Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED

Recommended Posts

Some positive responses are coming ,,,,

 

 

Dhinaca kale taliyaha Maleeshiyada Buuhoodle C/risaaq Bakayle ayaa sheegay in baaqaasi madaxweynaha Somaliland u jeediyey ay soo dhaweynayaan, diyaarna u yihiin in nabad galyo lagu soo dabaalo colaadaasi, isagoo intaa ku daray in Barkadaha laga qoday Kal-shaale la aaso kadibna gogol nabdeed la iskugu yimaado, hase yeeshee waxa uu ku dooday in ciidamada qaranka Somaliland laga dul qaado, iyaguna ay Maleeshiyadooda dib u qaadanayaan.

 

Taliyaha Maleeshiyada Buuhoodle oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeysaka Haatuf, isagoo sheegay inuu ku sugan yahay aaga dagaalka Buuhoodle ee ciidanka qarnka Somaliland isku hor fadhiyaan, waxa uu yidhi “Baaqii madaxweyne Siillaanyo ka soo jeediyay nabadaynta, cid diidan ma jirto, cid waliba nabad galyay rabtaa, anaguna nabad galyo in la helo diyaar baanu u nahay, nabadaasi uu ku baaqay, hase yeeshee waxaanu ugu baaqaynaa madaxweynaha nabadaasi ficil ha ku muujiyo, ciidamada qaranka-na ha naga dul qaado anaguna kuwayaga Buuhoodle ayaanu geynaynaa, Barkadaha Kal-shaalena si buuxda ha loo aaso, deegaankaasina dhul daaqsimeed ay u siman yihiin labada beelood ha laga dhigo, sidaa darteed nabadaa waxaanu u baahanahay inuu ka dhabeeyo intaa ka dibna gogol nabdeed ha la iskugu yimaado”.

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Lool now you see it as positive news when you felt the pain, isn’t that what they were asking for months, what changed, they were asking you take your militia(I like how everyone is militia but yours is ciidamo qaran)out of their land, but no you wanted to close the border and boom wajigii bay idnkaga qaraxday, you are about to lose LA as well. so now all of you want peace few days ago you were calling for war, walee bani aaadam waxaan indho kulul ahayn wax kuma fahmaan, now you know you did not capture LA by force.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;697388 wrote:

Too late there is still fighting and you aint gonna defeat the people of SSC..

Aren't the the pl troops fighting with them? Why exclude yourself out dukey?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Yeah , Peace is needed on both side, but Buhodle people still standing firm for their original demand, move your militia out of the area, then peace is possible.

 

The fight is between s/l (snm) and shacabka cayn..

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;697510 wrote:
:D
:D
:D
Xaaji soo adigii shalay lahaa bring it on.. Alleylahe Daraawiishtu waa niman rag ah!

maya saaxib anigu bring it on kooxda budhcac badeedkan ka hadlayey

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAAQ NABADEED OO KASOO BAXAY MAGAALADA BADHAN

 

 

Badhan (SPR): Kadib markii kulamo wada tashi ah ay yeesheen culimada cuqaasha guurtida iyo wax garadka magaalad badhan ,laguna falanqayeeyay colaadaha ka soo cusboonaaday deegaaanada buuhoodle iyo saamaynta balaadhan ee ay yeelankarto waxa kulamadaas lagu qorsheeyey lana go aamiyay in baaaq nabdeed laga soo saaro arintaas.

 

Qodobada baaqa ayaa ah sidatan:

 

1. In si shuruud la aan ah loo joojiyo dagaalka in ciidamada ku sugan goobah laysku haysto la kala qaado dibna loogu celiyo fadhiisimadoodii hore.

2. In dhibta lagu xalliyo googol nabadeed oo ay isugu yimaadaan bulshada rayid ka ah ee labada dhinac wax siyaasad ahna aanay lug ku yeelan. A

3. In la joojoiyo abaabulka iyo maalgelinta ka imankarta debeda iygudahaba.

4. In saxaafadu joojiso hadalada xanafta iyo xasasiyada leh ee ay siidaynayaan ilaahayna ay ka baqaan oo aaney ka qayb gelin dagaal hurinta

 

Baaqan waxa soo saaray culimada kala ah

 

1) sh.cabdirashiid sh.saalax

2) sh.maxamuud ismaaciil

3) sh.cabdi qani yusuf maxmed

4) sh.maxamuud maxmed cumar

 

Cuqaasha ka qayb qaadaatay baaqan waxa ka mid ah

 

a) NB cumar aw siciid axmed

b) NB.maxamed sciid cabdi

c) NB c/lahi cabdi ibraahim

d) NB.maxamuud xasan maxamuud

e) NB.maxamuud faarax ducaale

f) NB.maxamed muuse nuux

 

Guurtida iyana ka qayb qaatay waxa ka mid ahaaa :

 

shire saalax axmed

siciid faarax xirsi

ibraahim maxamed guuleed

maxamuud axmed barre

c/qaadir nuuse bidaare

 

Baaqan ayaa noqonkara kii ugu cuslaa oo ay soo saaraan bulshada reer sanaag xilli ay colaado xumi soo wajaheen degaamada hoosyimaada Buuhoodle.

 

 

 

 

XIGASHO:-Somali Public Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimada Ku Dhaqan Waddanka Ingiriiska Ee Ka Soo Jeeda Degaanadii Dagaaladu Ka Dhaceen Oo Ka Soo Saaray Baaq Nabadeed Oo Ku Saab San Colaada Kalshaale

 

 

(London-HNW) Culimada ku dhaqan waddanka Ingiriiska ee ka soo jeeda degaanadii dagaaladu ka dhaceen, ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ay ka soo sareen shirar baryahanba u socday ka soo ay ku jiheyeen colaada Kalshaale. Haddaba baqaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan.

 

 

BAAQ NABADEED

 

 

"ولتكن منكم أمة يدعون إلى الخير ويأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر وأولئك هم المفلحون"

 

"وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتقوا الله إن الله شديد العقاب"

 

Waxaa waayadanbe ka socdey magaalada London ee dalka Ingiriiska kulammo isdaba joog ahaa oo ay wada yeelanayeen culimada ka soo kala jeeda Beelaha Habar-jeclo iyo *********** oo ku hawlanaa kaalintii ay ka qaadan lahaayeen nabadaynta iyo xal u helidda shaqaaqooyinka ka jira deegaanka Kalshaale,

 

Haddaba wada hadal dheer, faallayn iyo isxogwaraysiyo kaddib oo dhex maray waxay Culimadu isla garteen inay si wada jir ah usoo saaraan Baaq-nabadeed oo sidan u qoran:-

 

1. Waxaannu ugu baaqaynaa dadka walaalaha ah ee ay dhibtu ku dhexmartay deegaammada Kalshaale iyo hareerihiisa xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, Waxaannuna walaalaha xusuusinaynaa inay ilaahay ka baqaan xurmada uu Dhiigga Muslimku leeyahayna la ilaaliyo,

 

2. Waxaannu soo dhoweynaynaa oo taageeraynaa baaqyadii nabadeed ee ay soo saareen dhamaan culimaa,udiinka iyo wax garadka nabadda jecel waxaanan Allah uga baryeynaa inuu ka abaal mariyo.

 

3. Waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan dadka walaalaha ah ee ka soo jeeda deegamadaas inay nabadda ka wada shaqeeyaan wanaaggana isu kaashadaan meel ay joogaan ba gudaha dalka iyo dibadiisaba.

 

4. Waxaannu walaalaha ugu baaqaynaa in wax walba oo jira wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo,

 

5. Waxaannu soo dheweynaynaa tallaabo walba oo dhanka nabada loo qaado oo isu soo dhawayn karta dadka walaalaha ah.

 

 

Waxaan kaloo soo jeedinaynaa si xabbad-joojintu u taabba gasho in ciidamada is hor fadhiya la kala durkiyo.

 

 

Gebagebadii waxay Culimadan Reer London isla garteen inay si wada jir ah ugasii wada shaqeeyaan geeddi-socodka nabadda ilaa inta laga gaadhayo guul iyo nabad waarta.

 

 

Magacyada Culimada:-

 

1. Sheekh Ali Mohamed Ahmed (Ali Mawliid)

 

2. Sheekh Hassan Abdillahi Ashur

 

3. Sheekh Jama Suleiman Abdi

 

4. Sheekh Jama Dhinbil Adan

 

5. Sheekh Jibriil M Salah

 

6. Sheekh Abdiaziz Hassan Jama

 

7. Sheekh Ali Hassan Shire

 

8. Abdirashid Mohamed Abdi

 

9. Ciise Farah Abdi

 

10. Osman Hassan Ashur

 

11. Mohamud Mohamed Hersi (Dhinbil)

 

12. Musse Farah Abdi

 

13. Abdillahi Colhaye

 

14. Iimaan Mohamed Jama

 

15. Mohamed Ismail Nuur

 

16. Abdullahi Mohamed Hassan

 

17. Aydiid Ali Elmi

 

18. Ibrahim Ali

 

19. Ciise Mohamed Hassan

 

20. Osman Mohamud Abdi

 

21. Mohamed Aadan Farah

 

22. Omar Yoolac

 

23. Abdirahman M Ahmed Doodi

 

24. Ahmed Hassan Farah

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Nabaday noo kaalay. Colaadeey ku diidnay, uff ku nidhi ee wixii ku jecel orod oo raadso. .:eek:

Peace comes natural to us. Masha Allah I'm so very happy that our people realized peace is the best interests of everyone.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Siilaanyo oo Markuu ku hungoobay qorshihiisii dagaal Culumada Somaliland iyo kuwa SSC foodsaaro ka soo dhigtay

 

Kadib markii ciidamada Gobolka Cayn ay u jilib dhigeen Ciidamadii Somaliland ee uu soo abaabulay Siilaanyo, islamarkaana ay afka ciida u dareen hamigii Siilaanyo ee ahaa qabsashada Buuhoodle iyo kala Goynta Somaliya, ayaa waxaa Siilaanyo iyo la taliyeyaashiisu xaqiiqsadeen in qorshahoodii dumay, islamarkaana ay u kala dhamaatay Somaliland iyo beesha ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Markii Dagaalkii lagu jebiyey Maleeshiyadii Somaliland, islamarkaana beesha caalamka ay cadaadis xoogle kala kulmeen, aduunweynahana ay u cadaatay in gooni isutaaga ay Somaliland sheeganayso aan shacabka SSC raali ka ahayn ayaa waxaa taladii ka qayb qaatay bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan.

 

Dadka Siilaanyo talada kala qayb galay waxaa ka mid ahaa koox sheegatay Culumada Somaliland oo uu ugu horeeyo ninka layidhaado Shiikh Aadan Siiro uu af labadii yeedhay isagoo is haynkari waayey kadib markuu qabtay muxaadaro uu si qalad ah u fasiray oo yidhi somaliland waxay lamid tahay xiligii dawladii muslinku dhalatay oo kale oo ay kasoo horjeesteen gaaladii nabiguna csw wuu iska laaluushi jiray sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay dawlada soomaaliland inay sidaas oo kale samayso oo raga wada dagaalka kalshaale ay laalushaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this