Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Xarkada Al-Shabaab oo ciidamdeedii kala baxday magaalada Muqdishu

Recommended Posts

Somalina   

Sabti, Agoosto 06, 2011 (HOL) - Ka dib dagaalo xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada Moqdisho ayaa sababay in xakada Al-Shabaab ay ciidamadeedii kala baxdo magaalada Moqdishu halkaas labadii sanno ee ugu dambeysay ay gacanta ku haayeen.

 

Af-hayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka sheegay idaacadda Andulus ee ku hadasha Afka Al -Shabaab in Ciidamdoodii iyo saraakiishoodii ay kala bexen magaalad Moqdishu oo dhan isaga oo sheega in ay beddedleen qorshohoodii dagaal ee magaalada Moqdishu.

 

"Sababaha aan uga baxnay Moqdishu aayaa ah in aan badbaadino nolosha dad badan oo masaakiin ah. Waxaa saacadaha soo socda la arkidoonaa howlgalo ka dhan ah dowladda iyo AMISOM oo aan ka fulidoono magaalada Moqdishu" ayuu yiri Sheikh Cali Dheere

 

Af-hayeenka wuxuu intaas ku daray in ciidamada AMISOM ay isticmaaleen awoodohoodii ugu dambeysay ayugan ay go'aan sadeen in ay magaalada ka baxaan.

 

Degmooyinka Shabaab ka bexeen ayaa waxaa ka mid ah Degmada Hurewaa, Kaaraan, Yaaqshid iyo qaybo ka tirsan Cabdulcasiis, Shibis iyo Hawlwadaag.

 

Ciidamada Dowladda ayaa waxay hadda si toos ah ugu sugan yihiin Suuqa Bakaarah oo dhan, Wadada warshadaha, Isbartiibada oo saldhig u ahayd Al-shabaab ayaga ku sii socda degmooyinka ay Shabaab ka bexeen.

 

Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa waxaa saakay isugu soo baxay boqolaad dad ah oo la yaaban isbedelka dhacay iyo sababaha ay Shabaab uga bexeen deegaanada ay labadii sanno ee ugu dambeysa ay gacanta ku haayeen.

 

Ciidamada Al-shabaab ee isaga baxay Moqdishu ayaa waxay ku sii jeedaan gobolada Shabeelada Hoose iyo Sheabeelada dhexe. Lama oga talaabada xigta ay dowladda qaadidoonto.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay guud ahaan Ciidamadooda iyo Saraakiishooda ay isaga baxeen Magaalada Muqdisho, kadib markii uu wareysi gaar ah siiyay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab.

 

Cali Dheere ayaa sheegay in sababaha ay ugu baxeen Magaalada Muqdisho ay tahay si ay u badbaadiyaan nolosha dadka rayidka, isagoo tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay adeegsadeen awoodoodii u dambeysay.

 

"Waxaa saacadaha soo socda la arki doonaa howl galo cusub iyo qidad dagaal, luuq kasta iyo goob kasta, waxaan uga baxnay Magaalada Muqdisho in aanu shacabka badbaadino"ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daray in qorshe cusub ay dajiyeen.

 

Inkastoo Cali Dheere uu qiray in Ciidamadooda ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, ayaa hadana warar la helayo waxay sheegayaan in sababaha Muqdisho uga baxeen ay la xiriirtay kulamo is daba joog ah oo ay ku lahaayeen degmada Balcad, kaas oo ka soo baxay in Muqdisho la faarujiyo.

 

Kulanka Hogaanka sare Xarakada Al-Shabaab uga socday muddo bil ah degmada Balcad ayaa ahaa mid dhaliyay khilaaf iyo xiisad weyn oo la tilmaamay in kala aragti duwanaanshihii saraakiisha Shabaab ka soo if baxday.

 

Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ayaa lagu sheegay in waji cusub uu galay dagaalada, isla markaana Saraakiisha ugu sareysa dhinaca howl galada dagaalada ay dajiyeen istiraatiijiyad cusub oo ay ku tilmaameen inay ku naafeynayaan Cadawga.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya saaka ka bixitaanka goobaha Shabaabka ka baxeen xalay saqdii dhexe, Idaacadaha Muqdisho ayaa tabinaya warar ku aadan habkii ay uga baxeen Shabaab, iyadoo gebi ahaanba ay haawaneyso goobihii saldhiga u ahaa.

 

Goobaha xusida mudan ee ay ka baxeen Shabaab ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Shibis, Dayniile, Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana qeybo ka mid ah degmooyinka qaar ahaayeen kuwo aagag ah oo dhinacyada iska soo horjeeda ay iskula jireen, marka laga reebo degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenimo ka guureeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo hal askari oo Shabaab ah aanu xilligan ku sugneyn Magaalada, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

 

Sida ay Shabakada Jowhar.com ku heshay xooraansi ay sameysay ayaa sheegaya in xalay abaarihii 2:30 ay ka baxeen Shabaab dhamaan deegaanadii iyo aagagii ay difaaca kaga jireen, waxaana ilaa iyo hada jirin war rasmi ah oo ku aadan sababaha ay uga baxeen.

 

Warka ku saabsan ka bixitaanka Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa soo xoogeystay markii la gaaray salaadii subaxa, kadib markii dadka ay taleefano isugu sheegeen in Shabaab ka baxeen deegaanadii ay ku sugnaayeen.

 

Qaar ka mid ah dadkii degenaa deegaanada Shabaabka ku sugnaayeen, sida Suuqa Xoolaha iyo Dayniile ayaa inoo xaqiijiyay in saldhigyadii Shabaab ay joogeen ay gebi ahaanba yihiin faaruq.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen gawaari guuxeysa oo raxan raxan ugu baxeysa dhinaca wadada aada Balcad.

 

Sidoo kale dad degan Saldhiga Booliska Dayniile agagaarkiisa ayaa sheegay in Ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa saldhiga ay isaga baxeen, isla markaan wixii alaab ah ay kaga rarteen baabuur, ayna u baxeen dhanka wadada aada Ceelasha iyo Afgooye.

 

Warar xaga sirdoonka ayaa sheegaya in Dowladda KMG iyo AMISOM qorsheynayeen in 72-ka saac ee soo socda dagaalo saf ballaaran ku qaadaan goobaha Al-Shabaab ay kaga soo uruureen Magaalada Muqdisho.

 

Goobaha Shabaabka faarujiyeen ee deegaanada waqooyiga iyo deegaanada kale ayaan wali Ciidamada Dowladda KMG ah aysan wali gaarin, hase ahaatee arrinta lama filaanka ayaa ah mid shakiyo kala duwan gelineysa Ciidamada, maadaama goobahaas dhufeysyo ballaaran uga qodan yihiin Al-Shabaab.

 

Lama oga sababaha dhabta ah ay uga baxeen, hase ahaatee ka bixitaankooda ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii weeraro qorsheysan ay xalay dhowr jiho kaga qaadeen aagaga Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen, inkastoo weerarkaas ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo aag kasta ku ekeeyeen.

 

Ilaa iyo hada ma jirto war si rasmi ah uga soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan ka bixitaanka Shabaab ee Muqdisho, waxaase aad hadal heynto tahay in dadka wali ay Taleefanada isugu sheegayeen xaaladaha soo kordhay, walina Idaacaduhu aanay soo gelin warkooda, si ay xogaha uga helaan.

 

La soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali Government Says Al-Shabaab Withdraws From Mogadishu After Fighting

 

By Hamsa Omar - Aug 6, 2011 1:02 AM ET

 

Somalia’s government said al-Shabaab forces left the capital, Mogadishu, this morning following heavy overnight fighting.

“We have been in the end of the last phase of clearing al- Shabaab out of Mogadishu,’’ Abdirahman Omar Osman, a spokesman for Somalia’s Western-backed government, said in a phone interview today from the city. Government forces “compelled them to leave Mogadishu.”

 

President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed’s administration is holding an emergency meeting to discuss the power vacuum left by the militia’s withdrawal, Osman said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Islamist rebel fighters are pulling out of the Somali capital of Mogadishu, government and rebel spokesmen said.

Abdirahman Omar Osman, a government spokesman, said on Saturday that al-Shabab was retreating from the city, calling it a "golden victory for the Somali people".

 

He said government forces have begun deploying cautiously in the pockets of the city previously under al-Shabab control.

 

The government is urging city residents who fled their homes to return, promising the military will spare no effort in securing their areas.

 

Ali Mohamed Rage, an al-Shabab spokesman, told a local radio station that the withdrawal was aimed to enable a counter-attack, saying there would be no pull out from other regions of southern Somalia.

 

Al Jazeera's Peter Greste, reporting from Mogadishu, said that al-Shabab "insist that this is not a retreat but an adjustmet of tactics and they will not abandon Mogadishu".

 

"It sounds like they are planning to continue fighting as a guerrilla force," our correspondent said. "They've lost fighters from abroad, finances and political support, so the nature of this fight is changing rather dramatically."

 

The extent of the withdrawal or what it meant was not immediately clear, but Mogadishu residents reported on Saturday al-Shabab fighters leaving their positions overnight in the city.

 

Witnesses said convoys of al-Shabab vehicles - open-top 4x4s mounted with machine guns - headed south from Mogadishu towards the al-Shabaab-controlled town of Baidoa, 250km southwest of the capital.

 

Al Jazeera

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Al-Shabab Lost Strategic Frontlines Pulling Out OF Mogadishu

 

Hiiraan Online

Saturday, August 06, 2011

 

 

 

Somalia’s Islamist opposition fighters Al-Shabaab on Friday night withdrew its militants from the restive capital Mogadishu following intense artillery shelling from forces of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) backed by the African Union peace keeping mission to Somalia (AMISOM)

Al-Shabab spokesman Sheikh Ali Mohamud Rage told Radio Andulus “the voice of the islamists” that their militants are out of Mogadishu as part of their own military strategy.

 

"The reason why we moved our forces out is to change our military and battle tactics. We have also moved out in a bid to safe the lives of troubled residents” Rage told Radio Andulus

 

“But in the next few hours we will conduct a wave of military battles to wipe out AMISOM and TFG forces”

 

The Group spokesman confirmed that AMISOM have used intense tactics and one of their heaviest military powers ever, consequently forcing the pull-out of the ranks and files of the self-proclaimed Mujahideen.

 

As of Saturday morning TFG forces backed by AMISOM directly controlled the strategic Bakara Market in the heart of the war-ravaged capital, and also major avenues including Sodonka, Warshadaha among others.TFG forces were also seen patrolling Mogadishu’s main football stadium formerly a stomping ground for Al-Shabab militants.

 

Sources told Hiiraan Online (HOL) that government forces are pursuing Islamist fighters who were heading to other parts of Southern Somalia. Our reliable sources added that the militants were heading towards the two regions of Shabelle where the group consolidates its power firmly.

 

Al-shabab have been controlling large parts of South-central Somalia for the last two years including Mogadishu which is the provincial headquarters of Somalia’s’ Banadir region.

 

The group has over the past few weeks lost their strategic frontlines following an onslaught of military activities where both the TFG and AMISOM have tested the tenacity of the Islamist opposition who have vowed to conduct a wave of attacks during the holy month of Ramadan.

 

Mogadishu’s residents were seen thronging out of their homes stunned by the sudden ouster of Alshabab from its frontlines. In the villages of Suuqaholaha in the district of Huriwaa hundreds of residents came out but they were yet to celebrate the change of power fearing any reprisal from Al-shabab fighters.

 

Somali reporting by Mohamed Haji in Mogadishu, translation and editing by Abdullahi Jamaa in Mombasa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this