Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burburka SSC Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Buuhoodle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo Deegaano katirsan gobolka Ceyn ee Dawlada Puntland ayaa kusoo waramaya in ugu yaraan Labo Boqol oo kamid ahaa Malayshiyaadka Jabhada SSC ay gaareen Deegaano katirsan degmada Widhwidh kadib markii ay si rasmi ah uga goosteen Kooxda SSC.

 

Wararku waxay sheegayaan in Malayshiyadani ay ahayd kooxdii ugu badnayd ee katirsanaa ciidankan,waxaan ay wararku sheegayaan in ay goosteen kadib markii uu khiilaf soo kala dhexgalay Saraakiisha ciidamada SSC & Hogaanka Jabhadda SSC kaas oo ku salaysan Arimo Dhaqaale kadib markii ay Mushaar la’aan baahsani lasoo derista ciidanka SSC.

 

Sarkaalkii hogaaminayey Ciidanka ayaa isagoo xiriir lasoo sameeyey APL wuxuu sheegey in ay doonayaan in ay ka qeybqaataan soo celinta gobolada maqan,isagoo sidoo kalena sheegey in hogaanka SSC uusan diyaar u ahayn inuu ka dhabeeyo sababtii loo saameeyey Jabahadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

kamid ahaa Malayshiyaadka Jabhada SSC ay gaareen Deegaano katirsan degmada Widhwidh kadib markii ay si rasmi ah uga goosteen Kooxda SSC

Kolka halkay u goosteen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mustafe Galaal Oo Dib Ugu soo Digarogtay SNM-tisii

 

Wararka ka imaanaya Magaalada la haysto ee Widhwidh ayaa sheegaya in halkaas uu caawa fiidkii soo gaadhay Mustafe Galaal Xirsi oo ahaa Horgal hore uga tirsanaa jirey Maleeshyaadka SNM. Mustafe ayaa waxaa dhawr bilood ka hor ka soo saaray maleeshiyaadka beesha ***** oo uu horgale u ahaa Qaar ka tirsan Jaaliyadda beeshiisa ee Qurbaha joogta.

 

Mustafe Galaal oo ka mid ahaa Horgaladii u soo horkacay magaalada uu ka soo jeedo ee Widhwdh cadawga haysta ayaa hore u sheegay inuu u adkaysan waayey Handadaad iyo cago jugleyn joogta ah oo lagu hayo asaga iyo Horgalada kale ee ku jira maleeshiyaadka SNM.Mustafe Galaal ayaa la xaqiijiyey inaysan jirin cid ku wehelisey safarkiisa, isla markaana aysan la socon wax ciidana haba yaraatee.

 

Ilo ku sugan magaalada Widhwidh oo diidey in magacooda la shaaciyo sababo xaga amaanka ah ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta SSC in soo noqoshada Mustafe ay gacan weyn ka gaysteen koox wadaado ah oo dhawaan shir ku qabtay Tuulada xamar lagu xidh, halkaasoo ay nabad kaga baaaqeen.

 

Waxaana la sheegay in kooxdan wadaada ah oo ay Horboodayaan Faarax Sugaaal iyo Ismaaciil Axmed Dayyib ay doonayaan in ay Mustafe madax uga dhigaan maleeshiyaad beeshaas ka soo jeeda oo lagu wado in la hoos geeyo SNMta haysata magaalada, Waxaana ay aad ugu hanweyn yihiin in ay iskaga dhigaan hadi weerar uga yimaado ciidamo uu hogaaminayo Kayse Abdi Yuusuf oo ku sugan aaga Widhwidh kuwaasoo dhawaan hub qurba joogtu iibisay dib ula wareegay.

 

Dib ugu noqoshada Horgalanimada ee uu Mustafe Galaal ku laabtay ayaa waxay Daliil cad u tahay inaysan Aamin lahayn horgalada ku jiraa SNMta ayna yihiin Lafjabtay sideedii ma noqoto, kuwaasoo la sheegay in Sandareerada la siiyo ay tahay mid sida sixirka u saaqda.

 

Dhanka kale waxaa ka socda magaalad Widhwidh qaban qaabo ku aadan shir la sheegay in ay ka qayb galayaan wasiiro ka socda maamulka Siilaanyo kuwaasoo ay weheliyaan Horgalada deegaanka u dhashay, waxaana qaban qaabada gogashaas wada kooxdii Xamar lagu xidh,

 

Waraysi uu dhawaan siiyey TV-ga Universal Horgale Cismaan Garaad Soofe ayuu ku sheegay in beesha Gulleed Garaad ay isa soo dhiibtay, isla markaana sida uu sheegay ay nabad qaateen, reer Hawdkuna ku daba jiraan oo Garaadadoodii ku maqan yihiin sidii ay shacabkooda u ekeeni lahaayeen sida buu yidhi Garaad Abshir yeelay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i would like to remind Somaliland supporters here that "buburka ssc" is not good for them or Somaliland but in supporting SSC...you'd rather deal with a united entity then a divided one...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burbur soo waajahay Maleeshiyadii SSC, Xagla toosiye oo la Xayiray iyo Xubno Miisaanleh oo ku soo Fool leh Somaliland

 

 

Laascaanood (Waaheen)-Maleeshiyada Nabad diidka ah ee la baxday SSC ayaa Bur burtay, ka dib markii ay soo waajahday Xaalada Dhaqaale Xumo iyo Taageero la’aan kaga timi meelihii markii hore laga soo abaabuli jiray.

 

Kooxdan oo dhawaan Firxadkeedii ugu horeeyay isu dhiibay Somaliland ayaa la sheegay inay soo fool leeyihii Kooxo kale oo ka tirsan Maleeshiyadaasi,kuwaasoo sida la sheegay ka soo jeeda Deegaamada Gobolka Sool iyo Buuhoodle.

 

dad ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa waaheen u sheegay in la filayo Maalmaha soo socda inay isa soo dhiibi doonaan Kooxo kale oo tirsanaa Maleeshiyada Nabad diidka ah ee SSC oo ka dagaalami jirtay Deegaamada Bariga Sool,kuwaasoo sida la sheegay wada hadalo u socdaan hada Masuuliyiinta Dawlada Somaliland u qaabilsan Gobolada Bariga,gaar ahaan Gobolka Sool.

 

Xubnahan ka soo goosanaya Dhinaca SSC oo la sheegay inay joogaan Deegaanada Bali Caanood iyo meelo kale oo ka tirsan Deegaamadii ay hore u joogeen Maleeshiyada SSC, ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhaweeyo dhinaca Somaliland, si ay u taabo qaadaan Baaqa Nabadeed ee Xukuumadda iyo Sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Deegaanadii dhawaan shaqaaqadu ka dhacday.

 

ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Kooxahan la filayo inay u soo talaabayaan dhinaca Somaliland iyo sababta ay isu soo dhiibeen Wakhtigan, balse Maleeshiyada SSC ayaa gabi ahaanba kala dhaqaaqday dhawr Bilood ka hor,isla markaana wakhtiyadii u dambeeyey iyaga koox koox ah ku kala sugnaa deegaamadii ay ka soo kala jeedeen ee Sool iyo Buuhoodle,kana go,ay Saadkii iyo dhaqaalihii ay ku dagaalami jireen ee ka soo geli jiray dibada.

 

Maleeshiyada Nabad Diidka ah ee SSC oo uu Hogaamin jiray nin lagu Magacaabo Saleban Xagla toosiye oo hada ku xayiran Wadanka Maraykaanka, ka dib markii dawlada Wadankaasi ku dartay liiska dadka laga shakisanyahay dhaqdhaqaaqooda,isla markaana Xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogtay, ayaa Markii la aas aasay waxa ay fadhiisin ka dhigatay Magaalada Buuhoodle,halkaasoo 3 Bilood ka hor ay iskaga huleeshay Kooxdii ugu dambaysay ee Dablaydaasi,ka dib markii cadaadis kaga yimi dhinaca Bulshada oo si weyn uga soo horjeesatay.

 

hasayeeshee waxa ay mar kale dib isu soo abaabushay shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Kalshaale oo ay si weyn ugu lug lahayd Abuurista wixii deegaankaasi ka dhacay,iyaga oo uga faa’idaysanaya inay kalsooni dambe ka helaan Bulshada Reer Buuhoodle ee ka soo horjeestay,taasoo mar kale ay ka raacday wadhi iyo waxaanay ku talo gelin.

 

si kastaba ha ahaatee arrimahan ka soo kordhay Maleeshiyada la baxday SSC oo hore wacad ugu martay inay Somaliland Dagaal la gelayso ayay dadka qaar tilmaameen in tanaasulkooda ay keeneen Xaalado Dhaqaale la’aaneed oo soo wajahday iyo Abaaro ba,an oo ka jira Deegaamadii ay joogeen,waayeena ciirsi iyo meel kale oo caawimo ka soo gaadho,sidaasi darteedna ay garawsadeen inaanay ka maarmi karin Somaliland oo ay dhul ahaan ka tirsanyihiin.

 

Dhinaca kale waxa la sheegay in ay dhawaan Somaliland ku soo fool leeyihiin Siyaasiyiin waaweyn oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Buuhoodle oo hore Somaliland Xilal uga soo qabtay, balse tobankii sanadood ee ugu dambeeyey taageeri jiray Kooxda SSC iyo Dawlada TFG, hadase sida la sheegay wada hadal ka dib dib ku soo laabanaya Somaliland oo wakhti dheer ay ka maqnaayeen.

 

Siyaasiyiintan la sheegay inay u soo socdaan dhinaca Somaliland ayaa waxa, ka mid ah Baashe Cali Jamac oo Hore wasiir uga ahaan jiray Somaliland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Saleebaan Waji Xaad iyo Prof.Cali Khaliif Galaydh oo isna ahaa musharaxiintii 1993 u tartamayey jagada madaxweyne ku xigeenka ee Somaliland shirkii Boorame, waxaanay arintani Khilaaf ka dhex dhalisay xubnaha sar sare ee hogaamiya Kooxda SSC waxana arintaa aad uga biyo diiday Hogaamiyaha kooxda Nairobi Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

After Kalshaale embarrassment, I can NOT believe you dug this old thread back. It was six months ago when you started this thread, and still Buuhoodle city and ssc still stand stronger than ever.

 

Maleeshiyada Nabad Diidka ah ee SSC oo uu Hogaamin jiray nin lagu Magacaabo Saleban Xagla toosiye oo hada ku xayiran Wadanka Maraykaanka, ka dib markii dawlada Wadankaasi ku dartay liiska dadka laga shakisanyahay dhaqdhaqaaqooda,isla markaana Xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogtay, ayaa Markii la aas aasay waxa ay fadhiisin ka dhigatay Magaalada Buuhoodle,halkaasoo 3 Bilood ka hor ay iskaga huleeshay Kooxdii ugu dambaysay ee Dablaydaasi,ka dib markii cadaadis kaga yimi dhinaca Bulshada oo si weyn uga soo horjeesatay.

 

I thought you know better and don't fall into such cabaad..lol.. Watch vedios from below link and you can see the man you wish to be arrested in having good time with his community in New England..

http://www.boocame.com/?p=12267

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhasaabka Sool oo ka Digay in Gobolku Qarka u Saaran yahay inuu ka Baxo Faraha Somaliland

Wednesday, 16 March 2011

 

“Waxaannu u baahan yahay in loo soo diro khubaro sirdoon iyo dembi baadhiseed aqoon dheerna u leh, sidii waxan loo dabagallo..”

 

 

“Isku-duwayaasha gobolku ma laha xafiis iyo gunno. Haddii khalad uu galo Isu-duwuhu oo warbixin laga soo qoro waxa uu xumeeyey amma uu khalday wasiirradu kaaga soo jawaabi mayaan”

 

Badhasaabka Sool Md. Cabdillaahi Jaamac Diiriye

 

Hargeysa (Jam)- Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdillaahi Jaamac Diiriye, ayaa *****lka ka qaaday in gobolkiisu khatar ugu jiro inuu faraha Somaliland ka baxo, isla markaana u gacangalo kooxaha argagixisada, isagoo xukuumaddana u soo jeediyey inay soo celin karaan ammaanka gobolka, haddii aanay xukuumaddu xoojin hay’adaha amniga ee gobolka oo aanay u soo dirin khubaro reer Somaaliland ah oo ku xeel-dheer arrimaha sirdoonka.

 

Badhasaabka Gobolka Sool oo hadal ka jeediyey kulan ay shalay Hargeysa isugu yimaaddeen wasiirro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo badhasaabada gobollada dalka, waxa kaloo uu iftiimiyey duruufaha adag ee ku gadaaman gobolkiisa iyo siduu ugu baahan yahay in wax weyn lala qabto, isaga oo wasaaradaha iyo shacabkaba u soo jeediyey wixii talo ah wax lagaga qabanaayo horumarka iyo amniga dalkaas ay soo jeediyaan,

 

“Gobolka aan anigu joogaa waa gobol ka xasaasisan gobollada Somaliland ee kale, waana gobol ay ku hareeraysan yihiin dhibaato fara badan. Dhibaatooyinka kuwa ugu daran waa kuwa ammaanka oo aannu awal gacanta ku haynay, haddii aannu si wada jir qarankani ugu gurman gobolka Sool, waxa uu ku sugan yahay in uu gacanta ka baxo oo uu gacanta u galo argagixiso, xaqiiqda dhabta ah marka la sheego cid kastoo reer Somaliland ahna waa mid looga baahan yahay, waxaanan idinka soo jeedin lahaa wasiir kasta inuu waqtigiisa siiyo inta uu shaqaalihiisa isugu yeedho yidhaahdo waar bal xaalad gobolkaas ka warama oo wasaaraiddisu talo ahaan isugu soo ururiyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka gobolka ka jira.

 

Waannu awoodi karnaa inaanu sidiisi ku soo celino ammaanka gobolka, laakiin awood-siin fara badan ayaannu uga baahanahay dawladda dhexe, maamulkiina la daadejiyo ilaa degmooyinka oo awood la siiyo hay’adaha amniga ee gobolka, hay’adaha horumarka gobolka, tashi fara badanbaanu u baahan yahay, waxaanuna u baahan yahay in loo soo diro khubaro sirdoon iyo dembi baadhiseed aqoon dheerna u leh, sidii waxan loo dabagalo, cid kastoo muwaaddinareer Somaliland ahna gobolkani wuu u baahan yahay in wax loo qabto.

 

Aan kaftamee waxa in badan raggu sheegtaa mujaahidiin oo magacaas ayeynu ku wada dhanahay gobolkan ha lagu jihaado ayaan leeyahay anigu oo horumarka iyo caafimaadkiisa wax weyn ha lala qabto,” ayuu yidhi Badhasaabku.

 

Mr.Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxa uu tacsi u diray Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee dhawaan dablayda hubaysan ku toogteen magaalada Laascaanood, “Waxaan tacsi marka horre u dirayaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Geelle. Wuxuu ahaa sarkaal shaqo qaran ku jira, gacan ka xaqdarranbaa dishay, markii la dilayna waxa uu ka soo baxay masaajid, waana mid inoo wada taal sidii aynu waxa uga qaban lahayn arrimahaasi, hadday gole Guurti tahay, hadday gole Wakiillo tahay, gole Wasiir hadday tahay iyo shacaba.”

 

Mr. Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxa uu ballanqaaday inay la shaqayn doonaan wasaaradaha kala duwan ee dalka, isagoo wasaaradahana u soo jeediyey inay la shaqeeyaan. Waxa uu intaas ku daray inaanay kaaliyayaasha wasaaradaha gobolka u joogaa aanay la shaqayn, isla markaana aamminsan yihiin inaanay xukumin Badhasaabaddu, “Haddaannu Badhasaabadda Gobolka Sool nahay waxaannu idiin ballanqaadaynaa inaanu wasaaradaha la shaqayno, xilka qaranka ee na saarana gudano, idinkana waxaannu idinka rabnaa inaad nala shaqaysaan oo isuduwayaasha wasaaradaha ma aamminsan inaanaan xukuminno, isla markaana waxa dhacda waxyaabo aanaan ogayn oo ay isku duwayaashu sameeyeen, waxaanay noo yimaadaan markay dan naga leeyihiin oo qudha. Isu-duwayaashuna ma laha xafiis iyo gunno toona, haddii khalad uu galo Isu-duwuhu oo warbixin laga soo qoro waxa uu xumeeyey amma uu khalday wasiirradu kaaga soo jawaabi mayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

 

Waa markii u horreysay ee Badhasaabka Gobolka Sool si faahfaahsan uga hadlo dhibaatooyinka iyo caqabadaha dul-hogganaya gobolka, rasmi ahna uga digo khatarta gobolku ku sugan yahay.

 

Togdhnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Qaylo iyo kiyaakaro badanaa reer Somalidiid, habeen iyo maalin waxay la soo taagan yihiin LA waa magaalo dhiba badan, hadaba uga taga dadkii lahaa, yaa markii hore idiin yeertay khasab baad ku joogteene, but sooner or later SL will leave Sool and they will have to inay imaansadaan their three towns, ama maalin walba sidaa mid ha looga dila ilaa ay ka gaarto Hargaisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Che, inkasta oo warkan meesha ku qorani uu yahay Bad News. Waayo labo gobol oo Soomaaliyeed ayaa dagaal ka dhex socdaa, dad Soomaali ahna dhiigoodii uu daadanayo. Hadana dadka qaarkood wararka ay meeshan ku soo qoraan 100%50 waa iska Buhuu-bahaa iyo Propaganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this