Sign in to follow this  
NASSIR

Bari, Somalia: Wadahadal u furmey Sheikh Atam iyo Puntland

Recommended Posts

NASSIR   

Wada hadal Atam iyo Dowlada oo Furmay Wajigii Koowaad

21st July 2011 **·** 10 Comments

 

GalGalanews:-Waxaa saakay ka furmay Duleedka Buuraha Galgala Wadahadal Nabadeed oo u dhaxeeya Hoagamiyaha Dagaalka kula jira maamulka Faroole ee Sheekh Maxamed Saciid Atam iyo Dowladda Puntland masuuliyiin ka socota.

 

Kulankan Nabadeed oo maalmahan la waday ayaa dhanka Puntland waxaa uga qeybgalaya Saciid Maxamed Xirsi (Saciid dheere), Xubno Xukuumda faroole ka tirsan oo ka soo jeeda Deegaanka Sanaag.

 

Wararka laga helayo kulanka saaka furmay ayaa sheegaya in xubno uu soo dirsaday Atam iyo kuwa Dowladda fadhigoodii ugu horeeyey ku yeeshay Duleedka hoose ee Buurta Galgala,waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay soo bandhigeen qodobo iyo shuruudo heshiiska saldhig u noqonkara.

 

Dhinaca maamulka Puntland ayaa Doonaya Kooxda Sheekh Atam in ay isu soo dhiibaan oo cafis Nabadeed ku soo galaan Deegaankooda, In hubka ay haystaan ku soo wareejiyaan Dowladda kana mid noqdaan Bulshada caadiga ah ee Puntland. Waxaa kaloo si hoose loo sheegayaa in Xubno Dowladda Puntland loogu daro Sheekh Atam kuwaas oo aan la Bayaamin.

 

Dhinaca Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gudbiyeen dhowr qodob oo muhiim u ah dhankooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin. in la sii daayo Maxaabiista ka xir xiran ee Maamulka Puntland Xabsiyadeeda ku jira.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dalbanayaan in la baabi’iyo Hay’addaha Sirdoonka Puntland ee Maraykanka u shaqeeya PIS iyo PIF. Hogaamiye Atam wuxuu kaloo soo hordhigay Ergada Nabadeenta wada in gebi ahaanba laga saaro Buuraleyda Galgala Ciidamada Puntland oo lagu wareejiyo Ciidamada Deegaanka horay u joogay ee Beesha Sanaag oo dabcan kuwiisa xoog ahaan u badan.

 

Sheekh Atam oo Saaka Boggan La soo xidhiidhay ayaa Tibaaxay inuu warkaasi Jiro, isla markaana ay u dhowdahay inuuba Bur Buro Hashiiskaasi hadii ay sida wax loo wado ay Midha dhal Yeelan waayaan.

 

“Adeerow Warkaasi waa Jiraa Laakiin Dowladan hada Jirtaa ma Ogola inay Meel mariso Hashiisyada aanu Hor dhignay Hadii Shuruudaha ay Buuxin waayaan waanu ka Bixin Anagu Hashiiska” Ayuur Yiri Atam

 

Sharuudahan iyo Qodobada adag ee labada dhinac soo jeedinayaan ayaa ilaa iyo hadda la isku fahmin wadahadalka kowaad ee Dowladda Puntland iyo Hogaamiyaha Sheekh Atam uga Furmay Saakay Buuraleyda Galgala. wixii ka soo kordha waxaan idinku soo gudbinaynaa Wararkayaga dambe.

 

 

 

 

 

*

 

*

 

*

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where is thankful who said Sheikh Atam and his men are terrorists and that they are on the Black CIA List,now is imam faroole negotiating with terrorists?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Faroole is not directly negotiating with Atam, members of his government are no doubt negotiating with him (which has been going on for a long time). Just like you see in Afghanistan with Karzai or back in the day with the British and the IRA.

 

Sheikh Atam had his assest frozen and the U.S and UN has implicated him with assisting Al Shabaab. Those are facts, not the made up news that you report that SSC leaders homes are being search in the U.S even after these same leaders receive huge welcomings at Ohio's airport.

 

Althought I don't find Galgala news to be reliable - negotiating peace with Atam or any enemies is a good thing. Hopefully Atam will not be terrified and will show his face for the first time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great development indeed.

 

The anti-peace crowd come in varying types, 1) there are those who out of misguided nationalism (or regionalism shall we say) resort using labels particularly procured to appeal to certain intelligence community IN ORDER to RAISE the profile of their region, 2) there are those who have a tendency for an entrepreneurial war profiteering of sort to monopolize resources, 3) and of course there are the clannish type whose objectives are always murky, and foolish. Here in Galgala I believe they are all present, which creates a particularly challenging setting for the local community and Garoowe admin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

It is not secret that Atom from the start wanted a peace deal, but Faroole chose war, and it was a milking cow for Faroole and his team, to label Atom and his militia terrorist, and get assistance from US, Atom is a force, and Faroole realizes that now, can not eliminate him, and all his people, which if this news is true, peace is the only way out!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

WAR DEG DEG AH: Kooxda Maxamed Siciid Atam iyo Maamulka Puntland oo shir uga furmaya deegaanka Af-Urur.

Written by Maxamed Xassan

 

Boosaaso (SPR): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in ay halkaasi maanta uga furmeen shir ay isugu imanayaan qaar kamid ah maamulka Puntland iyo qaar kamid ah masuuliyiinta sarsare ee kooxda Sh. Atam.

 

Arintan ayaa waxay imanaysaa kadib markii uu madaxweyne Faroole uu saxaafada u sheegey in kooxda Atam ay heshiis la galayaan isla markaana ay diyaar u yihiin inay cafis u fidiyaan isagoo ugu baaqey kooxdan in ay dib ugu soo noqdaan shacabkooda reer Puntland. Hadalka Faroole ayaa ka duwanaa hadaladiisii hore isagoo sheegi jirey in ay kooxdaasi yihiin argagixiso ka timid koonfurta Soomaaliya iyo dalalka Carabta, haatana ku sheegey in ay yihiin dad u dhashey deegaanada Puntland.

 

Wada hadalkan ayaa wuxuu ka furmayaa maanta magaalada Af-Urur oo xigta Laamiga isla markaana ay gacanta ku hayaan kooxda Sheekh Atam, halkaasoo ay gogol u fidinayaan qaar kamid ah maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiiro iyo taliyaha ciidamada Darwiishta Puntland ee Siciid Dheere.

 

Galabnimadii Shalay ayaa waxaa magaalada Dhahar ka ambabaxay Gudoomiyaha kooxda Maxamed Siciid Ata moo lagu magacaabo C/raxmaan Qadaafi. SIdoo kale waxaa shirkaasi ka soo qeyb gali doona Kaarshe Cismaan oo u qaabilsan dagaal galinta ciidanka ka dagaalama galbeedka Bari, sidoo kale waxaa shirkaasi kasoo qeyb gali doona Yaasiin Kilwe oo ah gudoomiye kuxigeenka ciidanka galbeedka Bari.

 

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galgala oo ah halka u ah saldhiga ugu weyn Sh. Atam ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan hadalo hordhac ah oo ay ku xireen maamulka Puntland hadii uu wada hadal dhacayo. Waxaana ka mid ah qodobo dhowr ah oo lasoo gaarsiiyey idaacada SPR oo ay kamid yihiin:

 

In wadada Galbeed Bari in ay maamulka PL ay furaan taasoo aada ilaa iyo Laasqoray.

In dadka beeralayda ah loo furo ganacsigooda iyo suuq geynta Boosaaso.

In xabad joojin la sameeyo isla markaana dadkii barakacayaasha ahaa dib u dejin loo sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa ah mid aan la shaacin isla markaana aan loo ogolaan saxaafada ayaa waxaa la rajaynayaa in uu si wanaagsan ku dhamaado.

 

Lasoco wixii ka soo baxa www.spr.fm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good that Faroole is no his knees now begging for talks .... all those hanjabaad and Argagixisada cagtaanu marinaynaa nonsense turned on him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Heshiis hordhac Ah oo ay Wada Gaadheen Sheikh Atam iyo Puntland

22nd July 2011 **·** 3 Comments

 

Wadahadallo u socday dawladda Puntland iyo kooxda uu hoggaamiyo Sh. Maxamed Siciid Atam kuna saabsanaa nabadda iyo is-fahamka ayaa la tilmaamayaa in lagu gaaray heshiis hordhac oo labada dhinac isla meel-dhigeen.

 

Wadahadallaadan oo si dadban maalmo badan ku

socday ayaa markii u horraysay shalay si ka-fool-ka-fool ah isku soo hor-fariisteen xubnihii labada dhinac kala matalayey ee dawladda iyo buuralayda Galgala, shirkaasi oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Af-tuur oo ka tirsan gobolka Sanaag sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawladda iyo odayaal dhaqameed deegaanka ah.

 

Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen dhallinyaro deegaanka ah oo kalsooni buuxda ka haystay labada dhinac, ayaa wararku waxay tilmaamayaan in si quddo-fog looga dooday nabad iyo degganaanshaha oo ahayd arrinta shirkuba ku salaysnaa kaddibna la isla meeldhigay saddex qodob oo asaasi u ah nabadda iyo is-faham dhammaystiran oo laga gaaro xaaladda Galgala.

 

Waxaana ka mid ah qodobbada la isla meeleeyey in ahmiyada la siiyo nabadda, lana saaro awoodda iyadoo laga ambaqaadayo duruufaha asaasiga ee dadka iyo deegaanka iyo in shir weyne balaadhan la *isgu iman doono muddo bil kaddib ah kaasoo dawladdu ay iclaaminayso goobta lagu qaban-doono.

 

Qodobka saddexaad ee la isla meel-dhigay ayaa ahaa in muddada bisha ah ee loo ballansan yahay shirka kale dhammaanba deegaanka buulayda ah laga saaro dadka aan deegaanka u dhalan ee gacan-siinayey kooxda Sh. Atam.

 

Shirkaan ayaa dhinaca Puntland waxaa uga qayb-galayey mas’uuliyiin sar sare oo ka socday wasaaradda amniga Puntland, madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland, hase ahaatee wali ma cadda dhinaca Sh. Maxamed Siciid Atam iyo cidda u matalaysay shirkaasi, inkastoo wararka qaar tilmaamayaan in loo badinayo guurti-dhaqan oo dadka deegaankaasi Galgala ah in ay dhinacaasi u matalayeen.

 

Sidoo kale waxaan wali *caddayn wadahadallada la-galay in ay ahaayeen mid beeleed, oo lala xaajoonayey beesha deegaankaasi degta iyo in ay dawladdu la heshiinayso urur ama koox, hase ahaatee waxaa la caddaynayaa dadka shirkaasi ka qayb-galiyey in uusan ku jirin Atam, basle waxaa la tilmaamayaa in uu ku qanacsan yahay cidda u matalaysay iyo nuxurka shirkaasiba.

 

Wararkaan oo ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo odayaal dhaqameed ka tirsan dadka deegaankaasi Galgal, ayaa intaasi ku daraya dhinacyadii ka qayb-galay shirkaasi si wanaagsan in ay u meeleeyeen dhammaan waxyaabihii la isla soo qaaday is-fahamkuna uu ahaa mid buuxa.

 

Qodobbada hordhaca ah ee lagu gaaray deegaanka Af-tuur, ayaa soo ifbaxay xilli toddobaadadii ugu dambeeyey ay jirtay hadal-hayn ku saabsan wadahallo qarsoodi ah u dhexeeyey dawladda iyo kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Siciid Atam.

 

Ridwan yare

Galgalanews.com

 

By Editor

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Som@li;735641 wrote:
It is not secret that Atom from the start wanted a peace deal, but Faroole chose war, and it was a milking cow for Faroole and his team, to label Atom and his militia terrorist, and get assistance from US, Atom is a force, and Faroole realizes that now, can not eliminate him, and all his people, which if this news is true, peace is the only way out!

S@mali. One can simply go back to our records.

 

Oodwayne, well said my friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

NGONGE;735676 wrote:
Does that mean that Faroole is having talks with Al Shabab or was it Somaliland?
:D

Why would SL bother talking to Al Shabaab when they can simply dispatch Godane to the presidential palace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Oodweyne;735714 wrote:

 

Looks to me that what we have in here, is nothing but "Imam Farole" at his finest messes in action. In other words, his spectacular own goal is being advertised and scream about it from the "roof-top", by none other than himself, indeed...
:D

 

This guy should really have been in the
"Guinness book of records"
; particularly the chapters that tells how man who has the streak of political incompetence in his vein, ought to look like it, indeed..
:P

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this