Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Kismaayo iyo waraabe cunoow maxaa kala haaysta VIDEO

Recommended Posts

Abwaan   

SubxaanAllah waa sheeko waalan, haddaayey mar aan arkay article laga qoray xitaa inaan akhriyo waa igu soo dhici weysey oo waxaan isiri waa sheeko-baraleey. Thanks for sharing this Oba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugaarsiga Waraabaha oo kusoo badanaya Jubbada Hoose iyo Hilibka Waraabaha oo Noqday kan Loogu Isticmaal Badan yahay

Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) —

 

Kaddib markii maamulka Al-shabaab ee Jubbooyinka uu shaaca ka qaaday inuu xalaal yahay hilibka Waraabaha ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo batay ugaarsiga iyo ka ganacsiga hilibka Waraabaha, arintaasoo fajac iyo layaab ku noqotay dad badan oo reer Kismaayo ah oo aan iyagu ogeyn waxay diinta Islaamku ka qabto arrintaan.

 

Waraabaha oo kamid ah xayawaanada duurjoogta ayay xarakada Al-shabaab ee Jubooyinka sheegtay in diiniyan uu xalaal yahay islamarkaasina la cuni karo hilibkiisa, waxayna arintaasi keentay in suuqyada lagu iibiyo hilibka uu kusoo bato hilibka Waraabaha.

 

Maamo kamid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegtay in hilibka Waraabaha uu siweyn ugu soo batay magaalada, iyadoona sheegtay in hilibka waraabuhu noqday hilibka loogu isticmaal badanyahay ee magaalada Kismaayo.

 

"Kiilaha hilibka Geela waa Sh. Som 100,000 (Boqon Kun), hilibka Waraabaha kiilihiisii wuxuu gaaray Sh. Som 180,000 (180 Kun), waxaana iibsado dadka dhaqaalaha leh oo qura," sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo HOL u waramay isagoo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

 

Ugaarsiga Waraabaha ayaa ka bilowday gobolka Jubada Hoose, iyadoona dadka u ugaarsi tago Waraabaha ay kusoo badanayaan Magaalada Kismaayo.

 

Hadalheynta ugu badan ee magaalada Kismaayo ayaa ah hilibka Waraabaha ee la sheegay in uu xalaalyahay, iyadoona bulshada reer Kismaayo ay u qeybsameen laba qeybood kuwo bilaabay cunista hilibka iyo qaar kale oo badan oo ay layaab ku noqotay in la cuno hilib Waraabe.

 

"Waxaa jiro maqaayado dhowr ah oo lagu iibiyo hilibka Waraabaha, sidoo kale waxaa lagu sameeyaa Saanbuuska iyo cuntooyinka kale ee lagu iibiyo maqaayadahaasi," ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan Kismaayo oo HOL u waramay.

 

Culumada waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cunista Hilibka Waraabaha, waxaana culumada qaar ay qabaan in uu xalaal yahay halka qaar kalena ay sheegayaan in aysan banaaneyn cunista hilibka Waraabaha, waxaana sidan si lamid ah ay Madaahibta Islaamku siyaabo kala duwan uga hadleen hilibka Waraabaha iyadoona Madhabta qaar ay qabto in uu xalaal yahay halka qaar kalena ay qabaan in uu xaaraam yahay.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab sheeko ayeey keeneen, walaahi waa sad story, magaalada soomaali ugu qanisaneyd inay faqri badaan oo dadka ay cunaan hilib waraabe, acuudu billahi, markaasaa Maadeey inta kuu yimaado kuleeyahay dadka shabaab baa u fiican. midda kale xadiikan halkey ka galaayaan. عن أبي ثعلبة الخشني أن رسول الله - صلى الله عليه وسلم - قال : { كل ذي ناب من السباع فأكله حرام } رواه الجماعة إلا البخاري وأبا داود )

kaasoo macnihiisu yahay wax waliboo miciyo leh cunidiisu waa xaaraan.

haddey shabaab leeyihiin waraabe miciyo malaha waa sheeko cusub.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Oba, I said enough in the other thread, haddaanse hal ku darsado, waxay ku tusaysaa in shacabka Kismaayo taageersanyihiin maamulka! :)

 

jacpher, la noqo comment'igaaga, article-ka wuxuu leeyahay:

 

1) Hilibka waraabuhu wuu ka qaalisanyahay hilibka geela!.

 

2) Hilibka waraabaha waxaa gata dadka maalqabeenka ah!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^:D

 

No I am not trying to change the subject at all sxb. This is marginal to what barbaarta does in Somalia everyday. It won't be an exaggeration if one jokes about barbaarta putting out a fatwa making xalaal for the consumption of the human meat of those they deem murtadeen. We are talking about people so low on the humanity scale that nothing is too low for them.

 

Anyho, sad to see you're still remain hard headed to your shabaabi ideologies. Time for you to realize otherwise sxb. Running out of time here. Later.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waa taageersanahay ama ma taageersani meeshaan kuma qorna, sxb. Haddaad leedahay 'i dhaaf aan wax kastoon rabo oo been ah ka sheegee'na anigu mayaan kaa idhi!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan ka baqay in cudur sida Ebola oo kale ah uu meeshan ka dillaaco, baahina uma geyn ee waxani waa maxay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this