Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Shariif oo booqday ciidamadiisa 'sawirro'

Recommended Posts

Maaddeey   

Waxaa saaka xayirnaa dhaq-dhaqaaqyada kale duwaanaa ee ka jiray Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynlay ee Gobolka Banaadir, ka dib markii xerooyin ciidan oo halkaa ku yaala uu Sh Shariif Sh Axmed Booqasho ku tegay.

 

Sh Shariif oo ay waheliyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG oo iskaashanaya ayaa saaka barqadii gudaha u galey Xaafado ka mida Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynlay, waxa ayna arintan saameyn ku yeelatey dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee rayidka ee Degmooyinkaas ka jiray.

 

Ujeedka tegitaanka Degmooyinkaas ee Sh Shariif ayaa aheyd booqashada xeryo ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ku jiraan oo ku yaala Degmooyinka uu saaka gaaray.

 

Intii uu halkaa ku sugnaa khudbooyin ayuu Sh Shariif ciidamadiisa u akhriyay waxa uuna kala Hadley Howlaha ugu igman yihiin iyo sidii u gudan lahaayeen.

 

Waxa uu ka codsadey inay ilaaliyaan anshixii lagu yaqaaney ciidamadii hore ee Soomaaliya, waajibka shaqo ee saarana sidiisa u gutaan, sida uu hadalka u dhigay.

 

Mar uu Saxaafada kala Hadley Ujeedka booqashadan, waxa uu sheegay inuu booqashooyin kale ku bixin doono xerooyin kale, ujeedkuna yahey sidii ciidamada u dhiiri gelin lahaa.

 

Horey ayuu sidan oo kale u booqdey ciidamo ugu xareysan Jaziira iyo goobo kalena, kalana Hadley sidii waajibka ciidan ee saaran u gudan lahaayeen.

 

Faahfaahino intaa ka dheeriya lagama hayo ujeedka rasmiga ah ee ku aadan, dhiirigelinta uu Sh Shariif ku wado beryahan danbe ciidamada, basle waxa ay ku soo beegmeysaa xilli fariisimo hor leh ka sameysanayaan qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale ciidamada AMISOM ee gaadhka ka hayay saaka Sh Shariif, gaadiidka gaashan ee ay wateen waxay ku dileen qof rayida 2 kalena dhaawac ayay u geysteen ka dib markii gaari rayid oo ay la socdeen jiirsiiyeen, sida wararka lagu helayo, waxa ayna arintan qeyb ka noqoneysaa dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidamada AMISOM ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

image0021.jpg

3.jpg

image004.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Maaddeey:

^^kursiga bannaan armuu ka kacay?
:D

Mayee isaguu u bannaan yahay!

 

Originally posted by Jacaylbaro:

When i read the "ciidamadiisa" in the title i thought it is AMISOM ,,,
:D

And it was not so maxaa kuu cad. Inuu ciidammo Soomaali ah leeyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxbaan ogahay dagaalki ugu xuma ba ka so socda Magaalada mogadisho , odaygi sharif intu dalxiisayee lacag farra badan iyo ciidan bu urursaday wana tijaabinaya waad arki doontan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Xaaji keligaa kuma tihid fikirkaas. Bilooyinka la soo dhaafey oo dhan bey isu dhaaranaayeen. Laakiin waanu arki doonaa waxa dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Shariif in that military dress, he looks one of the Ugandan or AU troops in Mogadishu.

 

War ninka dharka kasiibaa Afrikaanki ayuu kudhaxdhumayee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this