Sign in to follow this  
General Duke

Tacsi : Islaan Maxamed Islaan Muuse: oo Xalay geeriyooday

Recommended Posts

INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Islaan Maxamed Islaan Muuse: oo Xalay geeriyooday

Posted to the Web Feb 18, 07:13

 

islaanmaxamed.jpg

 

Garoowe:-Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhaxe ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Garoowe Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo in muddo ah ay liidatay xaaladiisa caafimaad.

Islaan Maxamed Islaan Muuse, ayaa ahaa Issim Caan ka ah guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaamada Puntland.

 

Islaan Maxamed Islaan Muuse, wuxuu ahaa Issin soo jireen ah oo aad da’wayn uguna da’waynaa Issimada Puntland.

 

Mar aan goor dhawayd soo maray guriga uu ku geeriyooday Islaanku ayaa waxaa ku xoonsanaa boqolaal dad ah oo wajiyadooda ay murago ka muuqatay iyo babuur aad u badan

 

Islaanka ayaa salaada Jimcaha kadib waxaa lagu aasi doonaa beer uu leeyahay mid ka mid ah caruurtiisa oo ku taala dhanka barri ee magaalada.

 

Taariikh nololeedka Islaanka dib ayaan idiinka soo sheegaynaa haddii Eebe ogalado

 

isimada_is_maxamed0.jpg

 

Reer Islan Maxamed samir iyo iman

Alle Janaaddii ha ka waraabiyo marxuunka. Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicun, ilaahay ha u naxariiistu Marxum Islaan Maxamed Islaan Muuse, eheladii u ka tagayna samir iyo imaan ha ka siiyo. Janadii fardowsana ka waraabiyo.

 

Amiin Amiin Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   
Innaa Lillaahi Wa innaa Illaahi Raajicuun. Illaahoow u naxariiso marxuumka, una dambi dhaaf, Samir iyo Iimaanna ka sii eheladuu ka geeriyoodey. Aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   
Inaa lilaahi wa Inaa Ileehi Raajicuuun.....Allah u naxaristo... ehelediisana iyo dadki uu ka tagey samir iyo iman Allah ka siiyo....amiin...!

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the loss of a great leader. Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. I am shocked and saddened by the sudden death of Islaan Maxamed. Ilaah ha u naxariisto, qaraabadiisan samir iyo iimaan haka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxaristo Islan Maxamad Islan Muuse - Nugaal region's traditional leader. His death is a double blow to the Nugaal community because of the recent loss of another leader (who was also the Islan's righthand man), Nabadoon Caydiid Cismaan Maxamuud (Soodhakhsade), who died less than a week ago (allaha u naxaristo).

 

Geeridu waa xaq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Garoowe (AllPuntland)- Aaska Islaan Maxamed Islaan Muuse oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ayaa si rasmi ah loogu soo gabo gabeeyay abaaraha 5:30 Xabaalaha ku yaalla bariga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

 

Aaska Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa waxaa kasoo qayb galay Isimo kala duwan , wasiiro ka socda dawladda, iyo dadwayne aad u faro badan oo kumanaan kor u dhaafaya kuwaasoo buux dhaafiyay laga bilaabo magaalada Garoowe ilammaa laga tago xabaalaha uu aasku kadhacay.

 

Aaska Islaan Maxamed Islaan oo lagu waday inay kasoo qayb galaaan madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysalwaasaaraha ayaa la sheegay inay u baaqdeen kadib markii la sheegay in waqtiga aasku uu yahay waqti aysan kasoo gaari karin.

 

Dadwaynaha kasoo qaybgalay aaska Islaan Maxamed oo ka kala yimid guud ahaan magaalooyinka iyo tuulooyina dawlad goboleedka Puntland ayaa waxaa wajiyadooda kamuuqatay murugo waxayna isku salaameyeen (Kullu Nafsin Daa'iqatul Mowt) .

 

Islaan Maxamed Mansabka uu dadwaynaha ka taagnaa waxaa ka marag kacay tirada dadwaynaha kasoo qayb galay aaskiisa oo isugu jira Isimo aad u badan iyo waliba dhammaan golaha wasiirada Puntland intooda kusugan magaalada Garoowe.

 

Aaska waxaa qaban qaabinayay guddi dawladdu usaartay oo uu hogaaminayy wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare.

 

Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi oo aan goob joog ka ahayn goobta aaska ayaa asagu wuxuu soo diray tacsi tiiraanyo leh , wuxuu sheegay in Isinku uu kabaxay Puntland oo dhan, wuxuu intaasi ku daray in gaar ahaan Islaanku uu u ahaa Macalin dhinaca dhaqanka iyo waxyaabo kaleeto.

 

Madaxwaynaha Puntland wuxuu sheegy inay jiri doonto saddex maalmood oo Islaan Maxamed Tacsi Qaran loo samayn doono isla markaana asagu qudhadiisu uu si dhaqso ah u imaan doono magaalada Garoowe.

 

Islaan Maxamed Islaan Muuse wuxuu ku dhashay dooxada Nugaaleed sanadkii 1921dii wuxaana xilka Isinnimada uu qabtay markii u qaan gaaray sanadkii 1936dii

 

 

Islaan Maxamed Islaan Muuse wuxuu ahaa Isin Muhiim ah oo dadka reer Puntland meel gaar ah kaga yaal , Isinka waxaa lagu xasuustaa dhismihii Puntland iyo nabadayntii Puntland

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee buu u dhacay Aaskii Islaan Maxamed Islaan Muuse?

Posted to the Web Feb 18, 20:06

 

 

Garoowe:-Allaha u naxariistee Islaan Maxamed Muuse oo xalay ku geeriyooday gurigiisa magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu aasay qabuure ku yaala duleedka Garoowe.

 

Aaska Islaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin aad u badan oo ka kala socda Maamulka Puntland, Issimada, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, Culimada Dinta, Ardayda, Ururada Bulshada, iyo dadwayne aad u badnaa.

 

Masuuliyintii ka soo qaybgashay Aaska Islaanka, waxaa ka mid ahaa madaxwayne-kuxigeenka DG Puntland Xassan Daahir Afqurac iyo guddi ka kooban Wasiiro oo maamulka Puntland uu u xilsaaray aaska Islaanka oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Wasaarada Dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga, Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Warfaafinta, C/risaaq Yaasiin Geesood, Wasiirka Isboortiga, Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiirka Qorshaynta, C/raxmaan Faroole, Wasiirka Arimaha guddaha Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Dad aad u badan ayaa ka soo qaybgalay aaska Islaanka oo ka kala yimid dhammaan Gobolada Puntland oo isugu jira Issimo, Nabadoono Waxgarad, Culimada diinta, iyo aqoonyahano.

 

Inta badan Issimada Puntland oo ay ka mid yihiin kuwooda ugu caansan ayaa ka soo qayglay Aaska Islaanka, Issimada Gobolka Mudug ayaa waxaa hogaaminayay Islaan Bashiir Islaan C/le, Issimada Gobolka Laascaanood waxaa hogaaminayay Garaad C/qani Garaad Jaamac, Issimada Gobolka Barri waxaa hogaaminayay Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Issimada Gobolka Nugaal Waxaa hogaaminayay Suldaan Siciid Maxamed Garaase. Iyo Issimada Cayn iyo Sanaag.

 

Culimada Caanka ah ee ka soo qaybgashay aaska Islaan Maxamed waxaa ka mid ahaa, Sheekh, C/qaadir Nuur Faarax Jeex, Sheekh C/risaaq Xaaji Aadan iyo Culimo kale oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland.

 

Ka hor intaan la aasin Islaanka ayaa waxaa lagu tukaday 2 rakcadood oo salaatu janaa’iso ah isla markaasna loo duceeyay Islaanka in ilaahay u dambi dhaafo isla markaasna u naxariisto.

 

Salaadu-janaa’isada kadib ayaa lagu aasay qabuurihii loo diyaariyay ee ku yaalay beer uu leeyahay mid ka mid ah wiilasha Islaanku dhalay.

 

Kadiib markii la aasay Islaanka ayaa waxaa hadalo kooban oo isugujira tusaale qaadasho iyo duco ka soo jeediyay sheekh C/qaadir Nuur Faarax Jeex, sidoo kale waxaa isna halkaas Islaanka ugu duceeyay Islaan Bashiir Islaan C/lle oo ka mid ahaa Issimadii ka soo qaybgalay.

 

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa isna si qiiro ku dheehantahay Islaanka ugu duceeyay, isagoo sheegay in wixii laga ducaysan jiray ay hadda isaga soo food saartay tasaoo uu ku macneeyay Suldaanku ceeb, “dadku waxay ku ducaystaan waxaa ugu badan Ilaahoow ceebtayada astur†aniga hadda waxaan ka baqayaa in ay ceebtaydu soo baxdo ayuu yiri isagoo ula jeeda geerida Islaanka.

 

Sikastaba ha’ahaatee Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa ahaa Issin magacwayn ku leh guud ahaan dalka Sookaaliya gaar ahaan Puntland, Islaanku wuxuu caan ku ahaa nabadjacayl iyo go’aan adag oo inta badan aan soo noqosho lahayn., Allaha u naxariisto Islaan Maxamed Islaan Muuse.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,FSoomaaliya

Contects:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this