Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WIDHWIDH: The RECONCILIATION CONFERECE

Recommended Posts

A khadar the Garaad doesn't need to be with Somaliland as long as he supports the peace in widhwidh and bali hadhac etc he is welcome we respect the elders we talk to them. What is more important are the locals the average inhabitant of widhwidh , the garaad choose to live in Garowe or in sweden where he is from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Man be real and consistent. Listen the locals voice that I posted yesterday. No local, women, children needs your militia in Widhwidh and all SSC lands. So bring something else to say or naac nacda jooji. This is an obvious aggression and nothing has to do with peace..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A khadar I am consitent i just don't believe the audio tapes you posted are authentic how do i know they were the locals of widhwidh , Widhwidh needs peace and stability progress schools hospitals clean water improvement of infrastructure it does not need rebel movements fighting inside the towns and villages destroying the lives of the locals and even that of the environment . And luckely Keyse abdi Yusuf former ssc military wing leader saw the light and sees the bigger picture that indeed peace will benefit the people of widhwidh and the people of the buhoodle district as a whole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX, waxaan kala garan lahay inuu caqil intaan kaa yahay iyo in aad is yeel yeelaysid.. What hospitals and infrastructure, did you heard about the saying "Riyo haday dib leeyihiin xagooda danbay ku qarsan lahaayeen"..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

AK,

I am at work so I can't see the videos you posted but if they are anything like the links to SOL discussions that you gave me I shall be VERY disappointed at the waste of my time. I read every single post in those threads and they all seem to be full of XX & Duke posturings. iga daa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

NG, beside the responds of the mentioned individuals, the threads contain actual news some from reliable sources like hospital officials and Universal TV, but I was not expecting any less than that you won't believe unless the source is from your lot sites. So wait the day one of you websites says, there are innocent people killed in the ssc regions by snm militia.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I don't need to wait for such a day, saaxib. I just need a source that looks normal (my side or your side) but not Duke or NSUM dee. Wax fahan.

(anyway, I said I'll watch the videos later).

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
;);););) Videos are real joke. Successionists, keep entertaining yourselves. Occupying people's towns and calling for peace is the hypocracy of the 21st Century. Daily torture, arrests and killings in LA and occupying lands with full swing of murders of snm militia is not the way forward to peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

If I were you, successionists, I won't posted these videos and pics. Only hundful people showed up there even Maygaagle peace conference between just the two sub clans have 10 times more attendees.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

gabadh-lagu-dilay-laascaanood.jpg

 

Maleeshiyada SNM Ee Dilalka Qorshaysan Ka Waday Gudaha Laascaanood Oo Caawa Toogasho Ku Dilay Gabadh Ardayad ah.

 

Laascaanood(Allssc): Mid kamida Maleeshiyada Jamhada SNM ee xooga ku jooga gobolka Sool ayaa caawa toogasho badheedh ah ku dilay Gabadh u Dhalatay SSC.

 

Ninkan oo lasheegay inuu miino dhigayay gudaha Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku qaylisay gabadha ardayada ah , kadib markii ay dareentay inuu meesha ku aasayo miino. Ninkan ka Tirsan Maleeshiyada SNM oo ka digtoon in lagu qabto isagoo ku jira falka Argigixiso nimada ah ayaa la fududaatay in gabadha nafteeda dhaafiyo si aan loo ogaan cida uu yahay.

 

Nin falka gaystay oo ayaa u baxsaday Xeryama Maleeshiyada SNM ku leeyihiin banaanka magaalada Laascaanood.

 

 

 

Magaaca Gabadha Ardayada ayaan wali noo suura galin inaan helo, madama ay Maleeshiyada SNM ay durba magaalada ku rideen Bandoo si aan Shacabka Magalada laascaanood aysan uga gadoodin falalka foosha xun ee Maleeshiyada Beesha ***** maalin kasta ka gaysanayaan Gudaha Magaalada Laascaanood.

 

Dhinaca kale Bandowga ayaa Maleeshiyada Beesha SNM u sahla inaan la ogaan Falalka Foosha xun ee ay ka wadaan iyaga oo u sahla inay meelkasta ku maraan si sahlan iyada oo aan ka baqayn in ay gacanta u galaan Shacabka aan raaliga ka ahayn Joogitaanka Maleeshiyada Beesha *****.

 

 

 

 

 

Allssc News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Nabadeedkii Ugu balaadhnaa Oo ka Furmay Widh-widh Iyo Dareenkii Dhinacyadii ka qeyb galay

June 22nd, 2011

 

“Qurba Jooga deegaankan ee rasaasta dadkooda taakulada uga dhiga waxaan odhan lahaa dadkiinu waxay u baahan yihiin waxbarasho, dawo iyo horumarin ee rasaasta ka daaya”

 

“Caruurtii kale iska daayoo xataa kuwii indhaha iyo dhegaha la’aa ayaa Boorame ka qalin jabinaya waxbarashadii

 

Widhwidh (Somaliland.Org)- Shir nabadeed balaadhan oo xukuumada Somaliland u dhigtay waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo kooxda SSC ayaa maanta ka furmay taandho weyn oo laga dhisay magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, shir nabadeedkaasi oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 200 oo ergo ah ayaa socon doona muddo afar maalmoodn ah.

 

 

Shirkan oo saaka furmay 10:00 kii subaxnimo waxa ka qeyb galaya ergooyin ka yimid beelaha *********** ee gobolada Sool iyo Buuhoodle, cuqaal, salaadiin iyo saraakiil badan oo ka tirsan maleeshiyada SSC, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Guddida khusuusida (Golaha dhexe) ee ururkaasi C/Risaaq Xasan Ismaaciil, Xoghayihii Maaliyada Cismaan Xaaji Cali, C/Risaaq Muuse Faarax oo kooxda SSC ugu magacownaa badhasaabka Buuhoodle, Mustafe Xuseen Jibriil oo isna ku magacownaa Maayarka degmada Buuhoodle, xjubin ka tirsan gudida khusuusida oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cawil Ducaale, C/Rsisaaq Yuusuf iyo Cabdi Muuse oo iyaguna ka mid ahaa saraakiisha hoggaamisa maleeshiyadaasi.

 

Xukuumada Somaliland waxa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir, la taliyaha Madaxweynaha ee gobolada barri Md. Fu’aad Aadan Cadde, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Guray. Waxa kale oo goob joog ka ahaa Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad).

 

Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaan jiray madaxda sar sare ee SSC oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shir nabadeedkan oo muddo dheer ay ku taamayeen sidii loo qaban laha ka dib markii ay ******** inaan dagaal wax faa’iido ah u lahayn bulshada oo dhan.

 

Waxa uu mahad naqay ergada ka kala timid gobolada Sool iyo Buuhoodle ee shirkan nabadeed ka qeyb galay, waxaanu si gaar ah u bogaadiyay garabka hubaysan ee kooxda SSC oo markii u horaysay ka qeyb galay shir nabadeed, waxaanu tilmaamay in arrintani tahay bisayl weyn oo ay ka sameeyeen dhinaca siyaasada.

 

Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in shirkan nabadeed uu daba socdo shir hore dabayaaqadii sanadkii hore 2010-ka uu Garaad Abshir Saalax ku qabtay deegaanka Widh-widh. Waxaanu ku dooday in shirkani yahay wajigii labaad ee lagu soo gabo-gabaynayay shirkaasi hore ee beelaha dega degmada widh-widh ay nabada ku qaadanayeen.

 

Keyse waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Garaado reer Buuhoodle ahi ay ku durayeen shirkaasi waxaanu tilmaamay inay iyagu nusqaan ku tahay in iyagoo madax dhaqameed ah ay ka soo qeyb geli kari waayeen shir nabadeed oo lagu qabanayo deegaankoodii. Waxaanu u soo jeediyay inay ka soo qeyb galaan shirkan

 

Guddoomiyihii Guddida khusuusida (Golaha dhexe) ee ururkaasi C/Risaaq Xasan Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay doonayaan inay xukuumada Somaliland kala xaajoodaan masiirka deegaankooda waxaanu carabaabay inay aad u danaynayaan shirkan oo ay sheegeen inay ka rajaynayaan inuu ka soo baxo heshiis nabadeed.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ahmiyad weyn siinayso nabadgelyada isla markaana ay dhego furan u leedahay tabashooyinka beelaha ***********.

 

Wasiirku waxa uu u mahad celiyay waxgaradka reer Widh-widh oo uu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin nabadeynta isla markaana ay si weyn iskaga xil saarween qabsoomida shirkan.

 

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan saraakiisha SSC ee ka soo qeyb galay shirkan.

 

Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna sheegay inuu rajo weyn ku qabo in shir nabadeedkan ay ka soo bixi doono heshiis nabadeed oo loo dhan yahay oo lagu bedelo colaadii ka jirtay deegaankaasi.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay shirkaasi ayaa caddeeyay in shirkani uu yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay beelaha deegaanadaasi.

 

Cabdilaahi Cukuse oo la hadlayay Isimada ka maqan shirkan waxaanu sheegay in Risaaladii Rasuulka Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee aanay dadku mar wada qaadan ee kolba ay qeybi qaadanaysay. Waxaanu ku dooday in dadka ka maqan shirkan nabadeed ay aakhirka la qaadan doonaan.

 

“Qurbo jooga deegaamada Sool iyo Buuhoodle ee dadkooda rasaasta taakulada uga dhiga waxaan odhan lahaa malaa waxa idiinka wanaagsan inaad dadweynihiina iyo carruurtiinu u baahan yihiin inaad lacagta ugu soo dirtaan waxbarasho, dawo iyo horumarinta adeegyada bulshada,waxaan u soo jeedinayaa siday qurbo joogu ay ugu dedaalaan carruurtooda ay ku hayaan dibadaha inay carruurta xigtadooda ahna ay u ilaaliyaan xuquuqdooda oo aanay rasaas sahay ahaan ugu soo dirin,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

 

Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay Md.Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida kana soo jeeda gobolka Awdal, ayaa sheegay inuu jecelaa inuu ergada haddii ay suurto gelayso u kaxeeyo magaalada Boorame si ay indhahooda ugu soo arkaan sida bulshadaasi nabadgelyo iyo horumar u gaadhay.

 

“Waxaan idiin sheegayaa walaalayaal anagu haddii aanu nahay reer Boorame waxa carruurtayadii iyo bulshadayadiiba ay gaadhay horumar weyn waxa ka furan Boorame laba jaamacadood tirada dugsiyada sarena ciidaasi ayay ka badan yihiin iska daa dadkii carruurtii caadiga ahaayee xataa carruurtii dhegaha iyo indhaha la’aa ayaa ka qalin jabinaya waxbarashadii, idinkana waxa laga yaabaa in carruurtiinu aanay helin wax waxbarasho ah oo la sheegi karo.”ayuu yidhi Xildhibaan Garaad oo ka mid ah xubin sharafeedyada aqalka odayaasha.

 

Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay Wakiilka Garaad Abshir Saalax oo magaciisa la yidhaahdo Diiriye Maxamed, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin beel ahaan inay nabad la qaataan Somaliland waxaanu intaasi ku daray in shirkani uu daba socdo kii Garaad Abshir hore u qabtay.

 

Waxa kale iyaguna shirkaasi ka hadlay Chief Caaqil Maxamuud X. Axmed Aadan iyo Caaqil Cabdi Cali Abokor waxaanay sheegeen inay u han weyn yihiin shirkan diyaarna u yihiin inay fuliyaan wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this