Sign in to follow this  
General Duke

Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa

Recommended Posts

Originally posted by sky.african:

i still havent seen any pictures, i expect from beledweyn, baydhabo and puntland cities a lot of pictures. till now this could be a setup and they are actually in nairobi. im kind of disappointed with the somali media, a bit amateurish.

:D

I though so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beledweyne: Wafdiga Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha Soomaaliya oo Jooga Beledweyne

- Friday, February 25, 2005 at 13:18

 

Beledweyne (AllPuntland)- Wafdigii uu hogaaminayay madaxwaynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaliya ayaa dhawaan gaaray magaalada Balad wayne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo halkaas ku tagay safar xagga dhulka ah oo aykaga soo baxeen xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo ay shalay ku yimaadeen diyaarado kasoo qaaday dalka Kenya oo ay hadda dawladu daganayd.

 

Wafdiga oo kusoo hakaday magaalooyinka iyo iyo tuulooyinka u dhexeeyaa Jowhar ila Badladweyne oo ay kula hadleen dadweynaha iyo waxgaradyada ku dhaqan ayaa markii ay soo galeen maagalada Beledweyne waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay dadweyne kumanaan ah oo safnaan wadada wafdigu marayay hareeraheeda.

 

Intii aanay magaalada Balad wayne soo gaarin waxay Wafdiga Madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaruhu salaan sharaf kaga qaateen xerada jante kun dishe (115) oo shan km u jirta Balad wayne ciidammada raacsan maamulka gobolka Hiiraan.

 

Kumannaan reer Hiiraan ah ayaa isugu soo baxay magaalada Balad wayne ka dib markii ay salaadda jimce soo dukadeen si ay ula kulmaam Wafdiga Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wafdiga ayaa la filayaa in ay dadka la hadlaan dabadeedna ay u duulaan magaalada Garoowe oo ay caawa u hoyan doonaan iyadoo diyaarad wayn oo qaadaysana ay hadda ku sugan tahay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Rooble ee magaalada Balad wayne.

 

Baledweyne oo ku taal bartamaha Soomaaliya ayaa ay u tahay markii ugu horeeysay mudo 14 sanno ka badan oo wafdi Dawlad Dhexe oo Soomaaliyeed ka socdaa uu yimaado, dadka soo dhawaynta wafdigaan usoo baxay ayaa si weyn waxaa uga muuqday dareenkooda wadiniyadeed iyo diiranaanta ay u hayaan soo dhawaynta dawlada Soomaaliya dib ugu curutay.

 

Abshir Cali Gabre

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulaahi Yuusuf Axmad oo gaaray Magaalada Baladwayne .

Posted on Friday, February 25 @ 11:15:08 CET by editor

 

 

Madaxwenaha DFKG C/Laahi Yuusuf Axmad ayaa Daqiqado ka hor Gaaray Magaalada B/Wayine ee Caasimada Gobolka Hiiraan waxaana soo Dhaweeyay Dad aad u Fara badan oo sita caleemo qoyan iyo Calanka soomalia

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Col,C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigi Balaarnaa ee uu hogaaminayay ayaa daqiiqado ka hor tagay Magaaladda Baladwayne.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo Maanta ka ambabaxay Magaallada Jowhar isaga iyo Wafdi balaarnaa oo uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd gaaray Magaaladda Baladwayne. Waxaanak halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Dadwaynaha Magaaladda Baladwayne.

 

intii uusan gaarin Madaxwaynaha Magaaladda Baladwayne waxaa uu ku sii hakaday Degamadda Buulo Barde. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Boqolaal Dadwayne ah oo Calanka Soomaaliya lulayay.

 

Madaxwaynaha ayaa Maanta salaan sharaf uga Qatay Magaallada Baled weyne Qeybo ka tirsan Ciidamda Xoogga Dalka Somaliyeed. kuwaasoo halkaasi ka muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in Maanta ay Magaallada Xarunta ah Gobolka Hiiraan ay ku Qabilaan Wafdiga ka Socda Dowlada Ku meel gaarka ah ee Somaliya ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya.

 

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo waxa ay inta ay Joogaan Magaallada Baled weyne ay kula kulmi doonaan Mas'uuliyiinta,Waxgaradka,Culimada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Hiiraan.

 

Safarka Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ee ay maanta ku tageen Magaallada Xarunta ah Gobolka Hiiraan ayaa ah lugtii labaad ee Safarka ay Somaliya ku marayaan. Waxaana la filayaa in Madaxwaynuhu uu Magaaladda Baladwayne uga sii gudbo Magaaladda Gaalkacyo. halkaasoo uu kaga billaabanayo Safar uu ku soo kala bixin doono Deegaanadda Punt Land. isagoo dabeetana laga yaabo inuu ku soo laabto Muqdisho.

 

Dhinaca kale waxaa hada hadalka qaatay Ra'iisul Wasaaraha waxa uu u jeediyay Dadka hadal kooban oo hambalyo ah iyo mahad celin ah. wuxuuna sheegay in Dadwaynaha oo daalan awgeed aysan xilligan u jeedin karin Qudban. laakiin ay Caawa ka hadli doonaan Xaflad wayn oo ka dhici doonta Xarunta Gobalka

 

Dhinaca kale haweenka Gobalka ayaa haatan Barxada soo galay oo ku dhawaaqaya ha noolaado C/laahi Yuusuf iyo hadal kale oo ay ku soo dhaweenayaan Dowalda oo ay ka mid yihiin Maanta.. Maanta waa Maalin waynee .

 

C/casiis M. Guuleed "Afrika"

 

abdiguuleed@yahoo.com

 

Mogadisho, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo si diirran loogu soo dhoweeyey Beledweyne

 

Beledweyne - 25.February.2005 Waxaa galabta si diirran oo weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Beledweyne, Wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Wafdiga Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa safar dheer oo saacado badan qaatay dhinaca dhulka uga soo galay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Mas'uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka oo horay u joogay halkaasi, mas'uuliyiinta goboblka Hiiraan, Isimo, nabaddoonno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed inkasta oo uu soo dhoweyntaasi sida weyn loo agaasimey uu uga mahad celiyey dadweynihii iyo maamulka gobolkaba, haddana umey suura gelin in uu halkaasi khudbad ka jeediyo sababo dhinaca wakhtiga ah darteed, waxase uu ballan qaaday in uu maalinta Salaasada uu dib ugu laabto Beledweyne halkaas oo uu hadal uga jeedin doono dadweynaha.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo socdaal dhulka ah ku gaaray Beledweyne, isagoo ku sii jeeda Garowe

 

 

Jimco, February 25, 2005 (HOL) @15:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdigii ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi ee shalay gaaray magaalada Jowhar ay maanta Duhurnimadii gaareen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

 

Wafdigan oo saakay aroor hore ka guureeyay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana ay galbinayeen gadiidka dagaalka oo aad u tiro badan ayaa waxay socdaallo ku kala bixiyeen degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Beledwyene.

 

Dadweyne aad u fara badan ayaa ilaa saakay waxay ku jireen diyaargarow ku saabsan sidii ay madaxweynaha iyo wafdigiisa u soo dhaweyn lahaayeen, iyagoo aanan wax daal ah dareemin, waxaana dadkaasi daqiiqad daqiiqad loogu sheegayay hadba meesha uu soo marayo wafdiga Madaxweynaha.

 

Wafdiga madaxweynaha waxaa magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Eng. C/llaahi Cabdi Cali Koofi, Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Md. Cali C/llaahi Cosoble iyo xubno kale oo qaarkood wafdiga dhex uga hortageen.

 

Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dhamaanba la xayiray socodka gaadiidkii geli jiray iyo kuwii ka soo bixi jiray, iyadoo taasina ay magaalada Beledweyne kaga dayatay magaalada Jowhar oo iyadu shalay sidan oo kale aaney jirin wax gaadiid ah oo ka baxay amaba galay.

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in ay isla galabtaba u kicitimi doonaan magaalada Garowe oo aad looga sugayo, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaasi u qaadi doonto diyaarad oo aaney dhulka mari doonin, wuxuuna madaxweynuhu haatan ku nasanayaa guri uu magaalada Beledweyne ku leeyahay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Raage Ceelle.

 

....................................................

 

Jowhar.jpg

 

jowhar1.jpg

 

jowhar3.jpg

 

jowhar_cy_geedi1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo ka soo degey garoonka diyaaradaha Garoowe

 

Garoowe - 25.February.2005 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geeddi ayaa haatan ka soo degey garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha ayaa loo gogley roog lagu maamuusayey waxanay haatan salaan ka qaadanayaan ciidammada mabmoyda, waxanay sidoo kale haatan ay salaamayaan mas'uuliyiinta Puntland, suxufiyiinta iyo dadweynaha kale ee halkaasi ku sugan.

 

Saddexda diyaaraddood ee haatan ka soo degey garoonka Conoco, Garoowe, ayaa midda hore waxaa la socda wafdiga horudhaca ah, diyaaradda labaad ayaa sidda madaxweynaha halka diyaaradda saddexaad ay iyana ay saarnaayeen ra'iisal wasaaraha iyo wufuud kale.

 

Wafdigan ayaa haatan waxay diyaar ku yihiin Garoonka, waxaana si toos ah warkan u soo diraya Mowliid Xaaji Cabdi, tiiyoo idaacadda SBC-na si live ah loogala socdo.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu haatan salaan ka qaadanayaa cutubyo ka tirsan ciidanka bamboyda, waxaana halkaasi ku sugan mas'uuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxwenaha Puntland, Cadde Muuse Xirsi iyo dhammaan amaba inta badan golayaasha dawladda Puntland.

 

Amaanka wafdigan ayaa si weyn loo adkeeyey, waxanu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu salaamayaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas'uuliyiinta kale ee halkaasi ku sugan.

 

(faahfaan dheeraad ah goor dhow...)

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Ballaaranaa ee la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

 

Kumanaan dadweyne ah, Ciidamada Qalabka sida,Ciidamada Booliska, Maleeshiyooyinka beelaha,ardayda dugsiyada,Haweenka iyo Ururada Bulshada Mas’uuliyinta Maamulka Puntland iyo Marti sharaf kale ayaa Garoonka diyaaradaha ee Duleedka Magaalada Garowe waxay ku soo dhaweeyen Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayna ka mid ahaayeen Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Maaliyadda, Kan Dastuurka iyo kuwa kale oo ka tirsan Labada Gole ee Dowladda KMG ah kuwaas oo Maalintii shalay socdaalka lugtoodi koowaad ka bilaabay Magaalada Jowhar ee Xaruunta shabeelaha Dhexe.

 

C/llaahi Yuusuf oo Salaan Sharaf ka qaatay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya kuwoodi ku sugan Garoowe, ayaa kadib waxaa uu gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Maamulka Puntlnad.

 

Wafdigan ayaa waxaa loo diyaariyey baabuur fara badan oo landcruiser-ro ah, kuwaas oo ka badan ilaa 50, iyadoo dadweynaha safanaayeen garoonka Conoco oo ah Dhabaha wafdiga ku soo degeen iyo Magaalada garoowe.

 

Wariyaasha ku sugan garoonka Conoco ee Garoowe oo Wafdiga ka degeen waxay leeyihiin soo dhaweyntan waa ka duwaneyd kuwii hore, Maxaa yeelay Madaxweynuhu Garoowe waxay u tahay deegaan sidaas darted waxaa si aan kala har lahayn u soo dhaweeyay beelaha ku dhisan Maamulkiisi hore ee Puntland.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo casho sharaf caawa looga sameeyay Magaalada Garoowe,isagoo berito lagu wado in dadweynaha kula hadlo garoonka kubadda Cagta ee Garoowe, maadaama xilli habeen ah ku aaday Magaalada.

 

Waa markii ugu horeyso oo C/llaahi Yuusuf iyo Prof. Cali Maxamed Geeddi ay tagaan Garoowe tan iyo markoo jagooyinka ay haayan qabteen sanadkii hore, waxaana la sheegaya in socdaalka hadda ku joogan Garoowe qeyb ka yahay mid ay ku marayaan soomaaliya oo dhan marka laga reebo Kismaayo, Shabeelaha hoose, Gedo iyo Magaalada Caasimadda u ah soomaaliya ee Muqdisho.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Home Sweet home

 

Cabdullaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo ka soo degey garoonka diyaaradaha Garoowe

Garoowe - 25.February.2005 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaaraha Cali Maxamed Geeddi ayaa haatan ka soo degey garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha ayaa loo gogley roog lagu maamuusayey waxanay haatan salaan ka qaadanayaan ciidammada mabmoyda, waxanay sidoo kale haatan ay salaamayaan mas'uuliyiinta Puntland, suxufiyiinta iyo dadweynaha kale ee halkaasi ku sugan.

 

Saddexda diyaaraddood ee haatan ka soo degey garoonka Conoco, Garoowe, ayaa midda hore waxaa la socda wafdiga horudhaca ah, diyaaradda labaad ayaa sidda madaxweynaha halka diyaaradda saddexaad ay iyana ay saarnaayeen ra'iisal wasaaraha iyo wufuud kale.

 

Wafdigan ayaa haatan waxay diyaar ku yihiin Garoonka, waxaana si toos ah warkan u soo diraya Mowliid Xaaji Cabdi, tiiyoo idaacadda SBC-na si live ah loogala socdo.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu haatan salaan ka qaadanayaa cutubyo ka tirsan ciidanka bamboyda, waxaana halkaasi ku sugan mas'uuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxwenaha Puntland, Cadde Muuse Xirsi iyo dhammaan amaba inta badan golayaasha dawladda Puntland.

 

Amaanka wafdigan ayaa si weyn loo adkeeyey, waxanu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu salaamayaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas'uuliyiinta kale ee halkaasi ku sugan.

 

(faahfaan dheeraad ah goor dhow...)

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

 

http://www.sbconline.net/news.php?page=newspage&id=3450

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii Dawaladda wadaagga ah oo Jawhar,Beledweyne iyo Garowe isu soo maray... 25/2/05

 

 

Waftigii Dawaladda wadaagga ah oo Jawhar,Beledweyne iyo Garowe isu soo maray.

 

Waftigaas oo sidaan horayba u ogeyn uu hoggaaminayey Madaxweynaha dawladda wadaagga ah ee Soomaaliya Mudane.C/llaahi Yuusuf Axmed,uuna kamidka ahaa raysul-wisaaraha Soomaaliya Mudane Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo xubno golaha wasiirada,raysulwasaare kuxigeenno iyo xubno golaha baarlamaanka ay ka mid ahaayeen oo shalay tegay Magaalada Jowhar ee Magaala madaxda Shabeellaha Dhexe ayaa waxay saaka uga sii gudbeen iyagoo dhulka ku safray magaalooyin ay kamid yihiin Buuloberde iyo tuulooyin badan oo u dhexeeya Jawhar laga soo billaabo ilaa Beledweyne intaasna waxay shacabka Soomaaliyeed aad usoo dhoweeyeen dawladda.

 

Safarkoodii lugta ahaa waxay ku yimaadeen magaala madaxda gobolka Hiiraan oo ay iyadana kala kulmeen soo dhoweyn heer sare ah.

 

Magaalada Beled weyne yey waftigu markii dambe ee galinkii dambee Jimcadii kasoo raaceen diyaarad ay kusoo aadeen Garowe oo haddaba kusuganyihiin.Iyagoo sheegay iney uga sii gudbi doonaa meelo kale oo laga carrabaabay Bosaso,Baydhabo iyo Muqdisho.

 

Waftigu meelihii ay soo mareen waxay dad weynaha uga jeediyeen khodbado qiira leh iyagoo sheegay iney lagama maarmaan tahay iney ummaddu uguntato sidii ay usoo ceshan lahayd qarannimadeedii oo huwan sharaftii ummadda.

 

Waxay masuuliyiintu intaas ku dareen in loo baahanyahay in hubka layska dhigo,oo la walaaloobo wax walbana gacmaheenna ay ku jiraan inaan hagaagsanno iyo inaan xumaynaba.

 

Waxay kaloo sheegeen ney lagama maarmaan tahay in ciiddammo hubka inaga dhiga la keeno dalka isla markaana inoo tababara maleyshiyaadka hubka laga dhigayo.

 

Madax weyne C/llaahi Yuusuf iyo Prof.Geeddiba waxay sheegeen iney magaala madaxda Soomaaliyeed tahay Muqdisho ayna tagi doonaa xilliyada foodda inagu soo haysa.

 

Axmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdigii C/llaahi Yuusuf oo gaaray B/weyne

(Magaalooyinka Gaalkacyo & Garoowe oo lagaga diyaar garoobay soo dhoweynta wefdiga madaxweynaha)

 

 

 

Waxaa gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan wefdigii uu hogaaminayey madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo safaro ku marayey gobolo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo wefdiga madaxweynaha oo ay galbinayaan in ka badan 70 baabuurta dagaalka ahi ay saaka ka ambabaxeen magaalada Jowhar iyaga oo maray waddada dhulka ah ee u dhexeysa Jowhar & B/weyne.

 

Soo dhoweyn aad u ballaaran ayaa wefdiga loogu sameeyey magaalada B/weyne, waxaana isugu soo baxay soo dhoweynta wefdiga madaxweynaha dadweynaha ku dhaqan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasina ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin u dhashay gobolka oo uu ku jiray wasiirka waxbarashada Cali C/llaahi Cosoble & Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, iyadoo uu madaxweynuhuna la hadlay dadkii isugu soo baxay soo dhoweyntiisa, waxaana wefdiga madaxweynuhu ku hakanayaan magaalada B/weyne saacado.

 

Wefdiga madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in ay B/weyne uga sii gudbaan magaalada Gaalkacyo, waxaana soo gaaray garoonka magaalada B/weyne dayuuradii wefdiga madaxweynaha u qaadi laheyd dhinaca magaalada Gaalkacyo oo ay kaga sii gudbayaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland.

 

Socdaalka madaxweynaha uu ku marayo gobolada Soomaaliya oo qaadan doono 4 maalmood ayaa la filayaa in inta aanu Nairobi ku laaban in uu gaaro Baydhabo, lamana oga in wefdiga madaxweynaha ay soo gaarayaan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this