Sign in to follow this  
Fiqikhayre

One Darwiish speaks with the entire Sec Enclave at the height of Kalshaale War (The Mole's Findings)

Recommended Posts

Mole:

...Dadaal oo Ga4Xajisnimada adkee oo ku dadaal...

Faisal Cali Warabe

..Waannu wadnaa..

I could not stop loughing, how can a small minded !diot lead a party let alone a nation

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Taleexi;704762 wrote:
Falcelis: Sirta SSC Heshay: Been Casriyaysan!!

Wq. Cali M. Cartan

March 23, 2011

 

“Hubsiimo Hal Baa La Siistaa”

 

 

Hiilka qoraa Maxamed Baashe X. Xasan u muujiyey masuuliyiinta maamul beeleedka ‘Somaliland’ waa mid taban. Wuxuu si ka fiirsho la’aan ah u beeniyey waraysiyada loogu magac daray Sirta SSC-du Heshay ee lagu baahiyey mareegaha internetka qaar ka mid ah. Mudane Maxamed ma aanu soo bandhigin sababo faahfaahsan oo akhristuhu ku qanci karo, kuna beenin karo warbixinahaas oo aan ka ahayn in ay jirto aalad codka lagu bedbedeli karo oo la macno ah
qori qori ku taag.
Qaybaha danbe ee warqaddan baan ku xusi doonaa si kooban sida qalabka codadka lagu farshaxameeyo u shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee Maxamed xaq ayuu u leeyahay fikirkiisa qof ahaaneed balse xaq uma laha inuu marin habaabiyo fikirka dadka ka aragtida duwan.

 

Well written, and balanced article. Cali M. Cartan has also included the original links of The Somali Secret Center, SSC. Thanks for sharing.

 

Now the burden is on Siilanyo's writer, Maxamed Baashe X. Xasan.

 

Silsiladii Sirta SSC, waa say u bilaabmatay.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I found out that these recordings were recorded weeks ago and they didn't get released right away. The man questioning and his helpers have more than 30 different recordings cought different days/nites which means it wasn't just one incident but repeated multiple times with case some case with same guy(s) - like Ina Kaahin.

 

Allow ceebteena asurt baan maqli jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Amazing stuff!!! For the sake of entertainment could it continue or is it all out? May be he could try again you never know with Waraabe, He never learns!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Taleexi;704760 wrote:
Naflacaari.com ........... illaa la gawraco wan weyn indhihiisu cirka ma arkaan.

Wan weyn gawrac ama bisad dil, saaxib. Cantarbaqasha uun iga daa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

A_Khadar;705046 wrote:
^ Lol.. NG just felt the severity of this e
mbarrassment.
:D
:D...

The minute I see a worthy topic I will be the first to gush forth with my opinions, saaxib. I can't waste many words on this since I don't believe it to be real.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Somalidiid website: Duruus Ma u Noqon Doontaa Madaxda Sare ee Qaranka Sirihii SSC-du Sheegtay inay ka Duubtay?

 

Qarannews/qabiilnews.com

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=10578&Itemid=62

Mar 24, 2011 at 05:29 AM

 

 

 

Waxa ugu Culus ee Qaran ilaaliyaa waa Sirtiisa

 

 

 

Hargeysa(Yool)-Waxa dhowrkii maalmood ee u danbeeyey si wayn loogu hadal hayey faras-magaalaha iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee Magaalooyinka Somaliland warar ku saabasan codad waraysiyo ah oo sida la sheegay lala yeeshay mas’uuliyiinta sare ee Somaliland, kuwaasoo uu kow ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Wasiirka Gaashaan-dhigga, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Chief-of-Cabinet-ka Madaxtooyadda, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Maxamed Kaahin Axmed.

 

Codadka sirta ah ee la sheegay in laga duubay madaxda aynu kor ku soo sheegnay, ayaa markii ugu horaysay waxa lagu faafiyey iyagoo u dhigan qaab cad ah qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee iyagu siyaasad ahaan u xagliya kooxda SSC ee dagaalka ka wada deegaanka Buuhoodle, inkastoo markii danbe Wabsite-yo kale ka soo xigteen warkaasi.

 

Hadal-haynta bulshada ee waraysiyadaas, ayaa ahayd mid siyaabo kala duwan ay dadweynahu af-gaartooda ugu cabirayeen. Tusaale ahaan qaar kamid ah bulshada ayaa shaki ka muujiyey sida ay dhab u yihiin, iyagoo daliishanaya in hadalada qaarkood aanay ahayn kuwo ku haboon qof mas’uula.

 

Sidoo kale, dadka qaarkood ayaa ku doodaya in cadadka waraysiyadani ay yihiin kuwo run ah oo aan la malo awaalin, balse siday doontoba hawdhacdee cadadkaasi ay yihiin kuwii mas’uuliyiintaa lagu sheegay, waxaana dadka aragtidaa qabaa ay doodahooda u soo daliishadaan inay codadkaasi ku jiraan hal-ku dhigyo mas’uuliyiintaas hal-hays u ah oo ay ku arkeen awgeed.

 

Waxaana ka mid ah xubnaha dadweynaha intooda badani ku doodayaan inay cadadka waraysiyadani yihiin ku woodii Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Gaashaan-dhigga, Chief-of-Cabinet-ka iyo Maxamed Kaahin.

 

inkastoo marka siyaasiyan loo qiimeeyo hadalada ku jira waraysiyadaasi aanay sinayn waxyeeladoodu, haddana waxa ku jira kuwo wax wayn u dhimi kara karaamada iyo sharafta Somaliland, sidoo kalena kalsoonidaro ku abuuri kara xubno culus oo miisaan weyn ku dhex le bulshada, Tusaale ahaan waraysiga la sheegay in laga duubay Maxamed Kaahin, ayaa ah mid muujinaya awoodaha dahsoon ee Maxamed Kaahin uu ku leeyahay talada hogaanka dalka, taasoo ay dad badani horeba ugu doodi jireen.

 

Sidoo kale, waxa ka mid ah erayadda xajiinta badan ee ku jira waraysiga aan la xaqiijin, balse ay kooxda nabadiidku sheegeen inay la yeesheen Maxamed Kaahin kalmado uu ku durayo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, haseyeeshee dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolka Sool, kuwaasoo faahfaahsana waxa dhinacyada waraysigu dhexmaray isu dhaaf-sadeen sidan:

 

Wasiirka Ganacsiga

 

SSC: Markaa inaga ka gaabinay oo ninkan garaad ah nin kale oo ay isku shidayeen oo hawshii uu soo dhameeyey hagaagsantahay oo doonayayey in uu hortayada isku cadeeyo oo garaadnimadiisii ka diyaarsado ayaanan si wanaagsan ula shaqaynin, oo qolada Maamulkaa uga taag la’nahay, Wasiirka Ganacsiga waa ilmaadeer iyo labadan Walaalaha ahi, Qoladan xun ee xag jirka ah ayuu u xagliyaa horta kan Wasiirka ahi.

 

SSC: Kan Wasiirka ahi waxa uu u xagliyaa Ninka halkan jooga?

 

Maxamed Kaahin: Ninka halkan jooga London ayuu uga wakiil yahay Baasaboor Ingiriis ah ayuu haystaa oo waa Reer London, marka annagu maalin dhawayd waanu isku qabsanay, Abtina waanu u nahay, dabadeed waxaanu ku nidhi waar annagu Jaamac Siyaad Garaad abti u kala samayn mayno ee Ninkan Garaadka ah ee Jaamac siyaad SSC lacagta uga uruurinaya inaga daaya, dee markaa maxaan ku idhaahdaaye waxay u baahantahay markaa idinku qoladaa annaa la hadlaaya qolada Ugaadhyahan ee halkan joogta, waxaanan ku odhanaya Qolada idinka ah ee Minasoota joogta cid noocaas aah oo aad ku kalsoontihiin ma jirtaa

 

Wasiirka War-faafinta

 

SSC :Maxamad Kaahinow horta ragii hore ee ***** adigaa ku jira ragaanu ku kalsoonahay hadii aanu Isaaqnahay oo Ninka ugu weyn baa tahay, waxa weeyaan dawladan hada dhisay madaxda ku jirta ee *****ga ah niman aanu Kalsooni ku qaadan karno oo ku qanaacsanahay maaha?

 

Maxamed Kaahin: Walaahi dad badan ayaa sidaasa kow dheh, ragii reer Somaliland ee ilaa bari fog joogay maaha,anaga laftaydu markii dawlada laa dhisayay qolada ugu badan ee aanu hawshooda ka hadalnay ee la isku qabsaday ayay ka mid ahayd oo aniga waaban isku dhaacnay oo waxaan idhi horta Nimanka Isaaqa cidii la rabo ha laga qaato,oo waxaan idhi dee bahashu in badan bay soo dhisnayde raga laga qaadanayaan waa inay ahaadaan rag la taaban karo, waayo raga qaarna waligood waxay ahaayeen Somaliland qaarna toban jeer inta ay yimaadeen hadana noqday oo aanu halkan ku haynaa, waxaana ka mid ah kan iminka Wasiirka Warfaafinta laga dhigay oo ugu horeeya,

 

SSC: Xaabsade miyaa?

 

Maxamed Kaahin: Haa dabcan.

 

SSC: Ninkaasi ma kula tahay in uu la soo xidhiidho madaxda ******teenka ugu waaweyn ee Maraykanka joogta?

 

Maxamed Kaahin: Waanu ognahay waanu ognahay.

 

Haddaba in kastoo, bulshadu ka bixiyeen aragtiyahaa kala duwan, haddana waxa caqliga wanaagsani ina tusayaa hadwalba in aanay haboonayn in Madaxweyne Tilifoon lagula hadashiiyo qof aan la hubin iyo mid la hubo labadaba, maadaama ay maata dunida ka jiraan xadaarad ku dhisan Ilbaxnimo casriya, taasoo huwan ama wadata dhib iyo dheefteedaba. Sidaa darteedna haddii ay dhacdo inay Madaxtooyadda la soo xidhiidhaan shaqsiyaad loo baahan yahay warkooda, waxa haboon in aan Madaxweynaha markiiba toos loogu xidhin, balse ay tahay in shaqsigaa ay warka ka qaadaan shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha, si markaa kadib wixii oo qoraal ah loogu gudbiyo Madaxweynaha, kadibna wixii siyaasiyan faa’iido ku jirto laga qaato qoraalka shaqsigaa hadalkiisa laga diyaariyey.

 

Isku soo wada duub oo waxa la gudboon Madaxweyne Siilaanyo inuu marwalba iyo goob kastaba maanka ku hayo dabinada iyo shirqoolada cadowga Somaliland, kuwaasoo kolaba shaad u soo xidha si ay u wiiqaan Somaliald sumcad ahaan iyo jiritaan ahaan-ba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

NGONGE;705074 wrote:
The minute I see a worthy topic I will be the first to gush forth with my opinions, saaxib. I can't waste many words on this since I don't believe it to be real.

:rolleyes: If you don't beleive and recognize the speeches of ur leaders, I am not sure how you believe this project from the begining.. I understand if you are disappointed by these but you don't beleive waa sheeko kale.. Give a call adeero Kaahin and Silanyo and ask them how it all happened... They may enlighten this to you and re-affirm you that it won't happen again..

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

HA HA! This is freaking funny! Waraabe's recordings are the best! Yo secessionists, stop tripping and admit that your "leaders" have been busted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this