Sign in to follow this  
Saalax

Farmaajo oo Is Casilaya Goor Dhow [Source News]

Recommended Posts

Saalax   

Kampala:-Waxaa caawa dalka Uganda saacadaha soo socda kusoo aadan Ra’iisulwasaare Maxamed C/llahi Famaajo oo looga yeeray caasimada Kampala.

 

Warar hada dhankaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xilka laga qaadayo saacadaha soosocda Ra’iisulwasaaraha, waxaana heshiiska rasmiga ee labada shariif uu si buuxda u cadeeyay in losoo dhiso dowlad wada jira oo ay labada Shariif soo wada dhisaan.

 

Ilo wareed ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo Shirkaasi ICG ka qayb Galay uu Ku Suganyahay Wakhtigan Ethiopia isla markaana uu Saacad Saacad Khadka Telefoonka ugula soo xidhiidhayo Gudoonka Baarlamaanka waxana aad looga wada hadlayaa Ruuxa Lagu bedelayo Farmaajo inuu Noqdo Raisalwasaare uu Saxiib dhow la Yahay Madaxwayne C/raxmaan Faroole si Looga Gudbo Khilaafka Baahsan ee Hay’addaha TFG iyo Puntland ka dhex aloosan kaasi oo Salka ku haya Awood Qaybsi iyo Dhaqaale.

 

Hadii arintaasi Dhabowdo waxa Meesha Ka Baxaysa Balantii Shariif Axmed iyo Raisalwasaaraha Somaliya oo Isku Mowqif ka ahaa inaan Doorasho la qaban Wakhtigan isla markaana Dalku uu Xaalad Adag ku Jiro, Hase Yeeshee waxa Moodaa in Shariif Axmed uu Jalaafo Adag u dhigay Rafiiqiisii dhanka Siyaasada ay ahaayeen.

 

Raisalwasaare Farmaajo oo Waraysi Siiyay Laanta Af-Somaliga ee VOA-da ka Hor intii aanu Ka duulin Garoonka Magaalada Muqdisho waxa uu qeexay in Shirkii ICG ee Kampala laga Baydhay Ajandihiisii isla markaana Loo weecday Buu Yiri Awood Qaybsi isla markaana ay Taasi tahay Mid Sharicga Gees Marsan.

 

Farmaajo ayaa dhaleeceeyay Gudoonka Baarlamaanka Kuna Tilmaamay nin Ujeedkiisu yahay Gor Gortan Wasiiro ah inuu ka Helo Xukuumada Cusub ee La sheegayo in la dhisayo.

 

Maxamed C/laahi Famaajo oo Xafiiska Hayay Mudo Lix Bilood ah waxa uu Sheegay inay wax badan qabteen isla markaana ay dib u Riixeen Kooxda Mucaaradka ee Dawlada ka soo Hor Jeeda taasi oo Gooba badan oo Muhiim u ahaa Al-Shabaab Laga Turkiyay

 

Gudoomiyaha Baarlamaanak Shariif Xasan oo Waraysi Siiyay BBC-da Ka Hor intii aanu Shirkii Kamapala Dhamaan ayuu Qiray in aanu Marnaba Aqbalayn in Doorashada dib loo dhigo Dhegayso BBC-da Waraysi

 

Chief Editor- Nairobi

 

http://galgalanews.com/?p=14259

Share this post


Link to post
Share on other sites

There may be some truth to this story. I am hearing Sheikh Shareef has accepted some of Sakin's demands and has thrown Farmajo under the bus. The rumor has it that there will be a new PM, return of half of the old corrupted TFI cabinet(sakin's under hands), and a year extension for the inflated Parliament. Shareef Ahmad gets extension for himself, new constitution, and he will hand pick half of the going to be cabinet. Intaasi waa waxa la yiri!!

 

Tani mid raja leh maaha :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^It looks like the better guy in the team is the one "loo qayilay". That sort of explains Farmaajo's hasty press conference today. Farmaajo is now on his way to Kampala. Malaha waxbuu uriyey in labo shariif maleegayaan.. If this deal materializes, it would be an absolute travesty. These men need to leave the podium and join the election process like everyone else.

Share this post


Link to post
Share on other sites

laba shariif maxey ku ,maagayaan ninkan howsha adag ka qabtay alshabab mise waxaa larabaa in dowlada la burburiyo , alshabab na soo xogeysto .

walaahi soomali ineysan wax caqli ah ku harin hadey raisul wazaaraha ridaan . ooy mid cusub soo saaran lakin barasha horteed ha i nicin ayey somali tiraahdaa aan aragno waxa eey shekadan ku dhamaato aniga ma filaayo in 2 sharif eey tuurayaan farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Haduu is casilo it is only because he is a man with principle, it is clear both Shariifs do not care about Somalia. Cajiib wadan dhan oo laba nin hostage u ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ Actually wadanka dhan hal nin buu hada hostage u yahay waa "Sakiin" isagana master man kiisa waa Males dee so to correctly say dalkan waxaa haysta Males Zinawi...

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;727139 wrote:
^ Actual wadanka dhan hal nin buu hada hostage u yahay waa "Sakiin" isagana master man kiisa waa Males dee so to correctly say dalkan waxaa haysta Males Zinawi...

Melez is not as important as he was in the past the new boss is Yuweri Museveni.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koleey sheikha yaana lagu dambaabin wali war lama hayo balse anigu shaqsi ahaan hadii ay arintaan ay dhacdo taageerada waan kala laabanaya, niman dan gaar leh ma sunddulle nagu heyni karo? shacabka waa iney kacaan oo xaqooda so cehstaan, farmaajo waa halyeey oo taariikhda xusi doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Xaaji Xunjuf;727140 wrote:
Melez is not as important as he was in the past the new boss is Yuweri Museveni.

Dam right

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this