudida buuhoodle waxa horkacayay oo ka mid ahaa gudidaas Gardaad Maxamed Saleebaan Caaqil Yuusuf Maxamed Aadan Cawl Sheekh Cumar Sheekh Cusmaan Ganacsade Xaaji Saleebaan Faarax Diiriye Ganacsade Cabdirisaaq Saleebaan Ganacsade Axmed Siciid Caamir Macalin Mataan Igir Ibraahin xirsi Maxamed
  9. He did not differentiated wives, widows and girls. It created confution the whole community. My relative there told me, the common word is "Naa makabad baaday Jarmalkii" But Germen offenders are not new in the north West. There were another German in Burco in the past. you probably heard "Jarmaloow Marimaayo"
  10. Xaaji you talking about isolation . What buhodle needs from Hargeysa, Berbera or Burco for that matter. The meat price increase 30% in Burco since the conflict started and if the conflict spread to laascaanood. The main road will close and somaliland will compulatletly isolated the rest of somalia. From Ceeraagabo to Danood in Wardheer region. What that means, there will be no goods going in or out from somaliland from the rest of somalia. The somaliland economy is based on trade, the conflict will lead to starvation in somaliland
  11. Somaliland did not have choice but leave Kalshaale Few weeks ago they were about to close Buhodle. , Siilaanyo decision to make Kalshaale and neighbor village’s military base backfired as soon as he announced. It proved he did not have a military, the local Buhodle militia out skilled and out performed his paid militia, ‘so called Somaliland national army.” the question is, when will they force to leave Laascaanood. I am predicting in few weeks but maybe few months. Ciidamadii SNMta oo ka cararay jiidii ay isku horfadhiyeen ciidamadii deegaanka buhoodle una dhaqaajiyey qorulugud Waxaa maanta ka huleeley ciidankii snmta ee kusugnaa kal´shaale iyo agagaarkiisa kunasugan hada qorulugud arintaa oo ay soodedejisay markii dhimasho iyo dhaawac badani kasoo gaadhay dagaaladii aagaa kadhacayey yadoo kabixitaankaaooda aanay keenin wadahadal lalagalay balse ay ka quusteen aaga buuhoodle xag siyaaasad iyo xag awood ciidaneedba taasoo ku kaliftay inay sidhakhso ah uga baxaan halkaa markii magaalo walba lageeyey dhaawac iyo dhimashada ciidamada snmta waxaan umahad celinaynaa raga kuusha kasoohooyey daafaca dhulkooda cadeeyeyna inaanay raali kanoqondoonin in taako lagujiro dhulka ay degaan shacabka kunool ssc waxaan kalo ilaahay ugabaryeynaa ragii kudhintay dagaalkaa inuu ilaahay janadii geeyo
  12. Muse Galaal, Dalbac, and ina Canbaashe are only in your side for the peace time. The next fight even Xaabsade will change side. because they are not separist
  13. Wonder what he will say, when others who made possible laascaanood capture give up him and I am very sure next fight, they will not be his side.
  14. You did not get it. Jabuti is training TFG forces and American have a base there. So They could be used as translaters
  15. Warar kala duwan oo ka soo baxaya howgal qarsoodi ah oo ay magaalada Burco ka fuliyeen ciidamo Mareykan By nuur on Jan 16, 2011 with Comments 0 ShareWarar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal si qarsoodi ah looga fuliyey magaalada Burco, kaas oo sida la sheegay ay ka qeyb qaateen ciidamo Mareykan ah. Howgalkan ayaa lagu qabtay dad ku dhow 10-ruux, waxaana maamulka SNM uu sheegay in ilaa 5-ruux ay si gaar ah ciidamadooda u soo qabteen rag lagu eedeeyey inay qatar ku ahaayeen amniga maamulka SNM wax rumanaya lama hayo in arinkaas ay ka qayb galeen , hase ahaaytee warar kale ayaa sheegay in dadka la qabtay ay intaasi ka badnaayeen, isla markaasna laga qaaday magaalada Burco, loona qaaday dhinaca Wadanka Jabuuti. Idaacad hoostagta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howgalkaasi ay si gaar ah uga qeybqaateen ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamo dowlada soomaliya eek u sugan dalka Jabuuti, waxayna tirada la qabtay lagu sheegay illaa 10-ruux. Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijinaysa cidda howgalkan fulisay iyo tirada la qabqabtay intaba, hase ahaatee waxa uu ku soo aaday howgalkan iyadoo labo habeen oo ka horeysay howgalka ay magaalada Burco xilliyada habeenkii dul heehaabeysay diyaado loo maleynayo inay yihiin kuwa wax basaasa ee ay Mareykanku leeyihiin. Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha uu howlgalku ka dhacay ee magaalada Burco ayaa sheegay in ciidamada howlgalkan sameeyay ay wateen gaadiid gaar ah, iyadoo habeenimadii jimcaha ay sheegeen inay maqlayeen guuxa diyaarado jawi hoose ku duulayay oo dul heehaabayay magaalada, kuwaasoo dadka cabsi ka muujiyeen. Saraakiil ka tirsan boliiska Maamulka Burco oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in raggaasi loo qaaday dhinaca Jabuuti, hase ahaatee horgale Cismaan Garad Soofe ayaa sheegay in 5-nin ay qabteen, kuwaas oo sida uu yiri maleegayey waxa uu ugu yeeray falal argagixiso ah, walina lama hubo warkaasi horgalka innuu jiro iyo inkale. Faarax Siyaad Kabawayne (Wariye Madaxbanan Hargaysa)
  16. The clan melesia is still in Kanshaale but no where else in cayn region. they never been either hagoogane or Maygaagle.
  17. Somaliland was never a country before the british and after the british. those from british protected tribes always argue, 35 countries recognized somaliland before the union. No single country ever recognized somaliland as indepedent country.
  18. Road to recognition Gabadh Hargeysa Ugu Dhimatay Cudurka AIDS Oo La Waayey Cid Maydkeeda Maydha Si Loo Aaso Written by Sonyo Umbrella Sunday, 20 December 2009 (IRIN) --Gabadh dhawaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ugu dhimatay cudurka dilaaga ah Ee Aids-ka ayaa la waayay haweenay kali ah oo ku tabarucda in ay maydho maydka gabadhan si loo aaso. Nin magaciisa qariyay oo 40-jir ah ayaa mar uu wakaaladda wararka qaramada midoobay ee IRIN uga warramayay xaaladda inantan waxa uu yidhi: “weli dharkeedii ayaa sudhan halkii ay ku dhimatay, waayo dadku waxa ay aaminsanyihiin in ay cudurkan qaadi doonaan haddii ay taabtaan maryaheeda” ugu dambayntiina waxa maydka gabadhan maydhay koox dumar ah oo qudhoodu qabay cudurkan AIDS-ka. Wakaalada waraka ee IRIN ayaa warbixinteeda ku tidhi: “ dadka reer Somaliland inta badan waa ay ka durkaan taabashada iyo la macaamilka dadka qaba cudurkan AIDS-ka” ninka warbixintan siinayay wakaaladda IRIN oo magaciisa markii dambe warbixinta dhexdeeda lagu magacaabay Cabdilaahi Cumar laakiin aan ahayn magaciisa dhabta ah kana mid ah dadka qaba cudurka AIDS-ka ayaa yidhi: “qofkii naga mid ah ee cudurka sheegta in uu ku dhacay, waxa uu qoyskiisa kala kulmaa dayro iyo in la takooro. Waxa aan ahaa askari, markii la ogaaday in aan qabo AIDS ayaa la iga mamnuucay in aan soo galo xerada ciidanka, waxaana la iila macaamilay sidii oo aan ahay cudurka laftiisii.” Haweenay kale oo aanu magaceeda dhabta ahi sidan ahayn Aamina Cali ayaa iyana tidhi: “ubadkayaga ayaa dugsiga laga soo eryaa keliya marka la ogaado in waalidkood qabo cudurka AIDS-ka. Dhibta noocaas ah ayaanu maalin kasta la kulanaa.” Wacyi la’aan: Khubarada arrimahan la socdaa wax ay sheegaan in ceebta iyo dhibta uu bulshada kala kulmayo qofka qaba AIDS-ka sababtiisa ugu weyni tahay dadka oo jahli badani ka hayo faafitaanka cudurkan iyo ceebta kale ee ah in dad badani u fahamsanyihiin in cudurkan oo qofka ku dhacaa muujinayo fisqi iyo in uu qofkani ku kacay dhaqanno ay diidayso diinta islaamku. Sida ay sheegayso qaramada midoobay, boqolkiiba toban kali ah 10% oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa faham sax ah ka haysta waxa uu rasmi ahaan yahay cudurka AIDS iyo siyaabaha loo kala qaado. Siciid Axmed oo arday ka ah jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi: “waxa aan ogahay in cudurkan lagu kala qaado burushka ilkaha lagu cadaydo oo lala wadaago qof qaba cudurkan. Laakiin hadii uu mid ka mid ah qoyskayaga uu cudurkani ku dhaco, waa arrin dabiici ah in aan ka baqo in aan ka qaado cudurkan”.Hadaba iyada oo galmadu tahay shayga ugu muhiimsan waxyaabaha lagu kala qaado cudurkan ayaanu hadana Siciid soo hadal qaadin arrintaasi, arrinta kale ee jirtaana waa in aanay dugsiyadu ardayda aqoon ku filan ka siin cudurkan. Last Updated ( Sunday, 14 February 2010 )
  19. Road to recognition Run ahaan talaabadaas soo dhoweynta ah ee lama filaanka ahayd waxay furo u noqotay isbedelka fikradihi xumaa ay dadka Somalida ahi ka haysteen Itoobiyaanka, waxaana abuurmay is dhexgal iyo is faham labada shacbi ee Itoobiya iyo Somalida taasi oo la xusi karo in Ururkii SNM oo taageero milatari ka heli jiray Itoobiyaanku uu sabab u ahaa in uu meesha ka baxo shakigii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay Somalida iyo Itoobiyaanka. Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland wixii ka danbeeyay 1991kii Markii xukunka laga tuuray taliskii naxariista darnaa ee uu ka talinayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sidoo kale muddo yar ka dib waxaa meesha ka baxday xukuumadii Itoobiya ka jirtay ee uu hogaaminayay kaligii taliyihii Mingistu Xayle Maryam, waxaana is bedelkaasi uu sababay inay labadii jabhadood ee Somaliland iyo Itoobiya kala qabsaday uu mid kastaaba ku mashquulo dhibaatooyinkii cuslaa ee ka jirtay gudaha wadamadooda, manay jirin wax lagu tilmaami karo xidhiidh weyn oo u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya inkastoo ay jirtay in ay si joogto ah magaalada Jigjiga iyo Harta Sheekha ay ugu kulmi jireen saraakiisha milatari ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxay ahayd dabayaaqadii sanadkii 1995kii markii ay si rasmi ah xidhiidho balaadhan u yeeshaan Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la dardar galiyay xoojinta dhinaca amaanka, sirdoonka, diplomaasiyada iyo ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana xidhiidhkaasi uu keenay in Somaliland ay xafiis ka furato magaalada Addis-ababa halka ay itoobiyaankuna si aan rasmi ahayn ay u sii xoojinayeen imaanshahahooda Somaliland, taasoo aakhirkii dhalisay inay xafiis heer safiir joogo ay ka furtaan gudaha magaalada Hargeysa, waxaana sii balaadhay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyay labada dal oo gaadhay heer ay Itoobiya isticmaasho dekeda Berbera, diyaraadaha Itoobiyaankuna ay si toos ah isaga kala gooshaan caasimadaha Hargeysa iyo Addis-ababa inkastoo ay duulimaadyadaas hakad galiyeen weerarkii fulaynimo ee Somaliland ay argagixisadu ku soo qaaday bishii Oktoobar ee sanadkii 2008. Yuu Dan u yahay Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, sideese loo sii kobcin karaa ? Somalidu waxay ku maahmaahaan “waxa umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan ah” Waxaan shaki ku jirin in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu dan u yahay, labada dawladood iyo labada shacbi oo isu ah bidix iyo midig kuwaasi oo aan sinnaba u kala maarmin, waxaana hubaal ah in Itoobiya ay danteedu ku jirto Somaliland oo noqota dal quwad leh, dimuqraadi ah oo horumaray, halka ay sidoo kale danta Somaliland ay ku jirto Itoobiya oo noqota dal quwad leh oo nabdoon oo horumaray, waxaana taasi ay keeni kartaa in ay si weyn isaga kaashadaan labada shacbi dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo waliba siyaasada. Waxaynu ka war haynaa in dalka Itoobiya uu yahay dal ay ku nool yihiin Sideetan Milyan oo qof oo bilaa deked ah, halka ay Somaliland ku nool yihiin saddex milyan iyo badh oo si weyn u yaqaana habka ganacsiga, waxaana muuqata in Itoobiya ay tahay suuq aad u weyn oo ganacsatada Somaliland ay ku xisaabtami karaan, isla markaasna ay badeecada dibada ka keenaana ay u iib geyn karaan dalkaas Itoobiya, halka Itoobiyaankuna ay ka faaiidaysan karaan isticmaalka dekeda Berbera. Hadaba si loo sii xoojiyo dersis wanaaga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xidhiidhka labada dal uu noqdo mid ku qotoma is tixgalin talantaali ah oo ka dhaxaysa labada dhinac taasoo ku dhisan faro-galin la’aan arrimaha gudaha oo aanuu dalna farogalin dalka kale arrimihiisa gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xidhiidhka amani ee labada dal u dhexeeya, waxaana lagama maarmaan ah in Itoobiyaanku ay suuqyadooda u furaan ganacsatada Somaliland si la mid ah sida ay suuqyada Somaliland ugu furan yihiin ganacsada Itoobiyaanka Ugu danbayn waxaa Dawlada Itoobiya looga fadhiyaa inay mawqif adag iska taagto dagaal cadna la gasho kooxda argagixisada ah ee la baxday SCC oo fadqalalo ka wada deegaamada Bariga Somaliland kuwaasoo waxyeelo u geysan kara amaanka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya, dhinaca Dawlada Somaliland ayaa iyagana ay waajib ku tahay inay dagaal adag la galaan ururka Argagixisada ah ee ONLF oo dhawaan isku dayay inay soo dhex maraan gudaha Somaliland iyaga oo duulimaad ku ah Itoobiya, waxaana loo baahan yahay in labada dawladood ay si talan-taalli ah isaga kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabadiidka ah ee halista ku aha amaanka gobolka geeska afrika. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK
  20. dee Aqoonsigii wuxuu idinla galay meelxun.
  21. Ninkii Jarmalka ahaa ee Hablaha kula Kacay Dhaqan Xumo. (Warkamaanta) November 19, 2010. “Ninbaa jira GTZ barigii hore u shaqayn jiray oo Jarmala, ninkaasi maalin dhawayd baa la qabtay sababta lagu qabtayna waxay ahayd, Hargeysa badhtankeda ayaa waxa uu ku guulaystay intuu hablaheena lacag siiyo ugu baaqo inuu yurub gaynayo. Ninkii Jarmalka ahaa ee Hablaha kula Kacay Dhaqan Xumada oo ay Culimadu ka Digtay in la Siidaayo Waxaa soo baxaya warar iyo tuhuno sheegaya in la wado sidii loo siidayn lahaa ama loo xalin lahaa xadhiga nin Jarmal ah oo loo xidhay fal lidi ku ah karaamada dhaqanka suuban ee reer somaliland iyo diinta Islaamka kazoo uu kula kacay arintan ayuu shalay si aada uga qayliyey Sheekh Aadan Qudbadii iida ee shalay. Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Sheekha “Ninbaa jira GTZ barigii hore u shaqayn jiray oo Jarmala, ninkaasi maalin dhawayd baa la qabtay sababta lagu qabtayna waxay ahayd, Hargeysa badhtankeda ayaa waxa uu ku guulaystay intuu hablaheena lacag siiyo ugu baaqo inuu yurub gaynayo. Meeshaa aynu janadii u haysano, oo marka uu la tunto uu sawiro iyadoo qaawan, waxaa la hayaa falaashtii ay ugu jireen Sawiradu, bal ninka gaalka ah ee maanta Jarmal ka yimi ee hargaysa ka shaqaysanaya, ee gaadhay hablaheenii oo qaawan inuu waliba sawiro ee sawiradoodii qaarna diraya qaarna halkan ku haysta iyagoo falaashtiiya la soo saaray.ee maanta hargeisa dhex lugaynayey intaas oo sanadood, ee dad badani ay ogaayeen maxaa arinkiisu noqonayaa? Isagoo ka jawaabay Su’aashaas waxa uu yidhi “waxaan ugu baaqaynaa madaxwaynaha Somaliland arintaa inaanu cidna ku halayn, ninkaasi waa in maxakamada la hor geeyo, maxakamadu wixii ay ku xukuntona waa inuu dhamaystaa, intaa markuu dhamaystana waa in far iyo suul inta lagu qaado debada loo tuuraa, waxaa lay sheegayey kaas ayey qaar difaacayaan. Hadaad difaacdo kuwa difaacayaw waxaad ogaataan ragii hablahaa dhalay way soo taagan yihiin, waa laysku dili doonaa, nabad-gelyo xumaa ka dhici doonta, waxaasoo dhan waa la asturayaa, laakiin waxaan uga digaynaa inaan ninkaa la difaacin, ninkaasi runtii wuu dhiiraday, go’aano aan loo baahnayan ayuu gaadhay.” Ayuu yidhi sheekhu. Sidoo kale waxa uu dhaliilay qaabka loo qoro shaqaalaha Hay’adaha iyo sida ay uga faa’iidaystaan baahida Dumarka waxaanu yidhi “ waxaanu kale oo aanu kula talinaynaa hay’ada dalka jooga in Somaliland hadaynu nahay dhaqankeenu wuxuu yahay ilaaliyaan, cid wal oo inoo timaada inaynu ixtiramno, inaynu soo dhawayno, in heshiiska aynu ku wada jirno aynu ilaalino, waana ta aynu kula dagaalamayno kuwaa wadaada ah ee doonaya inay dadka laayaan. inaku dadka waynu soo dhawaynaynaa laakiin waxaynu yeeli karayno maaha inay hablaheena kala door doortaan oo marka shaqo la siinayo, oo raga qaarkoodna arimahaasi ka shaqeeyaan, arin aynu aqbali karayno maaha, arrin aanu Somaliland ku taageersanahay maaha, arrin diinteena iyo dadnimadeenu aqbali karayso maaha. Waxaa sabab inoogu helaya kuwaa maanta aynu dalkeena ka difaacayno oo odhanaya xaqbaanu u leenahay inaanu Somaliland la dagaalano oo waxyaabo diinta aan ku banaanayn baa ka dhacaaya, sidaa darteed arintaa dawlada waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabato, kuwa kale ee ajanabiga ah ee hawlahooda la ogayahayna waxaan leenahay dawladu inay wax ka qabato ayey tahay, wasaaradda diinta iyo awqaafta waxaan kula talinaynaa shaqadeeda inay qabsadaan, in policeka adaabta la sameeyo, lala dagaalamo in caruurteena la jaheeyo.” Source: Waaheen News, November 17, 2010 Add comment
  22. That time it ended lack of success. The new compain of recognition is little bit different but will it end lack of success too