Sign in to follow this  
Jacaylbaro

HUGE EXPLOSIONS IN HARGEISA

Recommended Posts

Emperor   

argeysa iyo Khasaarihii 3 goobood ee la weeraray

 

Horseed Media

Hargeysa, Somaliland

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay qaraxyadii halkaasi ka dhacay ay sii kordhayaan ayadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 19 qofood oo isugu jira dad rayid ah, askar iyo waliba mas’uuliyiin.

 

hargeysa_qarax1.jpg

 

Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu gaarayo illaa iyo 100 ruux.

 

Qaraxyadan ayaa lala beegsaday sadex xarumood oo kala ah:

 

1- Madaxtooyada

 

2- Xarunta Safaarada Itoobiya

 

3- Xarunta UNDP ee Hargeysa

 

Sadexdaasi goobood ayey khasaaro baaxadleh ka dhasheen kadib markii halkaasi lagu qarxiyey sadex gaari oo nooca Surfaha loo yaqaan ah oo lasoo saaray bambaanooyin isla markaana ay wadayaal ka ahaayeen rag naftood hurayaal ah, sida ay ciidamada booliiska xaqiijiyeen.

 

Weerarkan oo asaguna lamid ahaa kii ka dhacay magaalada Bosaaso isla maanta ee lala beegsaday xarumaha PIS ee sirdoonka Puntland, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in khasaaraha ka dhashay magaalada Hargeysa ay ka badan tahay kuwa laga soo sheegayo magaalada Bosaso.

 

Madaxtooyada Hargeysa

 

Xarunta Madaxtooyada ayuu khasaare xoogleh soo gaaray dadka halkaa ku dhintayna waxaa kamid ah Xoghayntii khaaska ahayd ee Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale, ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Cali Ciid iyo xubno kale, ayadoo aan faah faahin dheeraad ah weli laga bixin si dhameytiran khasaaraha halkaasi ka dhacay mas’uuliyiinta kale ee wax ku noqday.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka Madaxtooyada ku dhintay uu ku jiro Taliyihii ciidamada Madaxtooyada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Abokor Sulub. Waxaa asaguna dhaawac soo gaaray mid kamid ah Taliyayaasha Sirdoonka maamulka Somaliland.

 

Askarta illaalada ka ah xarunta Madaxtooyada ayaa tiro badan ay ayaguna ka dhimatay qaraxaasi kadib.

 

Safaaradii Itoobiya ee Hargeysa

 

Sidoo kale xarunta Safaarada itoobiya ee magaalada Hargeysa ayaa ah goobta uu ka dhacay qaraxa ugu xooga badan, waxaana la sheegayaa in ay halkaasi khasaaro badan kasoo gaareen dad badan oo halkaasi ka ag dhawaa, sidoo kale qaraxa ka dhacay nawaaxiga xarunta UNDP ayaa asaguna ahaa mid xoogbadan.

 

Xarunta Itoobiyaanka ku lahaayeen magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ay burburtay kadib markii uu halkaasi ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah.

 

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa loola kala cararay xarumaha caafimaadka, ayadoo dhakhatiirta caafimaadka ay sheegeen in ay weli wadaan tirakoob guud oo ay ku baarayaan khasaaraha inta uu la eg yahay.

 

UNDP

 

Hay’ada UNDP ayaa qoraal deg deg ah oo ay kasoo saartay weerarkii xarunteeda Hargeysa lagu qaaday ku sheegtay in 10kii subaxnimo saaka uu gaari si xoogleh kusoo galay xaruntaasi, kaasi oo kadib halkaasi ku qarxay.

 

Hay’ada ay xaqiijisay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawaco halkaasi ka dhashay, balse ka gaabsatay inay hada shaaciyaan tirada rasmiga ah ayagoo sheegay in hada ay weli wadaan baaritaano iyo tirakoob.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar kamid ah Saraakiisha UNDP ee Hargeysa ay halkaasi ku dhinteen.

 

Magaalada Hargeysa ayaa laga dareemayaa xiisado xoog badan ayadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay qaraxyo noocaan ah ka dhacaan magaalooyinka Bosaso iyo Hargeysa oo markii ugu horeysay ay ka dhaceen qaraxyo isla socda oo halmar la fuliyey, isla markaana loo adeegsaday bambaanooyin ay wateen dad naftood hurayaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tragic news, May Allah give mercy to the dead and strength to their families.

 

Car bombs in Hargaysa? Thats is madness and no reason can be given for such action.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

Is there any Axmaaro dead? JB? Arintaa ii soo ogow. Inta kale, ilaahay naxariistiisa haka waraabiyo. Somaliland and Puntland wey ku socdeen jidkaas. For how long, will trade in innocent people be allowed to continue?

Abtigiis se ka noqotey?

JB glad you are ok sxb....inti ku dhimatey Allah u wada naxaristo amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking News:Saraakiil & Masuuliyiin ku dhimatey qaraxyadii Hargeysa

 

Waxaa wali isa soo taraysa qaraxyadii xoogaana ee saaka ruxay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka la magac baxay Somaliland, waxaana la xaqiijiyey in qaraxyadaasi ay ku dhinteen saraakiil iyo xubno ka tirsan madaxtooyada maamulka Somaliland.

 

Dadka ilaa iyo hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa ka mid ah Xogheyntii gaarka aheyd ee Madaxweynaha Somaliland Daahir Cali Ciid, Taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Somaliland iyo waliba xubno kale, waxaana guud ahaan tirada dadka ku dhintey qaraxyadaasi la soo sheegayaa inay gaartey 20 qof, halka dhaawacuna uu ka badan yahay 30 qof, iyadoo laga cabsi qabo inay kordhaan tirada dhimashada.

 

Dhinaca kale waxaa soo baxaya wararka ku aadan nooca uu yahay gawaarida loo adeegsadey qaraxyadaasi, waxaana la sheegay inay ahaayeen 3 gawaarida Toyota SURF kuwaasi oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa, isla markaana ay wateen dad naftooda biimeeyey, isla markaana ka mid noqdey dadka qaraxyadaasi ku halaagsamay.

 

Warar dheeraad ah kala soco SBC Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by NGONGE:

The plot thickens! Deportations-R-US!

What do you mean or are you just being your usual cold hearted self?

 

Sabir iyo Iman ba lo baxanyaxe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Inna lillah waa inna illahi rajcuun. Allaha uu naxariisto.

 

Tragic indeed,but is this a surprise? I am not saying I was expecting this but definetly this was inevitable, it was only a matter of time chaos was gonna reach the North.Let's hope this be a one time off incident.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

The plot thickens! Deportations-R-US!

Co-sign. That's the only measure. If it was up to me I will send everyone back to where they came from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Thank GOD,its not up to you or Ngonge for that matter.

 

When in your strange thinking,what do you mean send every body to where they belong, do you mean every clan to his little tuulow? How simple minded!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Allaha u naxariisto.

 

But there is a strategy behind the choice of locations:

 

1. Presidential lodge in Hargeisa, the "presidential palace" being referred to if you missed it, where Riyaale resides, I cannot elucidate the benefits of the death of this man as they are too many.

 

2. Secret Service headquarters in Bossaso, a group of torturers who are "funded" to conduct anti-terrorist actions in puntland, which means they are mere bounty hunters.

 

3. Ethiopian Mission in Hargeisa, the nexus of the Ethiopian intelligence service in the north dedicated to the locating and abduction of Oromo's and Kilinka 5aad Somalis that may have made the blunder of seeking refuge among those they felt they could find refuge with.

 

Not to down play what has happened but Somalia and the Somali struggle is certainly not limited to the south of gaalkacayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Malika:

^Thank GOD,its not up to you or Ngonge for that matter.

 

When in your strange thinking,what do you mean send every body to where they belong, do you mean every clan to his little tuulow? How simple minded!

Simply put, the end justifies the means. Go to Puntland where they have Somali "Unity" and is "Safe".

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Khayr:

quote:Originally posted by NGONGE:

The plot thickens! Deportations-R-US!

What do you mean or are you just being your usual
cold hearted
self?

 

Sabir iyo Iman ba lo baxanyaxe
Did you want me to write samir eyo iman to ease the blow, saaxib? I just don't do online condolences. Makes me feel all false and affected. As for what I meant, I was actually talking about the repercussions of these explosions. What do you think will happen?

 

(and no, I was not passing judgment. Merely speculating).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malika,

 

I am sorry to say but this did not come as a surprise! I always viewed Somalia as a one single house. It was the master bedroom that has been engulfed with fire for the last years. That the other rooms would at one point catch the fire was inevitable in my mind if a holistic resolution is no found soon!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this