Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Xarkada Al-Shabaab oo ciidamdeedii kala baxday magaalada Muqdishu

Recommended Posts

Nina Fox   

Mr have you been in a deep sleep all this time, mise selective amnesia aa iska raaradinooysaa? What part of my statements is a false allegation against AL KABAAB, bal ii sheeg? War ma anigaa waalan mise Japan aa laga buramburooyaa?

 

And as far as insulting you is concerned, hadaa AL KABAAB isku maqiiqeysid adeey kuu taala. I don't know you from a can of condensed spider, maxaan kugu caynaa. Is your name AL KABAAB? If you are openly claiming to be a murdering terrorist, I sincerely pity you. I mean it walaahi (no sarcasm, no pun intended at all). I shall remember you in my prayers, ilaahey hakusoo hadeeyo.

 

Meesha wax kuma heysid dhaawaca noo kala jiid abti, Im bored. Cafis

 

Coffee anyone? :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nina Fox;739131 wrote:
Address me kuye haahhaahhaha. The remark was infact intended towards you (Im surprised you actually caught onto it so fast). T
eeda kale, I was in a hurry (it does seldom happen to the few of us who are detached from their laptops). Don't be too emotional.

 

Nina Fox;739131 wrote:
And as far as insulting you is concerned, hadaa AL KABAAB isku maqiiqeysid adeey kuu taala.
I don't know you from a can of condensed spider, maxaan kugu caynaa
. Is your name AL KABAAB? If you are openly claiming to be a murdering terrorist, I sincerely pity you. I mean it walaahi (no sarcasm, no pun intended at all). I shall remember you in my prayers, ilaahey hakusoo hadeeyo.

I rest my case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho inta badan gacanta Dowladda ku jirto, isagoo ka dhawaajiyay in qorshayaal ku wajahan xasilinta Caasimada ay diyaariyeen.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in saddex qeybood ay u dajiyeen qorshaha Ammaanka Muqdisho oo in muddo ah soo socday, isla markaana gacan ay ku siinayeen Qaramada Midoobey.

 

"Xasilinta Muqdisho waa barnaamij in muddo ah soo socday, Qaramada Midoobey baa gacan nagu siinayeen, qorshaha waa saddex qeybood, qeybta koowaad in Magaalada la xoreeyo, in Amniga la sugo, Maamuladii jiray la sameeyo, tan afaraad Dowladda waxay bilowday gar gaarka la gaarsiinayo dadka abaaraha in ammaankooda la sugo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Gaas.

 

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas ayaa intaa ku daray inay diyaariyeen Ciidamo labo qeybood isugu jira, isagoo ka digay in Ciidan aan ka tirsan Dowladda KMG lagu arko goobaha ay la wareegeen ama meelo kale qabsada.

 

"Magaalada dhulka laga saaray Al-Shabaab ee laga xoreeyo maba suurta galeyso in Ciidan aan Ciidanka Dowladda aheyn inay ka howl galaan, inay dhul qabsadaan, ayaga maamulaan, mana dhaceyso Ciidan gaar ah ayaan u abuurnay oo labo u qeybsan, Ilaalinta Amniga iyo sugidiisa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaraaha oo intaa ku daray in Cadawga kaliya aanay Shabaab aheyn.

 

Mar la weydiiyay wixii ka dhacay Xeradii Badbaado in wali Dowladda tallaabo ka qaadin, ayuu sheegay in aysan ka hareyn kuwii ka dambeeyay falkii waxashnimada ka dhacay Xeradaas, isagoo ka dhawaajiyay in wixii dhacay aan qiil loo sameyn, balse la doonayo in la qiro wanaaga ay Dowladda sameysay, waxaana uu cadeeyay in arrinta dhacday uu waajib ka saaran yahay Dowladda in tallaabo laga qaado kuwii ka dambeeyay, Maxkamadna la soo taago.

 

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa imaanaya 24-saac kadib markii Al-Shabaab ay ka baxeen Magaalada Muqdisho, iyadoo goobihii qaar ay baneeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this