Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burburka SSC Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Saxib, in truth they are not a threat but if there is a real grievance then we should hear it.

 

1991 - the caqils of all the main branches signed the Somaliland declaration of independence

 

Even though they took part in the genocide of tens of thousands of peoples in Burco, Sool and Sanag the main Somaliland Sultan and caqils said no one harm them and that is how Somaliland was created a prospered to forget about the past and move to build a future because before there was a Somalia we were Somaliland, over the last few years they have gone back to qabilistic roots of puntland this or ssc that.

 

Just spoke with a good friend of mine in burco the other night he told me that the reer miyi on the border near buhoodle are identifying geel and sheep from buhoodle and are using them for target practise honoustly.

 

this is what you have been reduced to, the Somaliland army is also starting to militarise the area. So what in effect you will have is a small reer miyi civil war that is not good for the people of buhoodle I honoustly couldnt not care less, however in human terms i think it is better for a population to live in peace and except peace instead of being uprooted and murdered.

 

I know the people of burco very well, they can forgive once, but a second time and they will go all out crazy and you don't want that, i think they are starting to understand that and thats why they have been losing support the past week.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

SSC is far from burbur.. Keep wishing it...

 

Buuhoodle(Jidbaale.com):-Golaha Khusuusiga ee SSC ayaa maanta waxaa uu cod ku meel mariyeen Axdiga cusub ee SSC, kaasi oo ay labadii toddobaad ee aynu soo dhaafney qodob qodob uga doodayeen.

 

 

 

 

Kalfadhigii Golaha Khusuusiga ee uu maanta ku ansixiyeen Axdiga oo ay goob joog ahaayeen 15 xubnood, ayaa waxaa codka haa ku ansixiyey 14 ka mid ah, waxaanna ka horyimi hal xubin.

 

Axdigan cusub oo ay golaha fulinta soo gudbiyeen Golaha Khusuusiga, ayaa waxaa la filayaa in ugu danbaynta uu saxiixo Hoggaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed.Waxaana Axdigan oo ka kooban 68 Qodob ku jira qodobo ka hadlaya awoodaha labada Gole (Khusuusiga iyo Fulinta ee Hoggaanka SSC).

 

Sidoo kale waxaa axdigani uu kordhiyey muddada labada gole, iyadoo uu ka dhigey labo sano iyo badh Golaha Khusuuisga laga bilaabo 11//03/2010, halka Fulinta uu ka danbaynayo saddex bilood, iyadoo xilliga looga bilaabeyo maalintii uu Golaha Khusuusigu ansixiyey Fulinta 18/03/2010.

 

Qodobada kale ee uga waaweyn ayaa waxaa ka mid ah.

 

 

 

 

 

Qodobka 4aad.

 

XUKUNKA IYO AWOODAHA SSC

 

1. SSC waa qayb ka mida Sooomaliya, waxyna aqoonsan tahay dawladda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

 

2. Nidaamka xukun ee SSC wuxuu ahaanayaa laba mar xaladood, oo kala ah marxaladda kowaad iyo marxaladda labaad

 

a. Marxaladda koowaad: waxaa jiraya hoggaanka maamulka SSC, wuxuuna u hawlgalayaa hanashada dhulka iyo midnimada SSC, wuxuuna ahaanayaa hoggaanka kaliya ee si ku meel gaadh ah umaamula soohdinta deegaanada SSC fara galin la'aan inta lagaadhayo marxaladda labaad.

 

b. Marxaladda labaad: golayaasha hoggaanka maamulka SSC waxay ka go'aan gaadhayaan hannaanka xukun ee SSC qaadan doonto, iyadoo la marayo hab wada tashi ah, oo hoggaanka maamulka SSC qaban qaabiyo.

 

3. Inta lagu jiro marxaladda kowaad, SSC waxay lahaanaysaa xuquuq ismaamul, oo awoodihiisa gaar ahaaneed leh muddada ku meel gaadhka.

 

 

 

Qodobka 5aad.

 

1. Muddada lagu jiro marxaladda hanashada dhulka SSC waxaa la laaley dhammaan awoodihii iyo saamayntii maamul ee dawlad goboleedka Puntland ku lahayd deegaamada gobollada SSC marka laga reebo,

 

a. Magaca.

 

b. Midnimada shacabka.

 

c. Isticmaalka jidadka iyo dekedaha.

 

d. Istaakulaynta, isu gurmashada iyo talo wadaaga shacabka.

 

e. Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, is dhexmarka gaadiidka iyo wixii kale ee axdiga SSC lagu aqoonsaday.

 

2. Waxaa reebban ururro siyaasadeed, oo laga aasaaso gudaha SSC inta lagu jiro marxaladda ku meel gaadhka ah.

 

Isku soo wada duuboo waxaa uu axdigani meesha ka saaarayaa madmadowgii ku jirey awoodaha iyo wadashaqaynta golayaasha kala duwan ee SSC, waxaana la dhawrayaa in hoggaamiyahu uu saxiixo.

 

 

 

C/casiis Saleebaan Axmed

 

cummaani2010@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Buuhoodle SSC

 

Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you want to base the entire existence of your people based on an article written on a website then go for it saxib.

 

but the truth is they are losing support from the people as there lives are becoming harder, what are you going to do when you can not trade with your naibours? What are you gonna do when your cattle and you as individuals get shoot as soon as you walk out of the town of buhoodle? Do not make your people into another Gaza.

 

saxib hatred is one thing, feel free to hate me, i love your hate of me, thank you. But this is not hate this is *********.

 

like i said, feel sympathy for your people and create programs for them, schools, educate them.

 

Look at Borama...Somaliland flag flys high still, we got a few lunitic everywhere, but they are enjoying the trade they have, the cooperation the access to all the cities of Somaliland.

 

Do not take that for granted.

 

or else you will create a prison for you and your people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoggaanka SSC Oo Jawaab Ka Bixiyey Qoraal Ururka NSUM Uu Ku Sheegay In Hoggaanka Wada-Hadalkii Ka Baxey.

 

Dharkayn(Jidbaale.com):-Horraantii Bishii September ayey ahayd markii uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil nagu kulmiyey shir telephon, oo horudhac u ahaa wada-hadal iyo heshiis dhex-mara Hoggaanka SSC iyo ururka NSUM.

 

 

 

Arrintaas waa laysku afgartey, waxaana lagu ballamay in 10 xubnood oo labada dhinac ka kooban lasoo xulo, wada-hadalkuna ku bilaabmo sidaas. Hoggaanka SSC wuxuu soo gudbiyey shantii xubnood ee laga sugayey 20 bishii september ka hor, mana jirto labo liis oo ka yimi dhinaca hoggaamiyaha sidaa ayaanu ku sugayney wada-hadal rasmi ah, oo na dhex maraya Ururka NSUM.

 

Waxaase nasiib darro iyo wax laga xumaado ah qoraallada NSUM ay ku shaaciyeen warbaahinta, iyagoo hoggaanka SSC ku eedaynaya shirkii ayey burburiyeen.

 

Waxaannu shacabka SSC meelkastoo ay joogaan u xaqiijinaynaa in Hoggaanka SSC uu diyaar u yahay, soona dhaweynayo cidkasta oo reer SSC ah, oo nagala shaqaynaysa ujeeddooyinkii loo dhisey hoggaanka, oo ay ugu horayso midnimada.

 

Haddaba waxaannu u sheegaynaa ururka NSUM iyo cidkasta oo kale, oo aan horey uga qayb qaadan halganka soo celinta dhulkeena iyo taladeena in ay u bannaan tahay kaalintoodii.

 

Waxaannu ugu baaqeynaa walaalahayaga NSUM in laga waantoobo hadallada aan waxtarka u ahayn tolka reer SSC sida been abuurka, shakhsi canbaaraynta iyo wacyi galinta khaldan ee lagaga duwayo dantooda isku midka ah shacabka reer SSC.

 

 

 

Afhayeenka Hoggaanka mMdaynat iyo Badbaadada SSC

Axmed Maxamed Xasan (Axmed Gacmayare)

Ilaahey Baa Mahad Leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidama 300 gaaraya oo ka goostay Uruurka SSC sheegayna in aysan ka mid ahayn Uruurka

 

 

Ciidama gaaraya 300 oo asgari oo ka tirsanaa Uruurka SSC ayaa la sheegay in ay Uruurkaa iskaga baxeen sida uu Cadeeyay Yaasiin Xirse Faarax oo ahaa sargaal ciidamadaa ka tirsanaa oo waraysi siinayay warabaahinta Magalada Garowe .

 

Sargaalkaa ka tirsanaa Saraakiisha Uruurka SSC ayaa sheegay in ciidamadaa tira ahaan gaaraya 300 oo asgari ay Uruurkaa maanta iskaga baxeen kidib markii ay ******** in Uruurkaa uu ahay mid kala dhantaalaya Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

 

“ Aniga iyo ciidan gaaraya 300 ayaa ka baxay uruurka SSC, waxaana uga baxnay markii aan ogaanay xaqiida dhabta ah ee jirta, oo ah in Uruurkaa uusan ahayn mid in uu Gobaalo xureeya raba, balsa uu yaha hadafkiisa in Puntland uu kala dhantaalo” sidaa waxaa yiri Yaasiin Xirse Faarax.

 

Yaasin ayaa sheegay in aay iminka asaga iyo ciidan uu hugaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka Balacade ee degmada Widh Widh hoos yimaada, waxuuna sheegay in degmadaa Widh Widh oo gacanta uu ku hayo Maamulka Soomaliland ay ka saari doonaan .

 

Degmada Widh Widh ayaa muda dhoor maalmood laga joogo waxaa xoog ku qabsaday Maamulka Soomaliland Ciidama ka amar qaata waxuuna sargaalkaa arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyay Uruurka SSC sida uu hadalka u yiri .

 

Uruurka SSC ayaa muda sanad ku dhawaad ah dhisan waxaana ururkaa lagu dhisay Magaalada Narobi ee Dalka Kenya hasayeeshee dhoor jeer oo hore ayay dhacday in khilaaf nuucaan ah soo kala dhaxgalo beelaha ku midasan Uruurka .

 

 

RBC NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somalidiid source: http://www.somalilandinfo.com/node/5328

 

 

[bLiiska Labaatanka Nin ee Raba Burburka Somaliland iyo Saylici oo Dabada Kaga Dhagan Kaalinta Labaatanaad.][/b]

 

 

Somaliland waa dal curdin ah oo xoriyadiisii kala soo laabtey dalkii la isu odhan jirey jamhuuriyada soomaaliya, hadaba dib ula soo noqoshadaa xoriyada waxaa ku baxdey sidaan wada ogsoonahay dhiig iyo dhaqaale badan, balse midhihii laga dhaxley waa kuwaas maanta la wada manaafacaadsanayo, dalku wuxuu leeyahay madaxweyne iyo maamul dawladeed, wuxuu leeyahay dastuur iyo kala dambeyn, wuxuu leeyahay heerka axsaabta qaranka iyo komishan doorashooyinka waxaas oo dhan waxaa lagu heley waa kala dambeyn iyo shacabka reer somaliland oo u bislaadey nidaamka dawladnimo taas oo hadii ay wanaagaas ku sii socoto aan caalamka aduunka wax kula qeybsan karno,

 

hadaba marka aad eegto muranada dhinaca siyaasadeed ee sanadahan u dambeeyey soo ifbaxey waxey sababeen dib u dhac ku yimaada yoolkii ay somaliland hiigsan jirtey arimahaas waxaa sabab u ah rag dantooda ka hormarinaya danaha qaranka somaliland kuwaas oo uu adeegsanayo cadaw wakhti xaadirkan lagu jiro qarsoon balse muuqan doona wakhti dhow, inkasta oo ay badan yihiin ragaas lagu shaqeysanayaa hadana waxaan jira labaatan nin oo weysada u biyeystey sidii ay somaliland u dumi laheyd, labaatankaa nin waxey kala yihiin:

 

1- Axmed maxamed maxamuud siiraanyo

2- Faysal cali waraabe

3- Cabdiraxmaan maxamed cabdillaahi cirro

4- Samoora ina interpeace

5- Saleebaan maxamuud aadan Gaal

6- Axmed cabdi godane al-shabaab

7- Maxamuud raage qeyte

8- Cabdicasiis maxamed samaale

9- Muuse biixi cabdi

10- Baashe maxamed faarax

11- Abiib diiriye nuur timo cade

12- Maxamed xaashi cilmi

13- Sheekh aadan maxamuud xiirey siiro

14- Maxamed cabdi gaboose

15- Nuux ismaaciil taani

16- Maxamed maxamuud diiriye

17- Maxamed kaahin axmed

18- Jamaal caydiid ibraahim

19- Fu,aad aadan cade

20- Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici

 

Cabdinuur Xasan Ismaaciil

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somaliland oo noqotay sida koofurta Somalia-gurxanka rasaasta iyo dilalka

 

 

Agaasimaha Idaacadda Hornafrik Cabduqadir Jiirow Sharmaarke oo Seminaar u tegay Hargeysa ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo aysan jirin Maxkamad la horgeeyay iyo cid ka hadashay xarigiisa,

Wargeysyadda iyo ururadda Saxaafadda Somaliland kama hadlin xariga Agaasimaha Hornafrik,mana jiraan cambaareeyn loo jeediyay maamulka Siilaanyo.

 

Gabadh la dhalatay Cabduqadir Jiirow ayaa Waagacusub.com u sheegtay in walaalkeed laga doonayo lacag madax furasho dhan sedex kun oo dollar.

"Lacagta baadda ah anaga ma bixin karno waxaan ka codsaneynaa shacabka iyo Saxaafadda Somaliland inay gacan ka geystaan sidii xoriyadiisa dib loogu celin lahaa walaalkeey Cabduqadir Jiirow"ayey tiri Haliimo Jiirow Sharmaarke oo la soo xiriirtay Waagacusub.com

Ciidamadda Boliiska Somaliland waxay bilaabeen inay dadka reer koofureedka xiraan kadibna ka qaataan lacag madax furasho ah ama baartaan jeebabkooda sida ka dhacda dalka Kenya.

Saxaafadda Somaliland malaha awood ay ku hadasho,waxaa xafiiska xeer ilaalinta looga yeeray Tifaftiraha Wargeyska YOOL MOhamed Abdi Curad,waxaana loo sheegay in xabsiga loo taxaabi doono hadii uusan joojin wararka uu ku iftiinsho qaladaadka Maamulka Siilaanyo.

Maalmo ka hor Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Abdullahi Cirro oo marayay ilinka hore ee Madaxtooyadda Somaliland ayey dableey hubeeysan gaari ku horjareen,waxayna u sheegeen inay qudha ka jarayaan sida uu Saxaafadda u sheegay.

La yaabka Saraakiisha amaanka iyo filan waaga shacabka Somaliland wuxuu noqday kadib markii la ogaaday in Madaxtooyadda horteeda uu Masuuliyiin ugu hanjabaa Cawar oo ahaa ninkii laayay Macalimiintii ******** ee Dilla lagu xasuuqay.

Hargeysa oo ahayd Magaalo amaana waxay isu bedeshay sida Muqdisho!!

Gurxanka rasaasta ayaa Magaaladda si weyn looga maqlayaa jiho kasta,dadku ma socon karaan marka gabalka dhaco,waxaa la dhacayaa telefoonada iyo lacagta ,waxaana sidoo kale ka biloowday kufsiga iyo fara xumeeynta dumarka.

Qoysas ka mida Barakacayaasha Koofurta Somalia ee ku nool Hargeysa ayey burcad hubeeysan ugu dhaceen guryahooda kadibna waxaa laga qaatay Dahab iyo lacag sida ay Waagacusub.com u sheegeen.

Barakacayaasha koofurta waxay intooda badan u hayaameen Magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kadib markii ay garwaaqsadeen in xaalada amaan ee Hargeysa faraha ka baxday.

"Maalin walba jidka ayaa naloo taagan yahay,waxay Ciidamadda Boliiska xir xirayaan wiilasheena,waxay leeyihiin waxaad tihiin Al Shabaab kadibna lacag ayaan ku soo furanaa,gabdhaheena habeenkii ayaa guryaha loogu soo dhacaa,oo la kufsadaa,waxaa naloogu yeeraa Wanlaweynta,hada waxaad moodaa inaan lagu sii noolaan karin Hargeysa" ayey tiri Hooyo Fadumo Ahmed oo la hadashay Waagacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Bayaan Siilaanyo lagu cambaaraynayo oo Beesha Galbeedka Burco ka soo saartay Shirkii Isimada ku-yeesheen Ceerigaabo

 

 

 

 

Friday, 01 October 2010 12:18

Kulan Ballaadhan oo lagu casumay Warbaahinta Shacabkamedia oo ay soo qaban-qaabiyeen Madax-dhaqameedyada Guurtida Waxgaradka iyo Dhallinyarada Beesha Habar-Yoonis-Bari ayaa lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo ayaa halkaas waxa xukuumadda Somaliland ay uga soo jeediyeen canbaarayn kuu waajahan guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland C/raxmaan Ducaale oo xukuumaddu xayiraad dhaqdhaqaaq kusoo rogtey iyo xubno madaxdii xukuumaddii hore ka tirsanaa oo la sheegay iyagana in xukuumaddu baadi goob noocan oo kale ah la daba joogto, iyadoo sidoo kalena halkaas xukuumadda uga soo jeediyey dhalliilo dhinaca maammulka iyo baaq ku waajahan in 24-ka saacadood ee innaku soo fool leh xukuumaddu xayiraadda kaga qaaddo guddoomiyahan hore (C/raxmaan Ducaale) sidoo kalena ka waantowdo sida ay sheegeen Aargoosiga xukuumaddu xilligan kula kacayso xubnaha madaxda ka ahaa xukuumaddii hore ee lagaga guulaystey doorashadii Somaliland ka dhacday.

 

"Arrintan maanta kicisay beesha H/Yoonis-bari ee ah xayiraadda guddoomiyihii hore ee Baanka (C/raxmaan Ducaale) iyo baadi-goobka loogu jiro xubnaha kaleba waa mid ay qaadan waayeen oo sii xoojisey shakiyo iyo dareenno hore oo arrimahaas ka jirey". Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha H/Yoonis-bari Faarax Cali Jaamac oo ugu horrayn halkaas ka hadlay.

 

Chief-Caaqil-Xuseen Xasan Cali oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi "Dadkan waxa soo gaadhey guddoomiyihii hore ee baanka oo xilkii laga qaaday haddana xayiraad iyo dabagal lagu sameeyey. Arrintaas waxannu leenahay xukuumadda cusubi waa ku qaldan tahay, waxannuna filayney markii ay dalka qabsadeen isbeddelkii ay ku baaqi jireen in uu noqonayo wax ay dawladdii hore dheer yihiin laakiin toosh laysla daba galo iyo hadba kan qabo meesha lagama filayn". "Madaxweynaha waxannu leenahay wasiirradaada jabhadaynaya haddii aanad la ogayn dadka ka qabo waayo jabhadayn Ina Cigaal baa soo afjaray Rayaalena waddadiisii ayuu marayey Somalilanfd-na waxad kula wareegety dal dhisan dhinac kastaba oo xasiilloon oo ictiraaf keli ahi ka dhiman yahay madaxweynihii horena uu si sharaf ah kuugu wareejiyey imminkana xaaladdii amnigu waa kasii daraysaa waxayna arrintu maraysaa hebelow kursi soo eego oo ila ciidammadii ku siman markaa Somaliland haddii aanad meel kale ku wadin halkii ay maraysey ha laga sii wado".

 

"Madaxweynaha waxannu ugu baaqaynaa in C/rxmaan Ducaale si deg deg ah xorriyaddiisa loo soo celiyo oo afduubka jabhadeed ee lagu haysto laga sii daayo. Haddii ilaa beerito aan xorriyaddiisii loo soo celin wixii dhibaato arrintaas ka dhasha idinkaa mas'uul ka ah".

 

Chief-Caaqil-Saalax Maxamed Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Arrintani waa mid argagax leh una muuqata sidii inqilab millateri dalka lagu kala qabsaday waayo nin xilkii laga tirsaday in xadhig loogu daro suurtagal ma aha". "Madaxweynaha waxannu leenahay nin ciil qaba ama Muqdisho ku socd dalka yaan laga tala gelin, dawladdii iyo dalkii dhisnaana farahaaga yaanay ku burburin. Ninkaas inqilabka lagu qabsadayna xorriyaddiisa degdeg ha loogu soo celiyo".

 

Xildhinaab-Dinnad ayaa hadallo dhinacyo badan taabanayey oo uu halkaas ka yidhi waxa ka mid ahaa

 

"Madaxweyne-Siilaanyo xukuumadda iyo nidaamka uu la wareegey waa kii uu wasiirrada (Qorshaynta iyo Maaliyadda) kazoo ahaan jireyixtiraam iyo hab dawladnimona wa jiraan markaa haddii waxyaabaha uu sheegayaa jiraan waa wax ilaa xilligiisii soo jiitamayey oo uu ogyahay".

 

"C/raxmaan Ducaale isagaa dawladda lafdhabar ka ahaa, ninka baanka joogaana haddii aanu la shaqaynayn oo dadka hay'adaha dawladaha iyo hadba meel aanu xukuumadda amah uga soo qaaday madaxweynuhuna koob ma caanayn karayo, waayo xukuumaddu dhaqaale ma haysee waxay wax ku waddaa waa cashuurta yar iyo amaah baankuna taasuun buu wax ku wadaa. Siilaanyona isagoo madaxweyne ah manta $ 7,000,000. Doollar ayuu dad ka amaahday oo mushahaarooyinka iyo deyn ku bixiyey . Markaa haddii Siilaanyo xeer ka dhigo ninka baanka joogaa wixii uu soo qaado iyo wixii uu qabto waa loo xidhayaa isaga ayaa ku xigi doona. Haddii aad kaas karaamada ka qaadoona adiguna karaamo yeelan maysid".

 

Isagoo ka hadlaya baadhista la sheegay hanti-dhawrka guud in uu la daba joogo guddoomiyihii hore ee baanka (C/raxmaan Ducaale) wuxu yidhi "Odhitku baanka ma baadhi karo waayo baanku waa laan madax bannaan oo sida ganacsatada iyo hay'adaha kale akkoonnadu ugaga furan yihiin ayaa xukuumaddana akkoonkeedu uga furan yahay waxayna baananku leeyihiin odhit u gaar ah haddii ay meesha soo gasho odhit-ka in uu baadhayo baankana waxay keeni kartaa kala shaki iyo in dadkii kalena lacagahoodii kala baxaan baankaas, markaa taasi sharci ma aha".

 

Isagoo ka hadlaya xubno madax sare ka ahaa xukuumaddii Rayaale oo la sheegay in iyagana lagu raad joogo wuxu yidhi "Wasiirrada iyo madaxda kale ee la leeyahay waa la daba jooga nidaam sharci ma aha laakiin waa aargoosi waxayna qayb ka tahay hadalladii qolada Kulmiye odhan jireen aakhiraannu idiin diri doonnaa ".

 

"Qolada aannu ilma'adeerka nahay waxan leeyahay ama madaxweyne samaysta ama raysal-wasaare annaga C/raxmaan Ducaale wuxu nooga dhigan yahay Siiilaanyo". Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Cismaan Faarax Xaammud.

 

"Horaa nalooku sheegay maagga laakiin maantuu noo muuqatay umna dul qaadan doonno arrimaha lagu kacayo iyo aargoosi, waxannuna leenahay dalka ke daaya yaanu maammul-goboleedyo u kala go'ine, wad gtihiin imminka afarta jaho afduub in uu ka dhacay iyo xataa ciidammadii oo odayal ka talinayaan oo warbaahinta ka hadlayaan, waana arrimo ugub ku ah Somaliland". Sidaas waxa yidhi Siciid Cilmi Hoorri.

 

"Dalka xilligan khalkhal nabadgelyo ayaa ka jira dadkuna waa dadkii dalkuna waa dalkii markaa xukuumadda cusub waxannu leenahay meelo day-daye in aad noqotaan looma baahna umana dulqaadanayno arrimaha jira ee aannu horraantoodii arkayno". Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Saalax Ducle carraale.

 

"Talo fara ka haaddeye nabadgelyadeenna aan ilaashanno oo dawlad aynu u ahaannaa ma jirtee nafteenna aan heegan u ahaanno. Somaliland-na meel fog bay kasii laad-laaddaa oo wax kasii dhaca mooyee waxba uma kordhine alle haynoo ilaaliyo isbeddelkii dawladdan cusubina waa innoo caddaadaye waxba yaan laysu qarsan, ninka meesha haystaana waxba ma oga ayaa la yidhiye raysalwasaare la sheegayo oo la leetyahay toorreyo ayuu haystaana waa jiraa, wad ogtihiinoo manta budhcad-badeeddii lasii daayey ilaa Seylac ayaa amnigii faraha ka baxday, ninka isku hayeyna C/raxmaan Ducaale ayuu ahaayoo marka la daba galay waa noo caddaatay in raggii Somaliland rabey la raafayo, qabyaaladina waa noo muuqataa. Inta hawshan waddaana waa raggii Somalia rabey markaa annagu taas kuma jirno". Sidaas waxa yidhi Dacar Aadan Cadde

 

Boqor-Maxmed Nuux Aadan oo ugu danbayn fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi "

 

"Anigoo ku hadlaya afkayga isim ahaneed iyo afka isimmada maqan intaba arrinta manta halkan laydsugu yimid waa mid H/Uoonis-bari mid jooga iyo mid maqaniba ka midaysan tahay annaguna aannu hormuud ugu nahay". "Arrintii lagu sameeyey guddoomiyihii hore ee baanka Somaliland m aha mid ku habboon qof mas'uul ah gaar ahaanna isaga in lagula koco, wax aannu ka miis qaadan karnona ma ahayn waayo C/raxmaan dalka miisaan weyn ayuu ku leeyahay. Waxannuna madaxweynaha (Siilaanyo) ka codsanaynaa arrintaas baadhis degdeg ah in uu ku sameeyo oo raalligelin degdeg ah naga siiyo".

 

Wuxuna intaas kusii daray "Madaxweynaha waxannu leenahay ragga la daba socdo warkoodu reerka (H/Yoonis) waa ku badan yahay adigana kii ku doortay iyo kii aan ku dooranba madaxweynaad u tahay laakiin ragga waxaas wadaa waa kuwii aad magcawday ee adigu meesha keentay markii aad ololh ku jirteen isbeddelkii aad ku baaqayseen ma aargoosi buu isu beddeley, markaa beeshan oo markii horeba saluugsanayd saamiga xukuumadda cusb laga siiyey haddii maantana rggii xilka laga qaaday la yidhaahdo waa la daba socdaa ama waa loo hanjabayaa ama waa la xidhay taasi waa ka-dar oo dibi-dhal umana dul qaadanayno, wixii in badan shacabku noo sheegayeenna waa timid". "Madaxweyne wad na xukuntaa waannuna ku ayidsan nahay laakiin ragga aad wasiirrada ka dhigatay waxa ay meesha ka doonayaan wx ka qabo, waynuna ognahay bari iyo galbeed afduubyada ka dhacaya iyo kacdoonnada ka jira iyo maanta halka nabadgelydii marayso markaa xaggee loo socdaa maxaase la qodqodayaa. Taasi socon mayso ee ha laga noqdo oo mdaxweyne h fududaysn codkayagan manta arrintaasina waxay leedahay ayaannu u fadhinaa oo jawaab deg-deg raalli gelin ah ayaannu kaaga fadhinaa ninkaasna xorriyaddiisa degdeg ha loogu soo celiyo

 

Shacabkamedia-Ceerigaabo-Somaliland

 

 

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Ciidama 300 gaaraya oo ka goostay Uruurka SSC sheegayna in aysan ka mid ahayn Uruurka

 

 

Ciidama gaaraya 300 oo asgari oo ka tirsanaa Uruurka SSC ayaa la sheegay in ay Uruurkaa iskaga baxeen sida uu Cadeeyay Yaasiin Xirse Faarax oo ahaa sargaal ciidamadaa ka tirsanaa oo waraysi siinayay warabaahinta Magalada Garowe .

 

Sargaalkaa ka tirsanaa Saraakiisha Uruurka SSC ayaa sheegay in ciidamadaa tira ahaan gaaraya 300 oo asgari ay Uruurkaa maanta iskaga baxeen kidib markii ay ******** in Uruurkaa uu ahay mid kala dhantaalaya Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

 

“ Aniga iyo ciidan gaaraya 300 ayaa ka baxay uruurka SSC, waxaana uga baxnay markii aan ogaanay xaqiida dhabta ah ee jirta, oo ah in Uruurkaa uusan ahayn mid in uu Gobaalo xureeya raba, balsa uu yaha hadafkiisa in Puntland uu kala dhantaalo” sidaa waxaa yiri Yaasiin Xirse Faarax.

 

Yaasin ayaa sheegay in aay iminka asaga iyo ciidan uu hugaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka Balacade ee degmada Widh Widh hoos yimaada, waxuuna sheegay in degmadaa Widh Widh oo gacanta uu ku hayo Maamulka Soomaliland ay ka saari doonaan .

 

Degmada Widh Widh ayaa muda dhoor maalmood laga joogo waxaa xoog ku qabsaday Maamulka Soomaliland Ciidama ka amar qaata waxuuna sargaalkaa arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyay Uruurka SSC sida uu hadalka u yiri .

 

Uruurka SSC ayaa muda sanad ku dhawaad ah dhisan waxaana ururkaa lagu dhisay Magaalada Narobi ee Dalka Kenya hasayeeshee dhoor jeer oo hore ayay dhacday in khilaaf nuucaan ah soo kala dhaxgalo beelaha ku midasan Uruurka .

 

 

RBC NEWS

300 oo ciidan ah oo waba ciidankoodi oo dhan eh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaalada Amaan ee Somaliland oo Burbur Qarka u Saaran

 

 

Madaxweyne Siiraanyo oo maamulkiisa cusub uusan hanan karin amaanka maamulgabaleedka Waqooyi Galbeed Somaliya [somaliland], lagana yaabo in uu xaalkeedu noqdo sida xaalka Muqdisho.

 

Wakaalada wararka ee Indian Ocean, ayaa waxay todobaadkan qortay qormo ay ugu magacdartay [The new President of Somaliland is confronted with his first serious security crisis barely two months into his presidency, which began on 27 July].

 

Jariiradu waxay aad ugu dheeraaray sida uu ururka Alshabaab ugu xoogan yahay Somaland. Waxaa kale oo ay Jariiradu soo qaadatay labada gabal ismaamul gabaleed ee la sugayo in ay dhakhso uga go,aan Somaliland [sSC iyo Awdalland].

 

Maamul gabaleedyadan cusub waxay dhamaystirteen wax alaale wixii uu maamul gabaleed u baahnaa, waxayna haystaan taageerada dadweynaha gabaladaas.

 

Arimahan burburka ah waxaa somaliland u soo jiiday madxweynaha cusub ee somaliland oo la yimid siyaasad aad uga badalan siyaasadii qunyar socodka ahayd ee madaxweynihii tagay Daahir Riyaale.

 

Madaxweyne Siiraanyo kolkii uu xafiiska yimidba waxaa uu furay arimo badan oo aan ka jirin gabalka, taageerida ururka ONLF, dib u midaynta Somaliweyn iyo isaga oo wadahadal hoose la furay ururka Alshabaab. Waxaa kale oo uu laalay xidhiidhkii u dhaxeeyay mudada dheer Itobiya iyo maamulka Somaliland.

 

Waxaa 10 September 2010, ka soo degay xeebaha Somaliland 240 dagaal yahan oo ka tirsan ururka ONLF, oo sida la filayo uu maamulku gacan siinayey, balse kolkii dambe dafiray in ay ka warhayeen.

 

Waxaa la sugayaa in xili dhaw ay xeebaha ka soo daadtaan ciidamada ururka Alshabaab, sidaasina ay kula wareegaan gacan ku haynta somaliland.

 

Dawlada Itobiya waxaa saaran waajibaadka difaaca dalkeeda, waxayna diyaar u tahay in ay moosto inta uusan daadku soo galin.

 

rasaas.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somalidiid-land Wado Halaq Mareen bee noqotay....

 

Waad salaamantihiin dhamaan rer somaliland intii dalkii joogta iyo intiina dibadba kunagi ahiba.marka xiga waxaan doonayaa inaan wax ka idhaahdo somalilandtan wado halaq mareenka noqotay ee dabinka sida qool mareegta ah ee loo soohanaayo qoorta kusii duubanaaya luqunta, sidii wadaad cumaamad qoorta ku martay se walee halkaa qabarbaa kasoo higle.

 

 

Waxa jiray in la yidhi xeebta somaliland ayey ciidamo hubaysani ka soo degeen kuwaas oo sidii la yidhi ahaa ONLF waa iyaga iyo alahoodee kuwaas oo si qunyar ah xeebta gawaadhi rer somaliland leeyihiin lagu daadgureeyey oo weliba si sahlan oo qunyar ah dalka iskaga sii dhex mushaaxay oo intay iskasii taxtaxaasheen iskagasii nas-nastay damalada hadhka wayne dalka ku dhex yaal kuwaas oo sidii la yidhi u sii-gudbay ETHIOPIA halkaas oo ahayd meesha ay ku jihaysnaayeen kuna socdeen, waxa la sheegay inay nimankaasi tababar milatari ama jabhadayn ku soo qaateen dalka ELETARIYA dalkaas oo xurguf siyaasadeed iyo dagaal hoosaad ka dhexeeyo dalka dariskeena ahe itoobiya.

 

 

 

 

 

Sikastaba ha ahaatee iyada oo aan ciidamada somaliland aanay arag maleeshiyadaa hubaysnayd wax maxaabiis ahna ka qaban ayey hadana sifaha intaas leeg iyo weliba hub iyo lacag iyo waraaqo la yidhi maleeshiyadaa lahayd la soo bandhigay, cajiib hubka garanay oo waxa u badnaa qumacyo BAASUUKE kuwaas oo laynoogu sharaxay inay qaadi keri waayeen. laakiin qoriga Aakaha ah ee la moodo inuu maaraystay miyey qaadi kari waayeen mise qoryo dheeraad ah ayey siteen halkaas su'aal baa ku jirta.

Midakale waraaqaha dekumateriga ah ee lahelay ma markay nasanaayeen ee ay shaahaynaayeen ayey ka dhaceen ileen niman jabhad ah oo wadan kale sii dhex marayaa marka horoba waraaqo ma soo qaadanaayaane ileen si hadii uu 'opration'ku u fuli waayo ay dadkooda dacal uga raacaane. Mida kasii darani waa lacag ayaa laga helay goobtii ay ku sii nasteen!

waa dhako kale nimanku way qarashaysnaayeen mar hadii lacagi ka qubanayso, Laakiin maxay doolar u soo qaadan waayeen ee lacagta eletariya ee aan somaliland laga qaadan itoobiyana laga qaadan jeebabka ka soo buuxsanaayeen maxayse uga dan lahaayeen dhuumasho ayaanu dal ku sii dhex maraynaa anakoo malayshiyo dal kale ku duulayna ah hadana geedka aan fadhiisano goobta aanu marnaba waraaqo cadaynaaya cidaanu nahay xagaanu kanimi waxaanu u socono ayaanu meel walba ku sii qubaynaa.

Waa wax iska sheeko khayaali ah iyo waxaan ruux cagli iyo garaad leh lala hor imankarin.

 

mida kale dalkaa somaliland intii ay ka soo degeyeen iyo intay sii dhex mushaaxaayeen iyo intii ay ku sii nasanaayeen qof arkay muu jirin wax dirays sitoo ah boolis ama milatari somaliland ah oo xitaa tuulooyinkaa agaa ka dhow joogaa ma jiraan waa arin lala yaabo oo weliba sheegistiisana laga yaqyaqsado.

Hadaba biyo meel godon bay iskugu tagaane sida wax u jiraan iyo sawirka layna tusaayaa waa laba wax oo kala fog,

inkastoo dhici karto inay ka dhabtay labadeena taliye ka xooga dalka iyo ka amaankaba sida ay hadalka u dhigayaan, waana ayaan daro kaloo inagu habsatay .

Anigu waxaan aaminsanahay arinku inuu yahay damac itoobiyaan oo dowladeenuna ladoonanayd oo dee hooya leedahay!.

Waa mide Damaca itoobiyaan waxa weeye dal aan lahayn bad iyo deked toona una baahan meel ay wax kala soo degaan inaydin la socotaan mooyaane war murtiyeed maalin sii horeysay ka soo baxay itoobiya ayaa lahaa WAXAANU KAFAALAD QAADAYNAA AMAANKA SOMALILAND bal hada day maxaa xigay arinkan maleeshiya hubaysan baa xeebta somaliland ka soo degay oo ku soo socday itoobiya waa si ay u yidhaahdaan xeebtaa badacas iyo magaaladaa taariikhiga ah ee SAYLAC ayaanu saldhig ka samaysanaynaa oo aanu degaynaa si aanu cadowga hadaanu nahay itoobiya nooga imanaaya iskaga hor joogsano hadaad somaliland aad tihiina aanu idin ka ilaalino oo aanu idiin maamulno wadankiinan aydan maamuli karin iyo qooriga xeebtan dheere aydan dhowrankarine laydinkaga soo dhacaayo , ''waar ileen badba miyeynu bahal ka filaynay'' oo weliba magaaladaa saylac dekedeedana anakaa boodhka ka jafandoonoo wax kala soo degi doonee noo-haneeya.

Kaasi waa damacii itoobiya!!.

 

Waxa jirta in dowladeena somaliland ay damacaa itoobiya iyana la doonanaayeenboo dee hooya ay leeyihiin waxaana u daliila marka uu wasiirkii arimaha gudaha ee somaliland iyo taliyihii xooga dalka somaliland iyo taliyihii booliskuba ay wada yidhaahdeen qooriga xeebta somaliland waa mid dhererkeedu aad u dheer yahay waana mid aanu sugi kari la nahay ilaalinteeda iyo ka war haynteeda toona mar hadii wasiirkii sidaas yidhi oo taliyihii xooga dalka somaliland yidhi ciidan ilaaliya oo difaaca ma hayo oo kii boolisku yidhi amaankeeda sugu kari mayno sow markaa noqon mayso ITOOBIYAAY kaalay oo dalkayaga somaliland kaalay oo xeebtayadan kaalay oo bad la'aan baa ku dishee kaalay qoorigan dayacan qaadoo dekedahan burburee bulaxaar berbera lughaya ilaa saylac adigu soo degoo askartaada iyo afooyinkay qabeen iyo weliba ubadkooda soo dejiyoo dalka nala qaybsada wuu nagu batee.

Itoobiyana damacii ay lahayd mar hadii dubaha loogu dhuftay oo dawladii odhan lahayd laba dal oo dari ah baynu nahee xidheedh ha inoo dhaxeeyo se yaynaan is hunguray se hadii iyagu sii hor boodaan waa sida xaalku hada yahee damacii itoobiyana dareensiiyaan inuu u meel maraayo sow afkala qaad maaha.

Iminka askartii itoobiyaanka ahaa waxa ay ku sugan yihiin gudaha dalka somaliland oo ay kula dagaalamaayaan malayshiyo sheeko mooyee shaahid ayna rer somaliland ku arag iyadoo cidi amar siinina dalka way soo galeen wax howgal labada dal waa itoobiya iyo somaliland ay wada fulinayaana majiro aan ahayn itoobiya oo leh ciidan xeebtiina nagaga yimid ayaa buuraha dacalka xuduudkiina xiga kujiroo aanu ka saaraynaa wax maxaabiis iyo wax mayd iyo wax dhaawac ah oo midnaba loo soo gudbiyey dhanka somaaliland haba yaraatee ma jirto. Markaa TIMIR LAFBAA KU JIRTA .Talaabada tan xigtee itoobiya qaadaysaa waxa weeye xeebtaa somaliland ayaanu degaynaa si aanu cadawga iskaga ilaalino ileen dowladii somaliland way noo qireen inaanay ilaalin kareen xeebtoodee iskadaa cadow dhankooda nagaga imanayoo naga horjoogsadaane iyagaan somaliland is ilaalin karayn markaa waxa itoobiya ka go'an inay ku hor fadhiisato afaafka ay leeyihiin cadow ayaa nagaga imanaaya halkaas oo noqonaysa xeebaha dalka somaliland. waxaynu sugnaaba waa ruqaansiga itoobiya.

 

balse maxay idinla tahay dadwaynow ?

 

wabilaahi towfiiq.

qalinkii fuad fartaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

September 17, 2010

 

Somalidiid Security Descends to its Lowest Level

 

harowo.com

 

It is reported that more than one thousand (1000) Ethiopia soldiers have entered Awdal region of Somaliland for the last few days in response to the news of ONLF rebels in the region who entered the country due to lax security by the Somaliland forces . The soldiers have come to search the mountains where more than 300 rebels are reported to be hiding.

 

 

This is the first time that Ethiopian troops entered the western part of Somaliland and is a significant embarrassment for the government lead by Silanyo. The fact that between 300-700 OLF fighters came to Somaliland territory and have crossed to Ethiopia as reported by the local news websites is the first sign of the drastic decline in Somaliland security since Kulmiye took over the leadership of the country.

 

Although ONLF denied these allegations and the Ethiopia claimed the killing of more than 123 ONLF rebels, the matter is a major concern for Somaliland security.

 

While the previous government has put much emphasis in securing Somaliland borders, the current government seems to have spent much time and effort in settling scores with UDUB and removing civil servants that worked under the previous government from their jobs - therefore neglecting the security of the country. This kind of purge has also demoralized the public who have always kept vigilance of any intrusion in their neighbourhoods and has created loop holes in the general security situation of the country. Co-operation with our neighbourly countries soon became less important.

 

There is also an already existing rift between Ethiopia and the new Somaliland government both on security and political issues as the Ethiopians suspect that some of the newly appointed Somaliland cabinet ministers are pan/Somalists and have relations with Al Shabaab of Somalia. This recent incursion of rebels into Ethiopia through Somaliland will put further strain into an already stretched relationship between the two countries.

 

The current Somaliland government has shown ungratefulness for the humanitarian gesture that Ethiopia gave to the fleeing ***** refugees from the bombardment and genocide of Siyad Barre. Dul Ad (DulCad) was the biggest refugee camp and the point of survival in Ethiopia for the people of Somaliland during the last days of the war against the dictatorship of Siyad Barre in 1991.

 

The Somaliland minister of foreign affairs has said few days ago before his departure to Kenya along with a delegation of 5 ministers: Quote “that the recent incursion into Somaliland by the ONLF rebels doesn’t taint the name of Somaliland and that Somaliland is ready to crush any group trying to infiltrate into its territory.”

 

The explosion that targeted a Somaliland minister in Hargeisa today shows how lax the security in the country has gone down to its lowest level since the election of Kulmiye government. This is an alarming situation for the peace loving people of Somaliland. It is a situation that calls for the attention of the people of Somaliland to voice out their alarm about their security concern which requires immediate attention to close the security loop holes that has recently emerged in the country. Otherwise SSC and Al-Shabaab may follow the same footsteps of the ONLF rebels.

 

By M. A. Ali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ciidama 300 gaaraya oo ka goostay Uruurka SSC sheegayna in aysan ka mid ahayn Uruurka

 

 

(Widh Widh ) RBC: Ciidama gaaraya 300 oo asgari oo ka tirsanaa Uruurka SSC ayaa la sheegay in ay Uruurkaa iskaga baxeen sida uu Cadeeyay Yaasiin Xirse Faarax oo ahaa sargaal ciidamadaa ka tirsanaa oo waraysi siinayay warabaahinta Magalada Garowe .

 

Sargaalkaa ka tirsanaa Saraakiisha Uruurka SSC ayaa sheegay in ciidamadaa tira ahaan gaaraya 300 oo asgari ay Uruurkaa maanta iskaga baxeen kidib markii ay ******** in Uruurkaa uu ahay mid kala dhantaalaya Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

 

“ Aniga iyo ciidan gaaraya 300 ayaa ka baxay uruurka SSC, waxaana uga baxnay markii aan ogaanay xaqiida dhabta ah ee jirta, oo ah in Uruurkaa uusan ahayn mid in uu Gobaalo xureeya raba, balsa uu yaha hadafkiisa in Puntland uu kala dhantaalo” sidaa waxaa yiri Yaasiin Xirse Faarax.

 

Yaasin ayaa sheegay in aay iminka asaga iyo ciidan uu hugaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka Balacade ee degmada Widh Widh hoos yimaada, waxuuna sheegay in degmadaa Widh Widh oo gacanta uu ku hayo Maamulka Soomaliland ay ka saari doonaan .

 

Degmada Widh Widh ayaa muda dhoor maalmood laga joogo waxaa xoog ku qabsaday Maamulka Soomaliland Ciidama ka amar qaata waxuuna sargaalkaa arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyay Uruurka SSC sida uu hadalka u yiri .

 

Uruurka SSC ayaa muda sanad ku dhawaad ah dhisan waxaana ururkaa lagu dhisay Magaalada Narobi ee Dalka Kenya hasayeeshee dhoor jeer oo hore ayay dhacday in khilaaf nuucaan ah soo kala dhaxgalo beelaha ku midasan Uruurka .

 

RBC NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this