Sign in to follow this  
Maaddeey

Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.

Recommended Posts

Maaddeey   

Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in dagaallada aysan joojinayn inta ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya

 

 

Jimco, 04 Maarso, 2011 (HOL) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo xalay muxaadaro ka jeediyay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM aysan joojinayn inta ay dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM.

 

“Qof walba oo muslim ah fardul-cayn ayuu ku yahay jihaadka ka socda Soomaaliya, dagaalkana ma joojinayno inta aan dalka oo dhan ka gaarsiinno maamullada islaamiga ah, ayna dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

 

 

Hoggaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in inta ka harsan noloshiisa uu ku dhameysanayo dagaal, isagoo ugu baaqay dhallinyarada iyo waayeelku inay ka qayb-qaataan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

 

“Ninkii gaalo la safta Wallaahi iyaga ayuu ka mid yahay oo kama taagna muran taas, waana lala dagaalamayaa,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir, oo sheegay in madaxda dowladda oo uu ku sheegay qaraabo ay la safteen ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

 

 

Sheekh Xasan wuxuu sheegay in dagaallada ay wadaan ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay dalka oo dhan gaarsiiyaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka inta ay suurogal ka noqonaysana ay dagaallada wadayaan.

 

 

Sheekh Nuur Macallin C/raxmaan oo isaguna ka hadlay muxaadarada ayaa sheegay in jihaadka uu qof walba oo muslim ah waajib ku yahay, lagana doonayo in laga qaybqaato, wuxuuna si gaar ah ugu booriyay dhalinyaradii muxaadarada kasoo qaybgalay ay is-diiwaangeliyaan si ay uga qaybqaataan dagaallada socda.

 

 

Muxaadaradan ayaa waxay qayb ka ahayd muxaadarooyin ay culummaa’udiinka Xarrakatul Shabaab dhawaanahan ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaasoo ay dadka ugu yeerayeen inay ka qaybqaataan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina Daahir has no legs to stand. His opinion weights nothing. And in the eyes of most Somalis, he is nothing more than an opportunistic hyena.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Just recently, after the H.Islam crises, one of Dahir's sons who was influenced by some hardcore Fadhi-ku- Jihaade decided to do something and go back to Somalia to join his father's caravan. Before he left to Mogadishu he made a phone call to his farther and this is how it went.

 

Son. Aabo waan imaanayaa, Jihaadka ayaan rabaa.

Dahir. Aabo waad yartahay, Jihaadna kuguma waajibin.

Son. Aabo Hebel ayaa Shahiiday, Internet-ka yaana ka arkay!, anigaana 2 sano ka weyn Hebel.

Dahir. Aabo wax baro, waxbarashada yaa jihaad kuugu filan. Shahaado soo qaado, Shahiid waad noqoneysaaye!

Son. Laakin Aa...

Dahir. Warkayga maqal. Dami taleefanka.

 

Sheekada kore mid u dhow aa ka dhacday Qaahira oo ay reerka Daahir si nabad galyo leh ugu nool yihiin, Dowladda uu la dagaalayo iyo Wasiirkeedii waxbarasha ee ay qarxiyeen saxiixiisa ku heystaan deeq waxbarasho.

 

Run ahaantii, Haddii aysan ahaan lahayn dareenka familka masaakiinta ah, anshaxa guud ee bulshada iyo ilmaha yar ee mustaqbal doonka ah, Xasan Daahir Aweys waa hore yaaa sharaftiisa dhulka la gili lahaa.

 

Muwaadin Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooooooooooooool@ Cawaale............"Warkayga maqal. Dami taleefanka".............Jumladdaas siday iiga qoslisey!

Xasan Daahir intuu ilmihiisii dibedda geystey buu rabaa inuu carruuraha islaameed baabi'iyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cawaale;699632 wrote:
Just recently, after the H.Islam crises, one of Dahir's sons who was influenced by some hardcore Fadhi-ku- Jihaade decided to do something and go back to Somalia to join his father's caravan. Before he left to Mogadishu he made a phone call to his farther and this is how it went.

 

Son. Aabo waan imaanayaa, Jihaadka ayaan rabaa.

Dahir. Aabo waad yartahay, Jihaadna kuguma waajibin.

Son. Aabo Hebel ayaa Shahiiday, Internet-ka yaana ka arkay!, anigaana 2 sano ka weyn Hebel.

Dahir. Aabo wax baro, waxbarashada yaa jihaad kuugu filan. Shahaado soo qaado, Shahiid waad noqoneysaaye!

Son. Laakin Aa...

Dahir. Warkayga maqal. Dami taleefanka.

 

Sheekada kore mid u dhow aa ka dhacday Qaahira oo ay reerka Daahir si nabad galyo leh ugu nool yihiin, Dowladda uu la dagaalayo iyo Wasiirkeedii waxbarasha ee ay qarxiyeen saxiixiisa ku heystaan deeq waxbarasho.

 

Run ahaantii, Haddii aysan ahaan lahayn dareenka familka masaakiinta ah, anshaxa guud ee bulshada iyo ilmaha yar ee mustaqbal doonka ah, Xasan Daahir Aweys waa hore yaaa sharaftiisa dhulka la gili lahaa.

 

Muwaadin Soomaaliyeed.

lol its easy in la iska caayo qof shakhsi ah, wax kale ma haysaa oo nuxur leh? no offense mate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

@Abwaan, Kaligiis ma ahan Daahir. every word lord ilmahiisa meel uu ka tuuray.

@Polyani, Adiga waan kugu dimbaabaaya ninyahow.

@Al-Maskiin, ku soo dhowoow SOL. Wax badan aa ku sugaayo.

 

BTW, One of Dahir's sons in on Youtube. YUP..Waxaan u maleynaaya in aad i gaarsiisaan rag badan in aan qarxiyo(Qaraxa kaad taqaaneen maaha!!)..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Yeah waa runtaa Fuad shongole ilmahiisa sweden ay ku dhasheen hadana Malaysiya ay joogaan.... Cali maxaa xuseen ciyaalkiisa Nairobi ay joogan.. Kaba ku dukade iyagana ciyaalkiisa Egypt aan ku ogaa.. ilmo islaameedna aaqiro ay uu diraayaan, balo idin aragto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;699718 wrote:
Geelle T., ma waxaad jeclaan lahayd in Sh. Xasan dagaal la galo Shabaabka!?

Muxuu markii hore u booteynaayay, haddii uusan wax iska celin karin? Boowe, odaygu urur buu samaystay, AS maahi buu yiri, dagaal baa dhex maray AS iyo xisbigiisii, deerna markii la soo kulaalay ayuu is dhiibay. Marka credibility odaygu ma laha, ee warkiisa naga daa. Xaggee wax idiin marayaan hadda? Waa la idin wataaye maxaa idiin tala ah maanta? War Caruurta inta hartay badbaadiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

The trains are filling up with boys

Who left behind their favorite toys

 

They´re going over there, over there

Where someone has to die

wey wadayaan laynta caruurta, ma iyagaa daynaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this