Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Somaliland Wadaado head to Mogadishu for an unknown mission

Recommended Posts

Waraada labadiina bootada naga dhaafa.

 

Maansa, iskool Kaasa Balbalaare Sare maa dhigan jirtay?

 

Both my brother iyo cousin ayaa dhigan jiray. Also my abti macalin ka ahaa, so perhaps you might know them.

 

Me, shimbiriyaaloow heesa, hees wanaagsan heesa ma taqanaa meesha ee kasoo jeedo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Waraada labadiina bootada naga dhaafa.

 

Maansa, iskool Kaasa Balbalaare Sare maa dhigan jirtay?

 

Both my brother iyo cousin ayaa dhigan jiray. Also my abti macalin ka ahaa, so perhaps you might know them.

 

Me,
shimbiriyaaloow heesa, hees wanaagsan heesa
ma taqanaa meesha ee kasoo jeedo?

Yes, brother. I graduated 88/89, please don't derive my age aforementioned numbers :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Mansa Munsa:

QUOTE]Oo ninyahow igama yaride maxaad igu gelaysaaa
:D

Naw,Maansow, war ma haysid, ninka ME wuxuu ka sheekeeyaa waayihii Ethiopianku Hargeysa duqeeyeen ('77 ethio-Somali war).Runtay soomaaha Me? Mise markaas dhalatay, labada mid ayuun weeye?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^ Mr. Red Sea ayaa runta idiinkaga dhow.

 

 

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Me,
shimbiriyaaloow heesa, hees wanaagsan heesa
ma taqanaa meesha ee kasoo jeedo?

MMA Hees caruureed soo maaha?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Culimada Hargeysa oo baaq soo saaray

 

 

 

 

Hargeysa, October 09, 2006 - Seddex iyo toban xubnood oo ka tirsan Culimada waaweyn ee Hargaysa, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay hirgeliso ku dhaqanka shareecada Islaamka, sida uu dhigayo Dastuurka dalku.

 

Xubnahan Culimada ahi shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxay ka soo jeediyeen baaq ka kooban 16 qodob, baaqaasina wuxuu u dhignaa sidan:

 

Mahad Ilaahay ayaa leh, nabad iyo naxariisina ha ahaato Nebigeenii suubanaa korkiisa. Intaa ka dib, guddidan Culimada ah ee hoos ku saxeexani, iyaga oo qiimaynaya aadna u dhuganaya waayaha iyo dhacdooyinka ku cusub gobolka Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland, ka dib, markii ay shirar badan oo isdaba joog ah ka yeesheen arrimahaas, iyaga oo shirarkaa uga dan lahaa wax hubsasho iyo xog helid, ahmiyad weynna siinaya xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland waxa ay guud ahaan soo jeediyeen baaqan:

 

1 Waxaanu umadda Somaliland ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada, xasiloonida iyo kala dambaynta aynu haysanno.

2 Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa hirgelinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka sida uu dhigayo Distoorka dalku.

3 Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay Culimada iyo Waxgaradka dalka kala yeelato la tashi xaaladaha adag ee ina soo waajaha.

4 Arrinta cajaladda la faafiyay ee jidhdilka foosha xun ka muuqato waa in loo saaro guddi madax banaan sida ugu dhakhsaha badan oo baadhis sugan ku samaysa, go’aan cadna ka soo saarto. Waa inaan looga faa’iidaysan ujeedo siyaasadeed.

5 Jidh dilku waa ku xaaraan shareecada Islaamka guud ahaan qiraal kasta oo lagu jidh dil waa waxba kama jiraan.

6 Maxaabiista xidhxidhani waa in ay hesho xukun caddaalad ah oo dhakhso ah

7 Qofka deegaanka ah ee wadanka u dhashay eed loo haysto darteed waa in aan wax loogu dhimin sharaftiisa, ta qoyskiisa ama xuquuqdiisa wadaninimo.

8 Banaanbaxyada rabshadaha wata ee cid aan waxba gaysan lagu dhibaataynayo ma aha dhaqanka Islaamka waafaqsan. Qofkii dhibaato geystana isaga ayaa ka masuul ah wuxuu geystay

9 Waxaanu xukuumadda ka codsanaynaa in dadkii banaanbaxa loo qabqabtay ee u badnaa haweenka loo sii daayo si dhakhso ah.

10 Waxa aanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay muujiso dulqaad, marka ay arrimahan oo kale dhacaanna lagu maamulo xikmad iyo masuuliyad, lagana fogaado waxyeelayn iyo wixii dareenka dadweynaha sii kicinaya.

11 waxa aanu ugu baaqaynaa dadweynaheena diinta jecel gaar ahaan da’yarta diinta barata in ay ku xidhnaadaan Culimadooda qiimayn karta xaalladaha lagu jiro.

12 Waxa aanu dadweynaha iyo dawladaba ugu baaqaynaa inay xishmeeyaan astaamaha Islaamku ina faray sida gadhka iyo xijaabka haweenka oo aan la dacaayadaynin.

13 waxa aanu ugu baaqaynaa dadweynaha iyo dawladaba in ay si wada jira uga hortagaan dhaqan xumada baahaysa sida sixirka, mukhaadaraadka, isla joogta iyo wixii la mid ah, lana xoojiyo hawsha ay hayso guddida wanaag farista iyo xumaan reebista.

14 Waxa aanu xukuumadda iyo goleyaasha ugu baaqaynaa in ay xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ah si la isaga kaashado wax ka qabadka duruufaha taagan iyo horumarinta dalka.

15 Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya, waxa aanu ku amaanaynaa hawsha wanaagsan ee ay ka qabteen dhinaca nabadgelyada iyoo baaqooda ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxanaanu u sheegaynaa in aanay soo fara gelin, fidnana ka abuurin Somaliland oo muddo dheer ku jirtay nabad iyo xasillooni.

16 Waxa aanu ku baaqaynaa in aan ciidamo shisheeye la keenin Soomaaliya xalna aanay u ahayn. Isla markaana, ay Soomaalidu arrimahooda ku dhamaystaan wada hadal iyo nabadgelyo.

 

 

Gebogabada baaqa:

 

Waxa aanu faraynaa Nafahayaga iyo dadka muslimiinta ah ee bayaankani khuseeyo Alla ka cabsi iyo ku dhaqanka diinta Islaamka, ilaalinta nabadgelyada iyo walaaltinimada ka dhaxaysa dadka Islaamka ah, wada jirka, dulqaadka, tabantaabinta muslimiinta. Ilaahay waxa aynu ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwo si fiican ugu dhaqma diinta Islaamka oo If iyo Aakhiraba liibaaana. Bisha Ramadaan ee fadliga badanna Ilaahay ha inagu daro kuwa uu naarta ka xoreeyo. Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inuu muslimiinta ka qaado dhibaatada meel kasta oo joogaan, guushana uu siiyo.

 

Magacyada Culimada soo saartay baaqa:

 

1-Sh.Maxamed Sh. Cumar Dirir.

2-Sh. Xasan Cabdisalaan Sh. Cali.

3-Sh. Maxamed Cali Gadhle.

4-Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed.

5-Sh. Cabdiqaadir X. Jaamac.

6-Sh. Yuusuf Aadan Maxamed

7-Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre.

8-Sh. Ismaaciil Cabdilaahi Jaamac.

9-Sh. Cabdiraxmaan Axmed Aw-cabdi.

10-Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi.

11-Sh. Keyse Haybe Maxamuud.

12-Sh. Maxamed Madar Maxamed.

13-Sh. Maxamed Cumar Muxumed Samatar.

 

 

WardheerNews, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mansa Munsa:

Yes, brother. I graduated 88/89, please don't derive my age aforementioned numbers
:D

Hadaa iskoolkaas maanta arki lahayd aad aa u murugoon lahayd, runtii. Xataa maba la arki karo markaa agmareysid, oo buushash iyo wax baas ayaa hortiisa laga wada dhistay, iridiis xataa ma arkeysid. Iskaba dhaaf iskoolka, xataa Isgoyska Kaasa Balbalaare ayaaba garaneyin inuu yahay isgoys iyo in kale, maxaa yeelay dhexdiis ayeeba buushka imaan rabtay.

 

Iskool fiican uu ahaa, oo meel fiican ku yaalay. Waayo waayo.

 

Me, heesta shimbirta hees ciyaal waa u qaab egtahay, laakiin heesta micno ayaa loo qaaday oo loogu tala galay, siiba siyaasad quseyso, saan u maqlay. Shimbiryahoow heesa shimbirta ku jirto kuwa siyaasi ayaa loo qaaday aan maqlay, ma'ogi taloow inay run tahay iyo in kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Waayo waayo indeed. isqoyska kasabobolate was nice. really one of the best area's (in the sense of th relaxed feeling of the area, it was not rich but it had style) in Xamar in my opinion. The whole area looked good. African village, carwo idko, Poostadii, Masjidkii Xaaji Cali Suufi, Tirbuunka. It was a good area in Xamar. What those people did. It will never be as good.It doesn't seem Somalis will mix like they did in those days. Who will we make fun of if we can make fun of regional accents?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ee Carwada Iidko Kaasabalbalaare maku yaalin hee, xaajiga.

 

Mise labada carwo ayaa isku qaldee. Tan Taleex ku taalay oo u dhawayd Kaasabalbalaare iyo Carwada Iidka oo ahayd one shopping complex Jidka Sodonkana ku taalay, agagaarka Labadhagax hadaa xasuusatid, carwada kalena Kaasabalbalaare u dhawayd waxee ahayd national exhibition wax walba lagu soo bandhigi jiray, including wildlife iyo qudaarta iyo miraha beeraha kala nooca ahaa, oo once a year la furi jiray for a couple weeks.

 

Ar I for one miss Carwadaas, walaahi.

 

Koo xaafadeena yimid oo Waaceynkaa loo bixiye oona Xamar ku cusbaa ayaa ciyaalka naga waa weynaa carwadaas habeen u raacay. Ciyaalka qaar darbigeeda dheeraa ee ka boodi jireen. Xariifkaan wuxuu arkay iyagoo isku taxluujinaayo darbiga dheer, oo mid gaaban oo ku dhagana aanan fiirineynin. Ileen maba oga kan ku dhagan oo gaaban inuu yahay darbiga Isteeshinka Hodan.

 

Ciyaalkii waa u aamuseen, xariifkiina darbigii gaabanaa uu iiga booday -- dalaq saldhigii ma ii dhihinoo. :D Maskiin, habeenkaas wuu ku waaberiyeystay maadaama askarta joogto meeshaas ogaayeen awalba dad u boodi jiray Carwada oo ay soo qaban jireen.

 

Taloow Waaceynkaa intuu ku dambeyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Carwo Iidko iyo Laba-dhagax maxaa isku dhaweeyay, jeego dheere waaxid. Hadhoow uu ku leeyahay ciyaal xamar aan ahaan jiray, asoo marko iyo shalaambood beer ku fali jiray!

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Carwo Idko iyo Kasabobolare wey isu dhow yihiin. Ma ku taalo waan ogahay, cagtaan isla marinjiray. Wey isu dhow yihiin though. Xaafadaha u dhaxaysa jidka 30ka iyo kasabobolare ayaan ka hadlayaa. Dacaska ayaa iigaga dhamaaday xaafadahaas.

 

Ta kasabobolare u dhow ayaan ka hadlayaa. Alaabta warshadaha wadanka ayaa la soo bandhigi jiray. Anigu waxaan la yaabi jiray. Nin kun nal ee du saaran yihiin ayaa meesha soc socon jiray. Xayawaanka ayaa la daawan jiray, iyo fruitka ayaa la soo bandhigi jiray. I don't know if I remmember right but did they have bumpercars? Lets say it was a fun place for a family nights out.

 

Originally posted by Alle-ubaahne:

^^Carwo Iidko iyo Laba-dhagax maxaa isku dhaweeyay, jeego dheere waaxid. Hadhoow uu ku leeyahay ciyaal xamar aan ahaan jiray, asoo marko iyo shalaambood beer ku fali jiray!

 

smile.gif

Waraa Shalambood ha caayin. Dhulka ugu qurux badan wadankeena weeye. Waa jeclahay tuuladaas. Reer berahana iska daa, anigu geeljrenimadi waan ka daalay. Nabad ilaahay haduu wadankeeni noo keeno, beer yar baan iska falan doonaa.

 

My favorite towns in Somalia:

 

1.)Jowhar 2)Ceerigaabo 3)Marka 4)Kismayo, 5)Shalambood 6)Baydhabo 7)Hargeysa 8) Baladweyne

 

The rest are mediocre towns

 

The towns I wouldn't live in for a million bucks

 

1)GAALKACYO!!! 2) Burco 3) Laas Caanood 4)Dhuuso Mareeb(the name only does it for me)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa, widaayoow, also amusement rides ee ciyaalka ku ride gareyaan ayaa la keeni jiray, such as small rollers coaster, ferris wheels, etc.

 

Carwada Iidka mar aan Xamar 2003gii aan tagay ayaa sawirkaan kasoo qaaday, hada kahor inta soo giliye:

 

Xamar6.jpg

 

Ar maxaa xasuustaa waqtigaan camal ayee hooyadeen noo kaxeen jirtay dharka ciidda laga soo gadi jiray. Qeybta kore waxaa ku fidsanaa raagaga guryaha la dhigto oo iyagoo isku laaban oo dhaadheer saan u xasuusto.

 

Xamar10.jpg

 

Kan Shaneemo Kaasabalbalaare [aka Shaneemo Shuun].

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

MMA .. This invoked my vicarious memories about the area.. Who said hisory isn't interesting subject.. horaa loo yidhi "Wa tilka ayaamu nidaaluhaa beyna naas... waxay kale oo tani i soo xasuusisaa qisadii reer Saba.. Mahadsanid.. saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

I would really like to have a game of football on the beach in Xamar (showem how to play) :D that would be good :cool: maybe that what the wadaads were doing :D

 

ME, Burco maxaad usheegatey? Yaaba kuraba :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

And who said Somalis don't have a distinct architecture? Anyhow it will never be the same. The people made the city. Now itsa different city, unlesssssssss.

 

Hmmmmm how about a quota plan for the nation. That every city should atleats have 30% of its population from the 18 other provinces. So that people have to mix by law.

 

This can be done through building permits. People are not allowed to build houses in the provinces in which they are born. So that every generation has to live in a different province. Anyhow I am just blabing. Maybe it was shit anyway and I am just romanticising how xamar used to be like.

 

Thanx for the pics MMA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Salaam aleykum

 

Sorry to butt in this reminiscing session, but it took me back years. I remember Carwadii, we used to beg mom to take us there and when we get good grades at school, that was our reward.

 

About the best towns to live in somalia (the way it was):

Jowhar was at the top. We used to live in Snai Piazzo and if i ever heard 'heaven on earth', that was it. I loved Baraawe and its beaches too.

 

Will Somalia ever return to the way it was? I would like to think, that if given the chance, we could make it better place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this