Sign in to follow this  
General Duke

Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa

Recommended Posts

SomPrime%20Minister%20Gedi.jpg

 

Jowhar: Madaxwaynaha iyo Raysul-wasaaraha Soomaaliya oo si wayn loogu soo dhaweeyey Jowhar

- Thursday, February 24, 2005 at 12:16

 

Jowhar (AllPuntland) Madaxwaynaha JFK ee Soomaaliya Md Cabdullaahi Yuusuf iyo wafid ballaaran oo uu kamid yahay Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jowhar.

 

 

 

Wafdiga oo watay sadex diyaarodood ayaa la dajiyey guriga gobolka ee magaalada Jowhar.Soo dhawayn aad u saraysa ayaa loo sameeyey maanta madaxwayanaha iyo wafdiga aadka u ballaaran ee weheliya.

 

 

 

Magaalada Jowhar waa magaalo madaxda gobolka Shabeelada Dhexe waxaana Sh/dhexe xad la leedahay gobolka Banaadir. Wararka wafdiga dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii rabi idmo

 

 

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii uu hoggaaminayay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo goor dhaw soo caga dhigtay Magaalada Jowhar

 

geedddiexc.jpg

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ay soo gaareen Magaaladaas daqiiqado ka hor.

 

Wararka ayaa sheegaya in Wafdigan ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda KMG ah Saalim Caliyow Ibrow, Mowliid Macaan iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha qoyska Sahro C/qaadir.

 

Ilaa iyo hadda lama haayo tirada Xubnaha la socda Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Magacyada Wafuuda, waxaase la sheegay in si weyn looga soo dhaweeyay Magaalada Jowhar.

 

Dhawr Baabuurta dagaalka ayaa gaaf wareegayay gudaha iyo Banaanka Magaalada Jowhar, waxaana si weyn loo sugay amaanka Magaalada jowhar, waxaa guud ahaan la joojiyay Baabuurta dadweynaha ama rakaabka ee u kala socda Gobolada dalka soomaaliya.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa khudbad u jeediyay dadkii soo dhaweeyay waxaa uu sheegay in dowladiisu tahay dowlad dib u heshiisin ah, meel kasto oo soomaaliya ka mid ahna tagi doonan waa sida uu hadalka u dhigay.

 

In kastoo ay adag tahay bay leeyihiin wariyaasha Jooga Jowhar in si dhab ah loo ogaado waxyaabaha salka ku haysa socdaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Mowliid Macaan Maxamud oo isago ka mid ah Wasiirada Dowladda KMG ayaa qiimo badan waxay u leedahay socdaalka uu hadda ku joogo Magaalada Jowhar, isagoo horey u sheegan jiray in taageeriyaashiisa ku sugan yihiin Jowhar.

 

Ardayda Dugsiyada Waxbarashada Jowhar ayaa waxay muujiyeen kalsooni badan kadib markii ay si la yaab leh u soo dhaweeyen Wafdiga Prof. Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya.

 

Dhanka kale waxaa adag ama in yar xumaatay Isgaarsiinta Magaalada Jowhar sidaas darted wararka Wafdiga iyo warar kale waxaa saacadba saacadda ka dambeysa kala socon doontiin midnimo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Yuusuf & Wafdigiisii oo saacad ka

hor ka degay Magaalada Jowhar

 

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya ayaa waxay saacad ka hor ka dageen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe,iyagoo saaka ka soo kictimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdigii la socday la geeyay Xaruunta guriga ee Degmada Jowhar, iyadoo ay ilaalinayaan sida la sheegay tiro badan oo Baabuurta dagaalka ah.

 

In kastoo horey loo shaacinin in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf tagayo Magaalada Jowhar haddana waxay wax ka yar saacad ka dambeeyen Wafdiga Cali Maxamed Geeddi,iyadoo Magaaladaas si weyn looga soo dhaweeyay Labada Wafdi.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa tan iyo Markii la doortay 10 kii Octobar soo caga dhigan dalka uu madaxweynaha ka yahay, hase yeeshe socdaalkan ayaa waxaa u yahay kii ugu horeeyay oo uu dalka ku yimaado, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda u sii gudbi doona Magaalada Garoowe oo haatan dad badan ku sugayaan.

 

Dadweynaha Magaalada Jowhar ayaa si weyn waxay ugu faraxeen in Madaxweynaha soomaaliya deegaankooda booqasho ku yimaado, sidoo kale dad ayaa waxay dooneyeen inay arkaan Muuqaalka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Waxaa ku soo dhaweeyay Jowhar Wafdiga Madaxweynaha Guddoomiyaha Maamulka Jowhar Maxamed Cumar Xabeeb ( Dheere) iyo Xubno ku socda Maamulka Jowhar.

 

C/llaahi Yuusuf ayaa gacan saf saf ah la dhex maray dadweynihii soo dhaweeyay, isagoo markaasi loo diyaariyay gaari madow oo Calanka soomaaliya ku xiran, waxaana Baabuurka uu saarnaa la raacay Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Dheere.

 

Garoonka Diyaaradaha jowhar oo 18 KM u jira Magaalada jowhar ayaa markii uu soo caga dhigtay loo riday hub fara badan oo muujinayso taageerada Maamulka jowhar u haayaan Dowladda KMG.

 

Waxaa la filayaa in Prof. Cali Maxamed Geeddi horey ugu sii raaco Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed una sii raaco Magaalada Garoowe, in kastoo warkaas si dhab ah loo shaacinin, Wafdiga ayaa waxay wataan 3 Diyaarad oo mid ka mid ah daqiiqado ka hor u sii gudubtay Magaalada Garoowe.

 

Wixii warar dheraad ahna waan idin soo gudbin doonaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ayaa si Quman uga Degay Magaalada Jowhar

Posted to the Web Feb 24, 11:23

 

jowhar:-Weftigii Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah ayaa si Quman uga Degay Magaalada Jowhar halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Sar sare ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

 

Wafdigan oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaan saaka si qumaati ah aan loogu xaqiijin Saxaafadaha goobta rasmiga ah ee ay ka degayaan, iyadoo looga gaab- saday arimo xaga amaanka ah.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey Magaalada Jowhar soo dhoweyn ku aadan safarka madaxdan iyadoo ay shacabka iyo madaxda gobolkaas ay ku dhaqaaqeen inay wanaajiyaan biicda Magaalada iyo iyadoo Magaalada Faras-cadaheeda lagu qurxiyey Astaantii calankii Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Waftiga iyo Soo dhoweytooda waxaad idinla soo socodsiinaynaa waqtiyada Soo socda.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhaha dadka ayaa Maanta qabanayey dad tiro badan oo aad u faraxsan oo soo dhoweeyey waftiga Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarahaba

Posted to the Web Feb 24, 13:27

 

Waxaa Maanta abaarihii 12:45 Duhurnimo si fiican loogu soo dhaweeyey Garoonka ku yaala Magaalada Jowhar Wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb ayaa si fiican ugu soo dhaweeyey Waftigaas garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar. Maxamed Dheere ayaa waftiga ku soo dhaweeyey Baabuurta Ku gaashaaman hubabka Waaweyn iyo Baabuur khaas ah oo u diyaariyey waftiga DKF Soomaaliyeed.

 

Labada Mas'uul ee ugu waaweyn Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si ay farxadi ka muuqato u gacan qaaday masuuliyiinta Gobolka iyo dad aad u tiro badan oo soo dhaweynayey waftiga.

 

Indhaha dadka ayaa qabanayey Maanta dad aad u tiro badan oo aad u faraxsan oo soo dhoweeyey waftiga Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaarahaba, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ardayda Dugsiyada, Ciidanka Booliiska iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Maamulka Gobolka Jowhar ayaa saaka aan u kala harin soo dhaweynta waftigan oo Booqasho ku kala bixin doona goobo badan oo kamida Soomaaliya.Booqashadan ayaa saaka ay wafdigu ku yimaadeen Magaalada Jowhar ayaa dhinacyo badan marka loo fiiriyo fikirka Siyaasadeed ee Soomaaliya ah, mid sii xoojinaysa dadaalka ay umada Soomaaliyeed ay ka sugayaan mas'uuliyiinta Dowlada.

 

Dinaca kale Dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa u arka inay tahay booqashada wafdiga an,horumar Siyaasadeed oo ay gaareen bulshada Soomaaliyeed khaas ahaan dadka ku dhaqan Magaa-ada Jowhar oo waayahaanba ka maqnaa muraayada hore ee Siyaasada,Gobolkaas oo ahaa goobihii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka Soomaaliya hodanka ku ahaa.

 

Dhinaca kale Siyaasiyiinta ugu waaweyn Magaalada Xamar oo ay ka mid yihiin Xuseen Xaaji Bood iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa Safarka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ku tilmaamay mid ay ka xun yihiin arinta ah inay Garab maraan M/madaxda Soomaaliya.

 

Isku soo wada duuboo fakirka Rasmiga ayaa noqonaya Soomaaliya meel kastoo laga tagaaba inay tahay mas'uuliyad Saaran inuu xushmeeyo qof kasta oo Soomaaliya,Wadanka iyo Umaduna ay Maanta uu u baahan yahay Degenaansho rasmiya si ay Umada Soomaaliyeed uga Baxaan dhibkii haystay mudadii 15ka Sano ku dhowaadka ahaa.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

--------------------------------------------------------------------------------

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi oo Gaaray Jowhar Caasimada Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Madaxweyne Cabdulllahi Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maantay galinkii hore gaaray magaalada Jowhar ee Caasimada Gobolka Shabeelada dhexe ee bartamaha Soomaaliya waxaana sidoo kale asagun gaaray magaaladaas wafdi kale oo uu horkacayey Ra`iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ah Cali Maxamed Geedi labadaan wafdi oo uun wax yar kale horeeyey ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jowhar ee uu ka taliyo hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere oo aan asagu ku jirin golaha Baarlamaanka iyo xukuumadda midna, waxaana wafdiga madaxweynaha la dajiyey xarunta Gobolka.

 

Wafdigaan ayaa sida xaqiijinayaan wararka aan ka helayno Nairobi oo ay saakay ka duleeen waxaa madaxweynaha ku weheliya xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda waxayna wararku intaas ku darayaan Madaxweynaha iyo wafdigiisu inay u sii gudbi doonaan magaalada Garoowe, socdaal-kaan Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa uu qaadan doonaa mudo shan casho ah sida ay wararku sheegayaana waxaa kale oo ay tagi doonaan magaalooyin kale oo ka tirsam Soomaaliya.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlayey dadweyne saakay ku sii sagoontiyey garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport ayaa sheegay inuu u socdo sidii uu bulshada Soomaaliyeed iskugu keeni lahaa.

 

Waa markii ugu horeesay ee ay gudaha Soomaaliya tagaan Madaxweyen Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi tan iyo markii uu Cabdullaahi Yuusuf uu ku guulaystay madxatinimada Soomaaliya uuna u magacaabay Cali Maxamed Geedi Wasiirka koowaad ee Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya.

 

Gedonet.Com

London Uk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SGE_NKA76_240205102558_00_quicklook_245x

Exiled Somali president arrives in homeland on first trip home

Posted to the Web Feb 24, 13:46

 

JOWHAR:- Somalia : Somalia's exiled President Abdullahi Yusuf Ahmed arrived here on his first trip to his homeland since being elected chief of the lawless country's transitional government last year.

 

Yusuf arrived by plane from Nairobi around 12:45 p.m. (0945 GMT) in this town north of the capital Mogadishu shortly after Prime Minister Mohammed Ali Gedi and a delegation of senior Somali officials touched down on the first leg of a fact-finding mission.

 

Several thousand cheering and dancing Jowhar residents greeted the president's plane, waving Somali flags and posters of the president and prime minister as well as placards, the AFP correspondent said.

 

"Welcome to your country," said one sign. "The people of Jowhar welcome the transitional federal government," read another. "Long live the president and the prime minister," another said.

 

Yusuf was expected to travel later to his home region of Puntland in northeast Somalia but was to follow a separate intinerary from Gedi, who was to visit at at least three other towns on his five-day tour: Beletuuein, Baidoa and Galkayo.

 

Neither Yusuf nor Gedi were expected to visit Mogadishu due to security concerns, the officials said.

 

Source:AFB

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii ugu sareeyey ee ka socda DFKMG ah oo maanta cagaha soo dhigey ciidda Soomaaliya

 

SBC Exclusive-24.Feb.2005 Wafdigii ugu sareeyey ee ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ee abid cagaha soo dhiga ciidda ama arlada Soomaaliyaayaa maanta waxay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Wafdigan ayaa saaka hiirtii waaberi waxay ka soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi waxaana wafdiga ku sii sagootiyey Garoonka Xubno ka socdey Dawlada Kenya iyo waliba DFKMG ah waxaa ka mid ahaa xubnahaas Gudooomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo waliba xubno kale oo ka socdey Golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirada, sidoo kale waxaa wafdigan ku sii sagootiyey kaaliyaha Wasiirka u xilsaaran arrimaha Africa Kenya Joshua Ojodeh, Kaaliyaha Wasiirka Gobolka Bariga Africa John Nyagha iyo Danjiraha Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

 

C/laahi Yuusuf ayaa intii uusan raacin diyaarada wuxuu sheegay in uu u socdo dalkii, wuxuuna isaga oo dhoolacadeynaya yiri" Waxaan aadayaa Dalkii waxaana u socdaa nabadeyn iyo isku keenida bulshada Soomaaliyeed"

“Carradii waa nabad Soommaalidiinna meesha joogtaay fulaynimada iska daaya ee ina keena"

ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo markaas u sii dhaqaaqey Diyaaradii u soo qaadi lahayd Magaalada Jawhar.

 

Wafdigan waxaa hogaaminayey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geeddi waxayna ka koobnaayeen Xubno aad u fara badan oo ka kooban Golaha wasiirada iyo waaliba Golahan Baarlamanka ayaa waxay ku socdaalayeen 3 diyaaradood oo ay ka soo raaceen Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Wafdigan ayaa waxay soo gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Jawhar iyadoo diyaaradii sidey wafdigii ugu horeeyey oo ka koobnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo Ergooyinkii Shirkii Soomaaliya ay degtay 12:30, Diyaaradii labaad oo sidey Xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo Xildhibaano ayaa waxay cagaha la heshay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka abaara 12:35 daqiiqo, halka diyaradii ugu dambeysay oo ay saarnaayeen C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi ay soo degtey 12:45 daqiiqo.

 

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey dad aad u fara badan oo kumanaan gaaraya kuwaasi oo u hamuuun qabey aragtida iyo soo dhaweynta Madaxweynaha DFKMG ah oo ay mudo sugayeen.

 

Madaxweynaha DFKMG ah ayaa markii uu ka soo dagey Sallaanka diyaarada ayaa waxaa Ciidamo meeshaas lagu diyaariyey oo ka koobnaa Booliis iyo Malateri ay siiyeen salaan sharaf, iyadoo kooxaha Bambayda ay halkaas kaga shanqiriyeen Astaanta Musiga Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta Garoonka Diyaarada si weyn uga dhex muuqdey.

 

Sidoo kale C/laahi Yuusuf ayaa intii uu salaan shafarta ka qaadanayey Cutubyada Ciidamada waxaa loo ridey 21 Madfac oo hab muumuus ahaan cirka loogu ganey, waxaana sidoo kale Dhabaha Diyaarada ilaa iyo markii uu fuuley gaari madow oo loo diyaariyey uu ku dul socdey roog cas oo lagu gogley garoonka diyuuradaha.

 

Wafdigan ayaa waxaa loo soo dhaweeyey si heer sare ah iyadoo min Garoonka Diyaaradaha oo magaalada u jira 13 KM ilaa iyo Magaalada ay dhoobnaayeen dad aad u fara badan oo ay ka muuqatey shacuur wadaniyadeed iyo mid u hamuun qabka Dawladeed.

 

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed,Ra'iusulwasaare Cali Maxamed Geedi,Wasiirka maaliyada ahna ku xigeenka Ra'iuslwasaaraha Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Fedaraalka Cabdalla Deerow ***** , wasiiru dowlaha Baarlamaanka iyo Xukuumada C/rixmaan Adan Ibi,Wasiirka Dhulka iyo Deegaamaynta Moowliid Macaane Maxamuud, Wasiirka Horumarinta Reer Miyaga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo dheere, Wasiiru ku xigeenka Wasarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele, Af hayeenka Madaxewynaha Yuusuf Bari Bari iyo waliba Cali Ugaasb Cabdulle iyo Daahir Dayax oo ka mid ahaa Ergooyinkii ka qayb galey shirkii lagu dhisey Dawlada, waxaa sidoo kale wafdigan ka mid ah xubno kale oo ka mid ah Golaha Baarlamanka iyo Wasiirada oo aynan helin magacyadooda.

 

Dadweynaha ayaa waxay ruxayeen caleemo qoyan iyo waliba Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay kuujinayaan taageerada ay u hayaan Xukuumada iyo waliba hadalo kale oo fara badan.

 

 

Xubnihii wafdigan maanta ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb( Maxamed Dheere), Khadiijo Maxamed Diiriye oo wasiir ku xigeen ah iyo Salaax Cali Faarax iyo waliba xubno kale oo fara badan.

 

Wafdigan ayaa waxaa la dajiyey Guriga Gobolka iyadoo amaankooda aad loo adkeeyey waxaana lagu wadaa inay ilaa caawa ay joogaan halkaasi, iyagoo ka soo degi doona maalinmada Beri ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

 

Wariyaasha Idaacadda SBC ee Magaalooyinka Nairobi Iyo Jawhar(Canab Mumtaax & C/qani Sheekh)

 

Waxaa Isku soo duwey Agaasimaha

Eng.Mowliid Haji Abdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka degay magaalada Jowhar

 

 

Khamiis, February 24, 2005 (HOL) @16:00GMT: Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, isla markaana ay tiradoodu ku dhaweyd 50 ruux ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Wafdigan oo ka soo degay garoonka degmada Jowhar ayaa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

 

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid deegaanada hoos yimaada gobolka, isla markaana caleemo qoyan ruxayay ayaa ka qeybqaatay soo dhaweynta mas'uuliyiinta dowladda, iyadoo markii ay ka degeen garoonkana lagu maamuusay 21 madfac oo loo riday.

 

Dabcan, Degmada Jowhar ayaa u muuqata mid meteleysa caasimaddii Soomaaliya, marka loo eego sida loogu maamuusay Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha kale ee la socda, iyadoo ammaankana ay sugayeen Ciidamo ku labisan dharkii lagu yaqiinay Ciidamada Booliska, kuwaasoo gacmaha ku heystay Budad, sida wararka naga soo gaaraya Jowhar ay sheegayaana laguma arkayo magaalada gudaheeda cid hubi ku sidata, taasina waxaa saamaxay oo ka shaqeeyay maamulka Shabeelaha Dhexe.

 

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo garoonka diyaaradaha oo dhowr iyo toban Km u jira magaalada Jowhar looga soo qaaday gaari nooca madaxda ah oo weliba uu ka babanayo calanka Soomaaliya ayaa waxaa la dejiyay guryo horay loogu diyaariyay, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu saacadaha soo socda u baqooli doono deegaanada Puntland.

 

Wafdiga Dowladda Federaalka ee gaaray Jowhar ayaa xubnaha kale ee la socda waxaa ka mid ah Saalim Caliyow Ibrow, Cabdalla Deerow ***** , Mowliid Macaani Maxamuud, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere, Salaad Cali Jeelle, Cali Ugaas Cabdulle, Daahir Maxamed Shiikh (Daahir Dayax), Sahra C/qaadir iyo kuwo kale.

 

Ma ahan wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Federaalka ee yimaada gudaha dalka Soomaaliya, waxaana horay dalka u soo gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan, halka haatan ay wafdiyo kale oo ka tirsan dowladda federaalka ay ku sugan yihiin magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Garowe iyo Gaalkacyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi0.gif

 

Somalian leaders head home on fact-finding trip

 

Nairobi, Kenya

 

24 February 2005 12:17

 

Somalia's exiled president and prime minister left Kenya on Thursday on their first visits home since taking the helm of the country's transitional government last year, officials said.

 

President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Mohammed Ali Gedi left the Kenyan capital, Nairobi, in separate planes en route to Jowhar, north of the country's lawless capital of Mogadishu, they said.

 

Officials said Gedi and his delegation had arrived in Jowhar at about 10am local time, but residents of the town said his plane had not landed by noon.

 

A crowd of several thousand people, some waving the Somali flag and posters of the president and prime minister, was gathered at the town's airfield to greet the delegation, residents said.

 

Once in Jowhar, officials said Gedi would prepare a reception for Yusuf who was expected to arrive later in the day.

 

Yusuf's itinerary was not immediately known, but Somali officials said Gedi will be visiting at least three other towns on his five-day tour: Beletuuein, Baidoa and Galkayo.

 

They said Gedi will not visit Mogadishu on the current trip because of security concerns.

 

Gedi's departure from Nairobi had been planned for Wednesday but was delayed for logistical reasons, and no rescheduled date for the trip was announced in advance.

 

His trip has been billed as a "meet-the-people" tour to lobby support for the government ahead of its planned relocation from exile in Kenya, where it has been located for security reasons since being formed in October.

 

Gedi had said the relocation would begin on February 21 but although Somali officials insist the move is under way, neither the premier nor any other senior members of his government appear to have immediate plans to base themselves permanently in Somalia.

 

Somalia has been in chaos without any functioning central authority since the ouster of strongman Mohamed Siad Barre in 1991 turned the Horn of Africa nation into a patchwork of fiefdoms ruled by violent warlords.

 

To get a foothold in the capital, Gedi's government has requested and received authorisation from the African Union for the deployment of regional peacekeepers.

 

But their proposed presence has drawn vehement opposition from many Somalis, particularly hard-line Islamic clerics in Mogadishu, who are opposed to the presence of any foreign troops in the country.

 

Just hours after Gedi announced the February 21 start date for the relocation on February 9, a BBC journalist in Mogadishu to cover the anticipated arrival of the government was shot and killed in what analysts suspect was a warning against outside intervention.

 

Last week, an AU delegation in Mogadishu to assess security for the peacekeepers narrowly missed being hit by a roadside bomb explosion that killed two Somalis and wounded five others.

 

In addition to addressing the security situation, the government has said the speed of its relocation will depend on donors covering an initial six-month budget of about $77,3-million.

 

Only about $8-million had been contributed by mid-February.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^^

Insha Allah bro, we live in hope.

 

Jowhar: Yuusuf iyo Geeddi oo Caawa xaflad loogu samaynayo Jowhar

- Thursday, February 24, 2005 at 18:01

 

Jowhar (AllPuntland)- Madaxwaynaha dowladda federaalka kmg ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay uuna ka mid ahaa Ra'iisal wasaare Prof, Cali maxamed Geedi ee maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa caawa xaflad soo dhawayn ah loogu qabanayaa magaalada Jowhar.

 

Qaban qaabada xafladdan soo dhawaynta ah oo la filayo in ay bilaabato cishaha ka dib ayaa si wayn uga socota halka madaxwaynaha iyo wafdigiisu ka dagganyihiin magaalada Jowhar oo haatan noqotay meel muhiim ah maaddaama ay ku suganyihiin raggii ugu sar sarreeyay dowladda kmg ah ee Somalia. Kooxo fara badan oo dhinaca musicada qaabilsan ayaa la diyaariyay si ay madaxwaynaha iyo wafdigiisa iyo mar ti sharafta xafladda soo dhawaynta ka qayb qaadanaysa u maddadaaliyaan,halkaasina heeso wadani ah uga qaadaan.

 

Waxaa haatan magaalada Jowhar ku sugan qaar badan oo ka mid ah fannaaniintii soomaaliyeed kuwoodii ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ka hor intii aan wafdiga madaxwaynuhu iman halkaa lagu diyaariyay. Waxaa sidoo kale halkaa ku sugan saxafiyiin badan oo caalamka iyo gudaha dalkaba ka socda oo dadwaynaha soomaaliyeed ee dalka iyo dibadaba jooga u soo gudbinaya qaabka ay wax uga dhacayaa degmada Jowhar oo haatan uu ku suganyahay madaxwaynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay wehliyaan in ka badan 50 xubnood oo ka kala tirsan golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada .

 

Abshir Cali Gabre

 

AllPuntland, Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites
J.Lee   

Mansha'allah, Alas, We have a president, lets rejoice and sing from mountain top to mountain top, I will personally journey to Mt.St.Halen right now icon_razz.gif . On a serious note, it is good news to have the President home.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

SOMALIA: President, prime minister begin week-long tour

24 Feb 2005 15:31:17 GMT

 

Source: IRIN

 

NAIROBI, 24 February (IRIN) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Ali Muhammad Gedi on Thursday arrived in the town of Jowhar, 90 km north of Mogadishu, the Somali capital, to begin a week-long "meet the people" tour of various regions in the country, a local journalist told IRIN.

 

"Thousands of residents lined up the 16-km stretch of road between the town and the airstrip and many more waited at the residence where the President is expected to stay," Yusuf Ali Usman, a Jowhar-based journalist, said.

 

In Nairobi, the director of communications in Gedi's office, Hussein Jabiri, confirmed the leaders' departure. Yusuf and Gedi, accompanied by a large delegation of the Kenyan-based interim Somali government, arrived at Jowhar "at around noon local time".

 

Local leaders, led by faction leader Muhammad Umar Habeb, who is also the governor of Jowhar, received the delegation, Usman said.

 

Yusuf and Gedi had been due to make the trip on 23 February, but were delayed by logistical problems. The tour marks the first time they have stepped on Somali territory since Yusuf's election in October 2004 and his appointment of Gedi two months later.

 

The president's spokesman, Yusuf Baribari, told IRIN the trip was part of the new government's relocation process.

 

"[it] is a process which aims at open dialogue with the people, [to] listen very carefully to their concerns and [to] explain the government's policies and programmes," he said. "It is a bottom-up approach."

 

The delegation was expected to meet representatives of various sections of the population including elders, women, the youth, politicians, business and religious leaders.

 

The delegation is also due to visit the towns of Galkayo, Beletweyn and Baidao, all in southern and central Somalia. It was not immediately clear whether the two leaders would visit Mogadishu.

 

At least 40 members of the interim government left Nairobi on 16 February to prepare for Yusuf's visit. Some 80 members of the 275-strong parliament are also in Mogadishu as are military experts from various African countries who are in Somalia to assess the situation, ahead of the proposed deployment of a peace mission there.

 

The regional Inter-governmental Authority on Development, whose members are Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda, sponsored two years of peace talks between various Somali clans and factions, which culminated in the formation of the transitional federal government. The process ended a 14-year period during which Somalia lacked a functional central government.

 

The new government, which includes several faction leaders, has not been able to relocate from Nairobi to Somalia, citing security considerations. However, it has come under increasing pressure from the Kenyan government and western diplomats to do so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this