Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Former Information Minister Somaliland and Somalia will unite again in the future.

Recommended Posts

Xaabsade oo Tibaaxay in Somaliland iyo Somaliya dib isugu noqonayaan

“Manhajka Dawlada ee waxbarashada waa in si siman loogu soo Daro Taariikhda SNM iyo Daraawiishta”

“waxba yaanay idin dhibin Somalinimadu waa laysu tegayaa oo waa tii berigii dhaweyd la soo dhameeyay in la wada hadlo..” Xaabsade

 

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaasbade) oo loo bedelay WasiiradaHalwaha Guud.

Munaasibadii xil-wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxa ka qaybgalay Wasiirrada xilka la kala wareegaayey, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, xildhibaanno, cuqaal iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Wasiirkii hor ee Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaasbsade, xafladaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu soo magacaabay wasiir aqoon buuxda u leh saxaafadda, isaga oo Ilaahay uga baryey wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradda warfaainta inuu xilka u fududeeyo, halka uu warbaahintana kula dardaarmay inay ka fiirsadaan waxay qorayaan “Waxaan aad u soo dhawaynayaa Wasiirka cusub ee warfaafinta oo ah nin aan wasaaradda ku cusbayn. Waxaan madaxweynaha uga mahad celinayaa inuu maanta aqoontii meesha uu keenay oo uu gartay ninkii ku haboonaa. Maalintii aniga meesha la I keenay waan yaabanaa oo waxaan lahaa halkaad ka bilaabaysaa. Warfaafin waligay ma arag, kamana shaqayn umanaan ducayn,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee warfaafintu, waxaanu intaasi ku daray “laakiin maanta wax badan baa iiga baxay oo farsamo ah oo aqoon ah oo haatan haddii la igu soo celiyo aan la talaabsan karo”.”

Xaabsade waxa uu dhaliilay aqoonta Warfidyeenada ka hawl-gala TV-ga dawlada “Berigii dhawayd ee aan tagay Ingiriiska dacwadii ugu badnayd ee naloo soo qadimay waxay ahayd shaqaalaha TV-ga qarank ka hadlaa aqoon uma laha oo waa la inaga cawday. Waxa kale oo nalooga soo dacwooday arrimaha dhaqanka kuma wanaagsana. 50 hablood oo reer Somaliland ah ayaa markii aan London tagay I casuumay oo casuumad gaar ah ii sameeyay. Waxay yidhaahdeen waxaanu idinka rabnaa inaad carruurtayada yar yar ee London joogta aad dhaqanka bartaan oo aad Telefishanka laga soo daayo hidaha iyo dhaqanka sida heesaha caanaha lagu lulo, kuwa guryaha lagu dhiso iyo heesaha xoolaha”ayuu yidhi.”

Wasiirkii hore waxa kale oo uu dibada soo dhigay Baahiyo badan oo dhex yaala wasaarada Warfaafinta “Baahi badanbaa taala meesha, daynbaa nalugu leeyahay oo Niman Somaliyeed oo halkan fadhiyaa nagu leeyihiin, dhaqaale kale oo aanu dawlada iyo Ganacsatadaba ka sii amaahanay ayaa jira , Wasaaradu dhisme ma leh, Hoostadii Gaadiidka lagu dayactiri lahaa ma leh, Shidaal meel lagu keydiyo ma leh, shaqaaluhu aqoon fiican ma leh”ayuu yidhi.

Geesta kale Xaabsade waxa uu ku taliyay in Saxaafada loo sinaado, isagoo ku kaftamay in Umadda Somaliyeed oo dhami u simantahay Saxaafada Somaliland isla markaana ay isu tegayaan wixii laysku odhan jiray Somaliya “Saxaafadu Umada soomaliyeed ee reer Somaliland oo dhan way u simantahay oo maaha in cid gaar ah loo sheego , waxbaa yaanay idin dhibin Somaliya waa laysu tegayaa oo taa waatii berigii dhaweyd la soo dhameeyaye yaanay idin dhibin, waayo waa laysku imanayaa, waa la wada hadlayaa oo Miisbaa la wada fadhiisanayaaye”ayuu yidhi.

Wasiir Xaabsade waxa kale oo uu ku taliyay in Taariikhdii Daraawiishta lagu soo daro Manhajka dawlada si la mid ah Taariikhda SNM, waxaanu ku dooday‘Wiilashii SNM soo ahaa hadii Manhajka Dawlada lagu daray dee kuwii mujaahidiinta ahaa ee iyaguna soo halgamay ee labaatanki sanadood ee ay SNM Dagaalamaysay labaatan u dhigma dalka u soo dagaalamay halugu soo daro Manhajka dawlada…. “ waa in lagu soo daraa Taariikhda iyo Manhajka Waxbarashada Somaliland Taariikhdii Daraawiishta iyo kuwii Diinta u soo dagaalamay ee aan SNM ahayn hadii kale dadkoodu aqbali maayaan SNM oo kaliya”

 

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isagu khudbad dheer halkaas ka akhriyey, waxaanu yidhi “Halkan umaan iman in aan ka shaqaysto, halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in aan gaadhi ka iibsado. Uma aan iman in aan si kale uga danayso,. Han garoocan idiin lama aan iman. Gurmad ayaan idiinku imi. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayey. Mushahar aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqaalad-na ka bixiyey”ayuu yidhi

Waxaanu intaasi raaciyay “Wasiir dadkii dhaqanka soo ururi dadkeenaas dibaddu waxay u baahan yihiin inay helaan dhaqankoodii si carruurta loogu ababiyo.waxaan halkan hortiina idiinka balan-qaadayaa inaynu waajibaadkeena iyo xilkeenaba u gudan doono si wadaag iyo wad jir ah. Wasaaraddan warfaafinta iyo hawlaheedaba waynu wada leenahay inaggoo ka wakiil ah dadweynaha iyo dawladdaba. Waxaan hortiina ka balan-qaadayaa inaan idin hawl-geliyo aniga oo aan cidka ka buuxin oo aan tunka ku sidan, cidna ku buuxin oo aan takoorayn,”ayuu yidhi Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle Boobe.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa isagu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay xilka wasaaradda hayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

He does raise some valid points with regards to recording the shared history of reer SL and the exclusive ‘qaran’ rhetoric which is oft repeated by some in the media but I feel the author of this piece wishes to blur this with usual ‘union scare’..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

After The Foundation Of Khaatumo State: Xaabsade Is Feeling The Heat

 

 

Xaabsade Ayaa Markii Ugu Horreeysay Farta Ku Fiiqay Waxyaabaha Ay Beelaha Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Ku Diiddan Yihiin Inay Ka Mid Noqdaan Maamulka Somaliland

 

 

Hargeysa(RBC):-Wasiirkii hor ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaasbsade, oo hadda ah Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Ayaa Markii Ugu Horreeysay Farta Ku Fiiqay Waxyaabaha Ay Beelaha Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Ku Diiddan Yihiin Inay Ka Mid Noqdaan Maamulka Somaliland.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa Masuuliyiin Madaxweynaha Somaliland isku-shaandhayn ku sameeyey Arbacadii hore, waxa uu ku baaqay dadka aan Ururkii SNM ku abtirsan ee ka soo jeeda qaar ka tirsan Beelaha hadda Somalialnd wada dega lagu daro manhanka waxbarashada Somaliland.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad uu xilka kaga tirsaday Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, Ayaa Ka Hadlay Arrimo Badan oo Ay ka Mid Yihiin Sida Beesha uu Ka Soo Jeedaa Aanay Uga Dhex Muuqan Dawladda Somaliland.

 

 

“Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay. Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka Wax La Wadaagi Maayo. Waa In Daraawiishtii Lagu Soo Daraa. Waa In Lagu Soo Daraa Raggii Gaalladda Inaga Celiyay ee Diinta u Dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Md. Xaabsade.

 

Axmed Xaabsade wuxuu sheegay in Beeshiisii Ay Siyaasad ahaan Diiddan Yihiin Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi; “Reer Tolkay way Innaga Maqan Yihiin oo Way Inna Diiddan Yihiin. Siyaasad ahaan Ayay Innoo Diiddan Yihiin Si Kale Innooma Diiddana. Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi.”

 

“Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fadhiisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn.”ayuu yidhi Md. Xaabsade.

 

RBC Radio

 

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

 

 

_______________________

 

images?q=tbn:ANd9GcQ2XRb8UF083wdh7jfHSS7

 

 

HorGale Xaabsade "Beeshii Aan Ka Imid Way Idinka Maqantahay.. Anigaa Idinkala Jooga" (Maqal)-

 

 

 

 

 

 

London,(Lasanod Online)- Wasiirka Warfaafinta maamulka Hargeysa, Axmed Cabdi Xaabsade oo Khudbad ka jeediyey xaflad ka dhacday London.

 

oo ay qabsadeen Jaaliyadda Somaliland, ayuu markii ugu horeysay si runi ku jirto kaga hadlay..

 

Axmed Xaabsade ayaa xafladaas ka qiray in beeshiisu ka maqantahay maamulka Hargeysa, Sidii losoo celin lahaana laga taliyo.

 

Su'aashu waxay tahay Xaabsade ma haduu ogaaday inuu keli ku yahay Hargeysa.

 

 

 

Horgale Xaabsade oo Qiray In Beesha Khaatumo/ SSC Ka Maqantahay Maamulka Beesha Somaliland

 

Halkan Ka Dhegayso

 

 

http://radioxogwaran.com/2012/02/26/dhagayos-xaabsade-oo-qiray-in-beesha-***********-ka-maqantahay-maamulka-somaliland/

 

http://radioxogwaran.com/

 

 

 

 

 

 

Source: Xogwaran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

xiinfaniin;807039 wrote:
Xaabsade is about to defect again,

 

War hoy si xooga u ilaaliya
:D

Waa saas...... Khaatumo meel uma hayso ee PL u baq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

xiinfaniin;807071 wrote:
^^In theory, haddii iinaan soo deyn , nooma imaan karo. Xaggee buu soo marin?
:D

Waa Xaabsade -- oo marmar buu karaamo darteed duulaa :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole should appoint him the CEO of Puntland Petroleum agency...it is rumoured that he consumes half the meat of slaughtered camel daily…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes, he is talking about the inevitability of union. The days of union scare are over in SL. Politicians matured a bit and the reality has finally sunk in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malaha wuxuu ku dambeyn doonaa Dubai ama Nairobi inta ka hartay noloshiisa. Tolna ma haysto Puntlandna wuxuu kula gorgortamo ma haysto Somalilandna gooray noqotaba waa aay sii deyn doonaan (release him) ileen waxba uma uu soo kordhin doono'e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this