Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Somaliland National Army anniversary

Recommended Posts

M/weyne Rayaale oo ka qayb galay 13-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Qaranka

 

M/weynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka qayb galay xuska 13-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Qaranka Somaliland.

 

munaasibad aad u balaadhan ayaa lagu qabtay xarunta ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa taasi oo ay ka soo qayb galeen,shir-gudoonada golaha wakiilada,wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka qaranka ee kala duwan iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Md Nuux ismaaciil Taani ayaa sheegay in xaalada ciidanka ee waqtigani ay tahay mid aad u fiican isla markaana ay u heleen siminaaro badan si buu yidhi aanu kor ugu soo qaadno aqoontooda ciidan. waxana uu taliyuhu sheegay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan howsha qaran ee sugaysa isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca dalka.

 

wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Aadan Maxed Mire waqafa ayaa isna dhinaciisa ka sheegay in ciidanka qaranku ku sugan yahay 55 goobood kuwaasi oo ay howshoodu si fiican uga socoto waxa kale oo uu sheegay in ay sanadkan rajaynayaan in ay kor usoo qaadaan aqoonta ciidanka si ay ugu fududaato ayuu yidhi howsha ay qaanka u hayaan.

 

M/weyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa isna hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu si wayn ugu mahad naqay ciidanka Qaranka oo uu ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray difaaca dalka, gaar ahaan waxa uu carabka ku dhuftay kuwo jooga jiida Hore ee Adhi-Cadeeye oo uu sheegay in xamileen xaalad kasta oo la soo gudboonaata, waxa kale oo uu M/weyne Rayaale sheegay in haatan ay diyaariyeen darajooyinkii isla markaana ay dhawaan bixin doonaan, waxana uu sheegay in markii hore uu qorshuhu ahaa in ay horanta sanadkan bixiyaan balse ay dib ugu dhigeen in ay mar israaciyaan kuwa ciidamada qaybahooda kala duwan.

 

waxa iyana goobtaasi heeso iyo masrixiyad ku soo bandhigay qaar ka mida fanaaniinta qaranka.

 

 

 

normal_DSC00172.JPG

normal_Picture_115.jpgnormal_DSC00164.JPGnormal_DSC00190.JPGnormal_DSC00176.JPGnormal_DSC00158.JPGnormal_DSC00122.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

mmmmmmmmmm i dont think they should expose these weapons publicly coz A/Y will come to get them. i guess it would be wise to bury them in a secret locations only known to the northerners!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

The display of this weapons boggles my mind. Why now. Remeber riyaale ran faster than a cheetah when puntland militias confronted him in laas caanod. By the way i heard that the army that was at adhi caddeeye have now moved to caynabo with orders from meles. I think its high time that somaliland ppl get smarter and wise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Tell me How by giving xaal to Riyaale after he jailed their their sons and squandered their meager government revenue.

Cmoon give me a break.the other thing is about the link you posted in there , aniga maxaa igatusi maro gubanaysa. or does that potray somalilnd smartness. wallee waxaa tahaiy kuwa riyaale xaal dadka ugasoo qaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Coz we respect our leaders and don't fight in functions ,,,, he is the president and he deservs more than Xaal ,,,,,,,,,,,, you think we're smarter when we take guns and fight ? Destroy a country and kill innocent ppl coz 2 persons are jailed ?? ,,,,,, that is the sick mentality that destroyed the south that needs to be treated ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Madaxweyne Ushaanu Kuu Dhiibney Hanala Dhicin

Ahmed Haji Yussuf Dualeh — London, UK — 2 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Waxan khaati billaahi ka joogaa dadka reer Somaliland ee ku dooda Guurtidaa halkaa ina soo gaadhsiisey.

Waxan rumaysnahay waxa halkaa ina soo gaadhsiiyey Rabbiga Qaaddirka ah, mahadna waan u celinayaa

Waxan Ilaahay weydiisanayaa inuu bay-lahda Shacabkayga Miskiinka ah Awdo oo dhowro

Waxan ka xumahay in maanta dadkaygu kala garanwaayo sax iyo qalad,

Waxay Somaliland ka meel-mari weydey odayaal aan waxba lagu odhan karayn ood moodo in dadkuba iyaga CAABUDO.

Waxa ayaan darro ah in wixii dagaal iyo dar-xumo soo maray aan waxba lagu qaadan

Waxa qaadan waaya in ninka dhowna mad-madow loo sameeyo ninka dheerna ceebtiisa la' asturo oo la'dedo.

 

-WAXAN GARAWSHIINYO BUUXA KA OGOLAHAY COD MAAN BIXINE' SACAB-TUNKII NIMAAN GARAADKIISU KAA LEEXINAYN, GARNA KAA QAADANAYN, GURINA AAD LA' JOOOGTO, GASIINA AAN KA TEGAYN.

 

Khaladka reer Somaliland wuxuu ahaa soo jireen wuxuuna ka bilaabmay Gobanimadii amaahda loo bixiyey 1960kii, waxa xigtey SNM oo isqabadkeedii ay ku lumisay waxay doonaysey iyo waxay u dagaalantayba wuxuuse dabarka goostay waa khaladka e' markuu Ina Ibraahim Cigaal ka laaluush bixiyey inuu Daahir Riyaale loo doorto Madaxweyne kuxigeenkiisa Guggii 10aad (1997), dadafeeyeyna Mujaahid Muxtarim C/raxmaan Aw Cali Faarax sidaana uu ku war geliyey xulafadiisii Sh Ibrahim sh Madar, Cabdi-waraabe iyo ina Sh Nuux Furre.

 

Iyadoo wixii dhacayba dheceen ayaan hadana weli la' dareen sanayn waxa dhacay iyo maxay u dhaceen ee waxa lagu ilaawaa mid kadaran iyo lama filaan markaasaa lagu weehdaa raqda iyo raadka, waxa ugu badan ee dadweynuhu kaga jawaaba waxa weeye DASTUURKA YAAN LA' JIIDHIN, SHARCIGA HA' LA' ILAASHO, XUKUUMADU KHALADKA HA' DEYSO, MUSUQ-MAASAQ BAA INA CAMMIMAY iyo TOTAL BAA INA YEELATAY, Golaha Wakiiladuna doodo aan laga hoos qaadin iyo xeerar aan la'deyeyn ayay ku rundudsadaan, markaasu yidhaahda waa Madaxweynaha e' guddi baan u saarayaa waxna kama soo noqdaan dibna laysuguma soo noqdo e' wax tegey baa laga dhigaa.

 

Talooyinka kasoo yeedha Bulsh-weynta reer Somaliland ee tudhaalaha ku gadaaman waxuu u qaataa calaa-cal iyo catow Madaxweynuhu, nin badheedhayna waxaasu ma' damqaan, bal waxaabuu kusii ogaadaa taag-daradaada, dareen la'aantaada, damiir-xumada waayeelkaaga, dayaca nin-doorkaaga, doqoniimada mutacalimiintaada, iyo ded-naanta Shacakaaga, wadhiyeey wadhi.

 

Hadaba intii dhacdoba dhacdo lagugu ilowsiinayey riwaayado ayaad iskaga jirteye' maanta ka quuso wixii la' odhan jirey Somaliland waxa kala iibsadey Daahir/Baadin Riyaale iyo Shir gudoon guurti ku sheegga CABDI-WARAABE & AXMED NUUX FURRE waana kuwa 16 kaa sanadood halkaa inagu hayey ee markaynu madax qaadnoba laynoo dalbado siday inoo qaboojiyaan illayn waa DAB DAMISKIIYE' hadaan iska baal maro wixii hore tan maanta dhacday waa lama qaataan waxayna tahay sidan.

 

Wuxuu u yeedhay Daahir Riyaale LABADII SANAM EE MIDNA INOO XADIISI JIREY MIDNA QASAA-IDKA INAGU MURQAANSIINJIREY, wuxuu u dhiibey 2 nin magacyadood iyo wixii ay uga barteen markuu dan ku fushanayo wuxu ku yidhi ii soo magacaaba labadaa nin si ay kumishanka u galaan oo ay u noqdaan labdii Guurtidu magacawday, waxay ugu jawaabeen ma' intaa hayye' haawraarsan madaxweyne, labada nin mid ahaan waa la' ogaa shirkii balaadhnaa ee Mareykanka lagu qaban jirey looguna ololaynayey aqoonsiga Somaliland waa ninkii shirka jaraa' id kadaba qabtay ee yidhi ma' jirto wax Somaliland la' yidhaahdo waana ninka la' yidhaahdo MAXAMED CABDI XAAMUD NEYN (NINE). Kamana foga in C/hi Yuusuf ku soo talo bixiyey, ninka lagu bedeleyna waa halyeygii qaaliga ahaa ee Axmed Xaaji Cali Cadami Rabbigay dembigiisa ha' dhaafo, ninka 2aadna waa Muuse madoobe waa ninkii la' ogaa Gobolkuu kumishankii hore u wakiishay sadax laabay codadkii kasoo baxay.

 

Waxan idin odha lahaa waar bi, i waaya e' ka daaya dadka iyo dalka waxaa ku wadaan.

Waar dalkan iyo dadkan lagaa laaluushayo lagaama laha e' qaado waxa lagu siiyey hadaad hungurootey, wax walbana yaan lagugu deyin oo lagaa fushan magiciin be'ye'

 

Adeer Cabdi waraabow Awow ina Shiikh Nuuxow miyaaydaan yax-yaxayn Ilaahay miyaydaan aqoonin waa sidee arinkiinu?

Awow ina Shiikh Nuuxow Adeer Xaaji cabdow bal cimrigaad joogtaan qiyaasa bal cimmaamadaad sidaan yar eega

Adeerow Awoowow iIlaah baan kugu dhaarshee bal ammaanadii ummaddu idiin igmatay xasuusta, maah-maah Carbeed baa tidhaahda NIN LA' AAMINEY MA' NABAD GELIN.

 

Su'aashu waxa weeye ma' mr NINE baynu CADAMI dhaafsanaa??? jawaabtu waxay u taal Shir Guudoonka Guur-tida, Shacabkuse' waxay leeyihiin maya maya maya ha' ladiido ha' lays hor taago oo Wakiiladow maanta dalka ku guntada idinkoo dhan oon is kala saarin UDUB, UCID iyo KULMIYEBA. Hadaay taasu u suura gasho ka quusta tacabkii iyo halgankii qadhaadhaa, wey cadahay labadan nin iyo 3 sadexda uu isagu soo wato ayaa ku dhawaaqaya doorasho ma' qabsoomayso tii Guurtidana waa ogeydeen waxa ugu horeeya ee la' quudhsanayaana waa idinka dadkii idin doortayna way idinla' yaabanyihiin, (NACASNA LOO SHEEGI MAAYO NIN RAGGINA WAA OGYAHAY) C/hi Yuusuf baana lagu sugayaa ninkaad Madaxweynaha u quudhayna wuxuu ka door biday BADHA-SAAB u jooga C/hi Yuusuf Hargeysa laaxin laga goyn maayo.

Murti baa tidhaahda NINKAAN WAXA SOO SOCDA GARANI WAXA JOOGANA MA' YAQAAN.

 

Golaha Wakiilada waxan leeyahay mar labaad diida oo dhamaantiin tobaneeyo mooyee is hor taaga wuxuu adduun idiin keenona ka qaata waxna yay uga cabbin, hadii aydaan sidaa yeelin oo is hor-taagin HADA OGAADA ASKARTII IDIN QABQABAN LAHAYD IGA DHAAR DACALADIINUU KA QORTAA MR CABDULLAAHI YUUSUF.

 

Waxan ku daray anigu waxan ahaa ragii u sacab tumayey inuu Daahir Riyaale noqdo madaxweyne mana aqoon ina-adeerkay baa igu yidhi waa nin daacad ah waxan markaa is idhi waar madaxii wixii nool way ka badan reer Shiikh e' ninkan qudh iyo qabiilba niyad wanaag tusa illeyn waxaan ku doorto oo u horeeyey may jirine', wuxuu noqday ABAAL MA' MAGE', AAFA ABUURE, ERAY KUUMA DHEHE', ARRINKAA MA' FUSHE', iyo ADDIMADIISA HORTOODA ARAGIISU MA' DHAAFE'.

Wuxuu urursaday wasiiro lagu dallacsiiyo oo lagu ammaano siday u kala cay badan yihiin, siday dadweynaha ugu kala naxariis daranyihiin, iyo saday u kala hanti boob/keen badan yihiin. Waxan is weydiiyaa mararka qaarkood waar ninkanu muslim ma' yahay, waayo waxan aakhiro lagu sheegay ee wadnuhu fugtaa na' hayo miyaanu maqal? miyaanu ogeen wiixii rag xoog iyo xooloba ka roon halkay ku dabeeyeen? miyaanay mas-uuliyadu waxba ku kordhin? miyaanu beer iyo wadne lahayn? miyaanu madaxweynuhu ubad-kiisa jeclayn???.

 

Waxan leeyahay reer Somalilandow waxba yay dhulka idinka gelin wax alla waxaad maanta gelisaan waxay idiin kordhinayaan fulanimo iyo ka faagasho xaquuqdaada.

 

Midna aan idhaahdo nimanka tobaneeyada ah ee kalsoonida haysta iyo ciddii kale ee uu wax ka dhegaysto madaxweynuhu, goor aan fogeyn waa laydin weydiinayaa waxaad fulinaysaan oo hadii aan aadanuhu idin weydiin, Wallee Eebbeydaan ka baxsanayn.

 

Madaxweynahana an halkan eray u mariyo talo ah, waxan leeyahay mr madaxweyne anigu markaan kuu sacab tumayey ismaynaan arag, kumaan aqoonin, kumana caashiqin, ogoy kugumana riyoonin intaan kuu idhina waad ogeed UDUB waynu kuwada jirnaaye' an mid ku idhaaahdo " waad leexatay oo in dhoweyd khalad baad ku waddey ee kadaa, ka noqo, oo ka joog. ( RAGOW KIBIRKA WAA LAGU KUFAAYE' KAA HA' LA' OGAADO ). Waxad kaloo ogaataa sidaad modey noqon mayso, murti baana tidhaada DAACADI MA' HUNGOODO, waayo Ilaahayga Qaaddirka ah baa daacadnimadeeda ugu hiiliya.

 

Waxan kuugu daray madaxweyne Yuusuf Cabdi Gaboobe maad legdin kamanaad adkaan adiguye anaa kuu laba dibleeyey libi-na kuuguma jirto xabsi ku hayntiisa ee iska sii daa isaga iyo inamada la' qoolanba, maan moodayn arrinku inuu hakaa kaa gaadhey waanse ogaa inaanad dulqaad badan lahayn, waxan leeyahay Madaxweyne hanala dhicin ushaanu kuu dhiibney NABSIGU MA'FOGA E'

 

Somaliland ha' noolaato, ammano Alla,

Ahmed Haji Yussuf Dualeh

Xubin gudida fulinta udub UK isla markaana ah

East London UDUB Chairman

huluulyare@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

'dhirbaaxada Haatuf Wax Looga Dan Leeyahay Inay Inta Kale Ku Quustaan' Dr. Maxamed Cabdi Gabboose'

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 2 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Siyaasiyiinta kala duwan ee Somaliland iyo qaybaha bulshada ayaa maalmahan si is daba joog ah uga hadla xadhigga saddex Suxufi oo ka tirsan Wargeyska Haatuf, kuwaas oo muddo bil ah ku xidhan xarunta Taliska CIDda Hargeysa, iyada oo loo haysto arrimo uu wargeysku qoray.

 

Siyaasiyiin door ah oo uu ka mid yahay Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE ayaa maalmihii la soo dhaafay si adag uga hadlay xadhiga suxufiyiinta Haatuf, iyada oo xisbiga KULMIYE guddidiisa fulintuna uu hadal qoraal ah ka soo saaray xadhiga suxufiyiintaas, iyada oo dhammaantood xadhigaas ku tilmaamay mid si toos ah uga soo fuley Madaxweyne Riyaale, ayna u arkayaan aargoosi iyo cabudhin badheedh ah.

 

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isagu ah siyaasi Madax bannaan ayaa ugu dambeeya siyaasiyiinta iyo dadka arrintaas ka hadlay.

 

Dr. Gaboose qoraal dheer oo uu caawa saxaafadda u qaybiyey waxa uu sheegay in madaxweyne Riyaale uu seegay dhawr dariiqo oo u bannaanaa inuu ku xallilo arrinta isaga iyo Haatuf u dhexaysa, taasina ay markhaati cad u tahay keli talisnimo uu Madaxweyne Riyaale jidkeedii cagta saaray. Qoraalka uu saxaafadda u qaybiyey oo dhammaystirana waa kan:

 

“Somaliland waxay dooratay inay ku dhaqanto hab-nololeedka Dimoqraadiyadda ku salaysan diintooda iyo dhaqankooda suuban, iyagoo xasuusan burburkii iyo barakicii laga dhaxlay xukunkii keligii-taliska ahaa ee Siyaad Barre. Dimuqraadiyaddu waa wadatashi iyo go’aan wadareed ee bulsho meel ku wada dhaqan oo leh xeerarkeeda.

 

Dalalka horumaray, dimuqraadiyadda waxaa ilaaliya hannaan ku dhisan hay’ado Qaran oo kala madax bannaan, iskuna dheelli-tiran oo midba midda kale ay ilaaliso, kuwaas oo kala ah Waaxaha Garsoorka, Sharci-dejinta, Fulinta, Saxaafadda, Axsaabta iyo Hantidhawrka Guud.

 

Diktatooriyaddana go’aamadu waa rabitaanka qofka talada haya, isagaana ka sarreeya xeerarka iyo dastuurka. Muraayadda bulshadaasina waa isaga oo keliya, waxaana ilaaliya ciidamada wax cabudhiya, sida Nabadsugidda, Hangashta, Dhabar-jebinta, Guulwadayaasha, CID-da, Garsoorka iyo dhammaan xoogagga kale ee Qaranka.

 

Xukunka Madaxweyne Rayaale isagoo leh saansaantii Keli-talisnimada ayuu si badheedh ah horay ugu curyaamiyey hay’adihii qaranka ee loogu talagalay inay iskaabaan, isna ilaaliyaan, haddana wuxuu u soo jeestey in la cabudhiyo saxaafadda, iyadoo dhirbaaxada Haatuf looga dhan leeyahay inay inta kale ku quustaan.

 

Saxaafadda xorta ah waxa loogu talagalay inay kaalin libaax ka qaadato horumarka dalka, iyadoo dadweynaha u sheegtay RUNTA (Dhaqan, dhaqaale, siyaasad, cilmiyeed) ee ka jirta dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba: - Runtu iyadaa ah Macaan iyo Qadhaadh meel ku wada yaalla.

 

Lama inkiri karo in saxaafaddu ay khaldami karto, iyadoo dhaawici karta karaamada iyo danaha shakhsi, bulsho ama qaranba. Hase yeeshee, si ay saxaafaddu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo, lehna damiir wanaagsan (ethics), xorna ah, loona kobciyo waxtarkeeda, loona yareeyo waxyeeladeeda ayaa waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga hirgeliyey Xeerka Saxaafadda, kaas oo leh tilmaamihiisa iyo ciqaabihiisaba, tahayna waajib dastuuri ah in la xurmeeyo ku dhaqankiisa.

 

Waxa habboonaan lahayd in haddii ay damaqday Madaxweynaha iyo qoyskiisa xogtii Haatuf ka qoray, inuu kala doorto:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this