Sign in to follow this  
Land_Soldier

All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign from Silaanyo Goverment

Recommended Posts

“Siilaanyo Waxaan u Sheegayaa in Aanay Talladu Ahayn inta ku Xeeran ee waa Inaad Sanaag-bari Saamigooda Xaqa ah Siisaa, Haddii ay Kaa Waayaana...”

Md. Maxamed Cismaan Bulqaas

 

Hargeysa (Jam)- Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cabashadii ugu weynayd ka muujiyey saamiga madaxweyne Siilaanyo ka siiyey xukuumadda Beesha uu ka soo jeedo ee Sanaag Bari, isla markaana caddeeyey in haddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Beesha uu ka soo jeedo siinin saamigeeda ay ka tashan doonto, isla markaana ay yeeli doonto wixi danteeda ah.

 

Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo shalay saxaafadda ugu waramay Hargeysa, waxa uu sheegay in isaga iyo dadka ku nool deegaanka uu ka soo jeedo ay xukuumadda Siilaanyo u arkaan wax ka fog caddaaladda oo wixii damiir lihi aanu u dulqaadan Karin.

 

“Anigoo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada kana soo baxay gobollada Sanaag Bari , xukuumadda madaxweyne Siilaanyo soo dhisay aniga iyo Beesha aan ka soo jeedo waxaannu u aragnaa inay tahay mid cadaalada aad uga fog oo aan loo dulqaadan Karin wixi damiir leh ee ka danaynaaya jiritaanka qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Md. Bulqaas, isaga oo intaa ku daray, “Xukuumadan cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Siilaanyo maaha mid isku dheeli tiran, beelo dhan oo degen xayn-daabka Soomaliland kana mid ah, ayaa xuquuqdii iyo saamigii ay ku lahaayeen xukuumaddan cusub la duudsiiyey amma la inkiray, sababtana waxa ka masuul ah madaxweyne Siilaanyo iyo inta uu tallada ka qaato, wixi halkaa cawaaqib xumo ka yimaadana isagaa ka masuula, iyadoo Somaliland ka kooban tahay Beelo wada dega, laga soo bilaabo intii ay Somaliland gooni isu taagtay.

 

Laga soo bilaabo shirweynihii lagu doortay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanna ka soo baxday dawlad loo dhan yahay oo ay ka mid yihiin Beelaha wada degaa, inkastoo aanay dheeli tirnayn saami qaybsigu uu caddaalada ka foogaa oo aan lagu qanacsanayn.

 

tusaale haddaan u soo qaato Beelaha ***** waa sababta ay ilaa hadda uga maqan yihiin xayn-daabka Somaliland, laga soo bilaabo shirkaa Booraama ee lagu doortay Marxuun Cigaal ilaa tii Riyaale madaxweynaha ka ahaa ee xilka lagala wareegay, tabashadii *****gu wax sidaas ah iskamuu badalin oo xataa maamulkii gobollada *****ga lama gaadhsiin loogumana tala galin in la gaadhsiiyo, wax mashaariic oo haba yaraatee la gaadhsiiyey ma jirin oo siyaasada Riyaale ayaa ku dhisnayd in ***** badankiisu ka maqnaado maamulka Somaliland.

 

Haddaan u suu gunda-dago xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey madaxweyne waxa uu ku taami jirey oo barnaamijkiisa siyaasadeed ka mid ahaa in Beelaha dega gobollada Bari ay saamigooda ka helayaan, wuu ku guulaystay doorashadii, aniga iyo xubnihii kale ee ila midka ahaa ee ka tirsanaa Beelaha waxaannu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulnay sidaanu ku ridi lahayn xukuumaddii Riyaale, dhaqaale badanina nagaga baxay oo ilaa hadda aanaan waydiinin dayntii xukuumadda Siilaanyo, sidaas awgeed waxaan fariin u dirayaa madaxweyne Siilaanyo, Golayaasha Qaranka, Salaadiinta, ururrada iyo shacabka reer Somaliland in Beesha Warsangali ay degaan ahaan leedahay laga bilaabo Ceerigaabo ilaa Boosaaso oo isku jirta masaafo ahaan 500Km, waxaanna Beesha labaad ee Somaliland ugu weyn degaan ahaan, sidaa daraadeed may garan waayin inay tashadaan oo wixi ay doonayaan ay yeelaan, balse waxay ixtiraamayaan jiritaanka Somaliland, waxyaabaha aynu ictiraafka ku la’nahay waxa ka mid ah dhaqanadaa ay ku soo dhaqmaayeen xukuumaddihii kala duwanaa ee cadaalada ka foogaa iyo saamigii ay Beelahaasi ku layaayeen oo layska idho tiray.

 

Waxaan idiin sheegayaa in aanu dhawr jeer wada kulanay madaxweyne Siilaanyo oo aanu ka wada hadalnay saamigayaga xaqa ah oo uu noo ballanqaaday, sidaas awgeed ballankii wuu ka baxay, sida ka muuqata xukuumadda uu iminka soo dhisay.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxaan u sheegayaa in aanay talladu ahayn inta ku xeeran ee waa inaad Beeshayada saamigeeda xaqa ah siisaa, haddii ay kaa waayaana ay kaa tashan doonaan oo ay danahooda qabsan doonaan.”

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by General Duke:

 

Libaahe, do you think these men will resign and what will Siilanyu do in that event?

I don't think they will resign, even if they do siilaanyo will replace them with another 1's hailing from the same area the ministers are from , simple.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they all ready did, and riots are happening in Boorame. The siillyman messed up big time by giving the most cabinet positions to his own tribe.

 

What a moron!! sillyland is on fireeeeeeeeeeee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by rudy-Diiriye:

they all ready did, and riots are happening in Boorame. The siillyman messed up big time by giving the most cabinet positions to his own tribe.

 

What a moron!! sillyland is on fireeeeeeeeeeee!

Source where and when

Share this post


Link to post
Share on other sites

They have the right to complain and demand their rights ......... Nothing special and I hope they will get what they want.

 

I'm with them on this one ..............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

As a Makhiri person, I know that one of the few appointed personnel currently petitioning the "Somaliland" secessionist administration have never set foot on Makhir soil. They are considered self-interested opportunists and pariahs in the eyes of their community, that is why Mr. Silanyo can discard and replace them with much better puppets.

 

They have no say in the actual daily affairs of the powerful Makhir community and their expansive land that stretches from Erigavo to Bosaso up to the Sool Plateau.

 

It's sad that they are being used as puppets to hoodwink the international community. At least their petitions would have appealed to common sense if "Somaliland" was an actual, internationally recognized state.

 

Silanyo himself is considered a governor of a region, mainly dominated by his clan (numerically minority in the larger scheme of Somalia's major ethnic groups}.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Maakhirians went from The minister of sports to the minister of defence now that’s a whole upgrade, I don’t understand their frustrations, mala ciyaarihi sportiga bey uu xiiseen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaahe*:

^^^ Never said they were full somalilanders, but some are.

Libaahe, Xaaji, I think you guys misonderstood the concept of muwaadinimo with tolnimo. The diffrence is that you dont decide who is a Somalilander and who is not, its not the SNM club.

 

There is no more SNM and you are no Talaabo, accept that sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xudeedi

Silanyo himself is considered a governor of a region, mainly dominated by
his clan (numerically minority in the larger scheme of Somalia's major ethnic groups}
.

Xudeedi, arent we all minorities in the larger scheme of Somalia's ethnic major groups? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Maxay kunuugtaa maxayse ka nuugtaa.. Ground Zero. I see no reason to go 4 pages for non-existing stuff. Successionsts relax. It's Ramadan ee iska cibaadaysta. This project aint going no where...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Land_Soldier, i think you will find that full time somalilanders have the right to question the somalilandnimo of "part time somalilanders".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

The guys, Cadami, Qorseef, have never been to Maakhir, and can not represent that region.

 

It does not make sense why they complain, as they don't have bargaining power. They only represent themselves.

 

Opportunists are everwhere and are found of every region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this