Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WIDHWIDH: The RECONCILIATION CONFERECE

Recommended Posts

Waftiyo Kala Duwan Ayaa Ku Sii Qulqulaya Magalada Widhwidh Si Ay Uga Qayb Galaan Shir Lagu Nabadaynayo Beelihii Ku Daglamay Deeganka Kalshaale

 

 

Hargeysa(Waaheen) Waftiyo kala duwan ayaa ku sii qulqulaya Magalada Widhwidh oo hoostagta Degmada Buhoodle, si ay uga qaybgalaan Gogoshii nabadaynta Beelihii ku dagaalamay deeganka kalshaale, iyada oo madaxweynaha somaliland hore ugu fidiyey Go’gol nabadeed oo lagu xaliyo Dagaalkii dhexe maray laba beelood ee wada daga deeganka kalshaale.

 

Shirkan ayaa la filayaa in uu furmo maalinta Isniinta, waxanu noqonyaa mid ay ka soo qaybgalaan waftiyo badan oo ka kala socda labadii beelood ee uu dagaalku dhexe marayo iyo madaxdhaqameedyo kale oo reer Somaliland, wararka Widhwidh naga soo gaadhay waxa ay intaasi ku darayaan in shirkaasi qabanqabadisu ay dhamatay 90% iyada oo inta hadhayna la dhamaystiri doono maalmaha soo socda.

 

Dhanka kale wafti balaadhan oo ka socda xukumada Somaliland ayaa iyaguna ku sii jeeda deganka Widhwidh , si ay uga qaybgalan Gogosha nabadeed ee loo fidiyey beelihii ku dagaalamay deeganka Kalshaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;729306 wrote:
we go from headlines like Somaliland Army captures Widhwidh to Somaliland will hold a shir nabadeed, do you even hear yourself ya xaji

Where did i say Somaliland army captured widhwidh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kayse Cabdi Yuusuf Oo Ka Waramay Qaban-Qaabadda Shirka Nabadeynta Widh-Widh, Tiradda Wufuuda Ka Qayb-galaysa + Tabashooyinka Jirta Ee Shirka Lagu Axadhi Doono

 

 

Widh-Widh (Ramaas) June 18,2011 – Kayse Cabdi Yuusuf oo ahaa sarkaal ka tirsanaa maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC, balse dhawaan ka soo goostay ayaa isaga oo ku sugan Magaaladda Widh-Widh oo 20-ka bishan uu ka bilaabmayo shir lagaga hadlayo nabadgalyadda gobolada bariga ayaa ka hadlay habsami u socodka diyaar-garowga shirkaasi.

 

Kayse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in shirka ay ka soo qayb-galayaan ergooyin ka badan 200, kuwaas oo isugu jira hogaamiye-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo madaxda ururada bulshada rayidka ah ee gobolada Sool, Buuhoodle iyo bariga Sanaag.

 

Mr Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ah dadka shirka nabadeynta Widh-Widh qaban-qaabinaya oo caawa khadka telefoonka wareysi ku siiyay shabakada wararka ee RAMAASNEWS.COM ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya hanaanka qaban-qaabadu socoto waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Hawshii si wanaagnsan bay u socotaa oo sidii loogu tallo-galay ayay u socotaa maxaa yeelay waa gogoo nabadeed oo diyaar garowgeeda ugu yaraan lix bilood lagu jiray, ka dib markii madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu baaqa nabadeed soo jeediyay isla-markaana degmadda Widh-Widh ay ahayd halkii ugu horeysay ee baaqaa nabadgalyadda qaadata hadda ka horna wareegii koowaad ee nabadu uu ka dhacay deegaanka degmadda Widh-Widh, gogoshan nabadeedna waa wareegii ugu dambeeyay ee arimahaas nabadgalyadda lagu soo gunaanadayey, hawshuna si sidii loogu tallo-galay ka qiimo badan ayay u socotaa, haddii ILAAHAY yidh waxaanu rajaynaynaa inuu Isniinta si rasmi ah u furmo.”

 

Mr Kayse Cabdi Yuusuf, waxa kale oo uu ka hadlay dadka shirka ka soo qayb-galaya meelaha ay ka kala imanayan iyo tirada ay ugu tallo-galeen inay noqdaan “Dadka shirka ka soo qayb-galaya waa dhammaan beelaha degga Sool, Buuhoodle iyo bariga Sanaag oo tabasho wayni ay ku kala dhex jirto xukuumadda Somaliland, mararka qaarkoodna keenay gacan ka hadal, jabhado iyo ururo siyaasadeed, imikana waxay noqotay gogoshaa nabadeed ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay ma isla tagnaa oo miiska dushiisa ma ku wada hadalnaa, beelilhii goboladaa ee magaca wada lahaa ee tabashadu ka dhaxaysay weeyaan, haddii ay tahay hogaamiye dhaqameedyo, Isimo, Cuqaal ama siyaasi siyaasada uu doono ha aaminsanaadee iyo dhammaan noocyadda kala duwan ee ururadda bulshadu way ka soo qayb-galayaan, beel beel ayaana wax lagu qayb-saday oo ergooyinku waxay ku imanayaan magac beeleed iyo tiro la siiyay oo beeleed.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “

 

Kayse Cabdi Yuusuf waxa kale oo uu soo qaaday “Guud ahaan tiradda ergada laga rabbo inay timaado shirku marka laga reebo Buuhoodle iyo Sool waa dad ilaa 200 oo ergay ah, intaana waxa dheer goob-joogayaasha shirka iyo marti sharafta kale” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo tilmaamaya lambarka rasmi ah ee ergadda ka imanaysa gobolada tabashooyinku ka jiraan “Xukuumadduna ragga intaas (200 ergay) hor-fadhiisanaya ee ay wada xaajoonayaan xukuumadda ayaa taqaan oo soo gudbinaysa, ergooyinka kalena caawa waxaan filayaa in intii badnayd joogto, inta hadhayna ay bari haddii ILAAHAY yidhaahdo ay soo dhamaystirmayaan”

 

Kayse oo aanu waydiinay waxa ay noqonayaan qodobada ay shirkaasi ku soo bandhigayaan beelaha gobolada Sool, Buuhoodle Iyo bariga Sanaag ayaa ku jawaabay sidan “Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono ee ugu muhiimsani horta waa in aanu anagu isku soo dhamaano oo dadkayaga deegaankan (Widh-Widh) degga ee tabashadu ku jirto aanu wada hadalno weeyaan oo aanu anagu gudahayaga ka qorshaysano oo aanu qodobaysano waxa noogu daran ee aanu ka tabanayno xukuumadda, qodobadaasina marka aanu isku soo dhammaano ayaa la ogaan karaa, laakiin maaha wax aniga hadda jeebka iigu sii jira, laakiin anaga ayaa xukuumadda u soo qodoba midaysan.”

 

Siyaasigan ka tirsanaan jiray maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC balse hadda hawlaha nabadeynta wadda waxa kale oo aanu waydiinay koox ka tirsan maleeshiyadda SSC oo fadhiisin cusub ka samaystay deegaanka Goblo-Magan si ay u go’doomiyaan wufuuda shirka ka tageysa dhinaca gobolka Togdheer, ayaa ku jawaabay “Xoog ciidan oo jid-gooyo u samaystay wufuuda (wuduuda Togdheer ka tagaysa shirka Widh-Widh), laakiin waxaanu ognahay nin dan leh, nin nabad-diid ah, nin aqoon siyaasadeed oo bisil aan lahayn oo haddii la doonana burburka, dagaalada iyo kala tagga dadka dani ugu jirto, meel kastana ninka noocaas ahi wuu joogaa waana shaydaanka oo kale, markaa ILAAHAY ayaanu ka baryeynaa inuu shadaadiintaasi (SSC) naga ilaaliyo, maadaama oo aanu ka hadlayno wax shareecada Islaamka ogoshahay oo nabadgalyo ah, laakiin xoog ciidan oo meelaha jid-gooyo ka samaystay ma ogi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widh-widh: Magaalo la ciir-ciiraysa ergooyinka ka qeyb galaya Shirka nabadeed

 

June 19th, 2011

 

Widh-widh (Somaliland.Org)- wada hadaladii nabadeed iyo gogoshii Madaxweynaha Somaliland u fidiyay waxgaradka Gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa maalinta Salaasada si rasmi ah uga furmaya magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.

 

Shirkan nabadeed oo ay ka qeyb galayaan 300 oo ergay oo ka kala socda salaadiinta, cuqaasha, aqoon yahanada iyo waxgarada Gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaana badi ergooyinku ay soo gaadheen goobta shirka lagu qabanayo ee degmada Widh-widh oo laga dhisay taandho weyn oo leeg tii shirkii Carta oo kale, waxaana magaalada Widh-widh ay la ciirciiraysaa samxada ergooyinka shirkan ka qeyb galaya.

 

Waxa kale oo shirkan lagu wadaa inay ku soo biiraan saraakiil badan oo ka mid ah kooxda nabad diidka ah ee SSC kuwaasi oo xiligan go’aansaday inay ka qeyb qaataan wada hadalada nabadda isla markaana ay tabashooyinkooda ka sheegaan shirka nabadeed ee xukuumadda Somaliland u sameysay waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle.

 

Dhinaca kale, waxa xukuumadda Somaliland uga qeyb galaya shirkan wefti heerkiisu sareeyo oo wasiiro ah kuwaasi oo lagu wado inay maalinta bari soo gaadhaan magaalada Widh-widh.

 

Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland iyo dadweynaha deegaankaasi oo is abaabulay ayaa si weyn u xoojiyay amniga degmada Widh-widh ee shirku ka furmayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirweynihii Gogosha Nabada oo La Filayo inuu Berri ka Furmo WIDHWIDH+In ka badan 100 ergay oo Galabta Ilaa Caawa Fiidkii Gaadhay degmada Widh- ee Gobolka Buuhoodle.

 

 

Hargeysa(Togaherer)-Afhayeenka gudida qaban qaabada shirweynaha gogosha nabada Maxamed Maxamud Cabsiiye ‘Gaaxnuug’ oo galabta khadka telefoonka ugu waramay Weriye Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in guud ahaan hawsha qaban qaabada shirweynahani ay si fiican ugu socoto isla markaana ay degmada widhwidh soo gaadheen in ka badan boqol ergay kuwaas oo ay hogaaminayaan Cuqaal, Odayaal Magac Leh iyo ganacsato waaweyn.

 

waxa uu afhayeenku xog-waran kiisan ku xusay inay ugu talo galeen in shirka ay ka qayb qaataan ilaa laba boqol oo ergay oo ka kala imanayaa deegaamada gobolka sool iyo buuhoodle kuwaas oo inta hadhay ay caawa iyo beri filayaan inay soo gaadhaan goobta shirweynaha lagu qabanayo.

 

Afhayeenka gudida qaban qaabada shirka degmada widhwidh Maxamed Maxamud Gaaxnuug waxa uu tilmaamay in shirkan furitaankiisa ay u qorsheeyeen beri oo isniin ah hasa yeeshee laga yaabo in uu dib ugu dhaco maalinta salaasada ah taas oo ku sababeeyay afhayeenku inay muhiimada saarayaan sidii ay ergooyinku ugu soo wada dhamaan lahaayeen xarunta degmada widhwidh, waxaanu xusay in weftiga ka socda dhanka xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka xannaanada xooluhu inay beri oo isniin ah ay iman doonaan magaalada widh-widh.

 

Sida la ogyahay shirweynahan Gogosha nabadda ee Widhwidh waxa uu ka dambeeyey baaqii nabadeed ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeediyey Beelaha bariga Somaliland gaar ahaan deegaanada Sool, Sanaag bari & Buuhoodle, gogoshaas oo dib loogu eegi doono waxii tabasho ah ee ay beelahaasi qabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this