Sign in to follow this  
General Duke

Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa

Recommended Posts

BN   

Originally posted by MsWord:

I see landcruisers are back with vengeance.....

Noticed that too did you...seems the Somali infatuation with this vehicle is ageless. I personally would not be seen in anything else while in Somalia.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Federaalka oo daqiiqado kahor ka degay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay

 

wafdiga_Federaalka_socdaal1.jpg

 

Muqdisho :- Wararka aanu hada ka helayno magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegay in daqiiqado kahor ay Airporka magaaladaasi ka dageen wafdigii Federaalka ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Sida wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan waxaa hada soo dhaweyn aad u balaaran ay ka socotaa Airporka magaaladaasi Baydhabo ayadoo diyaaradaha sida Madaxweynaha Federaalka C/laahi Yusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaaraha soo cago dhigteen airporka ku yaal duleedka magaalada.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn usugu soo baxeen isla markaana safan hareeraha magaalada Baydhabo iyo waliba airporka oo ay hada ku sugan yihiin xubno kamid ah Dowlada Federaalka oo horey magaaladaasi ugu sugnaa.

 

Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey ayadoo ay magaalada soo gaareen maleeshiyooyin kala gedisan oo loo keenay in ay adkeeyaan amaanka magaalada.

 

Hogaamiyaasha ururka RRA ee gacanta ku haya magaaladaasi ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweyntan.

 

Col. Shaatiguduud iyo Maxamed Ibraahin Xaabsade oo kala hogaamiya labo garab oo kamid ah RRA-da ayaa hada kamid ah dadka soo dhaweenaya Wafdigan balaaran oo galabta kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Wafdigii Madaxweynaha DFKMG ah oo 30 daqiiqo ka hor ka degay Baydhabo

 

Baydhabo-02.March.2005 Wafdigii ay hogaaminayeen Madaxweynaha DFKMG ah iyo Ra'isulwasaarihiisa ayaa waxay 15 daqiiqo ka hor dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

 

Wafdigan oo maanta duhurkii ka ambabaxay Magaalada Galkacyo ayaa waxay wateen laba diyaaradood, iyadoo diyaaradii ugu horeysay ee uu saarnaa Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi iyo waliba xubno ka mid ah Golaha wasiirada ay ka degtey Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo 4:40 daqiiqo halka Dayuurada kale ee uu saarnaa Madaxweynaha ay cagaha dhulka dhigtey abaara 4:50 daqiiqo.

 

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin aad u fara abdan oo ay ka mid yihiin Wasiirada iyo Xildhibaanada DFKMG ah ee ku sugnaa Magaalada Baydhabo iyo waliba maamulka Gobolada Bay iyo Bakool.

 

Dadweyne aad u fara badan oo boqolaal lagu qiyaasay ayaa waxay isugu tageen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Baydhabo iyadoo kuwa intaasi ka badan ay tuban yihiin wadada Airpor-ka ka timaada ee Magaalada soo gasha.

 

Warar dheeraad ah ha ka dheeraan SBC Online

 

Mustaf *****

SBC Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi heer qaran ah oo ay horkacayaan madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka soo degay Baydhabo

 

Arbaco, Mar 2, 2005

 

BAYDHABO (Baidoa.com)-Waxaa maanta 4: 30 (afartii iyo barkii galabnimo oo gaw ah) wakhtiga Baydhabo ka soo degay gegida dayuuradaha ee magaalada Baydhabo wefdi heer qaran ah oo ay horkacayaan madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi uuna ka mid yahay Ra'isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Professor Saalim Caliyow Ibroow, Wasiirka Dastuurka Dawlada Federaalka Dr Cabdalla Deerow ***** iyo xubno kale oo isuga jira Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno.

 

Markii madaxwaynaha iyo wefdigiisa ay cagta soo saareen ciida Baydhabo ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo isku dhafan oo ka kala socday Qaybta 60-aad ee Ciiidanka Xooga Dalka Soomaaliya intii ku hartay Baydhabo ka dib colaada sokeeye iyo Ciidanka Booliiska magaalada Baydhabo iyo kooxda Baandeyda oo garaacayay muusikada heesta astaanta calanka Soomaaliya ee "Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo Isku Tiirsadeey, Hadba kiina taag daranee, Taageera weligiinee..."

 

Salaan sharafta iyo calan saarka ka dib waxaa madaxwaynaha iyo Ra'isal Wasaaraha qoorta loo suray ubax.

 

Waaxaa iyaguna wefdiga heeso ku soo dhaweeyay kooxaha xagga fanka ee ka jira magaalada Baydhabo sida fanaaniinta kooxda Aralaadi Band.

 

Waxaa dhoobnaa hareeraha dhabbaha ay ku soo degeen dayuuradiihi siday wefdiga shacab iyo mas'uuliyiin aad u tiro badan oo si is maqiiq ah salaanta ugu boobayay wefdiga madaxwaynaha iyo Ra'isal Wasaaraha. Madaxwayanaha iyo Rai'sal Wasaaraha ayaa salaan saf ah oo mid mid ah la maray dhamaan shacabkii iyo madaxdii u tuurnaa soo dhawayntooda dhabbaha dayuuradaha ee garoonka Baydhabo.

 

Soo dhawaynta oo ahayd mid aad u diiran oo aan ereyo lagu cabiri karin ahaydna mid aan loo kala harin shacab iyo madaxba ayaa waxaa ka mid ahaa masúuliyiinta ku soo dhawaysay wefdiga magaalada Baydhabo dhamaan wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan dawladda federaalka ee ayagu horay ugu sugnaa Baydhabo oo kala ah Wasiirka Gaadidka Cirka iyo Dhulka Ibraahim Aadan Xasan "Kiishbur", Fowsiya Maxamed Sheekh-wasiirka arimaha Haweenka iyo Qoyska, wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen, Wasiirka dib u heshiisiinta Sheekh Aadan Sheekh Madeer iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Ibraahim Xuseen Saalax, Cabdulkaahi Cabdi Garuun iyo Ibraahim ***** Maxamed, Wasiirka Cadalada Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Seekh Aadan Madoobe" , Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha Axmed Sheekh Maxamed Cabdi Amatow , Xildhibaan Madoobe Nuunow, xildhibaan Maxamed Mursal Boorow , Xildhibaan Cali Aadan Xuseen , Maxed Nuur Maxamed Khayre, Xasan Maxamed Nuur "Shaatigaduud", wasiirka Beeraha ee dawlada federaalka ah, Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade" iyo Aadan Maxamed Nuur "Aadaan Saransoor" iyo masúuliyiinta maamulka ku meelgaarka ah ee ka rimaya Baydhabo oo ay ka mid yhiin Mayow Teesiyow, Maxamed Cali Aadan "Qalinle" iyo Cabinuur Boodadheere. Waxaa kaloo soo dhawaynta wefdiga madaxwaynaha iyo Ra'isal wasaaraha ka qayb qaatay Maxamuud Sayid Aadan-Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabaynta oo xalay ku soo biiray wasiiradii dawlada ee horay Baydhabo u joogay asagoo safar xagg dhulka ah kaga yimid gobolka Gedo

 

Is marxabayn iyo salaan ka dib ayaa waxaa wefdiga ka soo gelbiyay gegida dayuuradaha magaalada Baydhabo kolonyo baabuur ah oo isugu jirtay baaburta gaarka ah oo marti sharafta loogu talagalay iyo kuwa dagaalka ee loo yaqaano tiknikada oo sugayay amaanka wefdiga.

 

Laga soo bilaabo cirifka gegida dayuuradaha ee magaalada ilaa guryaha martida ee wefdiga la dejiyay, ilaa garoonka kubadda cagta ee Ayuub Sheekh Yarow ayaa waxaa hareeraha wadooyinka tubnaa dadwayne buux dhaafiyay magaalada oo isugu jiray dadka degan magaalad iyo kuwo ka yimid deegaanada kale oo ayagu u yiimd in ay goob joog u ahaadaan booqashadan heerka qaran ah, waxayna lulalayeen calanka astaanta qaranka Sooomaaliya, ubaxyo iyo laamu quuyan.

 

Wefdiga madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo aad u daalana ayagoo safar dheer oo xagga cirka iyo dhulkaba ah ku soo maray gobollo kale ayaa haddana u khudbadeeynaya dadwaynaha magaalada Baydhabo oo goob fagaare ah isugu soo baxay.

 

Fiiro Gaar ah: Muuqaalada iyo sawirrada soo dhawaynta wefdiga dib ayaan ka soo daabacaynaa

 

Bashiir Maxamed Aadan "Bashiir Xabashow"

 

Baydhabo

 

iilbiyow@baidoa.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Ar somalia boos miraanaa icon_razz.gif (bacaad badanaa)-everyone is Frowning in those pics. Good ones though-thx.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

BAYDHABO (Baidoa.com)-Magaalaada Baydhabo oo ay shalay soo gaareen wefdigii ay horkacayeen madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa haatan la ciirciiraysa wufuudii ugu tirada badnayd ee dawladda federaalka oo cagta soo dhiga gobol ka mid ah Soomaaliya. Waxaa haatan ku sugan Baydhabo wefdi aada u ballaaran oo ka tirsan dawlada federaalka oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano.

 

Waxaa wefdig shalay soo gaaray magaalada Baydhabo maanta ku soo biiray Xuseen Maxamed Caydiid oo ah Ra'isal wasaare ku xigeen ahna wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", gudoomiyaha maamulka siyaasadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo maanta barqanimadii ka soo degay Baydhabo.

 

Wefdigii madaxwaynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayaa xalay sooryo casho sharaf ah loogu sameeyay magaalada Baydhabo ayadoo ay halkaasina goob jooga ka ahayeen mas'uuliyiin aad u tiro badan oo isugu jira wasiirada iyo xildhibaanada dawlada, hogaamiye dhaqameedyo iyo kuwa gobolka.

 

Madaxwaynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayaa maanta socdo lug ah ku maray xaruumo ka yaalla magaalada Baydhabo oo ay ka mid ahaayeen xaruumihii hore ee ciidamada iyo labada xaruumood ee Bay Broject iyo xaruntii mashruuucii beeraha ee ay sanadihii sideetamaadkii ay dawladda Shiinaha ka hirgelisay Baydhabo. Madaxwaynaha iyo Ra'isal wasaaraha waxay kaloo booqdeen Isbitaalka Baydhabo iyo xaruntii madaxtoyada.

 

Waxaa uu qorshuhu u yahay in madaxwaynaha , Ra'isal wasaaraha iyo xubaha kale ee dawlada ay shir albaabadu u xiranyihiin ku yeeshaan Baydhabo oo lagu furdaaminayo qorshaha dawladda ee ku aadan xaaladda Muqdisho iyo suurtagalnimada safar ay ugu ambabaxaan Muqdisho.

 

Bashiir Maxamed Aadan "Bashiir Xabashow"

 

Baydhabo

 

iilbiyow@baidoa.com

 

Baidoa, 3-3-2005

 

cy14.JPG

cy1.JPG

cy3.jpgcy2.jpg

cy4.jpg

cy5.jpg

cy10.jpg

cy9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this