Sign in to follow this  
Juje

Boqor C/llaahi Boqor Muuse - loo soo doortay Xoghayaha Guud ee Boqorrada Afrika

Recommended Posts

Juje   

Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku soo laabtay Puntland isagoo loo soo doortay Xoghayaha Guud ee Boqorrada Afrika

 

index.54.jpg

 

Sabti, September 26, 2009(HOL): Boqorka C/llaahi Boqor Muuse oo ku maqnaa ka qeyb galka shirka Boqorada Afrika ee ka dhacay dalka Libiya ayaa dib ugu soo laabtay Puntland, gaar ahaan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaas oo uu iminka ku sugan yahay.

Waxa uu boqorku ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim ee magalaada Boosaaso intii uusan u gudbin Qardho, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirasan xukumada Puntland,Salaadiinta iyo nabadoonada gobolka Bari.

Boqorka ayaa intii uusan Qardho aadin wuxuu khado sharaf ugu sameeyay Hotelka Panarama ee ku yalaa magaalada ganasicaga u ah Puntland ee Boosaaso dhamaan Oday dhaqameedyada, Salaadiinta Iyo Nabadoonnada gobolka bari, halkaas oo uu warbixin ku saabasan kulankii uu ka soo qeyb galay ku siiyay.

Waxa uu Boqor C/llaahi sheegay in loo soo doortay xog-haya guud ee Boqorrada Qaarada Afrika, isla markaana uu gobolka dib ugu soo laabtay sidii uu qeyb weyn uga noqon lahaa dib u heshsiinta labada beelood ee isku haya Ufayn, sida uu Afhayeenka Isimada Gobolka Bari Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi u sheegay HOL mar ay uu waraysi siinayay.

Afhayeenku waxa kaloo uu si toos ah u sheegay in uu Boqorku markiiba u gudbay gobolka Karkaar magaaladiisa Qardho uuna dib ugu soo laabanayo gobolka Bari si uu arinta Ufayn kulan gaar ah ugala qaato beelaha ay khusayso oo mid ka mid ah masuulkoodu uu ku maqan yahay Dalka Iskutaga Imaaradka Carabta gaar ahaan Dubia.

Dhanka kale waxaa isna warbixin kooban HOL ka siiyay imaatinka Boqorka Afhayeenka nabadoonada gobolka Bari Nabadoon C/casis Afgaduud oo isaguna ka qeyb galay khado sharaftii uu boqorku u sameeyay Oday-dhaqameedyada iyo Salaadiinta Gobolka Bari.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay boqorka warbixin ka siiyeen xaaladda guud ee gobolka halka ay haatan marayso, waxaa kale oo uu nabaddoonku hadalkiisa raacshay in ay boqorka ugu hanbalyeeyeen xilka qaaliga ah ee loo magacaabay iyo in ay taageersan yihiin ka nabaddoono ahaan mowfiqka uu Mucamar Al-Qadaafi iska taagay burcad badeedda Soomaaliya ayna soo dhawaynayaan xilka loogu doortay Mucamar Al-Qadaafi in uu noqda Boqorka Boqorrada Qaaradda Afrika.

Imaatinka Boqorka Puntland ayaa ku soo beegmayasa xili uu madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ku sugan yahay magaalada ganasicaga u ah Puntland ee Boosaaso, halkaas oo uu u tagay xalinta iyo nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ufayn.

 

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online

maxamedroyter@hotmai l.com

Garoowe, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

excellent news. I always knew he was king of somalis, because recently all the tribes of somalis from jabuti, nfd, hargeisa, and all somali cities acknowledged that boqor muse is the king of somalis in the international stage.

 

Infact they recognized themselves as wakiil to boqor muuse which i posted that article before in this political section a week ago.

 

But this confirms who is really ROYALTY and who is not. thanks for the update

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Cawke, The whole thing was funded by the dictator Qaddafi so that he could call himself the King of Kings in Africa at the coronation ceremony.

 

There were several powerful sultanates in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

walahi i dont know were these guys get their news from, a puntland so called king, voted the king of africa .... looooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo ooool !!!

 

wow, talk about disney land !

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It seems like you are having another bad day as more good news comes out Puntland. Boqor Abdullahi is a traditional King, his title and position is respected throughout Somalia. Good luck to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

loooool, think whatever you want saxib, i am still laughing at this and how you came to this funny conclusion. Respected throughout somalia??

 

i dont think so, respected in puntland maybe, nobody knows him outside of bosaso.

 

 

looooooool !

 

anyways peace out, these guys make me laugh walahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gaarodi, the news was from hiiran.com one of the more reliable somali news media and also not bias.

 

You can verify that boqor muse is king of kingz.

http://hiiraan.com/n ews/2009/Sept/warark a_maanta26-7608.htm

 

Their was other article on horseedmedia a week ago where hargeisa, hamar, djibouti, and every city of somalis sent wakils to accompany boqor muse. Even boqor burmadow was titled "wakiil". You can verify that here.

http://horseedmedia. net/2009/09/waxaa-ma anta-si-gaar-ah-loog u-soo-dhaweeyey-maga alada-tripoli-ee-caa sumada-libya-wafti-u u-hogaminayo-boqor-c abdullahi-boqor-muus e-boqor/

 

Your boqor bur madow was titled wakiil only. And hiiran verifies that boqor abdullahi muse is king of somalis. So what you mean where we get these news from? You are just jealous sxb that is all.

 

But these are real news, either love it or hate it. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

looooooooooooooooooo oooooooooooooooooool , jealous of what saxib, your so called king of africa.

 

 

HA HA HA HA HA AH AH AHA HAH !

 

dont make me laugh, who is burmadow !! he is nothing !

 

look up the history of SULDAAN DIRRIE ... THE FIRST HISTORICAL KING OF SOMALI'S, THE MAN WHO WENT INTO THE MIDDLE OF THE RED SEA ON A BOAT AND TOLD THE BRITISH IF YOU WANT TO COME ON MY LAND SIGN THESE TERMS,

 

- YOU CAN NOT HAVE CHILDREN ON MY LAND

- YOU MUST RESPECT THE RELIGIOUS CUSTOMS OF MY LAND

- YOU CAN NOT BURY YOUR DEAD ON MY LAND

- YOU MUST GO THROUGH ME, BEFORE MAKING ANY DECISION

 

AND YOU KNOW WHAT THE BRITISH DID, THEY SIGNED THESE TERMS.

 

THE FOUNDER OF THE CITY OF HARGAISA, SULDAAN DIIRIE,

 

NOW TELL ME WHAT YOUR SO CALLED KING OF AFRICA DID,

 

LOOOOOOOOOOOL!

 

 

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOO OOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

My king of africa conquered the jubba and hobyo and even had a few clans war wth each other in berbera for him. He traded with zanzibar, oman, and arab countries. He is the only king in somali history to have trans-border trade route.

 

Secondly my king is the recognized king of somalis, can we say the same for your clan-elder or boqor?. And suldaan diirie signed treaty? where do you get this from?

 

This is how the british treated you.

 

duudxamal1.JPG

Source:British somaliland.by Ralph E. Drake-Brockman, 1912

 

And just like today the world continues to ignore you, because you are not important.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Ahaan jirey, waxaan ka wacan waxan baan hadda ahay ama haystaa. Soomaali baa tahay, Soomaali kalena kaama liito. Iska ilow fikirkan aan fiicneyn ee reerkayagaa reerkiina ka fiican. Anaga oo idil Soomaali baynu nahay, isku mid baynu nahay. Wax faraq ah oo Salaadiinteena, Malaaqyadeena, Ugaasyadeena, Nabaddoonadeena etc u dhaxeeyaa ma ay jiraan.

 

20-sano ayaanu dhib iyo jab dhex taagana, sababta keentay oo fikirka noocan oo kale ah. Allah-ha ku tuso inaad ka weynaato, walaal.

 

Waxaan rajeynayaa inaanan kugu xadgudbin, umana jeedin, ujeedkeyguna maaha inaan ku daandaansado ee markaan arkay qoraalkaaga ayaan go'aansaday inaan ka jawaabo qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this