Sign in to follow this  
Abwaan

Xawaalad saf dheer ka jirey oo lacag lagu dirayo iyo sidii dadka qaar u dhaqmayeen

Recommended Posts

Abwaan   

AFEEF : Qormadaani si gaar ah uma durayso degaan iyo dad gaar ah ee fadlan yaan shaqo laga dhigan in la dhaho reer hebel bay ahaayeen!

 

Sidii caadada u ah Soomaali badan oo qurbaha ku sugan ayaan waxaan booqday mid ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee ku yaal magaalada aan degganahay. Sidaad la socotaanba xawaaladaha ayaa beryahan ay soo wajahdid culays xagga shaqada ah, haddaba hal xawaalad oo keliya ayaa wakhtigan xaadirka ah shaqaynaysa magaaladan iyada ah.

markii aan soo galay gudaha golihii ay ku taalleyba waxaa isha ku dhuftay saf aad u dheer oo ah kuwii hore looga bartay xawaaladaha oo labaatameeyo qof iga horreeyaan. Waxaan u soo qaatay mawduucaan inaan wax yar ka taabto dhaqanka dadka qaarkii ay meesha la yimaadeen. Xoogaa markii aan safka ku jirey ayaa waxaa isoo agmaray laba islaameed oo bannaanka xawaaladda iyagoo islaamo kale la fadhiya aan ku soo agmaray. Durbadiiba mid ayaa tiri intay wiil Soomaaliyeed oo safka xagga hore kaga jirtey tilmaantay "Wiilkaan koofida qaba ayaan ka horreeyey soo maaha" intay qiyaastii 15 qofood ka hormartay, sidaas baa labadoodiiba halkii hore safka xoog kaga galeen, lalama doodin oo hooyooyin da' ah ayey ahaayeen waana laga xishooday intaan ka ahayn hal islaan kale oo ku tiri meeshaan America ayaa la yiraa ee safka dib ka soo gala, mar haddaad baxdaan goobtiinnii waad lumiseene" Mid baa ugu jawaabtey "annaga halkaan Magaalo helba (intay magaalo Soomaaliyeed oo aan hadda ka gaabsanayo inaan sheego sheegtay) ayey noo tahay ee waa bilaa America" lol. Halkii bay safkoodii meeshii ay ka qabsadeen iska joogeen.

Xoogaa yar dabadeed ayaa haddana waxaa imaaday mid kale oo lacag gacanta ku wadata oo intay dadka dhan dhaaftay bay ninkii xawaaladda ka shaqaynayey ay dariishadda lacag uga dhiibtey oo ku tiri "War hebeloow waa tanaa lacagtii saakay ee d i r" :) yaab badanaa.

Wiil baa isaguna sidoo kale intuu lacagta uu diri lahaa ciddii ay ku socotay warqad ku qoray ayuu lacag iyo warqaddii haweeney isaga 3 qofi u dhexeysey u dhiibey oo dhahay "Eeddo safka kuma jiri karee lacagta iga sii d i r" Halkaas ayeyna uga qaaday isna u tegey.

Markii halkaas la marayo ayaa nin aniga igu xigey wuxuu mid kale si kaftan ah u yiri "Dakaan ma taqaannaan oo anigaa idinka badiya ee Hebeloow, isagoo oday ka horreeyey la hadlaya, meeqo qof oo kale ayaa soo socota oo sidaan noo jiiri doonta, waan ogahay inaysan sheekadu halkaan ku dhammaaneyn". Intii uusan hadalka dhammayn ayaa oday kale inta yimid uu wiil dhallinyaro ah oo safka hore kaga jirey billaabay inuu inta u dhawaado uu la hadlo isagoo u sheegay dad uu rabey in lacag loo diro. Intaas kumuu ekaane markii wiilkii isaga ahaa la gaaray wakhtigii uu daaqadda lacagta laga dirayey soo istaagey ayuu odaygii billaabay inuu yeeriyo magacyo cajiib ah oo ay ka mid yihiin "Shiino hebel hebel intaas u ***" "Toosh hebel hebel............, askar hebel hebel............ iyo kuwo la mid ah". Magacyada ayaaba iga yaabiyey.

 

Inta aan is dhihi karo way mudnaayeen in safka ay si asluubaysan ugu hormaraan waxay ahayd islaan waayeel ah oo sheegatay inaysan taagnaan karin iyo nin curyaan ah labadaas oo aanan sheekada ku soo darin maaddaama ay ahaayeen dad mudan in loo turaa, inta kale waaba dad adiga kaa xoog badan oo haddana ku boobaya!

 

Haddaba waxaan sheekadan u soo qaaday sida Soomaalida badankeed aysan isku xushmayn markii ay Soomaali kale safka kula jiraan. I am sure markii qowmiyado kale safka lagulama jiro dabeecadaha aan kor ku soo xusay lalama yimaado. Maxaan isku ixtiraami la'nahay oo midba midka kale xaqiisa inuu duudsiiyo ugu dedaalaa waa yaabe?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Abwaan, Qurbaha ayaad ku raagtay baan filayaa.......Mida kale miyaan laguu sheeginba inu Faylka la galayaa uu shuqul gaalo yahay..lolz

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Coofle;783819 wrote:
Abwaan, Qurbaha ayaad ku raagtay baan filayaa.......Mida kale miyaan laguu sheeginba inu Faylka la galayaa uu shuqul gaalo yahay..lolz

loooooool.......Coofle, sxb ma waxaad rabtaa in adigoo dariishadda ama safka hore taagan in mid garabkaaga inta lacag ka soo dhiibto loo diro adigoo taagan? Sidee dareemi lahayd haddii Bangiga markii aad tagtid sidaas lagugu sameeyo, markaad dukaanka ka adeeganeyso sidaas lagugu sameeyo? soo danahaaga kama daahdeen sida shaqada, iskuulka iwm. oo mid hadda hurdo ka soo kacay/kacday wakhtiga kaama dhumiyeen adigoo wakhti hore soo tabaabushaystay? Runtii waa ayaandarro sida dadkeennu meel walba oo uu joogo sidii xaalad qaxooti amase emergency inay jirto loo dhaqmo. Waxaad fiirisaa dalka Japan xitaa markii masiibadii Sunaamigu ka dhacday sida ay u samirsanaayeen oo aysan cunto ugu qamaameynin! Haddaba Coofle su'aashaydu waxay tahay Soomaalida maxaa samirka u diidey oo sal-fudaydka ugu wacan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin-Yaaban;783795 wrote:
Af.Somali baro saad u fantihid.
:)

Waad ku sugtay saaxiib. Horta AB Soomaali miyaa? Mise ku hadlaa Af-soomaali? A word of that ma fahmo war miyaa? Haddii uu dhihi lahaa meelo badan ayaanan ka fahmin waa la gartay laakiin a word of that xoogaa waa ka badbadis baan u arkaa, haddii uu Soomaali yahay!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Sheekadani waxay bidhaaminaysaa baahida loo qabo isbedel aasaasiya oo bulshadeena ka dhex curta. Dhacdadayni waxay kaloo ku tusaysaa sababta qarankeenu u dumay inuu soo kacaana waxay ku xiran iyadoo la yareeyo amaba la cidhib tiro falalka noocan oo kale ah. In safka la ilaaliyo ma aha wax ummad amaba qoys u gaar ah ee waa dhaqan reer bini'aadam xal u arkay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Wiilkaan koofida qaba ayaan ka horreeyey soo maaha" intay qiyaastii 15 qofood ka hormartay, sidaas baa labadoodiiba halkii hore safka xoog kaga galeen, lalama doodin oo hooyooyin da' ah ayey ahaayeen waana laga xishooday intaan ka ahayn hal islaan kale oo ku tiri meeshaan America ayaa la yiraa ee safka dib ka soo gala, mar haddaad baxdaan goobtiinnii waad lumiseene"

Soomaalida kale meesha joogto ma'ogi see u dhaqmaayeen laakiin hooyooyinkaan gar ayee leeyihiin saan aniga u arko. Adiga ayaaba sheegay intaa soo galin kahor irida horteeda ayee taagnaayeen, taas oo caddeyn u ah inay kaa horeeyeen adiga. Haa, run waaye, safkooda hore ka baxeen laakiin inay sheegeen laga yaabaa oo waa soo noqoneynaa dhaheen. Taas qalad uma arki hee, saf waa laga bixi karaa oo musqul iyo meelahaas laga aadi karaa haddana waa lagu soo noqon karaa. Anaaba mar walba saas sameeyo, qof i qabsatana maleh maadaama aan sii hor sheego intaanan ka bixin safka kahor.

 

Sheeko Nayroobi sagaashameydii bilowgiisa markaa u soo qaxnay i soo xasuusisay. Waagaas Soomaalida Nayroobi xaafado kala duwan ayee degnaan jireen oo kala fog fog. Anaga Langata xaafad la dhaho deganeen. Qofkii magaalada aado galabtii markuu soo noqonaayana baska uu soo raacaayo saf dheer uu soo gali jiray oo Kenyaatiga wey ishabeyn jireen basaska yaraan jiray dadkana safka isku habeyn jireen markee 'rush hourka' jirto. Soomaalida wey ku cusubtahay meesha, mana jeclaan jirin safaf, siiba markee soonka jiro oo qofka rabo in uu afurka ka gaaro.

 

Dhalinyarada gurigeena joogi jirtay ama walaalahey markee ku daahaan magaalada hoose oo safkaas ku gaaraan ayee waxee sameyn jireen intee safka wada fiiriyaan qof Soomaali ka raadin jireen oo safka hore ku jiro, qofkuu doono ha ahaadee. Salaan been dhakab lagu siin jiray qofkaas, oo sheeko baraleey jirin lala camiran jiray si safka loola moodo camal. Qofka Soomaaliga ahaa safka ku jiray mar mar wuxuu isdhahaayaa qofkaan intuu kugu bartay, laakiin wuu u sii camiri jiray maadaama uu ogyahay in safka lagu maro la rabo. Kenyaatiga shib ayee iska ahaan jireen. Soomaalida u daa jacburiskaas lee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Lol......say no more. Somalida edeb ma laha. I would've gone reer-Mudug on them, and said ASTAWWU safka toosiya walaale gacaliyaal.

 

Astaghfirullah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Abwan,

 

social norms baa ka jiro waddan kasta, waa la kala duwan yahay. Tani is our norm, hala yaabin.Waa adoo dhaho qof Somali ah oo aan albaabka ka qabtay "mahadsanid" ima odhan. Fuutiska hala yaabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

The Zack waa runtaa oo fuutiska si ba'an buu noogu baahay, laakiin waxay rabaan markii ay bangiga lacagta ka soo qaadanayaan inay si edeb leh u faylaan markii ay xawaaladda imaadaanna qoortaada dhinaceeda ayaa inta gacan dheer laga soo rito la dhahayaa "War hebeloow shaqaan u sii cararayaaye ii sii d i r"

 

Sensei;784337 wrote:
Lol......say no more. Somalida edeb ma laha. I would've gone reer-Mudug on them, and said ASTAWWU safka toosiya walaale gacaliyaal.

 

Astaghfirullah.

lol...Ka warran haddii laguugu jawaabo "War edeb ma lihid oo haddaan rabno waan kaa tillaabsanaynaa, soo markaas dagaal iyo meydka cafiya kama dhacayso"?:)

 

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;784321 wrote:
Soomaalida kale meesha joogto ma'ogi see u dhaqmaayeen laakiin hooyooyinkaan gar ayee leeyihiin saan aniga u arko. Adiga ayaaba sheegay intaa soo galin kahor irida horteeda ayee taagnaayeen, taas oo caddeyn u ah inay kaa horeeyeen adiga. Haa, run waaye, safkooda hore ka baxeen laakiin inay sheegeen laga yaabaa oo waa soo noqoneynaa dhaheen. Taas qalad uma arki hee, saf waa laga bixi karaa oo musqul iyo meelahaas laga aadi karaa haddana waa lagu soo noqon karaa. Anaaba mar walba saas sameeyo, qof i qabsatana maleh maadaama aan sii hor sheego intaanan ka bixin safka kahor.

 

.

MMA...musqul la aado iyo waxaas meesha lagama hadlayo, waxaan ka hadlayaa dad intay gambarro qaateen bannaanka hore ee xawaaladda laga soo galo, xaawaleey sheeko ka koobinaya oo haddana 20 daqiiqo ka dib kaa tallaabsanaya. Xitaa haddii ay daallan yihiin ama da' ka daba timid oo fadhi rabaan waa ok oo dariishadda lacagta laga xawilanayo meel aad ugu dhow baa kuraas ku filan taallaa ee sheekadaan waxay iila muuqatay safka adigu sii surnoow anigana qaraabo salaan baan aadayaa, markii aan imaadana yarka koofida wata oo u horreeya baan ku xigey! Taas sheeko soconayso ma ahan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dumarka af somaali waxaa lagu yiraahdaa nugul (naacim afka carabiga) haday saf kaa hormartayna xaq bay u leedahay waayo somaali baad tahay dhaqan iyo diin fiican

Odayguna marku weynaado kaarka jaaluhuu wataa asagana lalama hadlo dhaqankeena wiilka dhalinyarada haka yeelin

 

Waxaan xasuustaa hadda ka hor ayaan islaan duqowday oo carab ah kursi uga kacnay,markaasay inta fariisatay meeshay ka oran lahayd khyr allaha idin siiyo dadkii kale oo carabta ahaa la hadashay waxayna ku tiri xataa adoontii baa idinka garasho fiican oo kursi iiga kacday aad baa naloogu qoslay waayo si fiicanbaan u labisnayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan xasuustaa hadda ka hor ayaan islaan duqowday oo carab ah kursi uga kacnay,markaasay inta fariisatay meeshay ka oran lahayd khyr allaha idin siiyo dadkii kale oo carabta ahaa la hadashay waxayna ku tiri xataa adoontii baa idinka garasho fiican oo kursi iiga kacday aad baa naloogu qoslay waayo si fiicanbaan u labisnayn

Uma jawaabin miyaa habartaas? Taas camal axsaan iyo xishmad midba ma istaahisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Sensei;784337 wrote:
Lol......say no more. Somalida edeb ma laha. I would've gone reer-Mudug on them, and said ASTAWWU safka toosiya walaale gacaliyaal.

 

Astaghfirullah.

Looooooool that is exactly what I would do. in this kind of situations humor will solve the problem. Marka labo qof aad foorjeysid oo dadka oo dhan ku qoslaan. Kan saddexaad dadka oo dhan ayaa ku odhanaya: " Haye haye kanna intuu ku socdaa, War ASTAWWU ASTAWWU safka toosi walaale gacaliye"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this