Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku biiray Xarakada Al Shabaab

Recommended Posts

Hogaamiyaha weyn ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si rasmi ah ugu biiray Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay sidaasi isku waafaqeen saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga hellaayo saraakiisha sar sare ee Xisbul Islaam ayaa waxay sheegayaan in Ururka Xisbul Islaam uu si toos ah ugu biiray Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab, oo dagaalo xoogan kula jira dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in deegaanada Ceelasha Biyaha ilaa aagaga dagaal ee uu Ururka Xisbul Islaam ku lee yahay Suuqa Bakaaraha ay la-wareegeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Xaflad balaaran oo ay qaban qaabadeedu socoto ayaa waxaa la-filaayaa in uu Sheekh Xasan Daahir Aweys kaga cadeeyo in’ay si toos ah ugu biiraan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo ka taliya inta badan Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya.

 

Hadal-haynta ugu badan magaaladda Muqdisho ilaa deegaanada Ceelasha Biyaha ayaa waxaa caawa laga hadal-haayaa ficilka uu Ururka Xisbul Islaam ugu biiray Xarakada Al Shabaab, isla-markaana shacabka qaarkood ayaa siyaabo kala duwan amuurtani hadal heysa.

 

Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir uu Isu dhibay shabaab iyo Xisbul islaam oo laba jir ku geeriyooday PDF Print E-mail

Sunday, 19 December 2010 16:29 Read : 208 times

 

Dagaal Oogaha maleeshiyada Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aweys ayaa maanta isu dhiibay kooxda Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jirtay maleeshiyaadkiisa.

 

Warar uu Radio Muqdisho ka helay Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Xisbiga ayaa sheegaya in Xasan Daahir uu kulan la qaatay maanta Shabaab kaddibna uu isu dhiibay, markii loo sheegay in Qorshaha Shabaab uu yahay in aysan oggolaan doonin Hub iyo maleeshiyaad aan Shabaab hoos tagin.

 

Go’aankaan ayaa ku soo aaday xilli cadaadis xooggan ay Shabaab saareen Xasan Daahir iyo kooxdiisa, goobo badan oo ay horay ugu sugnaayeena ayaa lagala wareegay, waxaana sidoo kale go’aankaani uu imaanayaa xilli dhawaan Xasan Daahir uu sheegay in kooxdiisu ay la dagaalami doonto Shabaab si ay u badbaadiso jiritaankeeda.

 

Horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxda burburtay ee Xisbiga ayaa si weyn uga carooday go’aanka uu qaatay Xasan Daahir Aweys, waxayna sheegeen in aysan ku qanci Karin in ay ka mid noqdaan Shabaab oo ay muddo badan dagaal kula jireen.

 

Fariisimo ay Kooxda Xisbigu ku lahaayd magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkayay maleeshiyaadka Shabaab, arrintaas oo dad badani tusisay in is bedel xooggan uu jiro.

 

Dagaal Oogayaal badan oo ka tirsan Xisbul-Islaam ayaa xiriir la soo sameeyay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay megen gelyo u siiso, taas oo ay doonayeen in ay uga badbaadaan kooxda Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda.

 

Maleeshiyaadkii Xisbiga ee ku sugnaa degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa shalay isu dhiibay kooxda Shabaab,waxaana sidoo kale maalinmihii ugu dambeeyay jiray maleeshiyad firxad ah oo ka baxsanayaa kooxda xisbiga ee burburtay.

 

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in maleeshiyada Shabaab ay xaflad u sameeyaan Dagaal Ooge xasan Daahir Aweys kaas oo ay ku soo bandhigayaan Hubkii iyo maleeshiyadkii u xukumi jiray Xasan daahir.

 

Arrinkaan ayaa waxa uu muujinayaa dhammaadka kooxda xisbul islaam iyo geerida ku timid xilli ay laba sano jir tahay.

 

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe deg deg ah oo lagu adkeynayo cunaqabateyntii la saaray dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha ee ku yaalla goobaha ay maamulaan Maleeshiyaadku, halkaas oo la rumeysan yahay in ay uga soo degaan Hub badan iyo waliba dagaal yahanno argagixiso ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xassan daahir aweys runti wa nin qadiyad leh maha nin is bad badala wuxu aminsanyahay inay somaliia noqoto dawlad shariciga islamka lugu xukumo mana tageerin waligi tfg wax la mid ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;681213 wrote:
xassan daahir aweys runti wa nin qadiyad leh maha nin is bad badala wuxu aminsanyahay inay somaliia noqoto dawlad shariciga islamka lugu xukumo mana tageerin waligi tfg wax la mid ah

sxb qadiyada aad sheegeysid xey tahay bahdilka lagu sameeye ayaad fahmi weysay sheekada jubboyinka ay ka bilaabatay, axmed madoobe ayaa la yiri waa riddo weerar baa lagu qaaday oo in kismaayo iyo lagala wareego ay aheyd ujeedada,way socotay, hiiraan ayaa lagala wareegay,buur habaka,afgooye iyo ceelasha ayuu lagu hareereye oo dhinaca waqooyiga afgooye,dhinaca marka iyo km13 intuu aada? intaas waxaa sii dheer saraakiishii laga dilay sida taalibaan,bare cali barre intaas maahine waxa la yiri ama dowladda,shabaab ama shacabka... ee xaaji Dhiigyacabkan umaddii masakiinta barakiciyay nabsigii uu ka galay waaye halahaan aad arkeysid walibana ardaydiisa ayaa hubka ka wareejinaya lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba runti xita hada laga itaal roonaday Xassan daahir aways isku mu dhiibin TFG iyo wax la mid ah wu samayn karayey inu dagaal si wado markana dad fara badan ba ku dhiman laha qadiyadisuna markasta waxa weye inu TFG burburiyo marka dagaaal uu maanta la galo shabaab ma karayo aweys mana rabin inay ciidankisu burburo marka Optionka kaliya u furna waxa weye inu shabaab ku biiro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji ma isku dhiibin waa run laakin su'aashu waxa waaye maxaa uu diiday taa anaa kaga jawaabayo ceelasha iyo afgooye ayeey xaruntiisu ugu danbeyse aheyd go'doon ayuu ahaa, 3 gees ayuu go'doon kaga ahaa, dhinacaa km13,Dhanka Marko iyo dhinaca toora toorow ay shabaabku joogeen marka optionkiisa kaliya inuu isku dhiibo shabaab ay aheyd.. waa uu fiicantahay walle markii uu dalka kuso laabanayay intuu dagaal iyo qaas iyo qabqablenimo waday wuxuu iska noqon karay nin wadaad oo nabadoon ah instead xasuuq iyo barakac uu bilaabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

oba hiloowlow;681198 wrote:
Hogaamiyaha weyn ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si rasmi ah ugu biiray Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay sidaasi isku waafaqeen saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab.

 

Xaflad balaaran oo ay qaban qaabadeedu socoto ayaa waxaa la-filaayaa in uu Sheekh Xasan Daahir Aweys kaga cadeeyo in’ay si toos ah ugu biiraan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo ka taliya inta badan Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya.

Dadkani wadaado ma'aha, Milatari mowqif watana ma'aha. Waxa kaliya oo meesha ku baa ba'ay waa shacabka masaakiinta ah iyo kuwa maangaabka ah ee caqliga looga xaday Jihaadka Khuraafaadka ah. Waa kaas Sheekh isku sheegii Aweys! Al Shabaabkii uu la dagaalamayey shalayto ku biiray maanta "Eesh calaa hogaamiye".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Warkaan mala hubaa? Aweys is just a pyschopath looking for way out. Wax u harey malaha koley, ama ha join gareyo ama ha la dagaalamo. It really doesn't make any difference, they will all be defeated one way or the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this