Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Djibouti's President IOG arrives in Mogadisho

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqashadii u horeysay ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii uu saaka ka soo kicitimay Magaala madaxda Jabuuti, iyadoo gebi ahaanba la xiray wadooyinka Magaalada.

 

Booqashada Madaxweyne Geelle oo ah mid lama filaan ah ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweyne Shariif iyo xubno ka tirsan Dowladdiisa.

 

Sida ay sheegayaan warar ay xooraansi ku heshay Shabakada Jowhar.com Madaxweynaha Jabuuti ayaa socdaalkiisa la xiriiraa mid uu caalamka ugu soo jeedinayo xaalada bani'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hada booqanaya Xeryaha Barkacayaasha Abaaraha oo ku soo kormeerayo xaalada dhabta ah ee halkaas ka jirta.

 

Ammaanka ayaa si aan horay loo arag loo adkeeyay Ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM ayaa xiray dhamaan jidadka, iyadoo wax gaadiid ah la ogoleyn marka laga reebo Gaadiidka Ciidamada wataan.

 

Maalmihii u dambeeyay Muqdisho waxay ku jirtay xaalad ka duwan tii hore, is bedelo ka dhacay kadib, waxaana ku soo qul qulayay Wafuud Caalami ah oo ka socday Dowladaha Caalamka iyo kuwa Islaamka, kuwaasoo socdaalkooda ku wajahnaa qiimeynta xaaladaha bani'aadanimo.

 

Laakiin xaalada saaka waa ay ka duwan tahay, waxayna dadka sugayaan in Magaalada uu imaanayo Wafdi ka culus wafuudii caadiga aheyd ee maalmihii u dambeeyay soo gaaraya Caasimada, kuwaasoo ka kala socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Dowladaha Islaamka sida Imaaraadka, Kuweit, Qatar, Iiraan, Turky, Algeria, Sacuudiga iyo Sudan.

 

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Tajib Tayib Erdogan ayaa dhowaan isna sheegay inuu booqan doono Magaalada Muqdisho isaga iyo qoyskiisa, waxaana maalmo ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho Wafdi horu dhac u ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia's long awaited peace and stability is on the horizon. Ghelle made it official, Erdogan is on his way, who will follow the lead?

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

740790=20-index1.jpg

 

Maasha Allaah... waa bilaw wanaagsan..

 

Xamar Cadey oo nabad ah oo madaxda adduunka oo dhan ay mid mid u imaaneyso ayaa soo dhaw..

 

Ismaaciil Cumar Geelle na waa walaalkeena ugu horreeya list-ka dheer ee madaxda na soo booqan doonta.. insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle.T;740788 wrote:
Somalia's long awaited peace and stability is on the horizon. Ghelle made it official, Erdogan is on his way, who will follow the lead?

Gheelle.T What peace?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa tallaabo wanaagsan. Hopefully no more Jabuuti or Nairobi conferences. It looks like Mogadishu is ready to get it's reputation back. And the UN offices need to move in now!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, the peace that the residents in Muqdisho have been enjoying since the departure of your masked men. The peace that allowed head of states to visit Mogadishu, a city where they wouldn't dare to venture weeks or months back. Embrace it boowe, and pray that this one will be kept on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

not lets get ahead of us. Peace and stability does not come easy. This goverment has done things but its need to do more and better. We should not need other armies to protect our own state capital if there where peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is way overdue; Mog residents must stop the madness. Enough is enough. The better ones of them, the majority, should come up schemes and much needed courage to form networks of individuals to assist the government forces who must, by now, commit themselves fully to flush out the remains of the criminal elements in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this