Sign in to follow this  
General Duke

Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa

Recommended Posts

Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso ee Puntland oo si weyn looga diyaargaroobay soo dhaweynta dowlada Federaalka

 

Bosaso :- Diyaar garow weyn ayaa ka socda magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso oo lagu wado in ay maalinta berito ah ay booqdaan Wafuuda dowlada Federaalka ee hada ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Xarumaha dowlada ee magaalooyinkaasi ayaa laga dareemaya dhaq dhaqaaqa iyo diyaarinta goobihii ay kusoo degi lahaayeen wafuuda aad u balaaran oo lagu qiyaasay in ay kor u dhaafi doonaan illaa iyo 100 xubnood.

 

Waxaa la filayaa in wafdiga dowlada Federaalka uu gaari doono 56 xubnood halka in kale oo gaaraya 52 la filayo in ay ka soo raacaan magaalada Garowe xubnahaasi oo kamid ah maamul Gobaleedka Puntland.

 

Magaalada Qardho ayaa waxaa hada ka muuqda diyaar garow waxayna wararku sheegayaan in si weyn loo diyaariyey goobo badan oo kamid ah magaaladaasi.

 

Wafdigan ayaa beri subax saacadu markay tahay 8da subaxnimo soo gaari doona haduu alle idmo magaalada Qardho ayagoo halkaasi loogu diyaariyey Quraac kadibna uga sii gudbi doona magaalada xeebta ah ee Boosaaso halkaasi oo ay ka qadeyn doonaan.

 

Magaalooyinka ku teedsan jidka dheer oo ay sii mari doonaan wafdiga ayaa lagu dhajiyey masawirada Madaxda Dowlada Federaalka ee Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Madaxweynaha C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Xassan Ciise

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

PM Geedi speaks to the people in Garowe

cmg.jpg

 

pic01.jpg

 

qardho_diyaargarow_feb26.JPG

 

Xubno cusub oo kamid ah maamulka Federaalka oo soo gaaray maanta Garoowe

 

Garoowe :- Maanta ayey magaalada Garowe soo gaareen wafdigii 4aad ee ka socda dowlada Federaalka waxaana wafdigan soo dhaweyn weyn loogu qabtay Airporka Konoka iyo Magaalada Garowe.

 

Wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuudii horey usoo gaartay dalka oo ay hogaaminayeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Federaalka ee Soomaaliyeed.

 

Wafdiga maanta soo gaaray Garowe ayaa waxaa kamid ahaa:

 

Cabdalla Deerow ***** oo ah Wasiirka Dastuurka ee Dowlada Federaalka iyo waliba xubno kale oo uu ku jiro wasiirka horumarinta reer miyiga Md. Maxamuud Maxamed Gacmadheere xubnahan ayaa kamid ahaa wafdigii kayimid Nairobi ee todobaadkan soo gaaray Bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Wafdigan ayey Airporka Konoko ee magaalada Garowe u jira 50ka KM kusoo dhaweeyeen shacabweyne aad u badan iyo xubno kamid ah Dowlada Puntland guddiga u qaabilsan soo dhaweynta.

 

Gawaari boqolaal ah ayaa kasoo galbiyey wafdigan Airporka illaa iyo bartamaha magaalada. Magaalada ayey ka muuqdaan jidadka iyo gawaarida masawirada Madaxweynaha Puntland, Cadde Muse, Madaxweynaha Federaalka C/laahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Xubnahan ayaa ku biiray wafuudii horey u joogay magaalada Garowe ayagoo berito u kicitimi doona magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Garowe, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^yes, nice pics, it is a very good news for somalis everywhere as we all feel a sense of jubilation.God bless Somalia,Soomaliya ha noolaato.

 

I wonder wat will be the welcoming like in cities Bosaso,Mogadishu which have a larger population,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho

 

Qardho - 27.February.2005 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Raiisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saaka soo gaarey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

 

Wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweynuhu ayaa waxay booqdeen wershedda caanaha ee Maandeeq ee magaalada Qardho, waxaana lagu dejiyey Hotel Alla Aamin ee magaalada Qardho halkaas oo ay quraac sharaf ku leeyihiin.

 

Dadweyne kumanaan gaaraya iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee degmada Qardho ayaa subaxnimadii saaka ku soo dhoweeyey magaalada Qardho.

 

Wafdiga Federaalka ayaa waxaa lagu waddaa in ay goor dhow ka khudbeeyaan dadweynaha magaalada Qardhona kala hadlaan xarunta maamulka degmada Qardho.

 

Si aad u ogaatid macluumaadka ku saabsan khudbadda mas'uuliyiintaas, iyo kulamada ay dadweynaha Qardho la samaynayaan, haka dheeraan SBC Online.net

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carmo: Wafdigii DF Soomaaliya oo Qadada ka Dib degmada Carmo ka Dhaqaaqaya, Boosaaso oo wadada u wada taagan

- Sunday, February 27, 2005 at 10:37

 

Carmo (AllPuntland)- Marka aad akhridid dareenka dadka lana sheekaysatid hooyo, wiil, aabbe iyo gabarba waxaa kuu soo baxaya oo ay kuu sheegayaan waa jacaylka ay u qabaan dawlad Soomaaliyeed oo hanata isuna keenta iskuna xirka dalka iyo dadka Soomaalida ee dagaalka sokeeye lagu kala qoqobay.

 

Wafdigii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed uu hogaaminayay oo qado loogu sameeyay Degmada Carmo oo qiyaastii 100 km koonfur kaga began magaalada Boosaaso.

 

Wafdigan oo saaka quraac loogu sameeyay magaalada Qardho ayaa soo gabo gabeeyay khudbadihii kala duwanaa ee ay kajeediyeen gudaha magaalada Qardho.

Wafdigu waxay kusii Jeedaan magaalada Boosaaso, ayagoo ka ambo bixi doona magaalada Carmo marka ay qadeeyaan iyagoo dadka reer Carmo la hadlay.

Dadwaynihii magaalada Qardho ayaa wafdiga madaxwaynaha sii sagootiyay ayadoo wafdiga madaxwaynaha ay galbinayaan madaxda ugu saraysa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu hogaaminayo madaxweynahooda Cadde Muuse.

Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaruba intii ay joogeen magaalada Qardho waxay khubadohooda ku ammaaneen dadka magaalada Qardho sidii ay usoo dhaweeyeen iyagoo gaarsiiyay dadka reer Qardho fariinta dawladooda Soomaaliya.

Qiyaasta Marka laga boxo salaadda casar ayaa lagu wadaa inay wafdigu galaan gudaha Boosaaso oo wadooyinka ay haddeerba buux dhaafiyeen kumanaan dad ah oo ku sugan wadooyinka wafdigu soo marayo si ay usoo dhaweeyaan.

 

Iyadoo mar horaba dadwaynihii magaalada Boosaaso qaarkood ay kusugan yihiin magaalada Carmo ee gobolka Bari, ayaad haddana indhaha fajac galinaysaa isu soo baxa dadka reer Boosaaso ee maanta ay ku sugayaan wafdiga dawlada dhexe ee federaalka Soomaaliya.

 

Marka aad akhridid dareenka dadka lana sheekaysatid hooyo, wiil, aabbe iyo gabarba waxaa kuu soo baxaya oo ay kuu sheegayaan waa jacaylka ay u qabaan dawlad Soomaaliyeed oo hanata isuna keenta iskuna xirka dalka iyo dadka Soomaalida ee dagaalka sokeeye lagu kala qoqobay.

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Soo Dhawayn aan Horay loo arag oo ka socota Boosaaso

- Sunday, February 27, 2005 at 10:14

 

Boosaaso (AllPuntland)- Waxay hadda gaareen kusii socdaana marka ay qadeeyaana ka tagayaan Carmo, wafdigii D Fereaalka Soomaaliya soo dhawayn loo samaynayo ayaa ka socota Magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland, waxaa socda soo dhawayn aan horay loo arag oo dadweynaha Boosaaso ay kusoo dhawaynayaan wafdigaas.

 

Waxaa si aan caadi ahayn u buux dhaafay wadada wafdigu soo mari doono, kumanaan dad ah.

 

Soo Dhawaynta ayaa hadda socota oo wafdigii baa la sugayaa inay kasoo dhaqaaqaan carmo, wariyayaashuna waxay mashquul ku yihiin inay ogaadaan waxa dhacaya si ay idiin soo gaar siiyaan ee la soco wararkayaga xigah ALLE idankiis.

 

AllPuntland, Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Boosaaso oo wafdiga Federaalka Soomaaliyeed ku maamusay soo dhoweyntii ugu sarraysey inta la xusuusan yahay

 

Boosaaso - 27.February.2005 Waxaa magaaladan Boosaaso si diirran oo heer sare ah loogu soo dhoweeyey wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dawladda Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Dadweyne kumanaan iyo kumanaan gaaraya ayaa waxay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso gaar ahaan waddada laamiga ah iyaga oo lulaya ceemo qoyan iyo sawirrada Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Raiisal Wasaare, Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.

 

Wafdiga ayaa waxay u gudbeen madaxtooyada magaalada Boosaaso, halkaas oo horay loogu sii diyaariyey cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland iyo ardayda dugsiyada magaalada Boosaaso oo ku lebbisan dereyskii dugsiyada si ay uga qayb qaataan maamuuslka loo samaynayo Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Faah Faahin dheeraad ah, Goor Dhow....

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ yeey is sleeping, while Geedi is observing the situation, Geedi is always in action!

 

 

very nice pictures though.

 

Duke, do u think the TWO will visit Sool&Sanaag, just wondering u know???>>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this