Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Somaliland National Army anniversary

Recommended Posts

Xargaga   

SO, DEE soo qoiyso ilayn berrina adoo halkaa sacabka tumaya ayaa C/Y lagudul keeni. markaa sxb oday C/Y isagana kadambee you never know he is conversing with riyaale on the phone as we argue. you also know well that they are both good sons of Meles Dont you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalis never change ,,,,,,, and never understand

 

Waar heedhe A/Y is the president of Somalia and i respect him on that ,,,,,

 

Rayaale is My president and he has my full respect and support ,,,,

 

 

I don't give a Sh!t if they converse on da phone coz they can talk and discuss issues ,,,

 

As long as i've my own government and my children are going to school then i support ,,,,, once they start targeting my peace and stability then they've my bullets on their head ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Aqoonyahano Cabdiqaadir Jirde Ku Taageeray Saluugii Uu Ka Muujiyay Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya

Geeska Afrika — Hargeisa, Somaliland — 03 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa(Geeska)- Aqoonyahano sare oo u dhashay Somaliland oo ku nool qurbaha, ayaa taageero u muujiyay naqdi uu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ku dhaliilay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo weliba siyaasadda dibadda ee Somaliland.

 

 

Md. Jirde ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay toddobaadkan Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu si qoto dheer ugu faaqiday xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo uu tilmaamay inaanu ahayn mid isu dheeli tiran.

 

 

Aqoonyahanadan oo kala ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacadda University of London, School of Education ee dalka Ingiriiska, Bashiir Good, oo ah suxufi reer Somaliland oo degen dalka imaaraadka Carabta iyo Faarax Cali Jaamac oo isaguna ah qoraa degen dalka Kanada, waxa ay dhammaantood tilmaameen in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya dhinac ka raranyahay, iyaga oo islamarkaana aragtiyahooda ka dhiibtay wada hadalo la damacsanyahay in lagu kulansiiyo Somaliland iyo dawladda imbigaati.

 

 

Ugu horayn Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Wargeysku la xidhiidhay isaga oo hadda ku sugan magaalada London waxa uu yidhi, “Waraysigii uu bixiyay Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde oo ku soo baxay wargayska Geeska Afrika wuxuu shacbi waynaha Somaliland u soo bandhigay khatar siyaasadeed oo muddo dheer taagnayd, laakiin hadal haynteedu ku koobnayd aagaga siyaasada iyo indheer garadka Somaliland oo kaliya. Isagoo ka duulaya xilka xildhibaanimo ee uu shacabka u hayo ayuu mudane Jirde si buuxda bulshada ugu tilmaamay arrimo ay ka mid yihiin xidhiihdka ka dhaxeeyay Ethiopia iyo Somaliland iyo wadahadalo la damacsan yahay inay dhex maraan Somaliland iyo dawlada loo dhisay Cabdillaahi Yuusuf iyo saamaynta arrimahaasi gud ahaan ku yeelan karaan qadiyada reer Somaliland.

 

 

Sida uu sheegay Mudane Jirde, xidhiidhka ka dhaxeeyay Soomaliland iyo Ethiopia waa mid aan isku dheeli tirayn oo aanay caddayn waxa uu ku salaysan yahay. Ethiopia waxay ka heshay Somaliland deked ay isticmaasho, wadashaqayn xaga nabadgalyada ah, ina aanay Somaliland ka jawaabin weererka dhulbalaadhsiga ah ee lagu hayo, in saraakiisha Ethiopia hayaan xogta ciidanka Somaliland iyo in Ethiopia ka war war la’aato in dhinaca Somaliland col kaga yimaada.

 

 

Somaliland wax badan kamay macaashin xidhiidhikan. Marka laga reebo xaga nabadgalyada xadka oo aan qabo inay labada geesba dan u tahay, waxay Somaliland heshay wakiilka ay ku yeelatay Addis Ababa, madaxa Somaliland oo si fiican loo qaabilo markay tagaan Ethopia iyo diyaarada Ethiopian Airlines oo timaada Hargeisa. Inkastoo xidhiidhkani waxtar dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyaasadeedba u yeelan karo Somaliland, waxaa la filayay in wax-isdhaafsigu intaa ka qoto dheeraado kana mug balaadho gaar ahaan ka xaga siyaasada.

 

 

Waxaa jira waxyaabo badan oo sababo u ah in xidhiidhkani u keeni kari waayay Somaliland guulo dhanka siyaasada ah ilaa hadda. Ethiopia waa dal wayn oo dadkiisu ay gaadhayaan ilaa 75 milyan oo qowmiyado kale duwan ka soo jeeda, kuna hoos jira xukun adag oo dadku aany jeclayn. Hadaba, haddii Somaliya ay ka dhalato dawlad xoog wayn oo aan gacan saar la lahayn Ethiopia, waxay arrintaasi keeni kartaa in jabhado mucaarad ku ah xukuuumada jirta ee Ethioipa oo hubaysani ay saldhigyo militari ka helaan Somaliya. Taasina waxay keeni kartaa burbur deg dega oo ku yimaada dawlada Meles Sinaawi. Jabhadahaasi fadhiisimo istaraatijiyadeed kama heli karaan Somaliland dhawaanshaha ay u dhawdahay Ethiopia awgeed. Sidaa darteed Ethiopia waxay doonaysaa inay xidhiidh sokeeye oo ay iyadu gacanta ku hayso la yeelato dawlada kast aoo ka dhalata Somaliya. Aqoonsiga Soomaliland ay aqoonsataana wuxuu ka horimanayaa ulajeeedada Meles ee xuxkum haysashada.

 

 

Arrintaasi maaha arrin Somaliland kalideed wax ka qaban karto. Wuxuu xalku ka iman karaa iyadoo Ethiopia ay ka dhalato dawlada dadku soo doortay oo dadkeedu la xisaabtami karo oo aan ka warwar qabin mucaarada xoog leh oo rida, nabadgalyana ku soo dabaali karta gobolka geeska Afrika. Waxaa kaloo muhiim ah in Somaliland side mudane Jirdaba taabtay ay baadigoobto wadamo kale oo xidhiidh sokeeye ay la yeelan karto oo dana laba geesood ahi ay dhex mari karaan Somaliland.”

 

 

Dr. Maxamed Cumar oo ka hadlaya wada hadalo bulshada caalamku damacsantahay inay dhex maraan dawladda Somaliland iyo dawladda Imbigaati waxa uu yidhi. “Dhinaca kale, wuxuu xildhibaan Jirde ka hadlay wadahadalo mudaba la hadal hayay oo la sugayo inay dhex maraan xukuumada TFG da Somaliya iyo Somaliland. Waan la qabaa warwarka uu arrintaa ka muujiyaya mudanuhu. Waxayse aniga ila tahay in Somaliland ay bilawdo siyaasad lamaan oo ku jahaysan lama geesood. Waa ta hore, waa in Somaliland ay wadamada afrikaanka iyo caalamka ay ka codsataa inay si rasmi ah u soo dhexgalaan arrinta Somaliland iyo Soomaliya iyadoo laga duulayo in Somaliland iyo Somaliya yihiin laba dal oo kale duwan oo kawada hadlaya xidhiidhkooda mustaqbalka iyo sidii loo kale guri lahaa waxii ka dhaxayn jiray. Heshiiskaasina aanu noqon arrin u gaar ah labada geesood oo kaliya ee bulshada caalamku ay goob joog ka noqoto.

 

 

Geesta kalena, waxaa loo baahan yahay inay Somaliland bilawdo xidhiidh siyaasadeed oo qorshaysan kuna jahaysan beelaha awooda ku leh koonfurta Soomaliya oo lagala hadlo hindisayaasha cadaawadnimada iyo khiyaamada leh ee Cabdillahi Yuusuf iyo xulafadiisu wadaan, oo ka dhan ah shacabka Somaliland iyo ka Koonfurta Soomaliyaba, lana hogatusaaleeyo waxtarka uu qaran Soomaliland oo ka mid ah bulshada caalmanku u yeelan karo badigoobka ay ugu jiraan inay helaan xukun nabadgalyo iyo awooda siyaasada dhulkooda oo gacantooda soo gasha.”

 

 

Bashiir Sheekh Cumar Good, oo isaguna ah suxufi reer Somaliland ah oo degen dalka Imaaraadka Carabta islamarkaana ah Tifaftiraha Shabakadda Awdal News, oo Geeska Afrika la xidhiidhay isaga oo jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay su’aal uu Isweydiiyay oo ah Ma laga yaabaa in Itoobiya u diga rogato dhinaca Soomaaliya sidii Midowgii Sofeetku (Soviet Union) ugu diga rogtay dhinaca Itoobiya sannadkii 1977?, waxaanu ku xigsiiyay oo uu yidhi, “Dhab ahaantii arrimo badan oo loo baahnaa in banka la soo dhigana ayuu ku iftiimayey Md. Cabdilqaadir Jirde waraysigii uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxa mar walba loo baahan yahay in la xusuusnaado in dantu ay hagto xidhiidhka ka dhexeeya waddamada.

 

 

Xidhiidka laba dal ka dhexeeya mararka qaarkood wuu dheeli tiran yahay oo dalna dalka kale kama maarmo, mararka qaarkoodna dhinac buu u dheelisan yahay oo labada dal midbaa si xoogle ugu tiirsan ka kale.

 

 

Markaa anigu waxan ku tilmaami karaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya in uu yahay mid dhinac u ciirsan oo Somaliland aad ugu tiirsan tahay Itoobiya. Markaa xidhiidhka labada dal waxaan u arkaa in uu yahay mid la mid ah xidhiidhka ka dhexeeya dirawalka iyo dabadhoonka (kirishbooyga). Waxana muuqata ilaa intii Somaliland la soo noqotay xornimadeeda ee ay Itoobiya xidhiidhka yeesheen in shukaanta ay haysay Itoobiya halkay Somaliland ka ahayd dabadhoonka. Sida la ogyahayna dirawalku wuu eryi karaa dabadhoonka markuu ka maarmo.

 

 

Arrintaasna waxa u daliil ah warwarka iyo guulaanka ku dhasha Somaliland mar kasta oo arrinta Soomaaliya isbedel ku dhaco. Mar walbana diiradda Somaliland ku eegto xidhiidhka ay leedahay Itoobiya waxay noqotay kolba isha ay Itoobiya ku eegto Soomaaliya. Haddii ay il naxariis leh ku eegtana, Somaliland waxa gala warwar iy caloolyow, haddii ay il shakisan ku eegtana, Somaliland degnaan ayey ku seexataa.

 

 

Xaalkani wuxu la mid yahay sheekadii ku dhacday nin awow iigu toosnaa oo caloosha laga dooxay. Waxa lagu tolay jillaw si caloosha meesheeda loogu hayo inta reerka la geynayao. Markii dhexda la marayo ayey jillawdii xanuujisay oo uu raggii ka codsaday in bahasha laga gooyo. Waxa loo sheegay in ay jillawdu naftaba u hayso. Markaas buu yidhi “Waar nafta jillawi ii haysaa nafba maahee bahasha iga fura”. Marka anigu waxan leeyahay sidii awowgay, waar aqoonsiga Itoobiya oo keliya ahi inoo haysaa aqoonsiba maahee aan hareeraha eegno.

 

 

Taas ugama jeedo in Itoobiya xidhiidhkeeda la yaraysto, laakiin waxan uga jeedaa Somaliland in aanay danaheeda selad keliya ku wada ridin ee ay selado badan raadsato.”

 

 

Bashiir, oo ka hadlaya isbedelka Soomaaliya ka dhacay waxa uu yidhi, “Waxan ogsoonahay doorka taariikhiga ah ee Itoobiya ka ciyaartay keenista xukuumadda uu hoggaaminayo Cabdillaahi Yuusuf oo sida uu sheegay Jirde la ogyahay in uu yahay hangoolka Itoobiya ku adeegsato. Markaa maanta waxa Xamar jooga ciidan Itoobiya, waxa kursiga ku fadhiya nin ka Xabashisan xabashida (more Ethiopian than Ethiopians), dhul ahaan dalka Soomaaliya wuu ka weynayahay Somaliland, ka dad badan yahay, ka xeeb dheeryahay, kana khayraad badan yahay. Markaa waxa is weydiin mudan, Itoobiya oo waxaas oo dhan haysta miyey u baahan tahay in ay iskaga carshacarshayso in ay Somaliland dabada ku haysato. Miyaanu xaalku la mid ahayn markii 1977 Midawga Sofiyeeti ka wareegay Soomaaliya ee ku wareegay Itoobiya, isaga oo arkay in Itoobiya oo noqotay dal hantiwadaag ah, kuna noolaayeen markaa dad dhammaa 45 malyuun, ay uga faa’iido badan tahay Soomaaliya oo markaa dadkeedu ahaa 6 ilaa 7 malyuun.

 

 

Markaa Itoobiya miyaanay u dhib yarayn in ay dhiilka Berberaad tuurto oo haanka Badweynta Hindiya ku wareergto.

 

 

Midda kale ee iyadna is weydiin mudan waxa weeyi, Itoobiya miyey u fiican tahay in ay danaheeda selad keliya ku wada rido iyadoo haysata saddex seladood oo ay kolba midna wax ku ridato, midna waxa kala baxdo. Waxay ila tahay in ay Itoobiya ogsoon tahay in dawladda Somaliya ka dhalataa aanay isku hallayn karin in ay weligeedba saaxiib ahaadaan oo ay dhici karto in berri isbedel dimoqraadi ah lagu bedelo Cabdillaahi Yuusuf haddii aan geeriduba horteed qaadin. Taasina waxay keeni kartaa dawlad danaheeda ka hormarisa danaha Itoobiya in ay timaado. Taas baa markaa keenaysa in Itoobiya ay door bido in ay noqoto odaygii dhawrka dumarka ah qabay ee kolba mid qanjiidhinayey ee lahaa adiga ayaan ku jecelahay. Itoobiya markaas iyada oo heli karta saddex dawladood oo dabadhoon u ah dekadahoodana isticmaasho oo kala ah Djibouti, Somaliland iyo Somaliya in aanay kollaba ku doorsanayn in ay Soomaaliya u daadisho labada kale.”

 

 

Bashiir Good, oo ka hadlaya talladda Somaliland kala gudboon isbedelada siyaasadeed ee gobolka ka dhacayaa waxa uu yidhi, “Sida Jirde sheegay waxa Somaliland la gudboon in ay ceelal badan oo ay ku aroorto yeelato oo aanay ceel keliya isku hallayn. Way haboon tahay in ay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya iyadoo tusaysa Itoobiya in ay labada dal isku nool yihiin ee aanu mid ka kale ku dul noolayn. Waxa kale oo Somaliland la gudboon in ay qaado olole siyaasadeed oo lagu raadsanayo saaxiibo badan oo Afrika ah. Siiba waddamada inoo nugul oo ay ka mid yihiin Kenya, koonfur Afrika, Taansaniya, Nigeria iyo dalalka reer Yurub iyo Maraykanka. Taasina waxay u baahan tahay in aan saaxiibkeen saaxiibo kale ka yeelano. Waxa markaa loo baahan yahay in la sameeyo xidhiidh ka dhexeeya dawladda iyo dadka Somaliland ee qurbaha jooga. Waxa muuqata in aanay dadka qurba jooga ahi lahayn galaangal badan iyo dhaqdhaaq xoogan oo isku xidhan oo aqoonsi doon ah. Dhab ahaantii dadka qurbo jooga ah, gaar ahaan kuwa jooga, galbeedka ayaa samayn kara isbedel weyn haddii ay midoobaan oo ay iska dhaafaan loolanka siyaasadeed iyo qabyaaladda kala qoqobaysa.

 

 

Waxa loo baahan yahay siyaasad isku-lakaban (an integrated policy) oo gudaha iyo dibaduba ay gacan mid ah u wada shaqeeyaan. Arrinta Jirde sheegay ee ahayd in ay diideen in Itoobiya soo dhex gasho xallintii buuqii ka dhashay doorashadii Madaxweynaha waa mid ammaan mudan oo Itoobiya u muujisay in aan nahay dad go’aankooda u xor ah. Arrintaasi waxay tustay Itoobiya in aanay Somaliland jeebka ugu jirin sida Cabdillahi Yusuf waana mid loo baahnaa. Waxaana mudan in la ogaado in Itoobiya danteeda inagula joogto ee aanay danteena inagula joogin.

 

 

Dhinaca Jubuuti waxa muuqata in madaxda Jubuuti isku qanciyeen in ay dantoodu ku jirto in aan Somaliland la aqoonsan. Taas baana keentay in ay mar walba u durbaan tumaan Xamar. Iyadoo ay sidaas tahay haddana waxa haboon in Somaliland kubbada si fiican u ciyaarto oo aanay ku kicin wax colaad iyo kala fogaansho gelin kara xidhiidhka labada dal. Waxa qalad ahayd in loo diido in xoolaha Somaliland laga dhoofiyo Jubuuti iyada oo aan ognahay in xoolaheenu maalin walba ka dhoofaan Boosaaso.”

 

 

Mar uu Bashir ka hadlayay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya iyo hadalo ku jiray waraysiga Cabdiqaadir oo uu naqdiyay waxa uu yidhi, “Waxa loo baahan yahay in dadka iyo dawladda Somaliland labaduba ogaadaan in aanay Somaliland marnaba aqoonsi helin karin haddii aanay horta soo kala bixin Soomaaliya, gaar ahaan haddii arrinta Soomaaliya degto oo dawladda Cabdillaahi Yusuf dhidibada aasato. Markaa waxa mar walba habboon in adduunka laga iibiyo in Somaliland diyaar u tahay in ay wada hadal la gasho Soomaaliya laakiin wada hadal Midowga Afrika iyo adduunka kaleba markhaati ka yihiin.

 

 

Waan oganahay in dadka reer Somaliland go’aan ku gaadheen in dawlad gooni u taagan noqdaan, ayna dhisteen nidaam dimoqraadi ah oo xarrgo leh. Markay arrintu sidaas tahay wixi aan koonfur ka wada hadalanaaba waan aan si wanaagsan u kala alaab gurano. Murtidaas ayuun baan goob kastaba la tagaynaa oo ma jirto wax Somaliland ku qasbi kara wax aanay rabin. Markaa in la diido ama laga baqo wada hadal lala yeesho Soomaaliya waa siyaasad qaldan oo aan meela inoo wadayn.

 

 

Sida uu Allaha U Naxariistee Cigaal qabay ee uu Jirde xusay ee ahayd in horaba wax loola qabto koonfur oo dawalad lala dhiso waxan u arkaa in ay ahayd mid haboon, laakiin la soo dhaafay hadda. Haddaba waxa habboon in aan qalad labaad la gelin oo dalkeena go’odoon siyaasadeed iyo dhaqaale labadaba ku keeni kara.

 

 

Midda ugu horreysa ee loo baahan yahay in laga tasahado oo adduunka lala hortagaana waxa weeyi haddii Soomaaliya baasabooro cusub bixiso, maxay dawladda Somaliland yeeli doontaa? Itoobiya iyo dalalka kale ee aan saaxiibka u haysanaa ma oggolaan doonaan in madaxda iyo dadka reer Somaliland ku maraan baasaboorka Somaliland? Maxaase laga yeeli doona lacagta Soomaaliya oo noqon doonta ta keliya ee adduunka laga ictiraafo? Hawl culus ayaa Somaliland soo foodsaartay oo loo baahan yahay in dad iyo dawladba lagaga wada shaqeeyo maskax furan iyo siyaasad dhiraandhirin leh oo diiraadeedu gaadhi karto meel ka fog Itoobiya.

 

 

Hase yeeshee ma aan garan siyaasadda Islaam la dirirka ee Jirde yidhi ha laga fogaado, waayo ma arag meel Islaam lagula dagaalamay. Haddiise uu u jeedo siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan kooxaha magaca diinta ku shaqaysta ee diinta dhalan doorsoon wata, waa mid loo baahan yahay in ay Somaliland taageerto intaa aanay wadaadaddii budhcadda ahaa ee Xamar Somaali koonfureed baabiin gaadhay bawdka inooga soo dhicin, dadkeenana u afduubin mustaqbal madaw, adduunkana gooni inooga saarin.”

 

 

Faarax Cali Jaamac oo isaguna ah qoraa reer Somaliland ah oo lafo gur ku sameeya siyaasadda gobolka Geeska Afrika, oo i uu Geeska Afrika la xidhiidhay isaga oo jooga magaalada Ottawa ee dalka Kanada waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay arrimahan uu Odeygu soo ban dhigay muhiimad weyn ayey inoo leeday waana mida keliya ee aanu ku furdaamin karno isbedeladan iyo marxaladahan kala duwan ee is xambaarsan ee inagaga furan dhamaan wadamada

 

 

deriskeena ah taasoo hadal laga daba yidhaahdaa aanu meesha oolin sababayna aamuska mucaaridki iyo muxaafidkiiba una baahan inaanu kafaa'ideysano macluumaadkii inooga soo baxay wareysigaas muhiimada gaarka ah inoo wada leh oo aan halkaa lagu dhaafin arrinta ee la sii qaadaa dhigaa. Waxaan ku talin lahaa, in arrimaha uu Odeygu inoo soo ban dhigay, la goleeyaa oo laga soo saaraa Dood heer qaran ah oo loo wada dhan yahay dowlad iyo mucaarid iyo muxaafidba oo la wada doodo oo la lafo guro oo meel la isla dhigaa, waxa ina hor yaala, waxa inala gudboon ee aanu wax kaga qaban karno ama kaga gaashaman karno.”

 

 

La soco qaybo kale

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Just for your info. sxb readd the above post.your president is on the way to turn to be a mare Governor. hope youll be satsfied cause your children will still be going to school.about you own government forget about that cause you dont have one at the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nabadshe rayaale and his ppl are somalilanders and they are hundred procent behind our couse so stop this we forget about the war and stuff

 

NOW IT OUR FUTURE AND OUR WAY OF SOMALILAND

Share this post


Link to post
Share on other sites

is yara xagxagashada dhexdeena ayay moodayaan inay balaayo ka dhacday ,,, :D

 

 

Waar anagu afkuun baanu iska caynaaye wax waliba waa Ok ,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

magaca nuu dhig Ahmad ibn Ibrihim al-Ghazi

 

was a seylaci we call him ahmed seylaci

if u need his history only ppl from the axum can claim him So ppl from Djbouti somaliland and westeren Eritrea

 

 

Ahmad ibn Ibrihim al-Ghazi (c.1506 - February 21, 1543) was an Imam and General of Adal who defeated Emperor Lebna Dengel of Ethiopia. Nicknamed Gran (Gurey in Somali) "the left-handed", he embarked on a conquest which brought three-quarters of Ethiopia under the power of the Muslim Kingdom of Adal from 1529-43.

 

Contents [hide]

1 Ethnicity

2 Early years

3 Invasion of Ethiopia

4 Sources

5 References

6 External links

 

 

 

[edit] Ethnicity

Imam Ahmad has traditionally sometimes been interpreted as being an Arab in Ethiopia[1], though he is more often represented as Somali native.[2] The traditional interpretation of his ethnicity as Somali, however, has been challenged. Adal was a multiethnic state comprising both Afars and Somalis. Ewald Wagner postulates that, in fact, "the main population of Adal may have been of Afar stock." [3] Richard Pankhurst has postulated that the general may have in fact been Afar.[citation needed] His ethnicity is never mentioned in the Futuh al-Habasha, the primary work regarding his conquests, but Franz-Christoph Muth identifies him as Somali, as do most historians[4]

 

 

[edit] Early years

Imam Ahmad was born near Zeila, a port city located in northwestern Somalia Somaliland (then part of Adal, a tributary Muslim state to the Christian Ethiopian Solomonic dynasty), and married Bati del Wambara, the daughter of governor Mahfuz of Zeila. When Mahfuz was killed returning from a campaign against the Ethiopian emperor Lebna Dengel in 1517, the Adal sultanate lapsed into anarchy for several years, until Imam Ahmad killed the last of the contenders for power and took control of Harar.

 

In retaliation for an attack on Adal the previous year by the Ethiopian general Degalhan, Imam Ahmad invaded Ethiopia in 1529. Although his troops were fearful of their opponents, and attempted to desert upon news that the Ethiopian army was approaching, Ahmad Gragn maintained the discipline of most of his troops and defeated emperor Lebna Dengel at Shimbra Kure that March.[5]

 

 

[edit] Invasion of Ethiopia

 

Ahmed Gurey monument in Mogadishu.Imam Ahmad campaigned again in Ethiopia in 1531, breaking Emperor Lebna Dengel's ability to resist in the Battle of Amba Sel on October 28, then marched north to loot the island monastery of Lake Hayq and the stone churches of Lalibela. When the Imam entered the province of Tigray, he defeated an Ethiopian army that confronted him there, and on reaching Axum destroyed the Church of Our Lady Mary of Zion, in which the Ethiopian emperors had been coronated for centuries.

 

The Ethiopians were forced to ask for help from the Portuguese, who landed at the port of Massawa on February 10, 1541 in the reign of the emperor Gelawdewos. This force was led by Christovão da Gama, and included 400 musketeers and a number of artisans and other non-combatants. Da Gama and Imam Ahmad met on April 1, 1542 at Jarte, which Trimingham has identified with Anasa, between Amba Alagi and Lake Ashenge.[6] Here the Portuguese had their first glimpse of Ahmad, as recorded by Castanhoso:

 

While his camp was being pitched, the king of Zeila [imam Ahmad] acended a hill with several horse and some foot to examine us: he halted on the top with three hundred horse and three large banners, two white with red moons, and one red with a white moon, which always accompanied him, and which he was recognized.[7]

After the two unfamiliar armies exchanged messages then stared at each other for a few days, on April 4 da Gama formed his troops into an infantry square, and marched against the Imam's lines, repelling successive waves of attacks with their muskets and cannons. This battle ended when Imam Ahmad was wounded in the leg by a chance shot, and seeing his banners signal retreat, the Portuguese and their Ethiopian allies fell upon the disorganized Muslims, who suffered losses but managed to reform next to the river on the distant side.

 

Over the next several days, Imam Ahmad was reinforced by new arrivals of troops, and understanding the need to act swiftly on April 16 da Gama again formed a square which he led against Imam Ahmad's camp. Although the Muslims fought with more determination than two weeks before -- their horse almost broke the Portuguese square -- an opportune explosion of some gunpowder tramatized the horses on the Imam's side, and his army fled in disorder. Castanhoso laments that "the victory would have been complete this day had we only one hundred horses to finish it: for the King was carried on men's shoulders in a bed, accompanied by horsemen, and they fled in no order."[8]

 

Reinforced by the arrival of the Bahr negus Yeshaq, da Gama marched south after Imam Ahmad's force, reaching sight of him ten days later. However, the onset of the rainy season prevented da Gama from engaging Ahmad a third time, and on the advice of Queen Sabla Wengel made a winter camp at Wofla near Lake Ashenge, within sight of his opponent.[9]

 

Knowing that victory lay in the number of firearms an army had, the Imam sent to his fellow Muslims for help. According to Abbé Joachim le Grand, Imam Ahmad received 2000 musketeers from Arabia, and artillery and 900 picked men from the Ottomans to assist him. Meanwhile, due to casualties and other duties, da Gama's force was reduced to 300 musketeers. After the rains ended, Imam Ahmad attacked the Portuguese camp, and through weight of numbers killed all but 140 of da Gama's troops. Da Gama, badly wounded, was captured with ten of his men and, after refusing an offer of converting to Islam in return for his life, was executed.[10]

 

The survivors and Emperor Gelawdewos were afterwards able to join forces and, drawing on the Portuguese supplies, they attacked Ahmad on February 21, 1543 in the Battle of Wayna Daga, where their 9,000 troops managed to defeat the 15,000 soldiers under Imam Ahmad. The Imam was killed by a Portuguese musketteer, who was mortally wounded in avenging da Gama's death.

 

His wife Bati del Wambara managed to escape the battlefield with a remnant of the Turkish soldiers, and they made their way back to Harar, where she rallied his followers. Intent on avenging her husband's death, she married his nephew Nur ibn Mujahid, but only on the condition that Nur would avenge Imam Ahmad's defeat.

 

"In Ethiopia the damage which [Ahmad] Gragn did has never been forgotten," wrote Paul B. Henze. "Every Christian highlander still hears tales of Gragn in his childhood. Haile Selassie referred to him in his memoirs. I have often had villagers in northern Ethiopia point out sites of towns, forts, churches and monasteries destroyed by Gragn as if these catastrophes had occurred only yesterday."[11] While acknowledging that many modern Somali nationalists consider Ahmad a national hero, Henze dismisses their claims, stating that the concept of a Somali nation did not exist during Ahmad's lifetime.

 

 

[edit] Sources

Ahmad's invasion of Ethiopia is described in detail in the Futuh al-habasa ("The Conquest of Ethiopia") written in Arabic by Ahmad's follower Sihab ad-Din Admad ibn 'Abd-al-Qadir, but in its current version is incomplete, covering the story up to 1537, narrating the Imam's raids on the islands of Lake Tana. Richard Burton the explorer claimed that the second part could be found "in Mocha or Hudaydah", but despite later investigations, no one has seen a copy of this second part. This work was translated into French by René Basset and published 1897-1901. Richard Pankhurst made a partial translation into English as part of his The Ethiopian Royal Chronicles (Addis Ababa: Oxford University Press, 1967), but a complete translation of the Futuh al-habasa by Paul Lester Stenhouse has been published by the Tsehai in 2003 (ISBN 0-9723172-5-2).

 

Primary sources of the Portuguese expedition under da Gama have been collected and translated by R.S. Whiteway, The Portuguese Expedition to Abyssinia in 1541-1543, 1902 (Nendeln, Liechtenstein: Kraus Reprint Limited, 1967). Moreover, the Solomonic side of the story is represented in the royal chronicles of Emperors Libne Dingil and his son Gelawdewos.

 

 

[edit] References

Share this post


Link to post
Share on other sites

And what does that imply?

 

you know plegiarising history will not suit your propaganda.

 

where is your supposedly patriach origin isnit it not Mait?

There is still debate over the ethnic composition of the kingdom. "The Conquest of Horn of Africa" by I.M Lewis states,

 

Somali forces contributed much to the Imam’s victories. Shihab ad-Din, the Muslim chronicler of the period, writing between 1540 and 1560, mentions them frequently. (Fatuh al-Habasha, ed. And trs. R. Besset Paris, 1897.). The most prominent Somali groups in the campaigns were the *********, ********, and ******* --all ******* clans. Shihab ad-Din is very vague as to their distribution and grazing areas, but describes the ********* as at the time in possession of the ancient eastern port of
Mait
.
Of the ******* only the ********* clan seem to have been involved and their distribution is not recorded.
Finally several ********* clans also took part. The effective participation of these pastoral nomads, renowned “clutterers of roads”, in the Muslim victories indicates something of the power of leadership, spiritual as well as temporal, of the Imam.

_______________

 

Baliis do not bring or write clan names on here.

 

[ February 05, 2007, 12:31 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabadshe

 

Mudane Dahir Riyaale is the democratically elected head of state of Somaliland. He enjoys wide spread support across Somaliland.

 

He is despised by Somaliland haters so I guess he is getting something right smile.gif ? I would

vote for him again and again if I got the chance.

 

Anyways, back to the topic at hand.........the SL Army anniversary.

 

CiidankaQaranka19.jpg

 

Xafladda lagu Xusayay sannad-guurada 13-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Taliska guud ee ciidanka Qaranka.

 

 

Munaasibada xuska ciidanka Qaranka waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, xubno ka socday saddexda gole Qaran, xisibyada iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa halka ka hadlay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland – Nuux Taani Wuxuu hambalyo iyo salaan u soo jeediyey Saraakiisha ciidamada Saddexda noocba (ciidanka cirka, dhulka iyo baddu), isagoo ku bogaadiyey ka soo qayb galkooda munaasibadda 13 aad ee aasaaska ciidanka qaranka JSL, isagoo sheegay in la aasaasay ciidanka qaranka JSL 2/2/1994, wuxuu taliyuhu ku dheeraaday ka hadalka muhimadda ciidanka qaranka JSL, iyo sidii loo aasaasay ciidanka qaranka maruu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “ka dib shirkii lagu soo dhisay dawladdii madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim cigaal, waxaa lama huraan noqotay in la helo ciidan qaran, oo adkeeya dawladda, waxay taasi keentay in ciidan beeleedkii waddooyinka joogay la mideeyo, iyadoo lagu salaynayo saamiga ay cid waliba ku leedahay baarlamaanka iyo guurtida, waxaa la mideeyey 500 ee u horraysay, oo aasaaska u noqday ciidanka qaranka kuwaas oo ahaa inamadii suuqa joogay intaas ka dib ayay suura gashay in la sameeyo ciidanka qaranka” ayuu yidhi taliyuhu.Wuxuu sheegay inuu hadda gaadhay hannaankii looga baahnaa ciidan qaran, wuxuu sheegay inuu ciidanku gacan laxaad leh ka geystay doorashooyinkii iyo arrimaha gudaha, iyo sugidda xuduudaha Somaliland.

Taliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay si ciidanku u ahaado mid tayo leh ay u fureen afar dugsi oo kala ah , Gorayacawl, Biyaguduud, Sheekh, Dararweyne. Labadii guuto ee u horreeyey waxaa lagu bilaabay dugsiga biya-guduud, iyada oo markii hore ku sigtay inay diidaan maadaama aanay wax fekera ka haysan, wuxuu kaloo sheegay taliyuhu inay dhamaan ciidamada qaranku wada mareen dhammaan dugsiyadaa.

Maruu ka hadlayey askarta debedda loo diray wuxuu sheegay taliyuhu “waxaannu debedda u dirnay saraakiil, saraakiishaas oo aannu ka qaadannay laba meelood oo kala ah inamo aannu ka xulannay dugsiyada oo aannu imtixaan ka qaadnay, dabadeed aannu tababar gelinnay, sida efentari, injineerin, iwm. Iyo qolada labaad oo ah mujaahidiintii SNM” ayuu ku daray.

 

Hadaladii Wasiirka Gaashaandhigga JSL,

Aadan Mire Maxamed Waqaf

Wuxuu ugu horrayn salaamad ballaadhan u soo jeediyey, Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, golayaasha qaranka, axsaabta, ciidamada qaranka taliye illaa dable iyo xaasaskooda, sallaan ka dib wuxuu wasiirku ka hadlay siyaabihii loo soo maray dhisidda ciidanka qaranka isagoo sheegay inay waxa suura geliyey dhisidda ciidanka qaranku ay ahayd nabadayntii iyo hubka dhigistii ka dhacday waddanku.

Waxa uu ka hadlay wasiirku in waajibaadka milterigu ay tahay difaaca iyo sugidda xuduudaha dalka, mar uu wasiirku ka hadlayey xuduudaha aasaasiga ah ee Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland waxay ka kooban tahay bad, cir iyo dhul, woqooyi Cadan ama khaliijka cadmeed oo dhan 850km, woqooyi galbeed Djibouti oo berri ahaan aynu xuduud la leenahay 62km, galbeed iyo koonfur dawladda Ethoipia oo aynu wadaagno 728km oo dhul ah, bari Somalia oo aynu la leenahay xuduud gaadhaysa 413km …. Bedka dalkeennu wuxuu yahay 137600km2” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu intaa ku daray wasiirku in fadhiisimada ciidanka qaranka JSL uu yahay 57 goobood iyo afar dugsi, ayna miisaaniyadda ugu badanina dalka ay ku baxdo ciidamada qaranka.

Wuxuu wasiirku sheegay inay ciidamada ka dhiman yihiin ayna muhiim tahay in la abuuro ciidamada cirka iyo difaaca hawada iyo ciidamada badda iyo xeebaha, si loo dhammaystiro hannaanka ciidanka qaranka JSL.

 

Hadaladii Madaxweynaha JSL

Wuxuu madaxweynuhu salaam ballaadhan u soo jeediyey shacabka iyo ciidanka qaranka JSL iyo xaasaskooda, wuxuuna si gaara salaam ugu diray ciidanka Faranta hore fadhiya.

Wuxuu madaxweynuhu ka hadlay muhimadda loo aasaasay ciidanka Qaranka JSL, iyo muhimadda ay ka xukuumad ahaan ugu fadhiyaan.

wuxuu madaxweynuhu u mahad naqay sidii hagarta la’ayd ee ciidanka qaranku iyagoon qalab haysan ay u dayactirteen gaadiidkooda, wuxuu madaxweynuhu maruu ka hadlayey ciidamada yidhi “waxa lagama maarmaana oo aan wasiirka iyo taliyahaba ku boorrinayaa saddexda ciidan qaranba waa inay ka qayb galaan tababarka hadday tahay ciidanka cirka, ciidanka badda iyo ciidanka dhulkaba …. Manta waxaan ugu jeclaa inaan halkan ka sheego waxay ahayd inaan ciidanka darajada u wada xidho laakiin inshaa allaahu way dhici doontaa waana iga go’an tahay, haddeer sarkaal xigeenkii ayaan maraynaa, haddeer haddaan intii soo baxday oo qudha u qaybinno ciidankii kalena aanu darajo xidhan, qabyo weeye, waxaan jecelahay inay marqudha isla jaan qaadaan, dib u dhacaa jiraana intaas ayuu ka jiraa ee sabra awelba waad u samrayseene” ayuu yidhi madaxweynuhu

“ujeedada aan dalkan aan ka leennahay siyaasad iyo cudud isku lammaan ayaan ku gaadhaynaa, siyaasad oo qudha ku gaadhi mayno” ayuu ku daray madaxweynuhu.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter - Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this