Sign in to follow this  
NASSIR

Bari, Somalia: Wadahadal u furmey Sheikh Atam iyo Puntland

Recommended Posts

NASSIR   

9174-full-so.jpg Af-Urur

 

 

Garoowe : (Sh. M. Network) Saraakiil ka kala socotay wadaad diimeedka Sheekh Max’ed Saciid Attam iyo Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay gobolka Nugaal ayaa waxa ay gaareen heshiis hordhac ah.

*

Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan gobolka Nugaal ee Maamulka Punland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Gobolkaasi ay kulan kuwada qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Saraakiil mataleysay Hagaamiyaha Sheekh Max’ed Saciid Attam.

*

Kulankaani ayaa waxa la sheegay inay soo qaban qaabiyeen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Gal-gala ee duleydka gobolka Barri halkaasi oo la rumeysanyahay in dagaalo culus ay ku dhexmareen ciidamada Attam iyo kuwa Maamulka Puntland, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in gaba gabada kulanka labada dhinac ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

*

Laamaha amaanka Maamulka Puntland oo Shabelle u xaqiijiyay arintaasi ayaa waxa ay sheegeen in qodobada la isku raacay ay ka mid yihiin: in la joojiyo dagaalada u dhaxeeya labada dhinac ayna wada hadlaan, *in deegaanka Gal-gala laga saaro dadka aan u dhalan iyo qodobo kale.

*

Kulankani ayaa waxa uu daba socdaa kulamo maalmihii u dambeeyay labada dhinac ee Puntland iyo Saraakiisha ka socotay Sheekh Attam ku dhexmarayay gobolka Nugaal, waxaana la ogeyn sida ay u fili doonaan qodobada la sheegay inay ku heshiiyeen dhinacyadaasi

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

^ That is not Af-Urur, its Garowe. Please do not paint this 2-hut village as anything more than what it is, and no self-respecting person would meet in a 1-room hut for negotiations. It even says in the article that they are meeting in Gobolka Nugaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Written by Maxamed Xassan

372e8bcdf4e27b5faa19c937cd331649_XL.jpg

 

 

 

Wararka ka imanaya magaalada Af-Urur ee galbeedka gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta heshiis hor dhac ah la isku af gartey kaasoo la isla meel dhigey dhowr qodob oo ergadii Puntland ka socotey ay ogolaadeen kadibna dib loogu balamo shir kaasoo aan la shaacin waqtiga la qaban doona.

 

Qodobadii lagu heshiiyey inta shirka guud laga gaaraya ayaa waxaa ka mid ah:

 

In lasoo daayo 7 ruux oo ku xiran magaalada Boosaaso kuwaasoo lagu soo eedeeyey in ay u shaqeeyaan kooxda buurta. Dadkan qaar ayaa waxay xirnaayeen mudo dhan intuu dagaalka socday.

 

In la furo wadooyinka Galbeedka gobolka Bari.

 

Qodobadan oo ka mid ahaa kuwa badan oo ay dalbadeen kooxda buurta ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ergadii maamulka Puntland ay ogolaadeen in labadaasi qodob la fuliyo. Mar aanu xiriir la sameynay odayaal dhaqameedka ku sugnaa goobtaasi ayaa sheegey in shirkaasi guul uu ku dhamaadey, isla markaana hadii maamulka Puntland uu fuliyo labadaasi qodob oo hordhaca ah laga doonaya kooxda buurta in ay tanaasul sameeyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiistaasi isla maanta loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaasoo ay dhici karto in cafis ay dowlada Puntland u fidiso. Wixii soo kordha kala soco SPR

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Timur, warta horta aqri qodobada hishiiska mise waxaad ka soo horjeeda in arrintan nabad lagu dhameystiro.

Perhaps Shabelle meant not the exact venue of this peace conference in its early stage but PL's center in budging to this realistic and achievable goal, that means the foreward of some of the provisions agreed upon by the two sides

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

http://mareeg.com/fidsan.php?sid=20511&tirsan=3

 

GAROWE (Mareeg.com) – Officials from Somalia’s semi-autonomous state of Puntland and local Islamist militiamen met after years of hostilities to discuss and reach agreement, officials said.

 

The meeting took place in parts of Nugal region of northern Somalia where a delegation representing Mohamed Said Atom, the leader of Puntland’s Islamist militiamen and officials from the administration of Punland.

 

Security officials, who spoke to somali radio, confirmed the two parts agreed to cease fighting in the mountainous area of Galgala.

 

The officials added that they also agreed that Galgala area to be free from other clans which have no settlement there and other issues.

 

However, the talks come as Puntland in the past said it had crushed radical Islamic militias led by Mohammed Sa'id Atom in the mountainous Galgala areas after deadly battles.

 

Atom is believed to have links with Al Qaeda's proxy in the Horn of Africa nation.

The meeting and everything to do with it took place within the environs of Garowe. Let me repeat, no self-respecting politician would meet in a backwater village called Af-Urur; is there even enough room to host a delegation?

 

Either way, lets let dwell too much on this. A lowly school-teacher-turned-warlord should not deserve this kind of attention and is certainly not a "sheikh."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Interesting now Atam is negotiating with those he has labeled as "Shahada la Dirir" or those against the Muslim declaration of faith. The man is clearly well known - fearful to show his face even once in public, which is unheard of in Somalia.

 

He’s a man that admits the only way to fight Puntland forces are through hit and run tactics.

 

Regardless Puntland needs peace, just like I have given examples IRA vs British, Taliban vs Karzai or even U.S vs Al Sadr. Puntland is no different, it’s better too look at the bigger picture.

 

Good news!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

War Deg Deg ah:- Faroole oo Qoray Waraaqdii Lagu Siidayn Lahaa Maxaabiistii Atam Codsaday

24th July 2011 **·** 5 Comments

 

War Deg Deg ah oo na soo gaadhaya baa sheegaya in Madaxwaynaha PL uu Maanta Qorayo Waraaqdii lagu fasaxi lahaa dhamaan maxaabiistii loo xagliyay inay taageeraan mucaaradka GalGala sidoo kale dadka la Cafinayo waxa ka mid ah Maxaabiis dagaalka lagu qabtay oo qaarkood ay Xukuntay Maxkamada Argagixisada ee Puntland.

 

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha GalGalanews ee Garoowe Saaka ayaa looga Fadhiyaa Madaxwaynaha inuuWareegtadaasi soo saaro waxana ay Daba socotaa Hashiiskii Mucaaradka *iyoP Puntland ay Ku kala saxeexdeen Duleedka Degmada Af-Urur ee G.Bari ka Tirsan.

 

Ilo wareed baa sheegaya in Qodobkan ah in Maxaabiista ooda laga qaado *uu ka mid ahaa Hashiisyadii ay Laba Maalin ka hor wada gaadheen Ergadii kala Metelaysay Puntland iyo Siyaasiga Maxamed Atam kaasi oo Dagaal xoogan oo Jihooyin badan leh la Galay Puntland.

 

Waxa la sheegay in Shirwayne kale oo Balamay Dhamaadka Bishan sida ay Sheegayaan Ergooyinka wada hadalkaasi badhitaaraysa oo aanu la xidhiidhnay.

 

*Source GalGalanews.com

 

 

 

 

*

 

*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

Faroole's arrogance may be wearing away, he needs to realize there are serious problems with the approach his taken in regards to the internal administration of P/land.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

As I said many times here , before even Galgala war, this was really unnecessary, and very unjust aggression by Puntland, it is good now that they realize that.

 

Great development!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

According to the latest update from the local media, one camp led by Sh. Kaarshe are totally in defiance of this initiative to strike a peace deal with Puntland, and he also denies any POW being currently held in the central Bosasso jail.

------------

53af0161bdcf4c892c691e5fb176523b_XL.jpg Galgala, during Puntland's invasion.

 

Sunday, July 24 2011

DHAGEYSO: Wareysi Xasaasi ah: Sheekh Kaarshe “Wax heshiis ah lama aanan gelin Puntland iyo maamulka Daaquudka ah”

Written by Maxamed Xassan

Print E-mail Comments (15)

 

Galgala (SPR): Mid ka mid ah wariyayaasha idaacada SPR oo haatan ku sugan magaalada Galgala oo magaciisa qariyey ayaa wuxuu wareysi la yeeshey Sh. Cismaan Kaarshe oo gabi ahaanba beeniyey in ay wada hadal la galeen maamulka Puntland. Idaacada SPR ayaa waxay ka warheshey in khilaaf u dhexeeya kooxda ka dagaalamaysa buuraha*galbeed Bari*kuwaasoo la sheegey qaarna in ay wadaan heshiis ay la galayaan maamulka Puntland qaarna ay kasoo horjeedaan.

 

Sh. Kaashe CIsmaan ayaa ka mid ah garab kasoo horjeeda isagoo ka tirsan masuuliyiinta ugu sareysa ee hogaaminaya dhaqdhaqaaqa ka socda deegaanka degmada Galgala.

 

Wariyahan oo codkiisa diidey in lasoo gudbiyo maadaama uu booqday xarunta ciidamadaasi ee iyo magaalada Galgala oo haatan gacanta ugu jirta kooxda kasoo horjeeda maamulka Puntland ayaa wuxuu u kuurgalay warar sheegaya in khilaaf ay u dhexeeyaan masuuliyiinta sare ee kooxda ka dagaalamaysa buuraha galbeedka gobolka Bari iyo shirka la sheegayo in uu dhacay.

 

Sh. Kaarshe ayaa ugu horeyntii mahad u celiyey idaacada SPR isagoo sheegey in fursadaasi ay uga faa’ideysanayaan sidii ay mujtamaca Puntland runta ugu sheegi lahaayeen. Sh. Kaarshe ayaa beeniyey in wax heshiis ah aysan la galin, lana geli doonin maamulka Puntland isagoo ugu yeerey maamul daaquud ah iyaguna ay yihiin Mujaahidiinta Calmadow.

 

Sh. Kaarshe ayaa waxaa wax laga weydiiyey in khilaaf u dhexeeyo isla markaana uu heshiiskan ogolyahay sh. Atam ayaa wuxuu sheegey in maamulkooda uu yahay dimuquraadi uusan halnina u talin Karin. Atamna uu ka midyahay ragiisa kuna raacsanyahay meesha la isku raaco.

 

Kaarshe CIsmaan ayaa sheegey in maamulka Puntland aysan ka heynin wax maxaabiis ah oo maxaabiisna waxay naga qabteen ayuu yiri sadex nin oo mujaahidiin ah kuwaasoo isla markiiba ay toogteen. Sh. Kaarshe ayaa sheegey in maxaabiista ay Puntland sheeganayso yihiin kuwa ay magaalada Boosaaso iyo dariiqyada ka qabsadeen . Shirqool ayuu ahaa shirkaasi ayuu yir waana fashilmey oo ay doonayaan qaar kamid ah madaxda.

 

Wareysigan oo ahaa mid dheer ayaa Kaarshe Cismaan oo mar ahaa ku xigeenka Atam ayaa sheegey in maamulka Puntland dadka reer Puntland dhib uu ku hayay. Dadka meesha ka dagaalamayana ay yihiin reer Puntland kasoo cararey dhibaatada maamulka. Ilaa iyo maamulkaasina ay kasaaraan aysan marnaba heshiis qaadaneynin.

 

Mar la weydiiyey in* deegaanka Puntland uu yahay mid nabdoon oo aan dhib ka jirin sidaa darteed ay iyagu ay heshiis la qaataan maamulka si nabadgelyo loo helo ayuu wuxuu ugu jawaabay maamulka Puntland shacabka waxay ku haysaa dhib, xarig, hanti ay qaadato, iyo waliba in ay qabaa’ilada isku dirto, mana ogolaaneyna in ay shacabka ay dhibkaasi kusii wadaan ayuu yiri.

 

Si kastaba ha ahaatee wareysigan ayaa wuxuu cadeynayaa kooxda ka dagaalamaysa buuraha Galgala iyo waliba mowqifka ay ku dagaalamayaan. Waxaa kaloo wareysigan ku cad in qilaaf uu u dhexeeyo garabyada kala ah C/raxmaan Qadaafi oo ahaa gudoomiyaha maamulka buurta ka dagaalama isla markaana ka mid ahaa ragii heshiis ku jirey Af-urur, iyo Maxamed Siciid*Atam oo ah hogaamiyaha iyo waliba Kaarshe Cismaan oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa.

 

Idaacada SPR ayaa waxay idiin soo gudbineysaa wareysi aynu galabta ka qaadi doona C/raxmaan Qadaafi oo ah gudoomiyaha kooxda buurta isagoo la sheegey in uu ka qeyb galay shirkii magaalada Af-Urur oo u dhexeeya kooxda Atam iyo maamulka Puntland. Sidoo kale waxaanu wareysi ugu maqanahay inaan la yeelano Sh. Maxamed Siciid Atam oo idaacada ku balansan caawa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this