Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....

Recommended Posts

Atirisho   

Abu-dhabi (Halbeegnews)– Waxaanu raali gelin ka bixinayna war ku soo baxay shabakadda Halbeegnews caawa oo ku saabsana in Madaxweynahii hore ee Soomaliya Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed Geeriyooday, waxaanu ka cudur daaranayna kana raali gelina dhammaanba akhristayaasha Halbeegnews in warkaasi si khalad ah nooga baxay, waxaananu caddaynayna in Cabdilaahi Yuusuf Axmed noolyahay kuna suganyahay magaalada Abu-dhab ee dalka Emirateka carabta.

 

Abaaro 23:00 fiidnimo wakhtiga caasimadda Hargeysa ayaa waxaa xafiiska shabakadda Halbeegnews la soo xidhiidhay qof ka soo hadlay dalka Emirateka carabta, qofkaasi wuxuu telefoonka ugu xaqiijiyey Halbeegnews in Madaxweyne Yuusuf Geeriyooday, wuxuuna telefoonka noogu dhiibay qof dumar ah oo uu ku sheegay inay ka mid tahay qoyska Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed, goobta ayaa waxaa laga maqlaayey dhawaaq oohin iyo murugo leh.

Markii warkaasi soo baxay ayaanu sidoo kale la xidhiidhnay dadka Soomaalida magaalada Dubai oo noo xaqiijiyey inay warkaasi aanay haynin isla markaana aanay maqal, dabadeed abaaro saacad iyo badh ka dib ayaanu la xidhiidhnay isla telefoonkii nalagala soo hadlay anagoo marka isku dayeynay bal inuu qofkaasi noo xaqiijiyo halka uu warka ka keenay, waxaana naga qabtay qof aan ahayn qofkii Telefoonka nagula soo xidhiidhay qofkaasi oo markiiba telefoonka nagu jaray isla markaana bakhtiistay.

Saacad ka dib ayaa waxaa noo suurtagashay inaanu la xidhiidhno qof ka mid ah Kal-kaaliyayaasha Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo noo xaqiijiyey in Madaxweyne Yuusuf uu noolyahay isla markaana caafimaadkiisu wanaagsanyahay.

Dabcan wakaaladaha wararka la mariyo ee Halbeegnews ka mid tahay waxaa maalin walba na soo gaadha boqolaal xidhiidho oo kala duwan balse waxaanu markani ka cudur daaranayna inaanu warka daabacnay anagoon baadhin waxaanay tani noo noqon doonta cashar aanu qaadan doono oo aan dib nooga soo bixi doonin.

Waxaanu raali gelinayna dhammaanba Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha ee warkaasi gaadhay iyo kuwii akhristay waxaananu Ilaahay uga beryayna Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed inuu caafimaad siiyo cimrigiisana dheereeyo.

Halbeegnews waxay Booliiska u gudbisay telefoonkii nagala soo xidhiidhay waxaananu rajaynayna in ciidamadda ammaanka ee dalka emirateku ay qofka telefoonkaasi lahaa dan kasta ha ka lahaade ay tallaabo ka qaadi doonaan

Halbeegnews, Abu-dhabi

halbeegnet@gmail.com

 

 

http://halbeegnews.net/?p=11332

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somalina;808344 wrote:
AUN, samir iyo Iiman to his loved ones.

AUN, samir iyo iimaan dhamaan ehelkii io qaraabadii marxuumka.

 

 

 

Somalina;808344 wrote:
He's was not a war hero neither did he find the TFG.

Well said Somalina, run baa sheegtay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

General Duke;808369 wrote:
The news is like lightening around Minneapolis. He was a hero to many those who hate him can, but one can not deny he was a historical Titan.

Of course.

 

They are denying history.

 

Part of the men who foiled coup attempt in Waqooyi Galbeed 1962

Decorated in 1964 for role in border wars.

Given a division in the army by Siad Barre in 1977 war, got closest to Addis Ababa.

 

These are all inconvenient facts but the news hasn't spread to the UK.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;808369 wrote:
The news is like lightening around Minneapolis. He was a hero to many those who hate him can, but one can not deny he was a historical Titan.

Ilaahay ha u naxariisto, dambigiisana ha dhaafo. Caruurtiisa, xaaskiiisa iyo intii odayga jeclaydna waxaan Ilaahay uga baryayaa samir iyo iimaan wanaagsan. This was really expected for a while.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Inaa lilaahi wa'inaa inleyhi raajicuun!

 

Someone I know said he spoke with his family about an hour ago, and the news is true...Haduu nool yahay ama dhintay, Ilaahay naxariis aduun iyo aakhiraba ha siiyo...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this