Sign in to follow this  
Daqane

Wasiirrada Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo u Ambabaxay Kismaayo

Recommended Posts

Daqane   

Wasiirrada Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo u Ambabaxay Kismaayo iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Hanjabay

 

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi iyo wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta aaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo maamulka Axmed Madoobe ay sheegeen inay iska difaaci doonaan cid walba oo duullaan ku ah Jubbaland.

 

Maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xubnihii horay dowladda uga socday ee ku sugnaa Kismaayo ay wadaan abaabullo ay isaga horkeenayaan beelaha gobolkaas ku nool, ayna iska dhicin doonaan cid walba ama dowlad ha ahaato ama cid kale oo doonaysa inay dibaatooyin abuuraan, iyadoo shir maanta ka dhacay magaaladaas lagu cambaareeyay siyaasadda dowladda ee ku aaddan Jubbooyinka.

 

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay HOL in wafdigan ay u tegi doonaan halkaas xoojinta wafdigii dowladda ee horay ugu sugnaa Kismaayo iyo dib u habeynta ciidamada dowladda ee ku sugan Kismaayo.

 

“Wasiirradu waxay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kula kulmi doonaan saraakiisha ciidmada Kenya ee ka tirsan AMISOM, qorshahooduna waa xoojinta wafdigii dowladda ee horay u joogay Kismaayo,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Warar kale ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo la filayay inuu wafdigan raaco uu ka baaqday, iyadoo magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin wafdi ay dowladdu u dirtay, kuwaasoo sheegay inay jirto wadashaqeyn la'aan u dhexeysa iyaga iyo ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya.

 

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdiga dowladda eek u sugan Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Kenya ay ku war-geliyeen inaysan ammaankooda sugi doonin, balse ay markii dambe u yimaadeen ayna u sheegeen inay ammaankooda sugayaan.

 

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad aad u weyn, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu si toos ah uga soo horjeestay dowladda Soomaaliya.

 

Isbedelka mowqifka maamulka Axmed Madoobe ayaa yimid kaddib markii ay madaxda IGAD isku raaceen in maamul u sameynta Jubbooyinka lagu ixtiraamo dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan dowladda Somalia sidii loo qaban lahaa shir-weyne lagu dhisyo maamullo KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bartamihii bishan lagu dhisay maamul loogu magac-daray Jubaland kaasoo ay ruux sheegeen in loogu doortay inay madaxweyne u noqdaan, iyadoo aan la ogeyn halka uu xaalka Kismaayo ku dambeyn doono.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Somalia oo u ambabaxay Kismaayo iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Hanjabay

 

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta aaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo maamulka Axmed Madoobe ay sheegeen inay iska difaaci doonaan cid walba oo duullaan ku ah Jubbaland.

 

Maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xubnihii horay dowladda uga socday ee ku sugnaa Kismaayo ay wadaan abaabullo ay isaga horkeenayaan beelaha gobolkaas ku nool, ayna iska dhicin doonaan cid walba ama dowlad ha ahaato ama cid kale oo doonaysa inay dibaatooyin abuuraan, iyadoo shir maanta ka dhacay magaaladaas lagu cambaareeyay siyaasadda dowladda ee ku aaddan Jubbooyinka.

 

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay HOL inay wafdigan ay u socdaan sidii ay saraakiisha ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ugala hadli lahaayeen inay sugaan ammaanka xildhibaannada ku sugan degmadaas.

 

“Wasiirradu waxay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kula kulmi doonaan saraakiisha ciidmada Kenya ee ka tirsan AMISOM, qorshahooduna ma ahan inay magaalada galaan,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdiga dowladda eek u sugan Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Kenya ay ku war-geliyeen inaysan ammaankooda sugi doonin, balse ay markii dambe u yimaadeen ayna u sheegeen inay ammaankooda sugayaan.

 

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad aad u weyn, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu si toos ah uga soo horjeestay dowladda Soomaaliya.

 

Isbedelka mowqifka maamulka Axmed Madoobe ayaa yimid kaddib markii ay madaxda IGAD isku raaceen in maamul u sameynta Jubbooyinka lagu ixtiraamo dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan dowladda Somalia sidii loo qaban lahaa shir-weyne lagu dhisyo maamullo KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bartamihii bishan lagu dhisay maamul loogu magac-daray Jubaland kaasoo ay ruux sheegeen in loogu doortay inay madaxweyne u noqdaan, iyadoo aan la ogeyn halka uu xaalka Kismaayo ku dambeyn doono

Share this post


Link to post
Share on other sites

bad advice , i wonder who is advising sh . Madoba ( mooge and XIIN), The man is just digging his grave more .

 

 

Sida ay sheegayaan wararka xiisada labada dhinac u dhaxeysa ayaa timid kadib markii shalay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi loo diiday inuu galo magaalada, halka wafdigii Xildhibaanada ahaa ee magaalada ku sugnaa iyana loo diiday inay ka tagaan magaalada.

 

Wararka oo ah kuwo aad isu soo tarayay saacadihii u dambeeyay ayaa la sheegaya in ammaanka Xildhibaanada ee ku sugan Hotel ku yaal Kismaayo ay la wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo ciidamadan la sheegay inay ka careysan yihiin sababta Abaanduulaha ciidamada loogu diiday in magaalada uu galo.

A Arrest warnes should be issued for Sh . Modaba and his associates

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Mooge iyo Xiin hahaha those are merely the puntland rats abandoning the sinking ship and leaving the old man with the fantastic ideas they implanted in to his head to flounder about, if you listen hard enough you hear the soft plonk of mammalian bodies falling in water....and he is doing the only thing he knows how and that is be a warlord and make as much noise and threats as he can.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka Baaqday Safar ay ku tegi lahaayeen Maanta Magaalada Kismaayo

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wasiiradda warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib buuq ka dhashay tegistooda Kismaayo.

 

Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku baaqay in wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya aysan doonayn inay yimaadaan Kismaayo, iyagoo saraakiisha ciidamada AMSIOM ee Kismaayo ku sugan ay dalbadeen in dib loo dhigo safarka wasiirrada dowladda Soomaaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo inay wadaan dadaallo ay kaga doonayaan inay kaga dhaaciyaan maamulka Axmed Madoobe in wafdigan wasiirrada ah ay yimaadaan Kismaayo.

 

Sidoo kale, maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in wafdigii hore ee dowladda ka socday oo ku sugnaa Kismaayo aysan waxba isla gaarin taas darteedna aysan aqbali karin wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya Kismaayo yimaadaan.

 

Mas’uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe oo maanta shir ku yeesheen Kismaayo ayaa cambaareeyay siyaasadda dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka ku wajahan.

 

Wasiirada dowladda oo lagu wado inay maalmaha soo socda safar ku tagaan Kismaayo ayaa waxaa la sheegay inay u socdaan sidii ay u xoojin lahaayeen guddi ay dowladdu horay ugu dirtay magaalada Kismaayo.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay go’aankii ay madaxda IGAD kasoo saareen maamulka Jubaland oo dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay, waxaana magaaladaas ku sugan illaa shan ruux oo mid walba uu sheeganayo inuu yahay madaxweynaha Jubaland.

 

Dhanka kale, wafdiga dowladda ee ku sugan Kismaayo ayaa ka cabanaya in aysan jirin wadashaqeyn u dhexeysa iyaga iyo ciidamada Kenya ee qayta ka ah AMISOM, iyadoo xildhibaan Xoosh uu sheegay in ciidamadan ay u sheegeen inaysan sugi karin ammaankooda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

HAG Getting desperate :D . How many times have we heard, this minister visited there yet

we never see any changes. Just go back to Mogadishu hiding behind Ugandan tanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Saalax;954789 wrote:
HAG Getting desperate
:D
. How many times have we heard, this minister visited there yet

we never see any changes. Just go back to Mogadishu hiding behind Ugandan tanks.

:D :D. :D

 

Wasiirka gudaha = Caydiid Jr.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Saalax;954789 wrote:
HAG Getting desperate
:D
. How many times have we heard, this minister visited there yet

we never see any changes. Just go back to Mogadishu hiding behind Ugandan tanks.

ala Saalax, whutcha doin'? :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Any news from the ministers, Liqaye :D :D

 

The only one digging a deeper hole for himself is Hassan Sheekh. Ahmed Madobe has the possession of the land. Now that USC in Mogadishu accepted Nairobi and Adis's neutrality of this matter, Ahmed's hand has been strengthened . And if the feeds I am getting materialize, Puntland has his back where it matters the most --which many of you may not even appreciate.

 

So xiin and Mooge, are invested in Jubbaland as much as Zack is. As I said yesterday, this conflict will evolve from a mere political misunderstand (which it truly was) to national crisis that will paralyze the weak government in Mogadishu, thanks to Hassan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

HAGist Damjadiists are on do-nothing tour everywhere. loool. soon the only places left to visit will be Greenland and the south pole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this