Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Xarkada Al-Shabaab oo ciidamdeedii kala baxday magaalada Muqdishu

Recommended Posts

Somalina   

Hey'adda Nabad sugida qaranka ayaa maanta si kama dambeys ah ugu qabatay inay isugu soo dhibaataan Saraakiisha iyo Ciidamada Al-Shabaab ee ku haray Magaalada Muqdisho, iyadoo digniin u jeedisay inay ka madax adeegaan awaamiirta ka soo baxday Hey'adda.

 

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan kooxo wali ku dhuumaaleysanaya xaafadaha qaar, isagoo ka dalbaday inay isku soo dhiibaan mudada la siiyay.

 

"Waxaa ka war heynaa qaar yar yar oo furimaha looga tagay xaafadaha Hey'adda Nabadsugida qaranka waa ka war heysaa, ugu dambeyn waa inay maanta isku soo dhiibaan, waxaa u aqoonsaneynaa inay yihiin Muwaadiniin xaq leh, wixii qalad ah ay geysteen inay dib ugu soo laabtaan, oo la aaminayo, laakiin hadii ay ku adkeystaan inay sii dhuuntaan gacan bir ayaa lagu qabanayaa"ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo horay u ahaa Safiirkii hore ee Dowladda u fadhiyay Magaalada Khartoum.

 

Axmed Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay ka qoomameeyaan Saraakiisha Al-Shabaab iyo Ciidamadooda wixii dhibaato ay geysteen ay Madaxda Dowladda uga dalbayaan cafis in loo firiyo.

 

"Hadii ay sii dhaga adeegaan oo ay u maleeyaan in la ilaabay ama aan la garaneyn, waxaan u maleynayaa inay hoogi doonaan, Maalin qura ayaa la isku soo dhiibi karaa, fursada waa kuwa Muqdisho, waqti fiican ayay heystaan, waqti waxaa loo qabtaa in la is gaari karo ama la imaan karo, Ciidanka Dowladda Jidka Warshadaha iyo Sodonka ayay joogaan waa isa soo dhiibi karaan"ayuu sii raaciyay Axmed Macalin Fiqi.

 

Dhinaca kale Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Hey'adda Nabadsugida ay xog ku heleyso inuu dhaawacan yahay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane uu dhaawacan yahay, isla markaana todobaadkii hore uu ku dhaawacmay Suuqa Bakaaraha.

 

Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Why waste your energy typing "no comment"? Haddey ku dhibtey waa wax lagu farxo ileen cid wax ku weydiisadey ma jidho.

 

Ka nax oo nafta waa.

 

The Commander-in-Chief says "get lost".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Masha Allah, Ilaahay ha ka kaxeeyo all-shabab umada soomaaliyeed waay dhibeene! Guul iyo peace baan u rajeeynayaa for all somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Ahaha, SOL is a public fora, no? No comment is a comment by itself, no? Somalina, please don't forfeit from me my fundamental human right.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Oba, Xaaji kaliya ma saameeynin! Che isaga ma arkin miyaa? Maaddeey iyo Kashafa iyagana horta intay ka dheceen!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryaaa oba anigu markasta waxan tageera xalku halku ku jiro in magaalada muqdisho koox kaliya xukunto. Marka wanu so dhaweyneyna nabadaa lugu so dabalayo xamar anigu waligay al shabaab ma tageerin waxan odhan jiray shabaab iyo tfg ha wada hadlan haday taasi dhici weydo ha kala adkadeen wata maanta la kala adkaaday hada tfg waxa laga sugaya inay fursada ka faideystaan institutions dhisaan mamuul wanaag asaasan si ay qaxootiga ceelasha biyaha so noqdaan iyo kuwa dadaab jooga oo dee dadka. Loo adeego

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaji Xanjo, waan joogney markaad cimaamad cas gees ka gees u ruxeysey, waana u jeedney markaad u sacbatumeysey Abu Zubeyra Indhashareera, marka fadlan waxba shaarka hanoo badalinin iminka markii Amiirkaaga awoodiisii wiiqdey.

 

Sidey noqotoba, you're still a cool odey. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxkamadda Ciidamada oo laga furay Suuq Bacaad

Published on August 7, 2011 by Mowliid

 

PIC_0174.jpg

PIC_00501.jpg

PIC_00531.jpg

Maxkamadda Ciidamada oo laga furay Suuq Bacaad

Published on August 7, 2011 by Mowliid · 1 Comment · 1,624 views

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa laan cusub ka furatay Suuqa Bacaad.

 

Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee suuq Bacaad ayaa maanta si rasmi ah looga furay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida, iyadoo furitaaanki munaasabaddaasi ay goob joog ka ahaayeen guddoomiha Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid. Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo ganacsatada suuqaasi.

 

Furitaanka Maxkamadda kadib ayaa saraakiisha amaanka dowlada, iyo maamulka degmada waxa ay kulan la qaateen Ganacsatada suuqaasi kaas oo looga hadlayay sidi ganacsatu ay gacan uga geysan la haayeen sugida amniga suuqaasi iyadoo ganacsatadu ay magacaabeen guddi amaanka kala shaqeeya ciidamada amaanka dowladda.

 

Munaasabaddi lagu furayay Maxkamaddaasi ayaa waxa ka hadlay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xassan Maxamed “Mungaab” oo sheegay in u jeedada Maxkamada halkan looga furay ay tahay sidi loo xaqiijin lahaa amaanka suuqani isagoo wacad ku maray in isla suuqa lagu Maxkamadeyn doono ciddi lagu qabto fal ka dhan ah amaanka wuxuuna kula dardaarmay ganacsatada suuqasi in ay la shaqeyaan ciidamada amaanka soona sheegaan wax allaale iyo wixii wax u dhimi kara amaanka suuqa.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay General Cali Caraaye Cosoble Gacma duulle oo tilmaamay in ciidamada dowladu ay diyaar u yihiin ka hor tagga falkasta oo ka dhan ah amaanka isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in ganacsatadu ay la shaqeeyaan ciidamada.

 

Guddoomiyaha gudfiga ganacsatada suuqaasi Sh. Cali Maxamed Maxamuud oo halkaassi ka hadlay ayaa tibaaxay in ay dhankooda si buuxda ula shaqeyn doonaan ciidamada amaanka isago ku amaanay ciidamada dowlada sida ay u sugeen amaanka suuqaasi iyadoo aysan ka dhicin wax dhac ah.

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada dowladu la wareegeen Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn Magaalada Muqdisho iyadoo furitaanka maxkamadani ay yididiilo wanaagsan galinayso ganacsatada suuqaasi.

PIC_0142.jpg

Oba xafadaada looks ok.

PIC_0163.jpg

PIC_0087.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhir guris ka bilaabatay deeganadii Shabaab laga saaray

 

dhirguris.jpg

 

Qaar ka mid ah degmooyinkii laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa ka bilowday guris dhir iyo nadaafad kadib markii mudo labo sano ah ay deeganadaasi ahaayeen kuwo lama dagaan ah oo ay buux dhaafiyeen dhirta geed-yuhuudka iyo qashin kale.

dhirguris1.jpg

dhirguris3.jpg

-----------

uunsi ku shida meelaha ay uriyeen qashinka :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this