Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Xarkada Al-Shabaab oo ciidamdeedii kala baxday magaalada Muqdishu

Recommended Posts

Somalina   

Idaacadihii Afka Shabaab ku hadlayay oo Hawada ka wada baxay (Dagaalka Warbaahinta Muqdisho oo soo gaba gaboobay)

 

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii bartamihii sanadkii hore ay xoogeysteen dagaalada u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG, kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa bilowday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhinacyada isku haya siyaasada ay hawada isu marsiinayeen.

 

Idaacado ku kala hadla Afka Dowladda iyo Shabaab ayaa si qayixan uga howl galayay Caasimada, Bishii Ramadaan ee sanadkii hore ayay aheyd markii Shabaab ay xoojiyeen Warbaahintooda Muqdisho, inkastoo Gobolada ay horay ugu howl geliyeen Idaacada.

 

Dagaalka Warbaahinta Muqdisho oo marba marxalad kala duwan galayay ayaa markii Shabaab ay la wareegeen Idaacadii IQK ee Quraanka Kariimka, isla markaana milkiyadeeda uu lahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Sheekh Dahir Geelle ayaa Idaacadaas mar kaliya noqotay in Shabaab ay afkaarahooda iyo siyaasadooda ku gudbistaan.

 

Sidoo kale waxaa ka sokow Idaacada IQK oo si rasmi afka Shabaab xilligaas ugu hadleysay fadhigeedana uu ahaa Suuq Bacaad ayaa waxaa dhinac socday Idaacad kale uu lahaa Ganacsade aad u taageera Shabaab oo lagu magacaabayay Al-Furqaan fadhigeeduna ahaa Suuqa Bakaaraha, inkastoo dhex dhexaadnimo muujineysay hadana waxaa la tagtay qiirada iyo taageerada Shabaab.

 

Idaacadaha waxay ahaayeen kuwo si isku dhow uga hadlayeen xaaladaha Shabaabka iyo siyaasadooda, xilliyada dagaalada dhacaan, waxaaba dhici jirtay in Wariyeyaal ay soo tabiyaan, laakiin si rasmi uma aysan run sheegi jirin furimaha dagaalka.

 

Bishii Febraayo oo Dowladda KMG iyo AMISOM ay qaadeen guluf xoogan oo ka dhan ah Shabaab ayay waxay kula wareegeen Xaruntii wasaaradii Gaashaandhiga, iyadoo taas sii xoojisay Dagaalkii Warbaahinta ee Shabaab iyo Dowladda.

 

Waxaa Bilowday in weerar dhinaca Mowjadaha ah, Raadiyaha ku hadla Afka Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa mowjadihii FM-ka ee ay Idaacadahaas ka soo geli jireen qaarkood dul saaray, gaar ahaan Idaacada Al-Furqaan oo wixii dagaalkii Febraayo dhacay xaaladeeda sii xumaaneysay ilaa aaqirkii ay Bakaaraha ka guureen.

 

Laakiin arrinta kale ee muuqatay ayaa aheyd markii si lama filaan ah Idaacadii IQK ee qalabkeeda la wareegeen Shabaab ay ka tanaasuleen magaca iyo mowjadii Idaacadaas, isla markaana ka guuray dhismihii Suuq Bacaad ee daarta Dahabshiil.

 

Idaacadaas qalabkeeda iyo qalabkii Idaacadii Capital Voice ee lamaanaha la aheyd Idaacada Horn Afrik oo Shabaab qalabkeeda maalin cad ay rarteen lana wareegeen waxay bilowday inay ka soo gasho mowjadii FM-ka ee ay Codka Caasimada ka soo geli jirtay, mowjada 88.8, waxaana magaca Idaacada loogu wanqalay Al-Andulus, fadhigeedana laga dhigay Ex Koontarool Balcad.

 

Al-Andulus faraceeda Muqdisho oo horayna Shabaab faracyo kala duwan uga soo faray Kismaayo, Baydhabo, Ceelbuur, ayaa qaarkood ahaa FM-yo ay kala wareegeen Idaacadihii Muqdisho ku yaalay, gaar ahaan FM-ka la geeyay Ceelbuur oo ahaa qalabkii Idaacadii Somaliweyn ee bartamihii sanadkii 2010 ay la wareegeen.

 

Sidoo kale waxaa jirtay Idaacad kale oo horay Xisbul Islaam la wareegeen oo wadatay magaca GBC ama Codka Nabada, markii dambe Xisbiga ku biiritaankoodii Shabaab, waxaa Tv-gii iyo Raadiyihiiba uu ka mid noqday Iclaamka Shabaab, iyadoo magacyada laga bedelay, TV-ga GBC ayaa lagu magacabay magaca Al-Kataa'ib oo ah Maktabka Iclaamka Shabaab.

 

Saddexda Idaacadood ee Shabaab waxay mid ka hadleysay deegaanada loo barakacay, gaar ahaan Idaacada Al-Andulus FM-kii Captal Voice, halkaasoo dadka ay ka dhageysan jireen idaacada.

Kadib markii Al-Shabaab ay baneeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxay Idaacadahaas si tartiib tartiib u bilaabeen inay hawada ka baxaan, waxaana laga raray qalabkii Idaacadahaas yaalay Ex Koontarool Balcad, waxaana saaka Idaacadadii u dambeysay hawada ay ka baxday iyadoo dadka ay macsalaameysay.

 

Warbaahinta afka Dowladda ku hadasha oo hada ah tan ugu ballaaran ee looga dhageysto Muqdisho ayaa libinta dagaalka Warbaahinta si dhameystiran u heshay, marka loo eego warbixinada ay sii deyso Idaacada ee ku aadan arrimaha Al-Shabaab, oo ay si gaar ah u soo gudbiso boogahooda, waxay si toos ah warar uga soo tabineysay furimaha dagaalka, iyadoo taas keentay dhiira gelinta Ciidamada, arrimaha xusida leh ayaa waxaa ka mid ah Suugaanada wadaniga iyo kuwo halgankii hore loo qaaday ee guubaabada Ciidamada oo Idaacadu habeen iyo maalin sii deyso.

 

Keydadka Idaacada oo ay ka buuxaan heesihii hore ayaa noqday kuwo ay ugu isticmaasho si la mid ah rasaasta iyo gumaca xabada ay ee Ciidamada Dowladda marka jiidaha dagaalka ku jiraan ku ridaan dhinacyada ka soo horjeeda.

 

Dagaalka Warbaahinta Muqdisho ayaa hada ah mid si rasmi u soo gaba gaboobay marka loo fiiriyo dhinacyada isku haya loolanka warbaahinta labada dhinac oo la rumeysan yahay inay udub dhexaad ka qaadan karto Maamulka hadba koox ay hogaamineyso, hase ahaatee waxaa wali Magaalada Muqdisho ka jira Idaacado gaar loo leeyahay oo afkaaro kala duwan ku hadla, hadma dhinacna maalin u sacba tamo, laakiin waxaa ka badan kuwa danaha gaarka loogu isticmaalo Idaacadaha, maadaama ay noqdeen sidii tusbax go'ay oo kale.

 

Magaalada Muqdisho waxaa ka jiray in ka badan ilaa 16-idaacadood oo madax banaan, hada qaarkood waxay noqdeen kuwo ku milmay siyaasadaha iska soo horjeeda dalka oo sabab u noqday in cadaw loo arko, lala wareego.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hiloole on anotha thread said shabab returned to certain areas...as many as 500 of thm in one section in Mogadishu.Any news on that my dear somalina?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada AMISOM ayaa maanta gudaha u galay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ee ay dhowaan faarujiyeen Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada oo raxan raxan u socday ay sii galayeen degmooyinka Shibis iyo C/casiis.

 

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaan saddexdii maalmood ee u dambeeyay ee degmooyinkaas ay haawaneysay gelin, inkastoo dadweyne fara badan ay ku qul qulayeen si ay guryahooda u soo eegtaan.

 

Ciidamada ayaa maanta sameeyay howlo miino baaris ah oo dhinaca degmada C/casiis ay ka sameeyeen, waxaana Ciidamada ay ku socdeen wadada dhinaca xeebta ee degmada C/casiis iyo Xeebta Liido.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay saldhigan rabaan fariisimo ku yaal Shibis iyo C/casiis.

 

Qof goob jooge ayaa sheegay in Ciidamada ay u soo gudbayeen dhanka degmada Kaaraan, halkaasoo ay qorsheynayaan inay dagaan Guryihii Mirinaayada ee Ciidamadii hore ee Badda.

 

Ciidamada AMISOM ayaa wax iska caabin ah kala kulmin intii ay soo galayeen degmooyinkaas, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay iska hor imaad ay kala kulmayeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Habaarkii Imaam Maxamud Imaam Cumar oo Ilaahay Aqbalay

 

Imaan Maxamuud ayaa intii uu san ka tagin Xamar asagoo ku sii jeeday Kenya ayuu ka qayb galay shir looga hadlayay dhibka ay umada ku hayeen Al shabaab oon u naxariisan dad iyo duunyaba ayuu ka sheegay Imaanku shirkaasi asagoo yiri “Aboor wuxuu cuno wuxuu ugu jecel yahay Caaw ee Ilaahay ha ka dhigo Shabaab Caaw Aboor cunay” Eraygaas oo runtii la arkay kadib Habaarka Imaanka ayadoo la arkayay guul daro soo wajahday Shabaab tasooo keentay in ay soo wajahado argagax iyo niyad jab ay kala kul meen guuldareedii dagaalada ay la galeen ciidanka Dowlada KMG ah iyo kuwa Amison ayadoo laga saaray magaalada Muqdisho dhaman.

 

 

 

Hadaba waxaa sababta keentay in Ilaahay aqbalay Habaarkii Imaanka asagoo dhintay oon nolaayn ayaa la sheegaa in Imaamku aha nin xalaal quuta aan cunin wax uusan ogayn meel laga keenay iyo cida keentay meeshay ka soo jeedo tasoo lagu yaqiinay dhamaan Imaam yadii hogaamin jiray beesha Mudulood in ay ahaayeen xalaal qutayaal la arki jiray habaarkooda iyo tuftooda ayay tanki ku qotontaa Xadiithkii Nabiga ee ahaa “kabaqa qofka la dulmiyo habaarkiisa Ilaahay waa aqbalaahe”

 

Runtii habaarka qofka laga gardaran yahay waxaa hubaal ah in Ilaahay aqbalo halisna yahay kadib markii Imaanka Maxamuud ay dhibeen Shabaabku ayagoo ku kalifay in uu ka haajiro hoygii uu kulahaa deegaanka Cadale ee degmada Cadale ayadoo ay uga dareen in ay qaniimayteen dhamaan xoolihii uu lahaa asaga iyo qoyskiisa tasoo uu sheegay in uu diyaar u yahay dagaal uu la galo Shaabaab uuna noqon doono qofka ugu horeeya ee qoraga qataa kana saara wadanka asagoo si cad oon ganbad lahayn ka hor sheegay umada horteeda laakin nasiib daro Imaamkii waa geeriyooday asagoon dagaal ku qaadin Shabaab ama uusan arag ayadoo laga saaray dalka Soomaaliya.

 

 

 

Ugu danbayntii Habaarkii Imaamkii kadib ayaa lagu xasuustaa jabkii gaaray Shabaab meel kasta oo lagu galo ama uu ka dhaco iska hor imaad ayadoon horay loogu arki jiri carar ayaa lagu arkay fulaynimo iyo argagax joogta ah tan iyo intii laga saaray magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib markii ay maanta Dowladda Soomaaliya suuqa Bakaaraha ay geysay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay gacanta ay ku soo dhigeen ciidamo taageersan Al Shabaab.

 

Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta hawl-gallo ammaanka lagu sugaayo ay ka sameyso, guryo ku yaalla suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo looga shakiyay inay ku jiraan Ciidamadda Shabaab ah.

 

Ciidamadda Booliska ayaa waxay gacanta ay ku soo dhigeen shan ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo iyagu ku haray suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna Dowladda Somaliya ay sheegtay inay sharciga la-tiigsan doonto.

 

Ciidamadaan ayaa waxay kaloo ay hawl-gallada ku soo qabteen walxaha qarxa oo ay Xarakada Al Shabaab ku keydisay guri ku yaalla suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay sii wadi doonto baacsiga xoogga leh ee ay ku heyso Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxay Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in goor dhaw ay xaqiijin doonto ammaanka guud ee caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomoiayaha Degmada Kaaraan Cabdullaahi Maxaaa Rooble ayaa shacabkii hore ugu qaxay degmada Kaaraan ugu Baaqay in ay Guryahooda ku soo noqdaan.

 

hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid kadib markii shalay gelinkii dambe ay ciidamada AMISOM ay fadhiisan ka dhigatay deegaano ka tirsan degmada sida Sartii Miranaayada (Ex Xaruuntii Ciidamada badda) & Kawaankii Bariga Xamar

 

Guddoomiyaha ayaa dadka u sheegay in degmada ay si buuxda gacanta Dowlada ugu jirta isla markaana ay shacabka ku soo noqon karaan guryahooda

 

Degmada Kaaraan ayaa ayaa mudo 2 sanno ah waxay gacanta ugu jirtay ururka Xarakada Alshabaab kuwaas oo ugu dambeyn iskood isaga baxay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gudi Wasiiro ah loo xil saaray qiimeynta Amniga Muqdisho oo maanta goobo dhowr booqday

wasiro-aagaga_8.jpg

wasiro-aagaga_5.jpg

Gudi dhowaan Golaha Wasiirada u xil saareen inay ka soo tala bixiyaan Xaaladaha Ammaanka Caasimada Muqdisho, qiimeyna ku sameeyaan ayaa maanta markii u horeysay booqday degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo goobihii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM.

 

Gudigan oo uu horkacayay Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur, ayna qeyb ka ahaayeen Wasiiru dowlayaal, Wasiir Kuxigeeno iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda.

 

Ugu horeyn ayaa Gudigan waxay kormeeyeen dhulkii baaxada lahaa ee Ciidamada Dowladda la wareegeen, sida farsiimaha Ciidamada iyo xarumaha degmooyinka, waxaana ay tageen Xarunta degmada Wardhiigley, Saldhiga Booliska, Xaafadaha degmadaas oo ay ku lugeeyeen, Fariisimaha Ciidamada AMISOM ee Garoonka Muqdisho Stadium iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa Wafdigan ku soo wareejiyay xaafadaha degmada Wardhiigley, isagoo ugu warbixiyay xaalada ammaan iyo howl galada ay wadaan Ciidamada Dowladda.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka Stadium Muqdisho, waxaana uu ku amaanay dadaalka Ciidamada Dowladda iyo how galkooda ay ku xaqiijiyeen deegaanada ay la wareegeen ee laga saaray Shabaab.

 

Sidoo kale Xubnaha Gudigan ayaa booqday Suuqa Bakaaraha oo shalay Ciidamo Boolis lagu wareejiyay, halkaas oo ay Ciidamada ku gudoonsiiyeen Bustayaal iyo Darimo, waxaa kaloo ay booqdeen degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, iyagoo markii dambe tagay Fagaarihii Tarbuunka oo ka muuqday bur bur aad u xoogan iyo raadadkii ay ku reebeen dagaalada.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay dajisay qorshe ammaanka iyo xasilinta Caasimada, isla markaana diyaarisay Ciidamo gaar ah oo amniga sugaya, si looga hortago falalka ammaan daro.

wasiro-aagaga_4.jpg

wasiro-aagaga_6.jpg

wasiro-aagaga_2.jpg

wasiro-aagaga_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

MashaAllah!

 

Isu socodka Gaadiidkii BL-ka oo muddo labo sano kadib maanta ka shaqo bilaabay Waqooyiga Muqdisho

 

Markii u horeysay ayaa maanta waxaa deegaanada Waqooyiga Muqdisho dib uga shaqo bilaabay isu socodkii Gaadiidka deegaanadaas, kadib markii xalay ay fariisimo ka sameysteen degmada Kaaraan Ciidamada AMISOM oo shalay halkaas gudaha u galay.

 

Gaadiidka BL-ka ayaa si rasmi maanta uga shaqeynayay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, sida Kaaraan, C/casiis iyo Shibis, iyadoo Gaadiidka ay isticmaalayeen wado shalay ay godod ka aaseen miino baaris ay ka sameeyeen Ciidamada AMISOM.

 

Halka gaadiidka laga raaco ee Boosteeda degmada Xamar weyne ayaa maanta aheyd mid aad u mashquul badneyd, iyadoo gaadiidka degmooyinka kale ka shaqeynayay ay ahaayeen kuwo si lama filaan ah ugu wareegay degmooyinka Waqooyiga oo dadka ay aad ugu qul qulayeen.

 

Mid ka mid ah darwalada gaadiidka BL-ka ayaa sheegay in isaga uu horay uga howl galayay deegaanada Waqooyi, hase ahaatee muddo labo sano kama aysan shaqeyn gaadiidka, sababo dagaaladii ka dhacay halkaas iyo dadkii oo ka barakacay.

 

Dadka ka soo jeeda deegaanadaas ayaa ahaa kuwo gaadiidka raacayaya, waxaana qiimaha gaadiidka ahaa mid fulisaad ah oo gaadiidleyda ay ku kala raranayeen dadka rakaabka ah ee aadayay deegaanadaas.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa dadka galayay deegaanadaas ay ahaayeen kuwo lug ku galayay, hase ahaatee markii la furay wadooyinka ayay Gaadiidka bilaabeeyn inay shaqeeyaan, waxaana gaadiidka ay isticmaalayaan Wadada Visha Taraafiko, ee hor marta Stadium Conis iyo Wadada Kaluunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khawaariji al shabaab days are coming to end. ilaahaa mahadaas leh. ******** gareey aad baa loo nacay. inshalah kismaayo, baydhabo marka dhamaan gobolada ay ku hareen ********ta al shabaab iyagana waa laga saarayaa inshalah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan" Shabakada Shaaciye waa in ay cadeyn u keentaa warbixinta beenta ah ee ay iga faafisay"

xaaji_maxamuud_cadaan.jpg

 

Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan ayaa waxaa u si kulul u beeniyay warbixin qoraal ah oo ku soo baxday Shabakadda warbaahinta Shaaciye Taariihdu markey aheyd 10-08-11, taasoo lagu timaamayay inuu hogaamiye u yahay Maleeshiyaad ka soo horjeestay DFKG ah.

 

Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo la soo xiriiriyay Madaxa Shabakadda Shaaciye.com Xuseen Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay inuusan wax shaqo ah ku laheyn Maleeshiyaadka halkaasi ku sugan isagoo cadeeyey in uusan weliba wax lug ah ku laheyn arimaha is jiidjiidka siyaasadeed ah ee guud ahaan Soomaaliya ka taagan.

 

"Anagu hadaan nahay reer Cumar Caddaan mar hore ayaan ka baxnay arimaha Murugsan ee Muqdisho ka taagan, waagii Maxaakiimta ayaana noogu dambeysay in aan faraha la galno siyaasadda Dalka waana ka xunahay in waqtigaan shabakad weyn oo caan ah aysan ka war qabin waxa dhabta ah ee Muqdisho ka taagan" ayuu yiri Ganacsade Maxamuud cumar Caddaan oo u waramaayay Milkiilaha guud ee Shakabakadda Shaaciye.com Xuseen Madoobe.

 

Maxamuud Cumar Caddaan, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuusan xitaa ka warqabin wax ay asxaab ama aqoon isu leeyihiin oo ka dambeeya Maleeshiyaadkaasi lagu eedeeyay inuu isagu hogaamiyo ee ku sugan Degmada Yaaqshiid gaar ahaana xaafadaha, Juungale, iyo Ramadaan.

 

Ganacsade Maxamuud, ayaa ka codsaday Shabakadda Warbaahinta Shaaciye.com in ay Cadeyn rasmi ah u keenaan warbixinta laga qoray ee lagu eedeeyay inuu ka mid yahay hogaamiye kooxyada AL-shabaab ee Muqdisho Maleeshiyaadku ugu haray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this