Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burburka SSC Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Maxaa ka jira in Xaglatoosiye Xilka laga qaaday Maxaase ka jira Dharkayn-geenyo

xubno Khusuusiga ka tirsan oo Garoowe iyo Buuhoodle ka yimi ayaa bilaabay Olale ah in ay Burburiyaan Hogaanka SSC kuwaas oo ku doodaya in xilka laga qaado Xaglatoosiye maadaa uu shaqo gudasho samayn waayey balse arinku uu yahay in loo balan qaaday Masabyo yar yar oo ay Garoowe ka helayaan

 

Xidhiidh dhinacyo badan taabaya oo ay Allssc la samaysay Dharkayn-geeyo qaar ka mid ah Xubnaha KHusuusiga, Sii yahay Gudoomiyaha Khusuusiga SSC iyo waliba Xoghayaha Arimaha Gudaha ayaa noo xaqiijiyey in aysan jirin in rasmi ah oo Kalsoonidii loogana noqday Xaglatoosiye iyo wax kulan ah oo dhacay, waxana dhamaan Mas’uuliyiintani noo xaqiijiyeen in uu jiro Mooshinkaas oo uu daba ka riixayo Cali Sabaray iyo ragg kale uuna horyaalo Golaha KHusuusiga

 

Saraakiisha Ciidamadda SSC ee fadhigoodu yahay Dharkayn-geenyo ayaa gadooday kuwas oo kala diray Kulan maanta dhici lahaa waxana wariyayaal jooga Dharkayn-geenyo ay Allssc u sheegeen in xaaladu kacsan tahay taladuna ay iminka gacanta ugu jirto Saraakiil ciidan

 

hadaba marka aad dhagaysato Waraysi Xargaga Online la yeelatay Gudoomiyaha Khusuusiga Maxamed Cabdi Ciid waxa kuu soo baxay in wali aysan dhicin wax kalsooni kala noqosho ah, waxana uu sheegay in ay dib uga soo gudbiyana Go’aamadda shirka, uuna socdo shirku balse Wariyaha Waraysiga qaadayey ayaa Afkaga ugu Riday in Gudoomiye Kayd uu Yiraahdo xilkii baanu ka qaadnay Xaglatoosiye taasina ma ahan wax sharci ah, waxana uu Kayd sheegay in Xubno Maqani ay ka qayb qaateen Kalsooni kala noqoshadda taasi ma ahan wax sharci ah oo ay Telephone kuna soo xidhiidhee, waxana warar lagu kalsoon yahay Allssc u xaqiijiyeen in labadda xubneed ee Telephone uga qayb qaatay shirka ay yihiin Maxamed Casse iyo Cismaan Xaaji Cali oo Hargaysa jooga

 

Akhriste marka aad Dhagaysatid Waraysigan waxa kuu soo baxaya in Ragg Hindise uun wata ay telephone-ka wada hadleen kuwaas oo aysan jirin wax talaabo ah oo ay qaadeen

 

HALKAN Si DAGAN UGA DHAGAYSO WARAYSIGA KAYD EE XARGAGA

 

Cali Sabaray oo ah Mujaahid Diir adag kaga jiray Halganka SSC waxa uu ka dayriyey Shirkii Khaatumo oo uu sheegay ay dhaqaalihii ka xanibtay sidoo kalena waxa uu sheegay in Xubnihii tagay ee falaagadda ka noqday SSC ay is yiraahdeen waa la idinka Dulmooday balse ma sheegin waxa uu isaga iyo kooxdan la socda ay yeeli doonaan, Xageese loo socda oo looga dulbooday? !

 

Hogaamiyaha SSC Xaglatoosiye oo aanu damacnay in aanu xidhiidh la samayno ayaa noo suurto gali weydey balse waxan idin balan qaadaynaa in Masuuliyiinta Joogta Dharkayn-geenyo iyo xaglatoosiyeba aanu waraysiyo idinka soo qaadi doono daqiiqadaha soo socda

 

 

 

Fiiro Gaar

 

WAA KUMA BURBURIYAHA SSC, WAA KUMA NINKA SSC TAN IYO MAALINKII LA SOO DHISAY KU WADAY BURBURKA IYO KHILAAFKA, KUMA NINKA BURBURKA KA WADA DHARKAYN-GEENYO goor dhaw naga filo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this