Sign in to follow this  
Maaddeey

Xizbul Islaam oo lacag ugu deeqday Daynile Hospital

Recommended Posts

Maaddeey   

Xisbul Islaam oo Deeq Lacageed gaarsiiyey Isbitaalka Dayniile.

By Somalimirror on 6 May, 2010 7:33 PM in Main, Wararka

 

Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa deeq Lacageed oo gaareysa 34 Malyan oo Shilin Soomaali ah gaarsiiyey Dhaawacyada iyo Bukaanka ku jira Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdan Lacageed oo uu Gacantiisa ku Qeybinayey Macalin Xaashi Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa lagaarsiiyey Bukaano gaaraya 105 Qof oo ahaa Dhamaan intii ku jirtay Isbitaalka kuwaas oo isugu jiray Caruur, Haween Waayeel iyo Rag intaba.

 

Qofwalba oo Dadkaas kamida waxa la siiyey 300,000 Sh Som waxaana intaa u dheeraa Liin bambeelo ka koobneed hal Hoomey waxaana Liinta ku Deeqay Ganacsato Soomaaliyeed sida ay Sheegeen Saraakiisha Xisbul Islaam.

 

Dadka Bukaanka ah ee Deeqdan lagaarsiiyey ayaa isugu jiray kuwa ku soo dhaawacmay Qaraxyadii Waxyeelada Badan geystay ee ka dhacay Masjidka Cabdala Shadeeye ee Bakaaraha iyo kuwo ku soo dhaawamay Duqeymaha iyo Dagaalada joogtada ka noqday Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaanan ka marneyn Bukaanada Caadiga ah ee Xanuunada kale qaba.

 

Dhibaatada ugu weyn waxay ka muuqatay Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii lagu Xasuuqay Jamaacadii Masjidka Bakaaraha waxaana kamid ahaa Dadkii Isbitaalka yiil kuwa gubtay iyo kuwa Lugaha iyo Gacmahaba ka go’ay..

 

Dadkii Deeqda la siiyey ayaa ugu mahadceliyey Xisbiga gargaarka ay u fidiyeen waxayna Walaalaha kale ee Soomaalida iyo Muslimiintaba ka Codsadeen inay Gargaar la soo gaaraan Dadka Dhibaateysan.

 

Macalin Xaashi oo Qeybinta Deeqda kadib Saxaafada lahadlay ayaa umahad Celiyey Maamulka Isbitaalka iyo ganacsatadii Liinta ku deeqday wuxuuna Sheegay inay siiwadi doonaan waxtarka Bulshada dhibaateysan wuxuuna sidoo kale Xaashi u mahad Celiyey Gudigii dhawaan isu taagay Taakuleynta Dadka ku dhibaatoobay Qaraxyadii ka dhacay Masjidka Bakaaraha.

 

Macalin Xaashi ayaa Carabaabay inay u aari doonaan Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii gilgilay Masjidka.

 

Ugu Dambeyntii Macalin Xaashi ayaa soo hadal qaaday War dhawaan ka soo baxay Afhayeenka Ciidamad AMISOM ee Magaalada Muqdisho Bahuko oo ahaa inay ka warheleen qaraxyo ladamacsan yahay in lagu bartilmaameedsado Goobaha Dadku ku badan yahay, Macali Xaashi ayaa hadalkaa kaga jawaabay in AMISOM iyo Mareykanku ka dambeeyeen qaraxyadii hore kuwa ay ka digayaana ay iyagu soo diyaariyeen doonayaana inay Dadkale ku waxyeeleeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Kuwa ina taageera lacag baanu ugu deeqeynaa, kuwa ina mucaaradanna waanu la dagaalameynaa miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Must you be diificult Maaddeey? Just write it in english or AfSoomaali. Only then can I respond :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

fake news

 

why is not this news on the main page

in all Somali websites :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

HAATUA, maybe its time to work on ur arabic smile.gif

 

On a serious note, I thought Maaddeey was a barbaarta supporter. I wonder who he supports when shabaab and xisbiga are biting each other :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Reer Garissa Kiswahili fiican kuma hadlaan, isagoo waxaad arki lahayd ka qayb gelaya BOB's thread: 'only Kiswahili Speakers', sow ma maqlin Mas'uulkii reer Garissa ee Moi soo dhoweynaayey ee yiri: 'Welcome, The late President Moi' wax la mida. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this