Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Somaliland National Army anniversary

Recommended Posts

Jamhuuriyadda Somaliland oo soo bandhigtay Awood dheeriya oo Melleteri “Ciidamadda Qaranka oo u dabaaldegay 13 guuradooda”{Daawo Muuqaalka guud}

 

beebeyaasha%20iyo%20taangiyadda.jpg

 

Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay daaha ka rogay sida ay awooda dheeriya oo Melleteri ugu leeyahiin Geeska Afrika ,taas oo ay la yaab ku noqotay Shacab fara badan oo u daawasho tagay dhoolatus gaara oo ay sameeynayeen.

 

Ciidamadda Qaranka Somaliland oo u dabaaldegayay Sanad guuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ayaa soo bandhigay boqolaal gaadiid ah oo jiidayay Madaafiicda waaweyn ee goobta dagaalka loo yaqaan laguna duqeeyo goobaha fog fog sida BM-yadda,waxaa kale oo ay Ciidamadda soo bandhigeen beebeeyo cusub iyo tikniko dagaal oo aad u fara badan.,kuwaa oo aan dhamaantood ahaa tikniko cusub oo aan ka mid ahayn kuwa Jiidaha Dagaalka iyo Soohdima dalka uga jira difaaca.

 

Kumanaan ka tirsan Ciidamadda Melleterigga Somaliland ee sanadkaan tababarka soo dhamaystay ayaa dhoolatusyo ka hor sameeyay Xaflad loogu dabaal degayay oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Sare ee Somaliland iyo kumanaan shacab ah.

 

Ciidamadda ayaa shacabka Somaliland u bandhigay nuucyadda kala duwan ee hubka ay u haystaan iska caabinta dhulka,Cirka iyo Badda ,hadii lagu xadgudbo xaduudaha Soomaaliland la wadaagto Maamuladda kale sida Puntl

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Reyale Kahin oo ka hadlay Xafladda loogu dabaal degayay 13 guuradda Ciidanka Qaranka Soomaaliland ayaa qaab farxad lagu laray ugu jeediyay khudbad xamaasad huwaneed ,isagoo siiyay balanqaadyo dheeriya oo lagu dhisayo dhinacyada adeegoodda Ciidamnimo.

 

u_2d_2007-2-3-13-51-31f_hhhhhhhhhhhhhhhh

 

“Ciidamadda Somaliland waa kuwa dhisan Maskax ahaan,niyad ahaan iyo tababarba ,waxaana muhiima inaan sheego in Ciidamadda Mushaaraadkoodda la kordhin doono ,sidoo kalana sare loo qaadi doono awoodooda gaashandhig ,iyadoo lagu soo biirinayo wax alaale iyo wixii ay u baahan yahiin” ayuu yiri Madaxweyne Reyaale oo khudbad dheer ka jeediyay Xafladda 13 guuradda Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Dhoolatuska ay Sameeynayeen Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa dad badan shaki geliyay waxaana aad la isu waydiiyay durba halka Somaliland ka heshay hubka cusub ee leh nuucyadda kala duwan,waxaa kale oo ka qaybgalayaasha xafladda ay aad uga maqsuudeen Riwaayado goos goosa iyo heeso ay soo bandhigeen Ciidamadda Somaliland kuwaas oo lagu cabirayay xaaladaha guud ee ka jira Geeska Afrika.

 

u_2d_2007-2-3-13-49-53f_gggggggggggggggg

 

Xafladda loogu dabaaldegayay 13 guuradii ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland waxaa ka soo qaybgalay Madaxda sare ee dalka Somaliland kuwaas oo laga tilmaami karo Madaxweyne Reyaale,Wasiirka Gaashandhigga Aadan Waqaf,Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani,Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID Inj Faysal Cali Waraabe,Ku simaha Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee Kulmiye Saalax Nuur Fagadhe iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland.

 

Marka la isku soo duubo sheekadda dhoolatuska ay Sameeyeen Ciidamadda Qaranka Somaliland waa mid beesha Caalamka tusinayo muuqaal baaxad wayn oo horseed u noqon kara qiimeeyn gaara oo lagu sameeyo saamaynta gaashandhig ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wel ahmed we are from galbeed from axum From awdal my name is sharif seylaci i am from seylac

 

The shaik is from sanaag mait u know thats all 2 it

 

And the imam was one of us marka magaca noo dhig

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

^^^ you mean clan army you **************........

:mad: MEY ALLHA stop your devlish work

:mad:

__________________

 

Respect others, baliis

 

[ February 06, 2007, 01:06 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^Lol@************..

 

Ma sidaasaad Soamliweyn ku doonaysaa saaxiib.

 

[ February 06, 2007, 01:07 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by nabadshe:

Tell me How by giving xaal to Riyaale after he jailed their their sons and squandered their meager government revenue.

Cmoon give me a break.the other thing is about the link you posted in there , aniga maxaa igatusi maro gubanaysa. or does that potray somalilnd smartness. wallee waxaa tahaiy kuwa riyaale xaal dadka ugasoo qaada.

JB,Nabadshe as I understand is from Somaliland as well,he has the right to crtize him.

 

The weapons.whoooh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

If rayaale weren’t the president, this country would have been 10 times better. Rayaale amaan male waa jaahil laakiin the people of Somaliland elected him and he has the rights to govern. At the same time we, the civilians, have the rights to criticize him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ex-xisbiga, Somalia is awash with weapons , something that was clear to everyone. I don't understand your aim of posting [octogenerian] few tanks given to us to kill one another. I very much doubt that they can be driven to several miles.

 

You have to understand the Rayale governor uses them for the protection of his palace from the possibility of sub-clan attacks.

 

Remember in Mogadishu, the 77 military base was left unscathed with thousands of tanks by the former regime after its troops disintegrated and clannish war took on high toll. People of Cadado captured it as I do remember and occupied there for a while.

 

As I also remember, four of these BMs were based in Xingalol, DamalaXagare in Sanaag region. I think they are still there and maintained by the locals. One of them was probably sold.

 

Weapons are every where.

See the full picture

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Caamir,maa saas buu Ilaahay kugu ogyey?

 

Qoodhiin iyo xeradiin,inanka ubax ku daadiya,he said like it's.

 

Inkastoo aanu dhib badan aanu lahayn oo usacabeeyo markii Tanks iyo diyaradihii Xabashidu ay duqaynayeen Xamar. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caamir, Somaliland people are those who defeated Siad Barre's strong army and they know how to manage themselves ,,, if you stll don't realize that then you need helpl.

 

May be you are talking about 20 years ago but there is nothing in Xiingallo and Dabalaxagare now ,,,,,, it is just a desert with no BMs ,,,

 

 

You need to realize that you failed in somaliland and the region is gone for good ,,,, just realize then continue saving the rest you have now ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

berbera9.jpg

In dagaal dhammaadaa qofkii doqoni moodaaye

Nin da'weyni waa garan qabyada diillimaa hadhaye

Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye

 

Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene

Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane

Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe

 

Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye

Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero

Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso ....

- Qaasim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkiinii dayraa markii aan isku duudqaado

Haddaad dayr rimaysiyo haddaad been durdurinayso

Dabalaay inaad gugan dhashaa taladii loo daystay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hebelow laguu sheeg

ummaddaad hankeediyo

hilbaheeda gada taa

hiilka kaaga baahnayd.

 

Hawsaryohow gurxamayaa

caku halalacdaadivo

habar wacashadaadee

ku hawirantey meeshaad

haab haabanaysee

kor u qaad hinaasaha

dadka haybi weligaa

hilimmadana kala baro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this