Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku biiray Xarakada Al Shabaab

Recommended Posts

Somalina   

Xiisad u dhaxeysa maleeshiyaadak Shabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa ka taagan qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Waxay ka dambesay kaddib markii Maleeshiyada Shabaab ay shalay Suuqa dhexdiisa ku toogteen Horjooge horay uga tirsanaa Maleeshiyaadkii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe oo aanan hadda shaqo u heyn kooxdaasi, isla markaana ay dadka u diideen in meydkiisa laga qaado suuqa Barkaaraha muddo.

 

Maleeshiyaad ka tirsan Xisbiga ayaa si khasab ah saacado kaddib u qaatay meydka Ninkaasi la dilay, waxayna arrintu dhalisay xiisad ballaran oo saameysay inta badan suuqa bakaaraha.

 

Warar aan saakay ka helnay Bakaraha ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan laba kooxood ay is hor fadhiyaan lana filan karo dagaal dhex mara.

 

Dhinaca kale Maleeshiyaadka Shabaab ayaa laba nin oo ka afduubtay suuqa Magaalada Ksimaayo ee jubada Hoose.

 

Labadan nin oo midkood uu ka shaqeynayay farmashiye ku yaalla magaallada midka kalena uu isaga marti u ahaa ayaan la ogeyn halka ay Shabaabku geeyeen iyo sababta ay u kaxeysteen.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaasi qofood meydkiisa laga helay Meel u dhow dekadda magaallada hase yeeshee arrintaasi aan la xaqiijin.

 

Source: Camalow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who's going to defeat Hizbul-Islam + Shabab joined together? They already kicked out the ONLF and TFG/Ethiopians out of most of SOuth Somalia, we need to come to terms that they won't leave.

 

Believe me when I say, the first moment Shabab weakens both Hassan Turki and Aweys will leave.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Khilaafkii Shabab oo sii kordhay

18 Dec 18, 2010 - 6:40:58 AM

 

Waxaa sare u kacay, khilaaf u dhexeeya saraakiisha Al-shabaab, iyadoo Sh. Fu'ad Max'ed Qalaf [shangole], uu maanta eedeyn u jeediyay hogaamiyaha kooxdan Axmed Cabdi Godane, kadib markii uu ka hadlay masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha.

 

Sh. Shangole oo ah, saraakiisha ugu awooda badan Al-shabaab, uguna xagjirsan ayaa sheegay in mas'uulka ugu sareeya kooxda uu ka tirsan yahay aysan isku hadaf ka ahayn dagaalada ay ka wadaan gudaha Somalia.

 

"Hogaamiye, waxaa midka dadka la hadla, wax walba oo wanaagsan u horseeda dadka, balse in cid walba lala dagaalamo xal kuma jiro" ayuu yiri Sh. Shangole, oo intaas ku daray in Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sh. Mukhataar C/raxmaan Abu-Zubeyr uu yahay nin ujeedooyin kale leh.

 

Khilaafkan cusub, ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalkii dhawaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qabsadeen degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, oo ay horay uga talin jireen maleeshiyada Xisbul Islam ee uu hogaaminayo Sh. Xasan Daahir Aweys.

 

"Dagaalkii ka dhacay Buurhakaba, ma ahayn Jihaad, waana wax lala yaabo in lagu tilmaamo Jihaad, waayo waa xaaraan in qof Muslim ah uu dilo qof kale oo Muslim ah, isla markaana uu ku faano" ayuu si caro leh u yiri Sh. Fu'ad Shangole oo ay dhageysanayeen boqolaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab iyo dadweyne kale.

 

Masaajidka uu hadalkan ka jeediyay Sh. Fu'ad Shangole, ayaa ku yaala qaybta ay ku xoogan yihiin Al-shabaab ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Dawada, waxaana hadalka sarkaalkan uu ka yaabiyay boqolaal taageerayaasha kooxdan ka tirsan.

 

Ururka Al-shabaab oo ah awooda weyn ee dagaalka kula jirta DF, ayaa waxaa u dhexeeya kala qaybsanaan qayb ka mid ah ay dibada u soo baxday, inkastoo aanay weli dhicin gacan ka hadal dhexmaray dhinacyada fikirka isku diidan.

 

Hogaamiyaha labaad ee Al-shabaab Sh. Mukhtaar Robow Cali [Abu-Mansor] iyo Sh. Fu'ad Shangole, ayaa la sheegay inay isku fikir yihiin, iyadoo saraakiisha kale ay ku fikir yihiin Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha ugu sareeya kooxdan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;681298 wrote:
kala fikirkan boqol jeer ba la sheegey and no one really told us what the khilaaf is about wa sheekadi suntimes qori jirtay bay reer garowe na ka copygereysteen

waligeena ayaan maqli jirnay khilaaf wax ka jiro neh ma jirto kulligood waa isku fikir waana la ciribtiri doona inshallah ********tantaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Fu'aad Shongole: Axmed Godane ma ahan mujaahid ee waa nin indha shareer wato

Midnimo

 

December 19, 2010 Markacadeey

 

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeysa Al Shabaab si cad u weeraray hogaamiyaha Shabaabka Axmed Godane.

 

Qudbad uu shalay ka jeediyey masaajid ku yaalo Suuqa Bakaaraha ayuu Ina Shongole si cad usoo saaray qilaafka ka dhaxeya isaga iyo Godane isaga oo ku sifeeyey qof is qariya oo la bista Shuko iyo Indhashareer.

 

”Axmed Godane inkasto oo aan walaalo nahay camalkana iskula jirno hadana waxaan la yaabanahay sababta uusan uga qeyb galin jihaadka ee uu isu qar qariyo, sidaasi ma ahan jihad ee waa in aan runta isu sheegnaa, aan ALLA ka baqno ee yaanan ka baqin gaalada” ayuu yiri Shongole.

 

Sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku dhaw dhaw Al Shabaab, labadan nin ayaa baryahanba waxa u dhaxeeyey qilaaf marba marka kasii danbeyso sii xoogeysanayey kaasoo ugu danbeynti keenay in banaanka uu usoo baxo.

 

Arrinta ugu weyn ee ay isku heystaan ayaa ah dagaalka ka dhaxeeyo Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hada u muuqdo mid kama danbeys ah oo lagu xidido siibayo Xisbul Islaam.

 

Axmed Godane ayaa rabo in Xisbiga sidiisaba laga taqaluso ama uu Shabaab la midoobo, halka Ina Shongole uu doonayo in aanan wax dagaal ah lala galin isaga oo u arko in dagaal lala gala Xisbul Islaam ay tahay mid lagu naar tagaayo sida ay aaminsanyihiin Shabaabka qaarkiis.

 

Horaantii sanadkaan Fu'aad Shongole waxa ay kulan fool ka fool ah wada qaateen hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys, kulankaasi waxa Xasan Daahir uu ku calaacalay Fu'aad Shongole isaga oo weysdiistay in Shabaab ay ka hor leexdaan ururkiisa.

 

Fu'aad Shongole iyo Abu Mansuur oo ah laba nin oo saameyn xoogan ku leh Al Shabaab ayaa waxa ay saaxibo dhaw la yihiin Xasan Daahir Aweys.

 

Hada arrinta qilaaf weey soo dhaaftay waxaana xaalku uu u muuqdaa in fikirka Godane ee ah in Xisbiga la laayo uu soo kor maray sababtoo ah Xisbul Islaam a waxa ay isku soo hareen Afgooy, Lafoole iyo Ceelasha oo ah meel koobaan.

 

Todobaadki hore labada dhinac waxay ku dagaalameen degmada Buur-Hakaba, waxaa dagaal soo noqnoqday kadib laga xoog roonaaday Xisbiga oo isaga soo baxay halkaasi.

 

Saakayna waxa ay u muuqataa in labada dhinac Shabaabka iyo Xisbiga ay ku dagaalami doonaan gudaha Suuqa Bakaaraha kadib marki laga dareemay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo labada dhinac ay ka sameynayaan suuqa.

 

Waxaa iyana dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer iyo deegaanka Tareedishe oo labada dhinac ay kala heystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;681385 wrote:
somalina that was yesterday news hada sookuwa midoobay shabaab iyo xisbal islaam

Just reporting the news awoowe Hanjab.

Indha Shareerka, cross dresserka ah ayaan attentionka ku aadinaaye. Fuad wuu ila arkey inuusan Godane ahayn mujaahid but nin jecel inuu dharka dumarka xirto oo aan karti lahayn. The psychopath fool can't even show his face, mardhowna waad arki doonta sida loo qaarajin doono.

 

p.s. qeybta odeygii jiniyada qabey ayaa raacdey AS n not all XI magaceeda kuwa wata.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amiirka dee FBI ba raadiinaya iyo CIA iyo siirdoonka Maraykanka , warkaas aad so dhigtay na cid so xaqiijsay ba ma jirto awoow , Hada shabaab iyo xisbal islam wa Midoobeen magaca shabaab na wa qaateen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;681382 wrote:
Fu'aad Shongole: Axmed Godane ma ahan mujaahid ee waa nin indha shareer wato

Midnimo

 

 

Haye haye ,,, warka i sii heee ..... Lemme bring the popcorn ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina Xisbal islaam waxa u madax a Sh xassan daahir aweys isna wuxu ku biiray shabaab oo magacii shabaab bu qaatay ma xisbal islaam kale ba hadhay xita gedo maanta walaga so dhaweye midowigi dhex maray shabaab iyo xisbal islaam manad sida ula socon awoow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Marka in your own words, the cross dresserka wuxuu ka baqaayaa Mareykanka? whatever happened to the bravado iyo mujaahidnimada oo u jihaadayo? Mansur iyo Fuad ma cabsadaan and so is Osama, laakiin asaga muxuu isku qarqariyaa?

 

Aniga qaarajintiisa ayaan ka war sugaayaa. Like Eideed ku dhacdey, mid yaro asaga ilaaliyo ayaa isku qarxin doono (my prediction).

 

FYI: XI qeyb ka mid ah TFG ayey raaceen (the numbers may be small but nevertheless waa xisbigooda). Kuwa kalena wey la dagaalamooyaan. m*r*y**an ma yaqaanaan jihaad awoowe, lacag uun baa u muuqato iney boobaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looool@ your prediction Amiirku is madaxda ugu sareyo maha just a nobody iska war wareegeysa , Amiiirku nin is qariya maha studentskiisa sii fiican bay u yaqanin wuxu daganyahay magaalada marka. Qof walba ilahay ba og sidu u dhimanayo Caydiid na ilahay ha u naxariisto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;681398 wrote:
looool@ your prediction Amiirku is madaxda ugu sareyo maha just a nobody iska war wareegeysa , Amiiirku nin is qariya maha studentskiisa sii fiican bay u yaqanin wuxu daganyahay magaalada marka. Qof walba ilahay ba og sidu u dhimanayo Caydiid na ilahay ha u naxariisto

Where did you get your info that reer Marka know what he looks like? do you have proof of that?

 

Fuad iyo Mansur are more poweful than Godane just so you know. Asaga foreigners ayuu wataa ayagana Soomali bey wataan (Somali wins in landslide marwalba, remember the Ethiopian occupation?). Marka it is in his best interest inuusan ka hor imaan objective-kooda ma garatey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this