Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Somaliland Wadaado head to Mogadishu for an unknown mission

Recommended Posts

Sh. Cali Warsame iyo Wefdi uu horkacayo oo ka soo ambabaxay Burco oo Muqdisho ku sugan

Haatuf

 

September 27, 2006 (Haatuf) – Warar aanu ka soo xiggannay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in toddobaadkii hore ay magaalada Burco uga ambabaxaeen dhinaca Muqdisho wefti ka kooban shan qof oo uu hogaaminayay Sheekh Cali Warsame.

 

Sh. Cali Warsame waxa uu madax ka ahaa Ururkii Islaamiga ahaa ee la odhan jiray Al Itixaad ee awoodda badan ku yeeshay meelo badan oo ka mid degaanada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika sannadihii 90 aadkii. Wixii ka dambeeyay qaraxii September 11 ee 2001 dii waxa Ururukaas iyo dhowr qof oo ka mid ahaa madaxdiisiiba ay dawladda Mareykanku ku dartay liiska argagixisada.

 

Waxa wargeysku intaas ku daray in wefdigan oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ay ka mid yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin Golaha Shuurada ee Midowga Mxaakiimta Islaamiga ah.

Sida laga warqabo madaxda Maxakamadaha Islaamiga ah ayaa badankoodu ka tirsanaan jiray Ururka Al Itixaad oo ku burburay dagaaladii ka dhacay gobolada Bari, Gedo iyo kuwii ay la galeen Itoobiya sagaashameeyadii. Sh. Xasan Daahir Aweys oo hadda ah ninka hogaamiya Golaha Shuurada ee Maxaakiimta kana mid ahaa madaxdii Ururka Al Itixaad iyo Sh. Cali Warsame ayaa la sheegay in ay ku kulmeen Suucuddiga xilligii Xajka ee horraantii sannadkan. Halkaas oo la filayo in kaga wada munaaqishoodeen arrimo siyaasadeed.

 

Waxa wargeysku intaas ku daray in nin kale oo lagu magacaabo Aadan Jihaad oo sida la sheegay xubin ka ah Golaha Shuurada ee Maxaakiimta, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Somaliland uu ku sugan yahay haatan magaalada Burco. Aadan Jihaad waxa uu ka mid ahaa wefdigii maxkamadaha ee uu horkacayay Sh. Shariif ee dhawaan booqashada ku tagay Liibiya iyo Djibouti.

 

Inkasta oo aan la caddayn ujeedada safarka Aadan Jihaad ee Burco iyo wefdiga u ambabaxay Xamar toona haddana waxa ay arrimahani dhaliyeen shaki badan, maadaam uu gobolka Togdheer ka mid yahay goobaha ka baxsan aagagga ay ka taliyaan Maxaakiimtu ee taageerada looga muuijiyay.

 

Dhinaca xukuumadda Somaliland wax hadal ama ficil ah oo arrimahaas ku saabsan illaa hadda kama soo bixin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Dhinaca xukuumadda Somaliland wax
hadal
ama
ficil
ah oo arrimahaas ku saabsan illaa hadda kama soo bixin.

Talaw goormey shacbiga reer Togdheer illaa Awdal u yeeran doonaan Maxaakimta sidey reer Kismaayaba sameeyeen, waa tillaabo ku dayasho mudan.

 

Reer Burco waa mintidiin waan ogahey markey diintu sheekadu noqoto, budh baa ka soo horreeyo xukuumada Soomaaliland iyo waxaas lama marsiin karo haddey qadiyad Diini ah meesha timaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Just this month the courts in Burco started executions. 3 have been executed already. It has no ties to the ICU.

 

On the the article, interesting,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

Talaw goormey shacbiga reer Togdheer illaa Awdal u yeeran doonaan Maxaakimta

Tan ma dhici doonto hadeey dhacdana qof ay anfici ma jirto. somaliland waa nabad, sharci iyo kala danbeyn ayaa ka jirto. uma baahno niman waalano oo diin ku daba gabanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaax, i heard there will be a grand meeting in Mogadishu. It's not only reer Burco, it's wadaads everywhere that are gathering to decide the future of Somalia. A grand strategy meeting sort of thing :D .

 

For all the wadaad diid out there: be afraid, very afraid, i say :D .

 

P.S: for those of you who were too young to know Shiekh Cali was the undisputed leader of the organized Saxwah. His age may prevent him to lead it today, but he will undoubtedly remain its spiritual leader.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

If you will allow me, let me say this again Xiin: "For all the wadaad diid out there: be afraid, very afraid, i say" :D

 

Kow ma joogto ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Somaliland oo uga digtay Maxaakimta Muqdisho in ay soo fara geliyaan arrimaheda

Last Updated::2006-09-28 17:05:23

 

Hargeysa:- Wasiir-ku-xigeeka caddaalada ee Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland Yuusuf Ciise Ducaale(Tallaabo)

ayaa shir jira'id uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa uu uga digay Maxaakimta islaamig ah ee Muqdisho sheega shadooda ku aadan jamhuuriyada la magac baxday Somaliland.

 

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu digniin toos ah u diray kooxo aanu carrabaabin kuwaas oo ku eedeeyay in ay u raxlaynayaan maxaakimta Muqdisho.

 

Waxaa uu Mr.Tallaabo uu yiri [...Dad yahow xagee u jeedsateen shareeco xaggaa (Xamar)inaga ma xigto, kitaabkina waa haysanaa, qibladii iyo kacbadiina xaggan ayey innaga xigaan, waa maxay waxa laga eegayaa ee innaga jira sidii nebi ka soo baxay Xamar...]

 

Mr.Tallaabo mar uu ka hadlayay hadalada ka soo baxaya saraakisha maxkamadaha Muqdisho ah ee ay ku sheegayaan in dhul balaarsi goodu sii socon doono ilaa ay ka qabsanayaan Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland, waxa uu sheegay in shareeco ayaanu wadnaa haddana xoog iyo jajuub ayaanu wax ku doonaynaa aysan is qabsan karin waxana uu is waydiiyay [...Shareecadu ma duniday afduubaysaa...] illeyn ninka kitaabka wadaa waa inuu luga fidsadaa.

 

Waxaana ugu damayntii uu Mr.Tallaabo u digay qolyaha maxaakimta ah ee ku taamaya in ay qabsadaan Burco iyo Hargeysa.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^ Sheekhii Burco (The ICU's Sheikh Ahmed Yasin) hadii uu Xamar aaday, the end game is near. The true face of the ICU will be seen.

 

The question is who will fall first, the mini-states or Baydhabo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by xiinfaniin:

Libaax, i heard there will be a grand meeting in Mogadishu. It's not only reer Burco, it's wadaads everywhere that are gathering to decide the future of Somalia. A grand strategy meeting sort of thing
:D
.

 

For all the wadaad diid out there: be afraid, very afraid, i say
:D
.

 

P.S: for those of you who were too young to know Shiekh Cali was the undisputed leader of the organized Saxwah. His age may prevent him to lead it today, but he will undoubtedly remain its spiritual leader.

Someone tip of the Americans and one bomb can solve this wadaad seef labood problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Libaax, i heard there will be a grand meeting in Mogadishu. It's not only reer Burco, it's wadaads everywhere that are gathering to decide the future of Somalia. A grand strategy meeting sort of thing
:D

Xiinoow, there is nothing I would love better than a just Islamic system of governance from Razkamboni to Zaylac. May Allah help those who are on this noble mission. It is a grand plan indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Somaliland govt fears country may fall to islamists.

 

 

afrol News- The government of the self-proclaimed republic of Somaliland today broke its silence on the rising threat from the Islamist movement in neighbouring Somalia. In a strongly worded statement, Deputy Justice Minister Yusuf Ise Duale Tallaabo warned Islamists against their "dream of capturing Hargeisa," the Somalilander capital. Fearing a popular Islamist uprising at home, he warned citizens against believing in "a new prophet" from Mogadishu.

 

Minister Tallaabo told the press in Hargeisa that his government would not tolerate Islamist aggression in Somaliland. "I tell the Union of Islamic Courts (UIC) who dream of capturing Buroa and Hargeisa that Somaliland is an independent republic that has restored its sovereignty in 1991. We have a government, national flag, internationally recognised borders and a constitution," he said, adding, "Somaliland is not Kismayo or Mogadishu."

 

Warning the Somaliland citizens against being deceived by what is happening in Mogadishu, Mr Tallaabo said: "Where do you think you are going? The Sharia is not only in Mogadishu. We have the Koran and we know the direction of the Qibla [the Ka'ba in Mecca]. Why are you looking at Mogadishu as if a new prophet has appeared in it?"

 

Attacking further the **** of the Islamist movement, he expressed his astonishment at the UIC claiming of following the Islamic Sharia and at the same time using force to capture territories. "Does Sharia mean hijacking people’s will? A man who claims to be ruling on Sharia should follow peaceful ways," the Minister said.

 

The Islamist court movement, which by now has captured most of Somalia, has made it clear that it wants Somalia reunited, overturning the former British colony of Somaliland's unilateral declaration of independence in 1991, accepted by 97 percent of the people in a referendum - in sharp contrast to the rest of Somalia.

 

While Somaliland has been successful in building a peaceful, orderly and highly democratic state during the last 15 years, Islamist movements have been allowed to thrive, causing fear in Hargeisa that the population may support an Islamist intervention.

 

Analyst Bashir Goth told afrol News that the influential Somalilander Islamist leader Sheikh Ali Warsame has now left for Mogadishu, being "a very dangerous development that causes jitters in Hargeisa." Mr Warsame is the founder of the 'Somali al Ittihad al Islami' - a dissolved Islamist organisation that allegedly had close ties with Al Qaeda - and is seen as a close ally of Hassan Dahir Aweys, a Mogadishu hardliner within the UIC. He has been based in the Somalilander town of Buroa during the last years, where he has turned into an influential cleric.

 

"Minister Tallaabo's tone also reflects the great concern the government has about the Islamic Courts Union winning the hearts and minds of its people, particularly knowing the Islamist grip on the economy and life of Somaliland people," Mr Goth added.

 

Also in Puntland - an autonomous region in north-western Somalia that is controlled by the militia od Somali transitional President Abdullahi Yusuf Ahmed - urgent preparations are being made to meet a possible Islamist insurrection. Puntland authorities yesterday banned Somalis from the south from entering its territory and have already deported a number of businessmen and other individuals back to Mogadishu.

 

The Somaliland press today further reported that Puntland authorities have ordered their forces stationed in the Sool region - a territory claimed by Somaliland but occupied by Puntland - to be ready for redeployment to Baidoa, the seat of Somalia's transitional government. Here they were to take part in the defence of the government against any possible attack by the UIC.

 

"The latest developments indicate how much Somaliland and Puntland authorities have been alarmed by the fast collapse of the Juba Valley Alliance and the easy fall of Kismayo in the hands of the UIC," comments Mr Goth. Kismayo and the Kenyan border area fell to the Islamists on Sunday, seriously altering the balance of power in Somalia.

 

 

Afrol News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Why would there be a fear, haddii ilaahay u qoray Somalia in lagu xukumo shareecada islaamka waa lagu xukumaa. Wax shareecada Islamka ah oo ka fiican oo lagu xukumilahaa majiraan.

 

Ilaahay ha inoo hagaajiyo dalkeena wixii xumaan la damacsan iyo gaalayn ilaahay ha inaga qabto.

 

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this